    Humbaale | Tuesday, March 20, 2001 - 09:13 am Naag cajuuso ah oo xamaalan jawaan lacah ah ayaa waxay timid bangi wayn oo ku yaala maraykanka. Lacagtu qiyaastii waxay ahayd 3000,000. Naagtii baa shaqaalihii bangiga ku tiri maadaama aan lacag badan sito oo aan dhiganayo bangigan waxaan rabaa in aan la kulmo ninka ka ah manajarka bangiga. Waxay la kulantay manajarkii. Manajarkii oo la fajacsan meesha naagtan ay lacagta badan ka keentay, ayaa wuxuu waydiiyay su'aalo ay ka mid yihiin: lacagta ma dhaxal baad ku heshay? maya , ma bakhti nasiib baad ku guulaysatay? maya, ma dhulkaad ka heshay? maya. Markaasuu waydiiyey sidee baad ku heshay lacagtan faraha badan?. Waxay ugu jawaabtay cajuustii, lacagtan waxaan ku helay sharad. Adigana waxaan rabaa in aan sharad kula galo. Manajarkii oo fajacsan ayaa yiri, shardkaagu muxuu yahay?. Waxay cajuustii ku tiri, sharadkayku waa: Hadii berito saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo ay cawradaadu fiyowdahay oo aan alaabtaadu aysan xubin ka maqnayn in aan ku siinayo lacag dhan 100,000. Manajarkii oo la yaaban sharadkan ayaa yiri OK oo maxaa igu dhici kara 100,000 waa lacag badane, kadib waxy balameen subixii. Manajarkii shaqadii ayuu ka baxay goor hore, meel ma uusan aadin gurigiisa ayuu iska joogey, habeenkii ayuu seexday xoogaa markuu joogaba alaabtiisa ayuu hubiyaa in ay dhamaan joogto, sidii ayaa waagii ku baryey. Subixii mar kale ayuu hubsaday in alaabtiisi joogto, sidii ayuu shaqadii ku soo aaday asagoo aad u faraxsan sugayana abaalmarintiisi. Xafiiskiisii ayuu fariistay asagoo saacada eegaya marna hubsanaya in alaabtiisi joogto. Saacadii la balamay markii la joogto ayaa cajuustii iyo nin oo la socdaa xafiiskii soo galeen. Cajuustii ayaa waxay ku tiri ma hubtaa in alaabtaadii aysan waxba ka maqneyn? manajarkii wuxuu ugu jawaabay si kalsooni leh oo uu yiri dhamaan waxba kama maqna. Cajuusti baa waxay tiri waxaan rabaa in aan hubsado oo indhahayga ku arko, ninkan koley lacabadan buu sugayaye wuxuu yiri tafadal oo uu tusay alaabtiisii. Wax yar ka dib wuxuu arkay manajarkii ninkii cajuusta la socday oo madaxaa miiska ku garaacaya, markaasuu yiri maxaa ka qaldan ninkan oo uu miiska madaxa ugu garaacayaa?. Cajuustii waxay u sheegtay in ay sharad kala galeen iyada iyo ninkan, oo sharadku ahaa hadii manajarka bangiga ugu wayn amerika uu tuso alaabtiisa ay heli doonto lacag dhan 500,000. Maadaama qofna filaneyn in cajuustani ay sidaa samaynkarto. Halkaa ayey cajuustii ku faa'iday lacag dhan 400,00. Calaa kuli xaala waxaan filayaa in aad sheekada fahamteen. Raali iga ahaada mudo hore ayaa iigu danbeysay qorista afkeenii hooyo.. |
    ali | Tuesday, March 20, 2001 - 11:09 pm saaxib waa iga qoslisiisay walaahi lol,,,,,,,,,midkale noo soo sheeg markaad waqti heshid okay!! |
