    Laanta Hawada | Friday, March 09, 2001 - 06:37 pm Assalamucalykum Waxaan Rabaa ina aan ururino wax-yaabaa aan taariikhda u leenahay dadka reer awdal u dhashay sidaa daraadeed waxaan jeclaaday inaan ururino heesihii reer saylac caanka ku ahaayeen waayo hada dadaka dhamaantii waa sii dhamaanayaan baan filayaa . Hadaba waxaa aniga ila fiican bal xasuus aan ka dhigano ee waa inaan qornaa heesahaasi cidii wax kataqaanaa hasoo sheego hana ku qoraan halkani waxaa lagu samaynayaa eryo bixin maxno fiican u yeelan karata umada sidaa iyo wada shaqayn wacan raalina halayga ahaado hadaan qoraalka dheereeyay. Sidaa iyo nabaday intaa markale isku soo noqonayn oon rajayno inaan kala faa iidaysano. Wasalamucalykum |
    QOORGAAB | Thursday, March 15, 2001 - 08:26 pm Runtii anigu waxaan ahay nin lagu dhalay todoba odey oo saylicinimo ah kuna abtirsada saylicinimada.. laakiin nasiib daro. kuma ahi siday abahay.iyo hooyaday awoowyaday ku ahaa yeen sayliciga lakiin waxaan rabaa in an halkan ka sheego waxaan ka xasuusto.. runtii in kasta oo ay aniga iga tahay indha ka rid waxaan xasuustaa oo ka mid ahaa . 1-HOY HOY YUBAALOOY... 2-ALA KU AAWAY.. 3-ALA BUSTAAKA DHEXDIISA JIIFTOOY MAR UUN BAAN BANAAN KA KAA QABANE. 4-CAROW CAR... 5-HOYDADOOY HOOYDADOOY... 6- WACAYS BAAN SOO SIDAA WAA WIIL BADHAADHAAN DABA WADAA GABADH. Runtii intaas ayaan ka xasuustaa iyo in badan oo anan hada xasuusneyn.. marka sidaa iyo dhagaysi wacan heesahan sayliciga ah. bye QOORGAAB |
    Harawe/Borama | Friday, March 16, 2001 - 05:50 am Aniguna in yer baar ku dari doonaa. Intaan waxaa laga xiyaari yirey Borame inkasooy Saylac markii hore ka timid. 1.Bismilaahi Sallalaa Calaayee hooyaalee, Bismilaahi Sallalaa Callaayee hooyaaleee. 2. Kushubxaan Kushubxaan Sallalaa Calaayee Hooyaalee Waxeyna kusoo dhanaan jirtey baan filahayaa, Yackooyaa Yackooyaa. Midwalbana laba jeer ayaa lagu celin jirey. Heestani waxey aheyd tan malaha u caansaneyd heesaha Zayliciga ayey illa tahey. Waxaan intaa ka qabtey nin Borame ku ciyaaraayey oo aad u yaqaaney |
    Laanta Hawada | Friday, March 16, 2001 - 02:18 pm TO: Harawe/Borama and QOORGAAB Waar niman yohow waxaan filayaa inaad tihiin ragii hore ama dhexe ee magaalad markaas waxaan aniga iga talah inaan ururino heesan umagamana jeedo diin nacayb laakiin waxaan rabaa ama iga tala noqotay inaan ururino wixii aan taariikh u lahayn een awoow yaasheen kasoo gaadhnay waayo bari maxaad uga sheekeyn caruurtaada hadaanad adiguba garanayn noloshii aabayaashaa iyo hooyoo yinkaa toona hadab bal meel uun inoo sameeya ama talo aan isku darno oon meel ku qorno si aan ugaga sheekayno caruurteena ku koraysa reer galbeedka een aqoon waxay dhaqan u lahaayeen waayo hadii lawaayo taas waxay keenaysaa inuu caruurteeno ina garanwadayo wadankeenii aan inagu sixiiso leh u qabno oo marka lagaaga sheekeeyo aad hilmaamayso wax yaabo badan taas waxaa kugu keenaya waa waxaad ku soo kortay hadaba sideen caruurteena uga dhaadhicinaa sheekadaasi waa inaan marak hore is kaashanaa marka labaad aan meel uga soo wada jeedsanaa howsha caruurteena oon uga sheekayna ama aan barnaa afkoodii hooyo ee ay kuxasuusan karaan ama ku fahmi karaan dhaqankaynu inagu hilaamayno sidaa daraadeed heesahani waxay wax badan ka turjumayaan waxaynu dhaqan u lahayn oon marnaba laga tagi karin ee aan qorno oon meel dhigno sidaa iyo wada shaqayn wacan By:Laanta Hawada |
    Harawe | Monday, March 19, 2001 - 05:43 am Wallaal marka hare waan kugu raacey aan wada shaqayno. Waxaana ugu fudud in aan raadino meelaha dhaqanada agu ururiyo. Waxaan filayaa in ay Heesahin Qran jihiin. Waxaanse kugula talin lahaa hadii aad qurbe joogto waxaad aadaa SOMALI HERATAGE CENTRE KA KUGU DOW; waan fiayaa inaad ka hali doonto aniguma waan ka soo doon doonayaa. Talabaad anigu inkasoon garaney waxey heesahani mixnahodu yihiin, hadana waxaan nasiib u sheeshey 80tameeyihii waxyer ka ogaadey. Hadana 20 qaytiisa danbe ayaan ku jiraa, markaan sodomeeyo gaaro anigaa sameydoona kuna heesiahaa laakiin diintaaa uga cabsanayaa. Mar hore ayaan heesaa noqonahaa hadaan taasi iga hor joogin Waxaan kaloon kugula tainahaa Borame aad hadii aad waqti heshid sababtoo ah wali waalga ciyaaraa Zayiciga aniguba LAANTA HAWADA WAANKU NOOLAA,Radio hargaysa ayaana ku ooli jirey waxaan Hergisa u kala garana yaa xaafan xaafad. Hadii aad waxfaahfahina oo hesho soo sheeg aniguna sidoo kale. Waxaan ku waydiin lahaa inaad soosheegto Ciyaartsa Hada ugu caansen ee hargaysa laga ciyaaro |