We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 09, 2001 - 06:27 pm Assalamucalykum Waxaan Raadinayaa dadkii u dhashay xaafada xalane iyo inta u dhaw sida dhigtii iyo wixii kasareeya. waxaan rabaa inaan xidhiidhno si aan u ogaano aduunka meeshaan ku kala noolahay iyo qofkastaba meesha uu ku danbeeyay waxaan xasuusto magaranaayo, waayo mudo ayaa kasoo wareegtay waxaan xasuustaa dhalinyaradii aan kubada kuwada ciyaari jirey "Boodhle" ama kii Qotida ee ku yaalay dhinaca qoor gaab, hadaba waxaan rajaynayaa inaan isla soo xidhiidhno anigu waxaan degenaa inta u dhaxaysa dhigtii iyo isguulkii Khasabka waxaanan aad ugu dhawaa xaga dhigta waxaan xaga galbeed ka xigaa dayraka sheekh makaahiil, hadaba isla soo xidhiidh fiican sidaa iyo nabadgelyo wasalamucalykum>>>>>>>take care everyone meel aad joogtaba
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 12, 2001 - 07:24 am TO; LAANTA HAWADA !!! WAXAAN AHAY NIN RUNTII AAD DAGANAY XAAFADA XALANE EE DAGNAA MEEL U DHOW HALANE .LAAKIIN AAD U TAQAANA DHALINYARTA REER XALANE LANA CIYAARI JIRAY KUBADA CAGTA .WAXAANAN DHALINYARTAA KA XASUUSTAA RAGA HALKAN KU QORAN. 1-ABDIWAXID SHEEKH CISMAAN (NICK NAME XIDO) 2- CUMAR SIYAAD FARAH ABDILAHI(cumar cawar) 3- yaasin abdi haji (haji buufle) 3.arab ali warsame (arab yare) 5.cardaruus cawaale.(ina cawale dhere) 6.huseen abdi heseen ( jiqiiq) 7 aden (fooljaan) 8 omar (amiiko) 9 xuseen askari 10 abdi shakur sheekh osman qalinle 11 abdilahi sheekh osmn qalinle 12 caliyo 12 khadar 13 calool 14 loori 15 duud hasan madar 16 cumar suubane (omar TB) 17 bidiga 18 faysal mobile. 19 miino. 20 guray 21 cali vii ayd or caligaab. 22 cawalay..23 budeeno . 24 daaniye. 25 ina xera geel. 26 ina xoog. 27abdi risaaq ismaaciil habeen (abdi qolof) 28 dhuumo. 29 shamsaan 30 ina sakariye 31 gamuum 32 abdifatax ( majo) 33 mustafa bafta 34 jagne abdi bakaal. 35 gambo.sal sal. 36 ina galimays 37 nadiif 38 a/qafar 39 caydo. 40 ina baytal waali. iyo dhamaan dad badan oo aanan hada halkan ku soo koobi karin.. dhinaca gabdhaha hadaan kaaga sheego kuwii gug caan sanaa. 1- shan tii shareero. 2 fiidal.3 ina saciid maraykan 4 firiyo 5 hodan cagada buuran. iftin. 7 sacaada farax tuur ( usgageega jabouti fanaanad.) 8.ismahan gasay 9 ilma abdi bakaal. 10 ilma baytal waali. 11 qarniyo. inta iyo in badan oo nana hada xasuusan karin.. sidaa iyo ku raaxaysi wacan..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 12, 2001 - 02:19 pm Waar Yaa ninka Boodhle sheegtay xagee baad degenayd ama dadkii aad asxaabta ahaydeen waxaan u malayn inaad halkan ku sheegtay waxaan ku soo waydiinayaa xaafadeed ka degenay ama ayaad isku dhaweydeen waxaa laga yaabaa inaan ku garto ee balnin yohow isa soo sheeg aad baa warkaaga loo xiisaynayaa waxaad dad sheegtay in walaalaan nahay ama waad i magacawday ee bal warka cadee ninyahow. dhinaca kale hada xeeg degentahay waamaase dhulkii kuugu danbeeyay ood ka soo shooftay sidaa iyo isgarasho bilaabantay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 12, 2001 - 11:40 pm To; LAANTA HAWADA!!!! Runtii waxaa ani dhulkii iigu danbaysay 10sano ka hor waxaanan daganaan jiray xaafadaha liin ka Booliiska oo aan wax baadan taganaa.waxaanan asxaab ahayn raga ay ka midaka yihiin... Dhufato oday abdiqani. cilmi boodhari abdishakuur ina farah dhidhaabataa walaalkii abdi omar hayir. iyo rag badan oo anan halkan ku soo koobi karin .. markaa nin sidaas ah yaan ahay.ee bal adiguna warkaga isoo sii iyo meesha aad joogto hada iyo waxaad qabatid.. sidda iyo aragti xiiso leh.. bro LAANTA HAWADA..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 13, 2001 - 12:52 pm To:Boodhle Saaxiib marka hore aad baad u mahadsantahay ragaa aad sheegaysid dhamaantood waan wada aqaanaa qaar saaxiib baan ahayn waliba isku galaas baan ahayan qaarka kalena waxaan ahayn saaxiib guud uun waxaa wadankii iigu danbasay mudo aan kayaran intaad adigu sheegtay waxaanan hada daganahay xagaa iyo qaaradaha layidhaahdo south Asian ama bariga eeshiya oo kabilaanma Malayshiya-new zealnd waxna waan bartaa oo jaamacad baan dhigtaa bal adiguna isa soo sheeg waxaad qabato iyo meeshaad degentahay waxaan se kuugu sii dartii ragii kale ee reer liin xageeyku kala nool yihiin warmaad kahaysaa sida 1.Mijin iyo walaalihii 2.Cabdi Casiis Saleebaan 3.Sixiid Birimo 4.Maxamed SH.Xasan Ugaas 5.Ilmo Diiriye Xaraar Iyo kuwo kale oo farabadan oonan hada soo koobi karin nin yohow aan isla xidhiidhnee bal waxaad yeeshaa e-mail kaygu waa kane adna isa soo sheeg waayo meeshan waa public oo wax kasta lagagama hadlikaree ii soo dir e-mail aan sifiican u sheekaysanee "lughaya2001@hotmail.com" waxaan sugaa waa jawaab aan filidoono inaan isgarano sidaa iyo xidhiidh wanaagasan ee soo jawaab
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 14, 2001 - 12:36 am war nin yahow marka hore waa mahadsan tahay ..marka xigana anigu waxaan ku noolahay xagaa iyo yurubta waxaanan ahay arday jaamacadeed..mar marna waan shaqeeya marka fasax yada ./.. ta kale ee aad raga meesha ku soo qortay runtii raga badidooda waxaa iigu dan baysay iyaga oo boorama wada jooga ..laakiin raga qaar ila hada waan ogahay meelaha ay joogaan waxaana ka mida.. 1- saciid birimo oo jooga abudabay. 2- maxamed sheekh hassan ugaas oo jooga borama loona yaqaanay (OMO) 3 abdiaziz saleban oo jooga borama. markaa saaxiib aniga ayaa kuu soo sheegi doona E-mail kayga haduu ilaahay yiraah .balse adigu waxaad iisoo sheegtaa ragii aad xafada halane aad saaxiib ka dhabta ah ka ahaydeen... iyo meelahaad ku cawayn jirtay markay magaaladu kuu shidnayd..runtii waaxaan dareemayaa wakhtigaan joogay magaalada iyo wakhtigii qiimaha lahaa .ee aan ku soo qaatay .mana ilaawi kari noloshayda .waxaanan ubixiyay (GOLDEN _TIME)ama (GOOD OLD DAYS) waxay gaaladu ku sheegaan... markaa saaxiib bal war kaga soo daa.. sidaa iyo is maqal xxiso leh.. BYE BOODHLE...
