Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Sanaag: QABIIL KA XOROOBA DADYAHOW
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 16, 2001 - 06:31 am
MARCH 16/01


HALKANI WAA MEEL QABIILKA DHIB U DHACIISA IYO SIDII LOOGA GUDBI LAHAA LAGAGA HADLAYO.

Haddii aad tahay mid qabiil
aaminsan fadlan waqtiga ha naga qaadin. waxaa
jiraa meelo badan oo dadka qabiilka aaminsanay
ay kawada xidhiidhi karaan.

wixii qabiil ku dhaqmaa way habsaamaan.
Baniaadinimada waa ka reeban tahy in qabiil lagu dhaqmo.
Ilaahayna wuu ciqaabayaa qofkii
qof kale qabiil kaga eexda.

Markaa dadyahow ma Ilaahay baad
raacaysaan mise qabiil?

Haddaad Ilaahay raacaasaysid
la soco ilaahay waxba kama qarsoonee.
Denbiga aad qabiil ku gashidna
aakhiro waa lagu soo taagayaa.
ma waxaad u malaynaysaa in qabiilkaagu
intay isoo raacaan inay
Ilaahay kaa furfurayaan?

dadka ilbaxay way iska dhaafeen qabiil.
Idinku gooramaad qabiil ka maarmaysaan?

idinla hadh oo dib idiin dhig oo colaad
iyo qudhun abuur ee gormaad bahalkan
qabiilka ah ka maarmaysaan?

Waxaan rabaa dadka reer
Sanaag ee qabiilka ka soo
horjeeda inay halkan
igala soo qayb galaan.

Dhiibo fikradaada.

Mahadsanid

Nin reer ceerigaabo
ah oo qabiilka neceb #37.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 17, 2001 - 06:02 am
Aad baad u mahadsan tahay ninka qabiilka ka maarmayow.
Qabiil waa qudhun oo wax laga maarmo.
Dad uun buu isku diraa qabiil.

Wuxuu dumiyoo mooyee waxna ma dhiso.

dhib u dhac ayuu keenaa. Bal eeg halka addunaku marayo iyo halka aynu joogno.

Kheeraadkeenii ayaa la gurtaa inana waxaynu ku jeednaa qabiil.

Sun ayaa waddeenkiina lagu shubay intaynu isku jeednay.

Dib ayuu inoo dhigay qabiil ee hala baxo oo u hal baabiyio qabiil.
Waxba la sii jeclaysan waa wax aad xune


Thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 19, 2001 - 06:53 am
ummadeenu hadday qabiil ka maaranto
waxba inagama xumaaden.

Dadku hadday fahmaan in qabiilku yahay:

1. colaad
2. xasad
3. shaki
4. dhib u dhac
5. horumar la'aan
6. Ilahay wax lagaga fogaado
7.wax dadnimada ka fog
8. wax wax dumiya
kuma ay dhaqmeenba; nasiib darro dadkii weli waxay u haystaan inaan qabiil la'aantii aan la noolaan karayn.

dadku miyaanay muslin ahayn oo aaminsanayn in risiqooda ilaahay qoray?
Maya, dadku hadday muslin yihiin qabiilba kuma dhaqmeen.

Qabiil walba waxaa ku jira dad qabyaalada neceb. waxaana rajeenayaa inay halka wax ku soo qoraan oo ay is muujiyaan si loo kala faa'ido.


Nin qabiil ka tegay macna daradiisa.