Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Bari: MAREEXAAN IYO MAJEERTEEN MAXAA KA DHEXEEYA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALI

Friday, March 16, 2001 - 09:05 am
Walaalayaal waxaan rabaa inaan ogaado qilaafka ka dhexeeya labadaa tol ee wada dhashay, daarood ismaaciilna isu xiga marka meesha laga saaro siyaasada oo loo eego xag dhaqan iyo wada xidid iyo degaanba ......maxaa weli wada naceynkan?...haduu siyad bare tagayna ma sii socdaa?..........ma ilaa aaqiruu soconayaa? fadlan rayigiina ka dhiibta bilaa aflagaado.
nabadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin tolka ah

Saturday, March 17, 2001 - 09:28 pm
Saaxiib su'aasha aad na weydiisay jawaabteeda rasmiga ah waxaad ka heli kartaa adoo eega xaalada ay ku sugan yihiin qabiilada ka faracmay hawiye, raxanweyn iyo isaaqba.
Hadaan mideyda shaqsiga ah kuu sheego, waxa weeye siyad barre iyo falalkuu sameeyay iyo dadkiisa oo ka raali ahaa. Hadalka waan sii wadi lahaa, waxaan u joojiyay waxaa jira arrimo tolka ay ka hadli karaan oo aan dibada loo soo bandhigi karin. Marka hadaad Tolka ka mid tahay hadalka ku jooji halkan. Hadaadan aheynna hadaba iska wado sheekadaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Sunday, March 18, 2001 - 08:46 am
To:nin tolka ah:
walaal waxaan ahay nin tolka ka tirsan,waana fahmay waxaad ka wado.......waadna ku mahadsan tahay asturaaada ilaahayna ha ku asturo walaal ajarna ha kaa siiyo.
nabad alle

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 20, 2001 - 05:27 am
March 19/01

Ninka su'aasha qabiilka ku saabsan dadka weydiinayoo(mareexan iyo majeerteen maxaa ka dhexeya) walaal waad habsaantay.
Su'aaal qabiil maanta looma baahna.
Adduunyadii waaa tagtay; bal eeg meesha adduun marayo iyo meeshaad ka hadlaysid.

walaal qabiil waa kii ina baabi'yay e ka hadlin.Ummadda si kale isugu soo dhoway laakin qabiil waa qudhune iska tuur.
Qabiil kuwa meel wada degan oo isku qabiilka sheegta ayuu xitaa isku diraa.

War qabiil haddan laga xoroobin meel la gaadhi mayo.
Qabiil maskaxda dadka ayuu wax u dhimaa.


Nabadgelyo

Nin qabiilka iyo
macnadaradiisaba la yaaban.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhuka hooyo

Thursday, March 29, 2001 - 04:41 am
waad salaamantihiin
soomaali wayn waxaa lamarayaa qarnigii<21> aduunkana waxaa ku dhamaanaya ciyaalkiina iyo dumarkiina ee aaway wadanimadiina?
ilaahay hadin soo hanuuniyo aamiin