We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 14, 2001 - 12:11 pm Walaalayaal waad salaamantihiin dhamaan reer Puntland gaar ahaan reen nugaal, walaalayaal hadalkan hada ka hor ayaan ku qoray qaybta puntland laakiin ilaa iyo hadda wax ii soo jawaabay ma jiraan. dadku ma jecla waxa fiican ee faa'iidada inoo leh laakiin waxay jecelyihiin cayda iyo aflagaadada. walaalayaal aniga waxaan ahay nin udhashay nugaal inkastoo aanan waligeey arag, hadana waxaan jeclahay dadkayaga inay hormaraan, taasna waxaa lagu gaari karaa wax barasho, walaalayaal sidaad la socotaan goblkayaga ma laha wax jaamacad ah, somaliland iyo gobolo kale waxay leeyihiin jaamacado, maxaa anaga noo diiday? walaalayaal waxaan u baahan nahay jaamacad laga dhiso gobalkayaga, maadaama uu gobolkayaga yahay halbowlaha iyo bartamaha puntlad.walaalayaal aritaa aan ka tashano anaga wax ayaan ka qaban karnaa gaar ahaan dadkayaga jooga qurbaha. walaalayaal waxba haka sugina c/laahi yuusuf,idinka isku tashada idinka wax qabsada, bal ra'yigaa ka warama walaalayaal(aqoon la'aan waa iftiin la'aan)reer nugaaloow hurdada ka kaca. peace and love.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 14, 2001 - 08:37 pm Khayrwade; Saaxiib waan ku salaamay. Taladaadu waa mid aad u fiican, waana la qaban karaa hadii itaal iyo tacliin lala helo. Marka reer Nugaal waxaan u malynayaa inay haday si fiican ugu soo jeestaan ay jaamacad furi karaan. Balse see wax haloo bilaabo ama ha loo hawl galo oran lahayd? Maxaa fikrado ku waajihan arintaa haysaa; koleey waad ka fakaraysay baan u malayne? Anigu waan kugu raacsanahay taladaada, balse waxba kama aanan fakirin ilaa hada. Dhulka xaaladiisana aad ulama socdo. Nabadeey, Kaleey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 15, 2001 - 06:46 am sxb yaal aan ka harno riyada mala awaalka iyo hinaaska ku dhisan. xaqiiqada aan u soo degno. iska dhis ma aha jaamacad wax yaalo badan ayaa loo baahan yahay. balse waxyaalo kale oo ka fudud ayaa jira sida rug caafimaad, talaalo dadka iyo xoolaha,ceelal, dusiyada hoose,dhexe,sare, iyo kuwa dadka waawayn, ururo samafal, samaysi maamul degaan,iwm. hadaba aniga waxay ila tahay in jaamacaddu ay haboon tahay markii arimahaas intooda badan la fuliyo. gobolku xataa maktabad ma laha ama (library).
