Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Awdal: Hambalyo Reer Awdal
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali

Monday, February 26, 2001 - 09:15 am
Walaalayaal salaan kadib iga aqbala Hambalyo iyo bogaadin aan idinkugu hambalyeynayo Jaamacadda sida wanaagsan uga shaqeyneysa gobolkiina.

Dabcan anigu reer awdal ma ihi laakiin runtii waa wax lagu farxo oo waliba qofkastoo soomaali ahi uu ku faano. Waxaan ka heley websiteka jaamacadda website kale oo alu magacaabo Alcaalam alcarabi kaasoo keydiya information xagga arrimaha bulshada
sida Cities, Education and etc about all countries
in the Arab league. Wax aad ii soo jiitey habka website-ka loo design gareeyey iyadoo aan layaabey
oo markii igu horreysey ay tahey website wata magaca somaaliaya.

Midda kale information-ka website-ka iyo siiba sawirada ayaa ah kuwa si aad ah loo wanaagiyey, runtiina weli site-kii baan ku jiraa oo mid la ga daali karo maaha.

Jaamacaddan waa waxyaalaha ugu wanaagsan oo lagu faani karo meesha ay soomalidu maanta ku faanaan magaalo hebel baan qabsaney iyo wasiir hebel baan noqoney iyo waxyaalaha kale oo ay maangaabtu wax weyn moodo.

Mar kale hambalyo reer Awdal gaar ahaan iyo guud ahaan ummada soomaaliyeed (Waxaa xusid mudan in jaamacadda ay wax ka bartaan ardey gobollo badan oo soomaliya ka timid).

http://www.amoud-university.borama.ac.so/

Maashaallaah Allaha horumar jaamacadaas u siyaadiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

master

Saturday, March 03, 2001 - 02:24 am
kolay waxaan filayaa in ay tahay brobagaandada casriga ah laakiin waxaa quruxbadnayd in aad saaxiib sheegtid in aad tahay reer borame waayo waa uun xayeysiin,ceeb maanad sheegin.loooooool.