    cilmi doon | Tuesday, March 06, 2001 - 09:33 am Ciid Wanaagsan Walaalyaal waxaan diraasa ku samaynayaa qabiilada yaryar ee daga Somaliland. Waxaan ka wadaa kuwa dhex daga afarta qabiil ee waaweeyn Isaaq, Harti, Godabursi, Iyo Ciise. Hadii aa taqaan qabiilada yar yar iyo meelaha ay dagaan ii soo sheeg aad baan ugu baahanahaye. Please aflagaado uma baahni ee waxbarasho baan u baahanahay. |
    Anonymous | Thursday, March 22, 2001 - 06:19 am walaaal aad ban ugu xumaaday inaad hadda qabiil baranaysid. qabiil waa kii ummada oo dhan baabi'yay. Qabiil dhibaato mooye waxba ma soo kordhiyo. Walaalow wax ka fiican qabiilka (sida dhibaatooyinka qabiilku keenay oo kale) baro. Dad badan ayaa kaa daba faai'daya haddaad wax naf leh daraasad ku samaysid. Waxaan mar labaad kaa codsanayaa macagyadan beenta ah ee ummadda loo kala bixiyay inaadan wax wakhti ah iska qaadin. Aanuu wax kaa faai'dnee wax kale oo fiican noo baro. qabiil Ilaahay baa lagag fogaadaa. Walaal Ilaahay ka baq oo wax kale isku mashquuli. |
    Reer la-dege | Sunday, March 25, 2001 - 12:39 am waxaa ka mid qabiiladaa aad doonaysid, MAKAAHIIL oo la dega habar-awl + CAYNAANSHE oo la dega habar-yoonis. waa kukaa,kuwa kalena waa kuu soo sheegi doonaa hadii eebe idmo!!!!! |
    Historian | Sunday, March 25, 2001 - 11:36 am Qabiilada yaryar ee Somaaliland waa kuwan. warsangeli oo la dega Hy iyo HJ bari. DHulmahanto oo la dega HJ Ciise oo la dega Samarroon. Qabiilooyinka waaweyn waa kuwan Habar Yoonis Ciidagale Gadaboursi Habar Jeclo Habar awal Arab |
    Anonymous | Tuesday, March 27, 2001 - 12:49 pm WAR QABIIL ISKA DAAYA OO ILAAHY KA BAQA. Nin qabiil ku dhaqanmay ilaahay wuu ka fogaaday. Adduunka Mars baa la tegay idina Reer hebel baaad weli ka hadlaysaan. Miyanaydin isku yax yaxin oo isku yaq yaqsoon? War ordaya oo is aasa duli baad tihiine. Qabiil bal cadaabta uu kugu wado ha kaa saaro. |
    Anonymous | Tuesday, March 27, 2001 - 12:50 pm Gidigiinba isma dhaantaan oo qabiil baa isku kiin diray. waad qudhunteen dad iska dhiga Uma baahni inaad iskala faanisaan sabatoo ah isma dhaantaan. |
    FardoJaan | Tuesday, March 27, 2001 - 03:19 pm LoL @ Anon: War xadiiska ma mid nabigi (SCW) ka danbeeyey ba? "Kula bidca dalaal, wa kula dalaalun fi naar" Qaabiilku waa wax la isku garto, 95% waxa laga yaaba in qofku si fiican kuu garto. Wax kale ha moodin. |