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 15, 2001 - 10:07 am saaxiibayaal kaleey iyo iligdalalo waad salaamantihiin aad ayaana ugu faraxsanahay in aad muujiseen wadan jacayl.marka hore waxaan u jawaabayaa walaalkay kaleey, walaal horta mashruucan wali waa iska riyo laakiin riyooyinka way dhaboobaan, marka walaal hawshan waa hawl u wada taal dadka u dhashay puntland gaar ahaan reer nugaal, aniga fikradayda waxaa weeye in marka hore aan ururino fikradaha, kadibna aan samayno giddiama (trustee) ka kooban aqoonyahanada reer nugaal ee qurbaha ku nool kadibna dalkii loo diro wafdi soo ogaada xaaladaha wadanka iyo meesha ku haboon ee jaamacada laga dhisi karo, qiimaha ku baxayo,mudada ay qaadanayso,macallimiintii wax ka dhigi lahayd iwm.intaa kadib in loo qaylo dhaanto jaaliyada reer nugaal ee qurbaha in ay iska aruuriyaan tabarucaad ama donations loona dhiibo rag yaqaan amaaanada iyo us aaminaada waxay tahay si ay dadka u arkaan in danahooda laga shaqaynayo, walaal waxaan aaminsanahay in qof damiir leh uu san diidi doonin in uu wax ku darsado mashruucaa khayriga ah. waxaan u sheegayaa walaalkay iligdalalo in mashruucan uusan yahay hinaas iyo mala awaal iyo wax kale balse uu yahay in dadkayaga ay helaan tacliin sare, waa runtaa in waxyaalaha aad soo sheegtay oo dhan loo baahanyahay laakiin aniga waxaan qabaa fikrad ah in jaamacada ay qayb ka qaadan doonto xalinta qaybo ka mid ah mashaakilaadka aad sheegtay sida in ay soo saarto jaamacada macalimiintii wax ka dhigi lahay iskuulada iyo engineero iyo dhakhaatiir iwm.anigu fikradaydu waaa taa.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 19, 2001 - 03:24 am TO:Aqli caruur yaal waryaada mar danbe haku qorina rayigiina internetka mana matashaan reer nugaal. good by nugaal
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 19, 2001 - 09:46 am to:Nugaal saaxiib waa adigoo kale waxa dib u dhaca ku riday gobolkaa,kuwa aan fakarin haday fakaraanna aan ku hadlin wax xikmad ah, marka saaxiib magacan aad xanbaarsantahay meel baad kaga dhacday ee isaga bax meeshan oo aad meelaha lagu caytamo, meeshan rag garaad leh baa ku sheekaysanayo, sorry bro you are the weakest link, good bye.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 07:59 pm To Nugal: Way kugu dhagtay "you are the winkest link good bye, how is feel the walk of shame lol. Any way rag yahay ilahay wax ha, idinla qabto runtii riyadaas oo miiran baa wax lagu garay iyo waliba wada tashigaa u eg marka hore mel laga bilaabo in uusan lahayn bulse dhawr wada tashi iyo riyooyin qofba meel ka soo tuura baa aayo dhala aakhirka. To ilig daldalo. Aboowe arinta aad sheegi runtii waa wax meesha ku jidha in marka hore besic la, iska habeeyo ka dib kor loo soo laabto laakiin some times hamiyada waa wayn oo uu wato walaalkeena noogu baaqay bogaan Kharwade waxa ay kugu furaan in kuwasna boobsiis loo habeeyo si hamigaan wayn loo garo. Walaalayaalow waxaanse aad iyo aad u jeclaan lahaa in aysan iska noqon just sheeko iyo wax isaga soo dhacay maskax bini adam oo aan wax qabad lahayn cidina uma maqna Nugaal ilahay mooye iyo anaga oo kale qof ah marka if we try walaahi we can make difference. Gabdh u dhalatay baan ahay xudunteeduna ku aasan tahay walow aan ka tagay aniga oo aad iyo ad u yar 18 months jidha, hadana waa dhulalka ana ku dhaarto sidaas oo ay tahay. Wixii aan bartana i know in aan iyada u baran marka please tashada iguna dara. peace all of you.