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 14, 2001 - 07:19 pm To: Boodhle Waar ninyohow aad baad u mahadsantahay waxaan filayaa inaan is afgranay marka hore waxaanan u malaynayaa inaad ka mid tahay raga aan kala lunay ee inba meel waayahu ku xidhay ee kala jooga aduunka dacaladiisa farabadan. Marka hore waxaan aad saaxiib u hayan amiino ama cumar xaaji xasan food waxa kale oon isna saaxiib ahaan jirnay cilmi maydhane cawaale iyo rag farabadan oonan halkan ku soo koobi karin waxaan ku cawayn jirnay shiris ama maqaayadii ilma diiriye xaraar waxaan waliba ku cawayn jirnay bacadlahii hore ee magaalada iyo albeerkada reer cawaale bustaale waxaan isku fiicnayn amran iyo khadra cawaale bustaale oo markii iigu danbaysay kuursatay baa layidhi axmed carab oo kashaqayn jiray safe the childern hay adii la odhan jiray anigu waxaan si gaara habeenkii u faddhijiray inta badan tukaankii amiikoo ee xaga sare ku yaale xaafadooda meeshaas baa mijilis noo ahaan jirtay oon fadhiyi jirnay aniga amiico iyo asxaab badan oo xaafadaha sare ah oo u badnaa dhigta sida rag aad meesha ku soo qortay oo ay ka midyihiin. faysal moobil guray dhakhtarka miino bidiga cabdi risaaq cadawga iyo kuwo kale oo farabadan ee ninyow bal meesha waxaad sheegtaa cidaad saaxiibak ahaan jirteen iyo meelahaad ku cawayn jirteen waxaan filayaa rag badan oo aan iloobay baad meesha ku soo qortay oon magac dooda sifiican u wada aqaano waanad i magacawday ee bal nin yohow soo dhawaw oo warkaaga intaas kasoo badi waxaa larabaa in wax badan laga sheekeeyo ama la xasuusto waayo waayadii qaaliga ahaa ee aad soo sheegtay in la xasuusto sidaa iyo jawaab furan oo faah faahsan oo aad u balaadhan. By Laanta Hawada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 15, 2001 - 12:48 am war nin yahow aad baad u mahadsan tahay sida fiican ee aan u wada shekaysanayno oo aan aad ugu farax sanahay.runtii dadka aad soo sheegtay oo dhan waan garanayaa .ilaa qofwalba xataa abtirsiintiisa .markaa hadaan anigu kaaga waramo meelaha aan ku caynjiray . waxaa ka mid ahaa makhaayada (shiris) ee aad adiguba dheegtay oo aan wax baadan ka cunay furun iyo shaah meesha lagu samaynjiray wakhtiga galabtii.ee BBC..waxan kaloo habeenkii ku cawayn jiray (fidiyoogii GAAFOOTE) ee ku xigay xafiiska laydh ka ee u dhawaa makhaayadaa ina diiriye oo aan habeenkii ku dawan jiray ruwaayaha somaliga ah aniga iyo niman aan akhyaar ahayn oo kala ahaa. A/salaan xuseen tuur. ahmed ina seexan waayay. A/saleebaan.Xuseen xoosh.. buulo ina arki jiray.. xuseen guray.iyo rag badan oo anan halkan ku soo koobi karin.. dhinaca xaafada halane ama sare ee u dhawaa meshaa aad sheegtay ee majliska kuu ahayd meel udhow ayaan marmar iman jiray oo uu ku lahaa A/salaan xuseen ( TUUR)tukaan.kaasi oo ku dhajistaa xaafa xuseen jiqiiqiyo. dhinaca kale waxaan marar ka qaar koodna tagi jiray Fidiyoogii uu hayn jiray(BAHAY) Yarkii yaraa ee kubada ciyaari jiaray) meeshaas oo aan marar ka Qaar kood aan gabdho ka sukaansan jiray...runtii na hayd meel laysu arko..raga iyo gabdhaha akhyaarta ahi.. gabdho badan ayaa meesha i man jiray oo aan isu fiicnayn gabdhahaa waxaa ka mid ahaa. gabadh la oranjiray (ITOOBIYA) iyo hadan siciid daahir.. xaliimo (ina maxamed doodi) deeqa ciise Abdi. iyo gabdho badan oo aanan halkan ku soo kobi karin markaa bal adiguna saaxiib iiga soo waran meelaha aad u duulimaad tagi jirtay habeen kii .mise wadaad ayaad ahayd oo magaalada waad ka seexan jirtay..mise xalane iyo dhinacaasi ayaa kuu xidhnaaa ..oo aad adigu usaraysay.. marka bal saaxiib aan si fican u sheekaysanee war kaaga soo daa...hoosna u soo dag.. markaa saaxiib sidaa iyo is maqal danbe oo xiisa leh.. BY BOODHLE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 15, 2001 - 01:19 am Waryaada akhyartii hore runtii waxaad i xasuusiseen dhalinyara aan mudo 12 sano ahi iskukaaya danbaysay. wayna fiicantahay in wax la is xasuusiyaa laakiin gabdhaha la haa saawi jiray magacdooda halkan ha ku soo qorina sobobtoo ah qofwalba ayaa akhrisanaaya waxaana laga yaabaa in gabdhaha walaladood akhristaan mana fiicna in qof moralkiisa wax loo dhimo markaa hadalada xad ha loo yeelo. waad mahadsantihiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 15, 2001 - 02:54 pm TO: Boodhle Waar ninyohow meelhaa aad sheegtay iyo hablahaa aad magacowday qaarkoood isku glaas baan ahayn ama isku isguul baan ahayn waanan garanayaa dhamaan meelahaa runtii wadaad aad u quman maan ahayn laakiin waan iska tukan jiray hada laakiin wadaad aad u sii quman inkasta oonan ahayn waan ka sareeyaa sidaan waayo ahaan jirey ragaa iyo hablaasna dhamaantood waan aqaanaa ilaa abtirsiintooda ayaa laga yaabaa qaarkood inaan kuu tiryo iyo cid ay yihiin iska jir qaar waa laguursayda gabdhahaas oo yurub meelahan aan ku noolahay ee wastaranka ayay degenyhiin markaas isda uu ninka odayga ahi inagula taliyay aan yeelno oo yahaynaan magacaabin ee dusha uun aan ka sheegno intaas