Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Waqooyi Galbeed: Qabiil ka xorooba dadyahow
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 16, 2001 - 05:57 am
War dadyahow qabiil halaga xoroobo.
oo Ilaahay hala baqo.
Ilaahay qabiil ku dhaqankiisa iyo ku xifaalantankiisa ma ogola.

on the other had qabiil waa "in-humane"

"Dugsi ma laha qabyaaladi waxay dumiso mooyee"....Ilaahay ha u naxariisto marxuumkiiye.


Maskaxdeena hadaynu qabiil ka dhaadhicino hadh iyo habeen waxaynu noqonaynaa dugaag.

Qabiil labada meel wada degan ayuun buu isku diraa waana wax baas oo khasaare iyo halaag uun ku soo jiidaya.

Ummadiina weli nacladii qabiilka ahayd way aaminsan tahay.
Inta qabiil la hadal hayana wallee inaan
meel la gaadhayn.

Markaa ma in lagu habsaamaa mise waa in laga tashadaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 22, 2001 - 06:25 am
Ninka qabiilka nacayow wax la naco wuu yahay.
Reer walba oo yari waxay isu haystaan laf laf iyo jilib jilib iyo bah bah.

Dhibaato uu abuuro mooyee weli qabiil wax faai'do ah ma keenin.

ummadii si bay weli bahalkii ugu dhegan tahay.

Weli dakii diyaar uma aha inay qabiil tuuraan waana nasiib darro.

Dad badan oo bilaa macnihiisa fahmayna way
jiraane la soco.

Ilaahay ummada qabiil haka daweeyo wayku habsaameene.


Qofkii Ilaahay ka baqayaa qabiil kuma dhaqmayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 24, 2001 - 07:32 am
walaalayaal dad badan ayaa u baahan in loo sheego qiima darada uu qabiilku leeyahay iyo in qofku xadhigii ilaahay gooyay hadduu qabiil ku dhaqmo ama ku eexdo.