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 08, 2001 - 09:22 am To:Hodan Walaal marka hore waad salaamantahay aad iyo aad ayaadna ugu mahadsantahay, sida aad ugu han wayantahay dalkaaga,walaal walaahi aniga waligay ma arag nugaal waxaan ku dhashay xamar kuna koray laakiin aad ayaan u jeclahay inaan dhulkayga wax u qabto inkastoo dad badan ay u arkaan mala awaal laakiin rag waa kii riyooda riyadoodana ka dhabeeya, marka walaalayaal aan u fakarno sida walaasheen hodan, aniga fikrad baan keenay ee bal wax ku dara ama wax ka dhima waa wax inoo wada yaal, ogaada in dhulkeena aysan cid kale u maqnayn aan anaga ahayn. so think about it.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 08, 2001 - 11:57 pm To: Khayrwade Marka hore walaal iga gudoon salaan, walaal horta arintani waa arin aanu ubaahanahay dhamaan Soomaali oo dhan gaar ahaana reer Nugaaleed, waxaana dhici karta haddii aan khaldaneyn aad idin ka wada badsaday joogitaan ka Nugaal halkaas oon dugsiga hoose dhexe ku dhameystay nasiib xumo anan ka helin dugsi sare waana oga hay in ay jiraan dhalinyaro badan oo taas oo kale ku dhacday marka horeybaa loo yiri meel hoo ubaahan haddal waxkama taro haddii aad wax u haysaan ilaahay hadinla garab galo, Anigu xitaa wixii aan awoodo diyaar baan la ahay maxaa yeelay waa wadan keygii iyo dadkey gii inkastoo aydadku i dhahaan u aadan dhalan laakiinse waa dalkaan ku soo korey waxaana ahay dhalin yaradii reer Garoowe . dhibaatada ka taagana wey idhibeysaa arintaana uma taalo cid ee waxay u taalaa qofkii damiir le ee dareensan in dadkiisu waxka maqan yihiin. Waxaana ilaahay karajeynaa yaa in uu riyadaan runka dhigo AAMIIN AAMIIN. Waadna ku mahadsan tihiin dhamaantiinba
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 09, 2001 - 12:20 pm Kheyrwade, Salams. Horta aad bay u fiican tahey fikradan aad sheegtey oo ah Universtiy of Nugaal in la dhiso. waxba iskuma xidhin in Hospital dhisan yahay iyo in meel umuluhu ku dhisan yahiin iyo Universityga. There are so many people oo u dhashey Gobolada oo inta kale qaban kara inta ay qaar kale ku mashquul san yihiin. Waxaan kuu sheegayaa inay Professors aad u fara badan oo gobolka ka yimid ay diyaar u yihiin inay meesha wax ka baraan. Keep up the good work, and keep that dream Alive Nabadeey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 10, 2001 - 07:04 pm Hodan: sxb waa ku mahadasan tahay jawaabta aad bixisay. waa sidaa sheegtaye iska hadalku ma fiicna, waxaa fiican in aan la bbisano ama aan gashano xaqiiqada. Nugaal gobolka la dhaho waqtigaan uma baahna jaamacad. nacnaheedu ma aha in aan ka wado ma laha ama ma heli karo aqooyahano u dhashay ee aqoontaa leh. jaamacad anigu waxaan u arkaa in ay tahay tilaabo wayn, si loo qaadana tilaabadaa wayn waxaa loo baahan yahay in marka hore la iska dhiso waxyaalo ka yar-yar jaamacad oo ummadda muhiim u ah. tuulooyinka gobolku ka kooban yahay qaar badan baan lahayn xitaa dugsi hoose ama mid dhexe. dhibaatada ay arintaasi u leedahay deganayaasha tuulinka waxaa ka mid ah in ay caruur badani saaqido markuu waalidkood u waayo