kadib wali maad soo sheegin ragaad sida garaarka ah u wada socon jirteen ama aad aad u saaxiibka ahaydeen waxaa lag ayaabaa inan ka mid noqdo oon is garano. Dhinaca kale waar nin yohow maxaa kugu dhacay eed e-mail iigu soo diri wayday waan ku sugayaa ee nin yohow ha ga biqin ama xidhooon inaan warar aan u malay inaad hayso kaa sheego runtii waan kuu baahanay ee saaxiib boodhle ii soo dir may sida ugu dhakhso badan eed filayso inaad iigu soo jawaabto waayo runtii waxaad i xasuusisay waayo waayo iyo dadkii aan isan qaanay ama aan haasaawi jirnay een ruwaayada wada gali jirnay ama fiidyowgii bahay ama gaafoote kuwada cawayn jirnay waayo waayo oon u baahanay inaan wax badan kawa sheekasano. By Laanta Hawada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 15, 2001 - 07:21 pm TO; WS and laanta- hawada Runtii niman yahow aad baad u mahad san tihiin sida saaxiib tinimada leh ee aad Talada fiican iigu soo jeedi seen ee ahayd gabdhaha aan meesha ku soo qoray runtii saaxiibayaal waan qaldamay ee hala iga raali noqdo u mana malaynayo in uu qalad kaas oo kale iga dhici doono. ama aad meeshan ku arki doon taan ( so i am apolagise u my mistake and i hope this will not gonna happen again.. i promise u brothers) by theway. i wish u all the best.. bye boodhle.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 21, 2001 - 11:08 pm Hi LAANTA HAWADA???? where have you been lost????? war nin yahow hal keed ka baxday baryahan wax war ah kaama aan heline xagee baad wax marinaysaaa maxaa ku aamu siiyay .mise waxaad ku aamusto ayaad heshay .mise wadan kiibaad tagtay .mise busyy baad tahay. war nin yahow war kaaga hala helo.sidaa tol.iyo saaxiib ku noqon mayno. ma'aha in laysu aamuso. oo aan waraaq laysku soo dirin soo bal nin yahow soo dadaal oo war kaaga hala helo.a soon as posible. so have good fun.... bye boodhle..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 23, 2001 - 04:16 am walaalayal qabiilka iska daaya oo Ilaahay ka baqa. Qabiil hadduu qofku ku dhaqmo fikradiisa oo dhan eexasho, colaad, cadawtinimo iyo Ilaah ka fogaansho ayaa ka buuxda. waxaad tihiin degaanka Soomaali ugu cilmi badan maanta; qabiil uma baahnidin ee ka kaaftooma. sharafta ka xiga dadkana horseed (role-model) u noqda. mahadsanid
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 03, 2001 - 01:43 am TO: Boodhle Saaxiib raali ahow baryaahaan waxbadan baan ka maqnaa meesha waxoogaa ayaan mashquul ahaa laakiin waan soo dhameeyay raali iga ahow xagee bay howshu kuu maraysaa bal ninyohow ila soo xidhiidh aan aad iska waraysanee asxaabtii xaafada sare eed tilmaantay iyo inta laynka ama shacabka degenayd een qaarka mida sheegay nin saaxiib soo dheeree walaahi war badan baad haysaayee by Laanta Hawada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 03, 2001 - 01:15 pm MARKA HORE WAXA AAN HALKAN KA SALAAMAYAA LABADA DHALINYARO EE KU MAGACAABAN LAANTA HAWADA IYO BOODHLE,SAAXIIBAYAAL IGA GUDOOMA SALAAN AAN LASOPO KOOBIN KARIN. WAA WALAALKIIN REER XALANE AHAA MUDO BADANA KA SOO MAQNAA BOORAMA, RUNTII AAD BAAN UJECLAYSTAY SIDA XASUUSTA MUDAN EED UWADA SHEEKAYSANEYSEEN. INTAA GABDHAHA AAD MAGACOWDEEN MAAHEE SIDA KALE WAAN IDIIN RIYAAQAY,INAMADA AAD MAGACOWDEEN BADI DOODA WAAN WADA GARANAYAA I HOPE THEY DOING FINE. IM LOOKING FORWARD READING YOUR STORIES. YOURS "WARSHADA HARGAHA" ,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 03, 2001 - 09:13 pm TO:WARSHADA HARGAHA Thank you brother "WARSHADA HARGAHA", for yr knowing us but can i ask y silly question where is this name came from i never heard before or i forger it sory if i forger it, its time to shear all of the people from Halane or Dhigta to know each athor you might be around the world we need to communicate each athor also can i ask y silly question agian where are y know around the world heard a lot of people moved out halane in the last 15 yeard ago so i think yr one of them hy let me know who yr saaxiibadaa iyo meesha ay hada ku kala nool yihiin waliba qaar ka mid aha naanaystoodii sida. 1.Ganbo or mahamed ibraahin salsal iyo Walaalkiis 2.idirs ama Nadiif 3. Ilam galimays khadar walaalkii waa uu dhintee 4. Obsiiye dheere 5. Gamuumka 6.Cabdi boorama 7. Halac 8. Basho ina aadan dhaga fiiq 9. Ilma Cawaale Maganad, Rusheeye, Siciid, Caydo 10. Dacal ina Raydal 11.Fuda Buro sory to use that name but i can remember his full name 12.Cabdi risaaq cadowga 13. Saleebaan bida iyo walaalkiis yaasiin 14.Amiikoo iyo Walaalkiis Calool 15. Ilma Cabdi Madoobe Caliyo, Xuseen Jiqiiq 16.Ilama madar Duud iyo walaalkiis 16.Waji ina Aye 17. Jagne ina cabdi Bakaal And much more to remember if any one know where are they know please let me know its time to reunited to gether the old people who lost each other for last 15 years yr brother Laanta Hawada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, April 04, 2001 - 02:56 am Hello, Lanta Hawada, I got suspicious about you. I could be mistaking but I think you spent some of your time in Borame discussion. I just want to ask you one simple question: Is your discussion has anything to do with or link any kind of political? if there is pls let me know.