We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 23, 2001 - 02:27 am Aniga oo ah Mahdi Farax Aden (Mahdi Ghandi) kana mid ahaa cayaartoydii kubbda cagta ee gobolka Awdal, waxaan hayaa mashruuc sport oo rabno in laga hirgaliyo Gobolka si da'yarta soo koreysa loogu jiheeyo wakhtigooda firaaqada ah sport waxa aan u bandhigay madax ka tirsan Gobolka iyo dhalinyarro,aqoonyahano , cuqaal iwm in aan dhisno Garoomo cayaaraha fudud ah iyo Tenisbal. Anniga oo adeegsanaya waayo aragnimo aan u leehay sportiga. xag cayaareed iyo media waxaan ogaadey in kubbda cagta ay Somalidu ay rajo ku laheyn, sida: tamarta,Jidhka, iyo ku dhiiri galin la'aan. Sportiguna wuxuu u kala baxaa labo qaybood 1.Group 2.Induvitual group: waa sida Footbal, basketbal, volleyball, etc. Indu: waa athletico, tenis, swimming,etc si mustaqbalka ay u noqdaan kuwo keli keli ku matala dalka iyo dadkaba sumcad iyo sharafna u yeela gobolkii ayka yimaadeen sidaa.Gebri salase,iwm hadaba sportiga kelikelida ah ayaa ugu qiimo badan lacag iyo schoolership lagu helo. madaxda jaamacada camuud aad bay u riyaaqeen hay'ado ajaniya ama wadanka aan joogo ee Holland waan kawada hadalney waxaan u sameynay account gaar ah.qalab, macalimiin iwm waxaan kawda hadalney hay'daha samafalka. hadba hadii aad xiiseynayso ka qayb qaado mashruucan . m.farah@wolmail.nl
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 23, 2001 - 11:56 am taasi waxey noqon next step oon qaadno faaiido badana way u yeelan dhalinteena yaryar ee soo kaceysa intey ka sheekeysan lahaayeen qabiil iyo waxan loo bahanayn haku mashquulaan sportka mar kaa walaal waa ficrad fiican ilaheyna ha kula garabgelo ee hawsha halkaa ka wad dadkeenuna waxba kugu diidimaayaan waanu ku garabgeli hiil iyo hooba hawsha halkaa ka wad by,,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 23, 2001 - 07:47 pm To; sportsman... runtii waa fikrad aad u wanaagsan oo wax tar u leh dhalinyarteena gobalka fa'iida wayna u keeni doonta mustaqbalka markaa anigu shakhsi ahaan tayda aad ayaan kuugu taageer sanahay waanan kugu taageeri doonaa wixii awoodayda ah ee aan qaban karo..waxaanan ilaahay kaaga baryayaa in uu ilaahay hawshan kuu fududeeyo..amiin----amiin....amiin... hakana niyad jabin haday wax ka socon waayaan .sobobtoo ah wax walba wuxuu u baahan yahay sabir iyo in aad wakhti ku bixisid...hawshan aad qabanaysana waxaad wax u qabanaysaa dadkaagii ...aad ka dhalatay..hadaad ku guulaysatana aduun yada magac iyo sharaf ayaad ku yeelan Aakhirana ilaahay ayaa kaa abaal marin waxaad u qabanayso dadka iyo sida aad u caawianaysid dad kaaga . so markaa waxaan kuu dar daarmayaa in aad dadaal kaga halkaa ka sii wadid...insha-allah wayna suura galidoontaa.amiinnnnnnnnn..amiinnnnnnnnnn.amiin.. till next time take care u self.. and have good luckly.with your dadaal kaaga .. bye AUSIE BOY....AUSTRALIA..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 26, 2001 - 08:46 am Waa arrin macquul ah illaahey hakugu garab gallo wixii dadka dan uh mustaqbalka waa dhaxal ma guuraan ah. aadna waxaad sharaf iyo sumcad ugu laheyd garoomada kubbada cagta marka la isku arko. waana hawl kuu qalanta, saaxiibow dadka aqoonta kuu lahi way ku ogyihiin firfircoonida , edebta iyo dadaalkaaga weyn. waana aragti aad u fog. Hiil iyo hooba waa lagula ag-joogaa Insha-Allahu
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 27, 2001 - 07:31 pm ku:mahdi gandhi marka hore waxa aan kaaga mahadcelinayaa figradaada wanaagsan,waxaanan aaminsanahay in cayaaraha gruopska lagaga hor maray somalida hadaba in aan dhinaca kale jaleecno waa wax loo baahanyahay,marka barnaamijkan aad soo bandhigtay ma mid nawada khuseeyaa hadii aan nahay degaanka si loo kobciyo sportiga mise waa mid khaas ah,aniga oo runtii ku hadlaaya magaca dhalinyarta reer lughaya.mahadsanidin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 28, 2001 - 01:57 am To;MUSSA Saaxiib annigu waxaan doonayaa in dhamaan da'yarta Somaliyeed oo dhan la gaadhsiiyo iyo Gobolka oo dhan.gaar ahaan ciyaaraha fufud Athletico. oo aad dadka Afrikada BArri( East Africa.) ay aad ugu fiican yihiin. taasna waxaa ugu wacan dadka ku nool Dhamaan deegamadaas. markii la sameeyey Baadhitaan xaga caafimaadka ah waxay dhakhaatiirta wadanka Holland iyo Denmark ay cadeeyeen in Dhiiga Somalida, Kenyati, Ethiopian, Djiboutian,Tansani, Zansibar, Uganda, Ruwanda, Brundi. uu ku badan yahay Oxygin.oo dhiigoodu qaato hawo aad u badan taasna dhaliso in daalitaanku ku yaryahay. Marka aan soo qaadano. gebri salase,Aba bakile, Ahmedsaleh, Abdi bileh iwm. Annigu laftaydu ma ihi reer Boorame waxaan ahey wiil laga soo xulay Boon wakhtiyadaas kubbada cagta ee ciyaarihii gobolada. Iyo wiil walaalkey ah oo geeriyooday Allaha u naxariistee Jamaal waxaan markii dambe u ciyaari jirrey kooxdii kubbada cagta WANG .Djibouti Meeshaad rabto joog waa in caruurteena laga arko aduunka iyo jaraa'idka. mustaqbalna ay yeeshaan. Tusmo iyo Tusaalena u ahaato Afrikada. Don't stop til you get enought
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 13, 2001 - 02:42 pm To:mahdi gaandhi. fikradan ku saabsan spoortiga awdal waa arin loo bahnaa jamacada ka dib madama aad adigu aqoon dherada u leedahay qaybaha kala duwan ee ciyaaraha diyaar ayaan u nahay ee wallaal haka caajisin illa inta arintani laga midho dhalinayo dhamaan waxaa la ogaysinaa ama haboon inay arintani reer awdal dhayalsan waxana mahdi ahaan ku oadhan lahaa inaad dhamaan ciyaartoyda loo wada yeehdo iyo tabarayashaba iyo masuuliyiinta gobolkan ka dib shir wayne xaga sportiga la qabto.
|