lacag uu ku masruufo cunigiisa markuu beled kale dugsi dhexe u aado. tan kale ma garanaysaa sababta uu qabiilka Ciise Maxamuudku dadkiisu u gu badan yihiin askarta dablayda ah, aan kuu sheegee waxay tahay dawladdii aadan cadde iyo tii cabdirashiidba uma dhisin dugsi dhe iyo mid saraba sidaa darteed qofkii awooda waxuu aadi jiray qardho,bosaaso,iyo gaalkacayo. kii aan awoodinna waxuu qoran jiray dable ciidamada daraawiishta iyo booliska. tan waa sidii oo kale waxaan u baahannahay dugsiyo hoose,dhexe iyo sare ee uma baahnin jaamacad. waxaan kaloo u baahanahay bukaansocodyo(clinic) iyo ceelal.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 12, 2001 - 05:22 am Salaan Dhamaan, Topic fiican baad ka hadlaysaan. Balse waxaad moodaa in fikrad iyo talo laysweydaar sado maahe inaynaan tabar intaan le'eg aynaan waxba kaga qaban kareyn. Macnaha in University functional ah la sameeyo, meeshey rabto Somalia ha ahaatee wax sahlan maaha. Degaanada Somaliyeed oo sameystana u malayn maayo inay hawl yar u mareen, iyo inay halkaanoo kale ka bilaabeen. Balse aynu aragno waxaynu qaban karno. Ilig-daldalo, Waryaahee axdi wareersan baad tahay maxaad ku hadli? Yaa saas wax kuugu akhriyey ama u akhri ku yiri? Waxaan anigu u malyn in beeshaan Nugaaleed laguu soo diray oo aad faduul meesha la joogtid. Maaha inaad Ciise Maxamud askar ku sheegto, aman ah, mana taqaanid. Una maleyn mayo inaad Ciise Maxamuud tahay, hadaad tahayna mid silicsan baad tahay oo Illig-daldalo lama aadan baxdeen. Kuwii caruurta Ciise Maxamud qarkaa ka tuuray inaad tahay baan u malayn, oo hadana weerar ku ah beeshaas ladan. Ciise Maxammud dadka kama aqoon iyo ilbaxnimo liitaan. Waxaad ka hadleysana waxba ka garan meyso aad!Yaa kugu yiri Nugaal baa intii Dugisiyo laga waayey baa Qardho, Boosaaso iyo meela kale laga aadey. Dhoore, Eyl weeye meesha mutacalimminta iyo aqoon yahaniinta Majeerteen kuwa hore iyo kuwa hada joogaba meeshay ka yimaadeen oo ay wax ku soo barteen. Mar danbe waxaa ha la iman baan ku oran lahaa hadaad fiyow dahay. Waa hadaad fiyow dahay oo kaliya oo ay wax kaa khaldan yihiina, ka fiirso waxaad lee dahay, raalina ka ahow fur tuurkeyga. Nina aniga amaan igaga ma helayo Ciise Maxamuud baa Askara, oo iskuulo la'aan dadka ka reebtey, Ciise waa qani, cidnana kama sad roona awal iyo hadeerba. Dawladna isagoon yaboohsan baa Nugaal waligeed cidna ka liidaneen. Waxaad lee dahay waa; Nugaal baa biyo laga waa yayoo Docmaa looga arooray. Kaama gadan!!! Nabadeey, Kaleey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 12, 2001 - 07:56 am Kaleey: sxb kiis jiran labadeena ALLAHA caafiyo AAMIIN. KU CAYN MAAYO ANIGU BALSE WAA KULA HADLAAYAA. Ciise Maxamud qaa qabiil adigoo keliyana ma u dhalan keligaana ma matali kartid. waxaan sheegay waa taariikh dhab ah iyo siduu ciisuhu uga dameenjiray Cumariyo Cusmaana. waayo labadaba waxaa u hiiliyey c/risaaq iyo C/rashiid, balse ciisuhu fursadaas ma helin. dib u baar iska daa faanka reer tolkay. goormaa dugsi dhexe iyo mid sare loo dhisay gobolka nugaal. ha iloobin ay sideed gobol ahaayeen sidaa darteedna dugsiyada dhexe iyo sare laga dhisi jiray magaalo madaxda gobolada ee aan degmooyinka laga dhisi jirin . sababtaa owgeed ayay Ciisuhu ku khasbanaayeen in ay aadaan boosaaso ama gaalkacayo. fursadda ay heleen ciise maxamuudku waxuu ahaa Maxamed Abshir isaguna wax ma tarin tolkiis balse waxuu garoowe ka furay xero lagu qoro daraawiishta iyo booliska oo si toos ah isaga u hoos imaan jirtay. aabahay 5 baa la dhalatay 5tuna waa askar. 