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 12:12 am To:ishBorame Hellow brother yes i spend most of my live borama city what a beutiful city i can't imagen how i like it good weather good life much more to come near future. In the another side i don't like talking about a politic but just to find my old freinds and i missed tehm for last decade so bro if yr one of them tell me more bout where are y know also don't forget to let me know ishBorame Hargeys i have been their for a while and i know some of my saaxiibo but i do no where are they know so if yr one of them again let me know it ,meantime take care and keep to communicating its not a polic section its simple comminicate between my old asxaabtayadii. Markale hey where are y ,my fellow Boodhle i mis y man are y busy or what y doing man tel me more bout i mis y so much hy i think yr isqarinaysaa miyaa wax-ba ha ka war warin no one can do to y any think and i am not gone tell any one who y are so welcome back my fellow boodhle Alla imisa ayaan kubad ku ciyaaray garonkaas imisaan casaanka la maray waad garanysaa baan filyaa imisaan kubad dadkale ka qarxiyay xoog daraadeed misa ayay islaantii ina xerageel hooyadii geedi hii gobka haa naga eryatay o gudun nala daba oraday that was simple fun a lot to come so welcome back any one from Halane ama Dhigtii
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 03:40 am TO/LAANTA HAWADA BRO,IM SORRY I FORGET TO MENTION IN TO MY EARLIER MESSAGE THAT I AM LITTLE OLDER THEN YOU,WAAYO RUN AHAANTII DHALINYARADA AAD KOR KU SOO MAGACOWDAY SIDAAN HORE U SHEEGAYBA WAAN WADA GARANAYAA HASE YEESHEE WAA GENERATIONKII NAGU XIGAY. ANIGU WAXA AAN ISKU GENERATION AHAYN RAGAN.........ABIIB MUXUMED(WAA SHUNBURO WALAALKIIYE)DANO(WAA ABDI BASHO WALAALKII)MULAC(WAA JAGNE WALAALKII)JIQIIQ INA AADAN BIDAAR(OO HADA LOOYAQAAN SIDA LAYGU YIDHI XAMSA)IYO QAARKALOO BADAN.WAXASE AAN RABAA INAAN IDHAAHDO AADBAAN UGU FARXAY INAAN AKHRIYO FARIIMIHIINA AAD HALKAN KU SOO QORTAAN, SABABTOO AH WAXA AAN XASUUSTAA MAGAALADAYDII BORAMA.OGOWNA MARHADII RAG ISKABA LEEKAADAAN MAKALA WAYNA AYAA HORE LOO YIDHI.SHEEKADIINU WAXA AY I XASUUSISEY MARKII RUWAAYADA LA DHICI JIREY.HADA WAXA AAN RABAA INAAN KAAGA JAWAABO MAGACA (washrada hargaha) HALKA AAN KA KEENAY,MIYAADAN XASUUSNEYN AQALKII WAYNAA EE SIDA BAKHAARKA U DHISNAA EE KU YAALAY MARKA LA DHAAFO XAAFADII WARAABO SALAAN INTA AAN LAGAADHIN XABAALIHII KA SOKEEYAY MEESHII XOOLAHA LAGU QALAYAYWAXANA SIDA CAADIGA LA ODHAN JIRAY(warshada hargaha iyo saamaha)HARGAHA AYAANA LAGU WADHI JIRAY. INTA AAN DIB HAWADA UGU KULMI DOONO WAXA AAN KU LEEYAHAY TAKE CARE BRO.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 01:58 pm TO:WARSHAD HARGAHA Marka hore saaxiib raali iga ahow aad baan uga xumahay inaan sidaa kuula hadlo marka labaad ragaa aad sheegtay waxaan ahaa ragii ku soo dhawaa waana sida aad sheegtay dhamaantood waan wada aqaanaa waayo intii iyaga ku xigtay ayaan saaxiibo ahayn ama kuwii ku siixigay sidaa daraadeed waan wada aqaanaa. Dhanla kala meesha aad magaca ka dhigatay aad baan u aqaana hada magaaladu way dhaaftay waxay meeshaasi hada noqotay badhtamaha magaalada waayo intaad ogayd iyo in u dhowtoona maaha anigabna hada mudo ayaan kasoo maqnaa hadana sidaan wararka ku helay waa hore ayay dhaaftay meeshaasi. Dhinaca kale waxaan kuu sheegayaa ma waxaad ahayd reer waraabe salaan dhalintoodii hore waayo meeshaas waxaa degenaa uun rag aan markaan kaftamayno ku dacaayadayn jirnay hilib cun farabadan oo xoog waa wayn hadii aan ku caayay rali iga ahow waa iga kaftane lasoco waayo waxaan jelaaday inaan iskala kaa kaftamo, markale bal kasheekee hada xagaad aduunka kaga nooshahay waxaan filaya inaad joogto north america waayo ragaa badi doodu xagaaas bay hada ku sugan yihiin markaas bal kasoo jawaab intaas iyo in kale oo farabadan sidaa iyo is arag xiiso leh ama maqal xiiso leh by Laanta Hawada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 03:41 pm TO LAANTA HAWADA MARKA HORE WAA IGA SALAAN.MARKA XIGA RUNTII KAFTANKU WUU FURANYAHAY RAG WAA KU WII KAFTAMA KOLAY,WAX QALADANA KUMA JIRO.HADABA WAXA AAN RABAA INAAN KUU YAR KALA BAYAAMSHO HALKA AAN DAGANAA,MA AANDEGANAYN WARAABO SALAAN EEMAGACA W/HARGAHA WAANISKA XASUUSTAY, WAA RUNOO DHALINYARADA AAGAA DEGANAA WAXA AYNU KU DACAAYADAY JIRNAY "HILLIB CUN MURUQ MAALA". INKASTOON ODHAN KARO WAXA AY U BADNAAYEEN DAD DANYARA MARKAA DURUUFTA AYAA KU KALIFTAY INAY WAALIDKOOD CAAWIYAAN AMA LASHAQAYSTAAN AFTER SCHOOLKA. AAN U SOO NOQDO HALKA AAN DEGANAA MA XASUUSATAA TUKAANKII ABIIB QOTI? JAWAABTU INAY HAA TAHAY AYAAN FILAYAA,MAXASUUSATAA FURUNLIHII BAKAYLE?SIDOO KALE HAA DHEH SOOYAR DHAAF WAXA AAD USOO DHOW DAHAY GURIGII XASAN ALEEL DHANKAN KALEWAXA KAA HAYA MAKIINADII HADHUUKA SHIIDAYSAY WAXA AAN FILAYAA INUU LAHAA INA GALDE AAGAAS BAAN DEGANAA. SAXIIB WADA XIDHIIDH WACAN.OH WAXA AAN ILAAWAY INAAN KAJAWAABO HALKA AAN HADA JOOGO .WAA RUNTAA SIDA AAD FILAYSO WAXA AAN JOOGAA NORTH AMERICA OKLAHAMA CITY,OKLAHAMA USA.ADIGUNA SIDOO KALE ISOO SHEEG HALKA AAD JOOGTO. BYE FOR NOW.