We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Thursday, February 15, 2001 - 04:17 am A/caleeykum walaalayaal, waxaan halkan ka baafinayaa guud ahaan shaqaalihii Bankigii dhexe ee soomaaliya gaar ahaan kuwii xaruunta muqdisho. Aniga magaceeyga waa Mahad Ahmed Hassan,waxaan daganahay magaalada london, waxaana ka codsanayaa cidii kawar heeysa in aay igala soo xiriiraan boggan. Aniga waxaan ka shaqeeynayay qeybta xisaabaha guud, markii dambana waxaa ka shaqeeyay qaybta xogheynta bankiga. A/caleeykum.
|
| | Thursday, March 29, 2001 - 07:13 am walaal waa lagu salaamay waa shaqaalihii bankiga dhexe waxaan ka shaqyn jiray xafiiska xisaabaha guud qaybta hoose magaceygu waa c/llahi maxed barre waxaan hadda joogaa xamar waxaana dhawaan la magacaabay gudoomiyaha bankiga dhexe, fadlan waxaan qiyaasayaa inaan ku garanaayo wixii aqbaar ah igugu soo dir cirbad@somalinternet.com sidaa iyo nabadgelyo
|
| | Thursday, April 12, 2001 - 08:53 am Aniga waxaan ka shaqeynayay bankiga dhexe qaybta arrimaha dibadda waxaan ku noolahay waddanka Sweden. Haddii Maxamud Culusow oo Cayr ah loo magacaabay Bankiga Dhexe oo aan waxba ka ogeyn, siduu Bankiga dhexe u howlgalayaa, aqoon miyuu u leeyahay IMF & World Bank.
|
| | Thursday, April 12, 2001 - 11:53 am A/caleeykum,saaxiib Cabdulaahi Maxemed Barre aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay in aad nabad qabto oo aad joogto xamar,waxaan kuu soo diray email ilaa hadan jawaab kaama helin. Aniga waxaan ahay nin si fiican aad u garaneeyso,haddii aad igu wareerto weeydii saaxiibkaa Majabe oo qeybtiisa aan ka shaqeeyn jiray. Saaxiibka kale waa Maxamuud,runtii ilaa hadda maku xasuusto,inaan ku aqaana waa wax lahubo. Aniga sannadkii u dambeeyay waxaan la shaqeeyn jiray Muxubo Cali Cumar oo madax ka aheyd qeybta xogheynta,adiga waxaan u maleeynayaa in aad la sheeyn jirtay Zina, laakiin saaxiib waxaan aad uga xumahay in aad bogaan oo aan ugu talo galnay in aan ku kala warqaadano hadaan nahay shaqaalaha Bankiga Dhexe aad siyaasad iyo qabiil soo galiso,si kastaba xaaladu ahaato e,waxaan kuu rajeeynayaa caafimaad iyo barwaaqo.
|
| | Friday, April 13, 2001 - 08:41 am Zina sa fiican aan isku naqaan waana wada shaqeyn jirnay. Middeeda kale siyaasad aniga meesha ma aan soo dhex gelinin, waa C/llahi Barre ninka siyaasada meesha dhex keenay. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya marnaba lagama yaabo inaan dib ugu shaqeeyo inta Cayr & Habergedir ay u oleleynayaan in Bankiga laga dhigo goob Habergedir ay leedahay oo dad aqoon iyo xirfad bankiga aan u laheyn rabaan inay na maamulaan.
|
| | Friday, April 13, 2001 - 10:31 am A/caleeykum,saaxiib Maxamuud waa lagu salaamay,runtii kuma xasuusto wali laakiin waa hubaa in aan ku garan lahaa haddii aan ku arki lahaa. Saaxiib runtii waa ayaan daro iyo wax laga xumaado in aan ka wada hadalno isla markaana isku qilaafno arrimihii dalkeenii naga soo qixiyay oo in aan xasuusano ama is-xasuusino aaysan habooneeyn,haddii Bankiga loo dhiibo Culusoow iyo haddii loo daayo Camaloow midnaba maahan shaqo anaga nootaala,waayo waad ogtahay in Bankigu siyaasada ka madax banaan yahay,haddii marka rag kale siyaasad soo galiyeen arrimaha Bankiga, ilama qurxoona in aan kawada hadalno, waayo waxba kama badali karno, anaga walaalaha ahna waan ku kala dhiman karnaa, sidaa darteed saaxiib waxaan kaa codsanayaa in bogaan aan u isticmaalno in aan isku wareeysano isla markaana isku baafino.A/caleeykum
|