85-90% waa askar. balse nasiib wanaag gobolka kismaayo iyoxamar ayaa 70kii-85tii tiro badan oo aqoon yahano ah ka soo baxeen oo Ciise u dhashay. maraboin aan dood cusb oo ku saabsan arintaa furo intaa ayaan uga baxaayaa. balse sidaa u ogoy. aniguna waxaa ka dhashay ciise waana ku faanayaa kaalinta ay taakhriikh ahaan soo mareen iyo dadaalka ay iskood isu dhiseen iyagoon taageero ka helin dawladihii hore iyo kuwii dameba. doodi boga aa u soo noqono; jaamacad uma baahna dadkeenu hadda waxay u baahan yihiin in hoos laga dhiso iyo badinta ururo samafal,ceelal,bukaan socodyo, dugsiyo hoose/dhexe/sare, etc. nabaday sxb-yaal
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 12, 2001 - 09:48 pm Ilig-daldalo, Saaxiib meeshaan ku murmimayno ee arintaa ina kaxir. Mana ahayn waxaas inaad ku qorto halkaan. Jaamacadaas iyo doodeeda aanu usoo noqono. Anigu waxaan qabaa inay isku xirnayn, dhisid jaamacad iyo hotey u marin meelo kale oo bulshadeed. Waa runtaa, isbitaalo iyo programyo caafimaad baa aad loogu baahan yahay. Balse wax walba waxbarashay ku xiran yihiin. Dugsi hoose maanta Nugaal tuulo uu san ka furnayn oo 30 qoys degan tahay ma jirto ogaantey. Dugsi dhexana, afarta tuulaba waa lee yihiin. Garoowe dugsi sare waa lee dahay. Marka Jaamacd xili la furo waa la jooga hadii awood loo lee yahay. Ardey badan baana markey dugsi sare dhameeyaan garanayn meelay aadaan. Waxaan lee yahay marka hadii awood loo lee yahay in jaamacad la furi karo yey waxba hor istaagin. Markii jaamacd la helo, dakhaatiirna waa laheli, macalimiin iskuulo dhigtana waa la heli, wax walba iisi bay noqon atleast academically. Guul insha alaah Nugaal, kaleey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 13, 2001 - 07:57 am kaleey: ha noqon sidii horay loo yiri inta lagunabo ayaa nabiga lagaaga hormaraa. ma hadaa aniga ileedahay ma aha in aad meesha waxaas kuqortid. dib u raac qoraalkaadii hore sow adiga maaha kan igu khasbaaya in aan sii faahfaahiyo waayo waxaad igu tilmaantay qof iska hadlaaya oo been ka sheegaaya tolkiis. anigu ma jeclayn in aan tobigaas furo balse waxaan u soo xusay waxay tahay in aaan ogaano taariikhdeena iyo dhibaatada aan soo marnay iyo hadda in aan riyada iska dayno oo aan xaqiiqada raacno. sheekada jaamacadda wax sidaa u wayn ma aha howshaa iyo kharashkaana meelo ka sahlan oo faaiidooyin bulshada u leh ayaa loo leexin karaa. anigu qof baan ka ahay arintaa oo idinkaa iga badan ee bal wada hawshaa. haddii ra'yigayga iyo aragtidaya laga batay waxaa ii banaan inaan in aan idinku raaco, ee bal yeysan sheeko keliya noqon ama iska hadal. somalida waxaan ku aqaan isku dayasho oo haddii aad dukaan furtid ama biibito 10 kale ayaa lagaa ag furayaa. hadaba waayadaan dame waxaad u malaysaa in gobolkasto uu leeyahay jaamacad aan dhisano, waxaan sii arkaa in ay waxba ka qabsoomayn figradaa ah hiyi raaca. soo koob warkii: haye na wada oo soo qabanqaabiya shirkeedii iyo ajendaheeda. igala soo xariira markaa diyaar tihiin e-mailkaan bottaan55@hotmail.com
|