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 05:23 pm WAAR YAADEHEEN AANIDIN IDHAAHDO DHAMAANTIIN ASALAAMU CALAYKUM.WAAN U RIYAAQAY SIDA SHARAFTA IYO WALAALTINIMADA BADAN EED U SHEEKAYSANAYSAAN. MA AAN ARAG MEEL SIDAA QURUXDA BADAN AY DHALINYARO MEELKA KA WADA YIMID AY ISUGU MADADAALIYAAN.DEELAHA KALE OO DHAN DHAMAAN DHALINYARADU WAY ISKU CAAYAYAAN.QABIIL IYO SIYAASAD QURUN AH AYAY KA WARAMAYAAN, IDINKUSE SIDII RAG LAGU YAQAANAY AYAAD WADAAN MARKAA LAANTA HAWADA,WASHRADA HARGAHA IYO BOODHLEBA IGA GUDOOMA SALAAN IGA NIYAD AH.HALKAA KASII WATA SHEEKADIINA,WAANAN KA BAXAY. ODAY ADEER IDIINKU TOOSAN.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 07:58 pm To:Warshadaha Hargaha Saaxiib aad baad u mahadsantahay sida fiican eed iigu soo jawaabtay waxaanan filyaa inaan sifiican isku garan doono oon meelo badan kawada sheekasankarno run ahaantii meelahaa aad sheegtay dhamaantood waan garanayaa waxaan filayaa inaad degenayd laynkii ay daganaan jireen xasan cali maxasuusto reerka intiisii kale ee waxay caan ku aa yeen hooyadood oo layidhaahdo CIISE Muusay oo hada waxay degen yihiin sidaan wararka ku maqlay xagaa iyo canada hadaad laynkaas tahay maxasuustaa geedi saacadoole mise xasuusataa oday isa furun lahaa oo la odhan jiray aw cabdi oo koonaha xaga galbeed ee sakadaa ay maxamed cali iyo degenaayeen furin ku lahaan jirey mise waxaad degenayd laynkii ah lahayd islaantii la odhan jiray QURUXO ma aqaano hada inaydhimatay iyo in kale mise xasuusataa furin lihii uu lahaa muxumed cabdi laahi oo loo yaqaano madax ka islaan guri kuxigey oo ka xiga dhinaca reer xasan aleel kana soo horjeeda guryo ay lahad islaantaaas quruxo dhanka kale maad ilawday cidii tukaanka abiib qoti uga horey say bal xasuustaada baadh oo soo sheeg ninkii uga horeyeey waa nin aan filaayo inaad garan doonto dhanka kale ma xasuusataa cidii kasoo horjeeday tukaankaas reer kasoo horjeedi jiray meeshay ku danbeeyeen Balintaas aan kusoo koobo maxaan caano kasoo iibiyay abiib qoti maxaan hadhuudh kasoo ridqay xaaji khary kusii daa ama bureeqa aabihii oo layidhaahdo Cabdi galde saaxiib bal soo daa dhinaca kale hada waxaan degenahay qaarada Australia oon mudo 7 years ah hada degenehahay saxiib soo daa wararka inaas iyo in kabadan walaahi waxbaan xasuustay aan aad ugu baahanayahay inaad dib uga soo xiiseeyo oon mudo farabadan helin ama aan maqlin raalina ahow hadaan sheekada dheereeyay way ila balaadhatay raali ahow saaxiib by Laanta hawada Raali ahow mar kale nin isku magacaabay waayeel waan ku ilaawayey waayo sheekan baa ila dheeraatay ee raali ahow adiguna
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 07:59 pm To:Warshadaha Hargaha Saaxiib aad baad u mahadsantahay sida fiican eed iigu soo jawaabtay waxaanan filyaa inaan sifiican isku garan doono oon meelo badan kawada sheekasankarno run ahaantii meelahaa aad sheegtay dhamaantood waan garanayaa waxaan filayaa inaad degenayd laynkii ay daganaan jireen xasan cali maxasuusto reerka intiisii kale ee waxay caan ku aa yeen hooyadood oo layidhaahdo CIISE Muusay oo hada waxay degen yihiin sidaan wararka ku maqlay xagaa iyo canada hadaad laynkaas tahay maxasuustaa geedi saacadoole mise xasuusataa oday isa furun lahaa oo la odhan jiray aw cabdi oo koonaha xaga galbeed ee sakadaa ay maxamed cali iyo degenaayeen furin ku lahaan jirey mise waxaad degenayd laynkii ah lahayd islaantii la odhan jiray QURUXO ma aqaano hada inaydhimatay iyo in kale mise xasuusataa furin lihii uu lahaa muxumed cabdi laahi oo loo yaqaano madax ka islaan guri kuxigey oo ka xiga dhinaca reer xasan aleel kana soo horjeeda guryo ay lahad islaantaaas quruxo dhanka kale maad ilawday cidii tukaanka abiib qoti uga horey say bal xasuustaada baadh oo soo sheeg ninkii uga horeyeey waa nin aan filaayo inaad garan doonto dhanka kale ma xasuusataa cidii kasoo horjeeday tukaankaas reer kasoo horjeedi jiray meeshay ku danbeeyeen Balintaas aan kusoo koobo maxaan caano kasoo iibiyay abiib qoti maxaan hadhuudh kasoo ridqay xaaji khary kusii daa ama bureeqa aabihii oo layidhaahdo Cabdi galde saaxiib bal soo daa dhinaca kale hada waxaan degenahay qaarada Australia oon mudo 7 years ah hada degenehahay saxiib soo daa wararka inaas iyo in kabadan walaahi waxbaan xasuustay aan aad ugu baahanayahay inaad dib uga soo xiiseeyo oon mudo farabadan helin ama aan maqlin raalina ahow hadaan sheekada dheereeyay way ila balaadhatay raali ahow saaxiib by Laanta hawada Raali ahow mar kale ninka isku magacaabay waayeel waan ku ilaawayey waayo sheekan baa ila dheeraatay ee raali ahow adiguna