    Humbaale | Thursday, March 22, 2001 - 05:12 pm Nin meel manajar ka ah ayaa waxay ahayd sanad guuradii dhalashadiisa. Sida caadada ahna cidaan reer galbeedku aad ayey ugu dabaaldegaan dhalashadooda, anigu ahaan maba garanayo goor aan dhashayoo, waxaase la igu yiri xili dayr ah baad dhalatay oo xeradii heblo ayaad ku dhalatay geed hoostii maalin khamiis ah oo ay goor barqo tahay. Calaakuli xaala warka yaan kugu daalinine markii waagu baryey waxa uu filayey in xaaska iyo caruurtu yiraahdaan Happy Brithday, laakiinse waxaa dhacday subixii in xataa coffegii la siin jiray laga goostay. Asagoo la yaaban sababta looga aamusanyahay ayuu asagoo luudaya shaqadii soo aaday. Waxaa si wanaagsan u salaamay subaxaa segretriyadii u shaqeynaysay, markaasay ku tiri muddane maxaad maanta u baahantahay ma coffe baan ku siiyaa, si baad u daalantahaye maanta aan ku qado geeyo oo aan kuu kexeeyo banaanka magaalada. Ninkii waa u ka yeelay oo waxay isu raaceen duleedka magaalada halkaas oo ay ku qadeeyeen. Xoogaa kolkii ay cawaynayeen ayey ku tiri sekretriyadii maxaad ka qabtaa in aan Hotel kiraysano oo aan xoogaa ku nasano?, waxa uu yiri waxba kama qabo. Hoteelkii markii ay yimaadeen ayey dalbadeen sharaab sida shanbeen oo kale, kolkii loo keenay oo xoogaa cabayeen ayey sekreteriyadii qolkii aadey oo ay ku tiri ninkii waxaan rabaa bal in aan dharka iska soo fududeeyo, ninkii OKey ayuu yiri oo isaguna bilaabay in uu iska fududeeyo dharkii oo uu iska bixiyey dhamaan dharkii. Naagtii qolkii ayey gashey, xoogaa ayuu sugayey isaga oo la yaaban mudada ay ku maqantahay qolkeeda. Ninkii oo qaawan ayaa bilaabay in uu garaaco albaabkii asagoo u yeeraya sekreteriyadii, naa heblo naa heblo IWM. Albaabkii ayaa un mar la furay ayadoo la leeyahay SURPRISE HAPPY BRITHDAY TO YOU!,. Yaa weeye dadka leh? Xaaskiisii iyo caruurtiisii!! cajaa'ib shiikhoo macalinkiina waa qaawanyahay oo action buu isu diyaarinay meeshan. Calaakuli xaala sheekadii waa qaraxday.... Mar labaad raali iga ahaada qorista afkeenii hooyo waxaan filayaa in aad ugu liito... |
    Humbaale | Saturday, March 24, 2001 - 06:09 am Naag cunug yar wadata ayaa Bus ama koryeeri soo raacaday. Markii ay bixinaysay lacatii ayaa darawalkii Buska waday saa u eegay cunugii ay sitay oo yiri: weligay ma arag cunug ka foolxun!. Naagtii oo ka caraysan hadalkuu ku yiri darawalkii baska ayaa ayadoo ganuunacaysa soo fadhiisatay kursi uu fadhiyey ninkale. Ninkii ayaa waydiiyey waxa ku dhacay, waxay u sheegtay in darawalka buska wax ka sheegay baybigeeda, ninkii baa inta saa u eegay cunigii yiri oo maxay ka rabaan Daanyeerkan miskiinka ah!. Ninkan waa ka dhaboo wuxuu u malaynayaa cunigan in uu yahay daanyeer. Ha i waydiin naagtii waxay fashay... |
    qool&qurbac | Monday, March 26, 2001 - 04:00 am War Humbaale.. labada sheeko oo hore moraly way qaab daran yihiin..oo weliba yaqyqasi leeyihiin |
    DIINI | Monday, March 26, 2001 - 07:54 am LOOOOOOOOOOOOOOOOL HUMBAALE NICE JOKE BRO LET ME HEAR ANOTHER ONE WALAAHI QOSOLKII BAAD IGA DHAMEYSAY SHEEG MID KALE SXB |
    Sheeq Qoryooley | Tuesday, March 27, 2001 - 05:29 pm sxb waxaad tahay funny guy buug ayaa laga qoraa ayagoo badan buugii shactarada Qor sxb ala qosol weynaa arinta ka dhacdey baska |