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 10:11 pm WOW ... WAZ UP BROTHER????LAANT HAWADA ANDWARSHADA HARGAHA??????? war waxaan ahay nin in mudo ah meeshan ka maqnaa oo la waayay. waxaanan aad ugu faraxsanahy sida ay sheekadu isugu dhacayso....ragan akhyaarta ah ee meesha ku kafatamayoow horta marka hore iaga gudooma salaan (TOLNIMO).intaa ka dib na anigu runtoo waxyar ayaan meeshan ka maqnaa markaa hada meel aan wax ka bilaabo waan garan laayahay..waxaan kaloon mahad naqbalaaran u soo jeedinayaa saaxiibkay laanta-hawada sida sharafat leh ee uu u jecelyahay in aan meeshan si waanaagsan ugu sheekaysano..oo aan aniguna runtii aad ugu farxasanahay..waxaan kaloon salaan aad u qiimo badan u soo jeedinayaa saaxiibkayaga labaad ee ah (WARSHADA HARGAHA )oo aan leeyahay runtii kaftan iyo wada sheekaysi wacan oo si akhyaarnimo ah ayaad meesha ka wadaa. ee halkaa ka sii wada adiga iyo LAANTA_hawada iyo aniguba . markaa sidaas iyo is maqal xiiso leh uu danbe... so till next time take care ..and have funnnnnnnnn. bye boodhle
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 02:43 am Sallaan dhamaantiin Aniguna waan ini soo sallaamayaa sababtoo ah waxyaalo wanwanaagsan ayaad ka hadleysaan, sii wada sii wada.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 12:53 pm WLCM/BC BRO BOODHLEH AND THANKS BRO ISHA BORAMA HALLO BRO LAANTA HAWADA SALAAN HORE IGA QABO,MARKA XIGA WAXA I CAJIIB GALIYAY SIDA AAD U WADA GARANAYSO JAARKAYAGII, DAD AAN ILOOBAY AYAAD I XASUUSISAY. GEEDIGII SAACADAHA SAMEEYNAYAY IYO QAAR KALOO BADAN OON AANAN XASUUSNAYN AYAAD IXASUUSISAY GURIGAYAGUSE WUU KA YARA SHISHEEYAA INTA AADAN GAADHIN GURIGII ILMA CAATEEYE XAAFADOODII. WAXA KALE OON RABAA INAAN KA JAWAABO SUAASHAAD ISOO WAYDIISAY EE AHAYD YAA UGA HOREEYAY ABIIB QOOTI TUKAANKIISA INTA UUNA ISAGU LAHAYN . SUAASHAAS WAAN GARAN WAAYEY WAANAD IGA HESHEY TAASI EE BAL I SOO XASUUSI AMA WAXA LAGA YAABAA INUU GARTO OUR BRO BOODHLE. SIKASTABA HA AHAATEE WAXA AAN FILLAABA WAA JAWAABTIINA. YOUR BRO W/HARGAHA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 04:36 pm TO:Warshada hargaha iyo Saaxiibkaygii hore ee Boodhle iyo waliba saaxiibkan cusub ee ishaborama Dhamaantiin waa la idin wada salaamayaa, intaas ka dib saaxiibkay warshada hargaha waxaan aniguba ku yara lunsanahay reerahaad sheegtay oo xaafad xaafad umaga garanaayo laakiin si kastaba ha ahaatee mar aan dheerayn waan isngarn karnaa anigu hadaan kuu sheego meeshaan degenaan jiray waxaan marka hore ka dhashay qosy intabadan caan ka ha boorama waxaan asal ka imid ethopia 1977 waxanaan degenaan jiray hadaad xasuusato laynkii Abiib Qoti tukaankiisii xaga iyo reer jibriir ama reer maxamadoodi ama Ilama dhabar waxaan ka soo horjeednaa quryo ay lahayd islaantii Quruxo ee edada u ahayd sh.maxamad saaweer oo hada imaam ka ha masaajidka xaga sare ku yaala ee uu masuulka ha yahay xaaji maxamuud jaamac biriir waxaan kasii jeednaa kuruga uu leeyahay maxamed doodi dhanka kale waxaan in yar iski jirnaa Ilama waraabe girgidii ama sandaqadiii waayo waayo deganaan jireen hadaad saaxiib sifiican u xasuusato waliba ku darsoo dheerdhabar derisbaan ahaan jirnay. Dhinaca kale waxaa Abiib uga horeeyay nin hada sawirle ku haysta jabuuti oo layidhaahdo Cismaan Cade oo caanaha Halkaas ku iibin jirey dadka oo dhamina ay kasoo doonan jireen habeenkii waagii warshadii hore ee laydhka oo saaxiib ninkaas ayaa uga horeeyay meeshaas midkale ku darso oo magaran kartaa malcaamadii aw tuure meeshay ku taalay ama tii xaafadiina u dhawayd ee uu dhigi jiray Aw xaamud ayaan u malaynayaa magaciisa inuu ahaa aniga oo aad u yaraa waxa uu ku dhigi jirey meel kadanbaysa halka reer caateeye girgid ku ooli jirtay meeshaas aad dheegasid hada saaxiib waxaan inyar u jiraa inaan ku soo saaro ee hayga biqin runtii adigana waxaan fili inaad isoo saarto ee ogow maxasuusataa garoonkii yaraa ee kubada ee kadanbeeyay laynka xasan cali iyo mise xasuusataa meesha uu gurinaga xasan aleel ku yaalo waxay ahaan jirtay markii hore iyo cida ag degaan jirtay bal kuwaas iyo kuwo kale oo farabadan baan runtii xasuustay ee soo sheeg adigana waxaan filayaa intaa iyo inkale inaad hasyo saxiibaday dhamaantood by Laanta Hawada.......take care brothers where ever yr in the world hava funnnnnn
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 08:20 pm Walaalkay LAANTA HAWADA Runtii sifiican ayaad iigu tilmaamtay halka aad degenaydeen,waanan ku gartay,xataa hadii aan qaldayo wajigaaga atleast reerkiina ama cidii gurigaa deganayd waan garanayaa,markii danbe waad ka guurteen,anigu hada hadaan isku kaa sheego waad i garanibaan filayaa hadii aad wajigaygii soo saari waydana reerkayaga iyo gurigii aan daganaynba waad garan. markii hore uma aan malaynay inaad eeriyadan aad degenaydeen ood sidaa u kalagaranaysid markaa tilmaamaha aan ku siinayay waxa ay ahaayeen eeriyada guud oo waxa laga yaabaa inaan eeriya balaaran aan wax kaaga tilmaamayay,waayo ma aan filayn inaad guri guri u garanayso jaar kayga. markaan waxa aan rabaa inaan ku waydiiyo waxa aad ii sheektaa dadkii galayay guryaha u dhexeeya marka laga bilaabo guriga hassan alleel ilaa laga gaadho gurigii maxamad doodi u guuray,markuu xaafadiina agteeda ka guuray. Bari waxa aan tagayaa oon u soc daa Canada Toronto<hadii Ilaahay idnmo>halkaas ayaan kaagala soo xidhiidhi. soo tiri guryahaas bal inaad isoo garato waxa aan kaa sugaaba waa albaabkayagii ood garaacdo. your bro. W/hargaha.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 09:11 pm Hi brothers aad baan u jeclaystay in aan xasuusto boorama oo aan mudo ka badn 12 sano ka soo maqanahay. waxaad i xasuusiseen dadbadan oo aan mudo aan magacdooda maqlin. To. warshada hargaha . waxaan u malaynayaa in ay halkaasi ahay saldhigyaga , waxaannan u malaynayaa in aad hayd guruubkii naga waa waeynaa ee aan mararka qaarkood ku ciyaari jirnay marka ay meelahaa u soo haasaawe tagaan.....jocking kooxdii waxaad ahayd ayan u malaynayaa diingo,budeeye,xasan cismaan,ali colhaye . cawlo etc. anigu waxaan ahaa rdaydii dugsiga sare ka baxday 1990 sheekh cali jawhar.. waad mahadsantihiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 04:55 am waraaba salaan 2 saaxiib ila soo xidhiidh.oo malmahan waan ku goobayee.maxaa kugu dhacy.bal ila soo xidhiidh wax baan kuwaydiin lahaaye.waxan rabay inaan ku waydiiyo axmed iyo cabdirisaaqe bali si deg dega iila soo xiriir. miicaadhaa@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 05:00 am HALLO W?SALAAN4 I WAS JUST READING YOUR POSTED MESSAGE MEELKALE AYAAN KU ARKAY MAGACAN GARANSE MAAYO BYE NOW ALIIIIIIYARE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 04:39 pm To:W/HARGAHA Hy brother waxaan filayaa inaan hada is fahanay waxaanad marka hore iga raali ahaataa aniga oon xaafaduhu siday ikugu xegeen iloobay ama qaar kood ay maskaxdaba ka baxeen waayo mudo farabadan baan halkaas ka maqnaa runtiina waad iga ratay anugina maan filayn inaad sidaa ii garan doonto ee waan iska yar gust garaynayay uun hadaan bilaabo xaafadaha waxaan ka xasuusto waxay ahaayeen sidan reer Xasan Alleel(Cabdi Risaaq Kaltuun iyo intoodii kale ) reer Jibriir-Ciise(waa gini maxamed luula iyo intii kale ee ay walaala ahaayeene) reer Iimaan Bilaal (Kayd ama baxasane biri waa boode, Ciide) Ilama Bariiso iyo raga uu ninka saxiibkeen ahi sheegay reerahoodii oon hada ilowbay ilma ayadoodi waayo waxaan ka sii xasuusta horta intaad tahay inka ugu danbeeya meeshas ee layidhaa Ilma Colhaye oon filaayo inaad tahay Xasan waayo cumar budeeno, diingo, Cawlo intuba waxay daganaayeen xaga iyo buurtii yarad hoosteeda waxay ahaayeen kooxdii la odhan jiray javantuus ama ku ciyaari jirtay markii danbe Kulmiye qaarkaan kasii xasuusto ee kale waxaa ka mid ah cabdi risaaq, maxamed kaahin, Cabdi Ileeye, Diyo, adigu laakiin waxaan filyaa inaad degenayday guryihii kaabadaha dhaadheraa ee hada ah degen yihiin Ilma xasan Iimaan Cabdi wahaab kii bangiga iyo reer koodu oon filaayo inay bari danbe halkaas u soo guureen waxaa kale oo iyaguna deganaa markii iigu danbasay halkaas xaafad kale oon hada soo saari laahay laakiin saaxib raali ig ahow mark uun baan ku soo qabane wajigaagana waxaa laga yaaba inaan ku ilowbay ama aan xasuusto markaan arko ee ii kaadi. Saaxiib dhinacaa iyo canada bal kasoo raadi oo kasoo sheekee asxabtii ama xaafada aan hada degenahay degen ama kuwii hore een hada kuwaydiinaayo degenayd qaar ka mid aha magacadooda iyo waxay qabtaan kasoo sheekee saaxiib raalina iga ahow hadaan sheekada badiyay Take care in yr travel i hope y good luck and keep writing more than that waan isfahanay bay ka dhigantahay by Laanta Hawada......see y next time
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, April 07, 2001 - 07:45 pm TO/LAANTA HAWADA IYO WARAABE SALAAN 2 Marka hore waad salaamantihiin, marka xiga anigu hada waxa aan imid Canada,Toronto. Ilaahayna nabadqab ayuu ikeenay. sobobts aan umidna waxa weeye shaqo ayan ka soo codsaday company degen halkan,markaa way isoo ogolaadeen oo isniinta ayaan training laba cisho ah aan bilaabayaa. hadii aan u soo noqdo sheekadeenii runtii labadiinuba aad ayaad isugu taxalujiseen inaad solve gareysaan tilmaamaha aan idin siiyey, waanad ku mahadsantihiin dadaalkaas,markan waxa aan rabaa inaan idiin dhibyareeyo,oo waxa aan idin siin e-mail kayga ila soo xidhiidha. waana sida tan(raduk@attcanada.ca) waxase aan aad uga xumahay in ay dhamaato sheekadeenan xiisaha badnayd een halkan ku haynay. waxa ay ahayd madadaalo aad uxiiso badan,inaga oo kaliya maynu maaweelinayne dad yow farabad oo reer borama ah ayaa inala akhriyi jiray message kastoon soo post gareyno. markaas waxa aan filayaa inaynu halkaa ka sii wadi doono sheekadeena. inta aynu dib ugu kulmi doono internetka maca salaama. W/HARGAHA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 08, 2001 - 03:43 pm TO:WARSHADA HARGAHA Saaxiib marka hore aad baad u mahadsantahay waanan kuugu hanablyayanayaa shaqadaada waxaanan kulee yahay good luck for yr new job i hope y all the best or i wish y all the best. marka labaad saaxiib kasoo waran asxaab badan oo aan filayaayo inay reer booramahii hore ahaayeen ayaan filyaa inay degen yihiin dhinaca iyo canada gaar ahaan toronto bal saaxiib kasoo sheekee mar kale max-suusataa dadkii degenaan jiray inta u dhaxaysa Abiib Qoti iyo Reer Dhido mise xasuusataa cidii degenaan jirtay reer malgaash agagaarkoodii waxaan fili inaan home-work ku siiyay adiga iyo asxaabta kale oon filaayo inay garankaraan sidaa iy markale oon isku aragno meeshani by Laanta Hawada see y every body next time
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 08, 2001 - 08:59 pm Saaxiib waan kaa gudoomay hanbalyada niyada ah eed isoo dirtay. Waad isda aad filaysee dad yow badan ayaa degen canada oo reer borama ah,isla markaana isgu jira da'walba, hadii aan u soo noqdo home/work ka aad ii dirtayna, waan wada garanayaa eeriyada aad isoo waydiisay,gabdho iyo ragba inta halkan ka joogta. Inkastooyna magaalo kali ah ayna wada degenany,waxase loo badan yahay TORONTO iyo OTTAWA magaalada layidhaah. waxanse filayaa inaanan halkan ku soo qorinay magaac dooda waayo dadka qaarkii ma jeclaysanayaan inaan magaacdooda lagu dhigo halkan ogolaashon la'aan. waxanse samayn karaa inaan kuugu soo sheegi karo e-mail. markaa isoo dir e-mail. anaana kaaga wada warami. xaalada guud hadaan kaaga waramo dadka dhulkan joogaa [north-america]way iska wada ladan yihiin oo dhulkan waa lala qabsaday, school iyo shaqooyin fiican ayaa lawada hayaa, inkastoy jiraan qaar jidka ka baxay hadana dadka badidiisu waa iska ok. saaxiib ila soo xidhiidh. bye now
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 09, 2001 - 01:47 am TO:W/Hargaha Saaxiib waan kuu soo diray e-mail ee bal warka xagaa iyo mail dropka soo badi waxaan filayaa inay dabbadani halkan ku caajisi doonaan ama ay feel bored meeshani markaa saaxiib waan kawada tashan doonaa inta aan isla fahano uun baan fili inaan meeshani ku soo qoridoono ee sidaa ula socda dhamaan asxaabta reer boorama ahay. Dhanlka kale Yaa Yaqaana ama xasuusta tukaankii Af-ka weynaa cidii iska lahay iyo xagay maanta ku danbeeyeen waa su aal u taala cidksta oo boorama taqaana waa qadiiimi qalbigaan ilaawine Yaase xasuusta Meeshay ahaan jirtay Injidii sonkorta laga qaadan jiray waayo Waayo maxayse Hata tahay Yaase wax ku haysta sidaa iyo have home-work every one around the world just sit back think for a while and have a gust that home-work in to might knowlege some people will jaf-jaf ama rewind their maskaxdoodii oo way garan doonaan good luck every body see y next time i wish you have wonderful home-work by Laanta Hawada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 10, 2001 - 10:29 pm HI LAANTA-HAWADA IYO W/HARGAHA????????????????? This will Remaind you back home (i mean BORAMA) WAR DHANTADU DHIMATANE DHULKAY KU DHACDEE WAR DHANTADA DHULKA MAAD KA QAADAANE!!!!!!!!!! MAAHMAAH AH;;; BEENI MAXAY QABAN BOORAMAAN KA IMIDE???????????. BUURTII SAW IYO SOG_SOGLAY IYO SAMAW BOORAMA.... heesta SIDA DHUUXI BOORAMA .. MA HILAACI KARANTOO BOORAMA KU HOOROO??? HADII ANAAN BARI SAMAAD KIYO JACAYLKAYGI BOORAME.. BOORAMAA BAROORANTII....waxaa aan meesha ku qoray iyo in ka fara badanima waxay i xasuusinaysaa .. quruxdii boorama oo ah hoyga nabada..iyo iyada oo ah meel lagu noolaado meesha ugu wanaagsan..aanan marnaba ka baxay qalbigayga iyo maskaxdayda .. waxaan marar is xasuusiyaa toban sano ka hor aniga oo dhex lugaynaayay suuqii doqon ma waaye...waxaan marnaba maskaxdayda ka baxayn oo aanan ilaawayn shaahii sahra abdilaahi (DOQON-MA WAAYE)macaan kiisii iyo udgoonkiisii u lahaa...iyo sidoo kale galabtii makhaayadii QAADIGA oo aan ka cabi jiray shaaha .kuna dhagaysan jiray BBC... so mararka qaarkood markaan waxaas oo dhan xasuusto waan iska (OOYAA ) waxaanan dareemaa in ay wax iga maqan yihiin noloshayda???????????? Bal tan hada aan ku jirana waa talaabo uu ilaahay qoray . in aan maro..ama aan halkan ku noolaado.. so (ALLAH KNOWS THE BEST)but i am dreaming to go back my home..so one Day my dream it is gona come true!!! so in asha- allah every thing will be allright... so guyz i wish you all the best anad have good funnnnnnnnnnn.. so til next time take care bye BOODHLE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, April 11, 2001 - 06:29 pm to boodhle Waaruntaa oo waxyaalo badan ayaad i xasuusisey waanad ku mahadsantahay, adiguse ma xasuusataa,D.W.D meeshii la odhan jiray oon filayo inay u dhowayd guryaha aad degenaydeen. Hoos u swii dhaaf wakaalada dhirta iyo daaqa , seerihii,maxasuusataa forestry ama sida aynu odhan jirnay foorestariga,halkii lagu dabaalan jiray seeraha, gagadii xoolaha,intaas aan soo sheegay oo dhami oo ah meelihii u dhowaa xaafadiina xasuus wacan. salaan gudoon laanta hawada xageed ka dhac day. soo qor warkaaga adna. W/HARGAHA
|