We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 23, 2001 - 12:29 am WALAAL WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAAN BEESHA SAMAROON WAXAAN AHAY NIN SOMALI AH WAXAAN RABAA INAAN WAX KA OGAADO MAWQIFKA SAMAROON EE KU WAJAHAN AAYIHII SOMALIWAYN UMA JEEDO XUMAAN WAA SUAAL CAAFIMAAD QABTA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 23, 2001 - 11:33 am Magtii Talllan soo toomiya horta intaynaan ka wada hadal Somalinnimo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 24, 2001 - 12:14 pm Samaroon waa soomaali dhab ah mana aaminsana kala goa somaaliyeed waxan diyaar u nahay waxkasta oo lagu helaayo soo calintii soomaaliyeed anagu dhibaato cidna u maana geysan dhibbadana cid noo ma geysan aan aheyn isaaq oo si cad noogu soo duuley iyagoo xabashi wata ojeedada aynoogu soo duuleena ilaa iyo hada maan fahmin sababtoo ah somaaliya dhibaatooyin way ka dheceen cidwalba oo dhibaato geysateyna sobob bay u sameeysay dhibtaa ay geysteen,markaa wixii uu isaaq noogu soo duuley ilaa imika may cadeen, waa mid ee dhul kamaanu heysan takale dagaal kumaanu qaadin waligayana is dhexgalkayaga iyo wada daganaashayaguba wuu yaraa markaa horta balsobobtii lanoogu soo gardaroodey ha soo sheegaan. mida kale inankaana soomaaliyeed ee suaasha furayoow halkan kunaala waad ogtahey bay ila tahey waxan noqon karnaa pure samaroonland from laga soo bilaabo gabiley ilaa lawyacade oo xadka jabuuti ah cidkale nama taraxdo ama nalama degto bad baanu leenahey ay waxnooga soo degaan oo saylac ah xoolo waan leenahey beeraleyna waan u badannahey markaa walaal hadii soomaali weeyn la waayo wadan anaga noo gaara ayaanu dhisan ee sidaa ula soco. jaaw
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 27, 2001 - 03:12 am wax layidhaa somaliweyn ma jiro anagu waxaan raacsanahay dadkayaga reer somaliland so you butter think about something else!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 27, 2001 - 06:16 am huush huush aar nin yow ma waalan tahay, ma huushbaad wax waydiinaysaa. isaaqa wax waydii iyo raga nasabka ah.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 27, 2001 - 06:21 am cibaado ala maxaad been isku sheegtay gadabuursi fadhi ku dirir iyaad tihiine ogaada, markaa lowyacadada aad sheegaysidna iyo saylac iyo lughayana ciisaa iska leh gabilayna isaaqbaa leh hadaad meel leedihiin mar horaad wax qabsan lahaydeen kolba qabiil ma daba oradeen.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 27, 2001 - 12:22 pm to.abokor nacas baad tahey inaan kuu jawaabana man jecleeyn hadana waxan jecleeystey inaa kuu sheego inaad adigu huush iyo haashba tahey nasabnimada aad sheeganeysana halkeed ka keeney miyaad soo iibsan nasabnima waa loo dhashaa soomaaliyo dhana wey ogtahey ineysaan nasab ahey meela nasab idinkama soo gelo.adiga intaa kugu filan.. ahmed ciiso madoobe, ma jabuuti baad moodey saylaac saylac anagaa leh inyar oo ciiso ah ayaa nala teganeey markii soomaali kala guurteyna dee halkey ka yimaadeen bay ku noqdeen orodoo ciiso ka soo hel saylac yaa nacas.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 28, 2001 - 04:55 am Abaayo Cibaado miyaad ilowdey in uu Illaahey leeyahey Zaylac. Sicastiba ha ahaatee inkastoo ay Somali-Samaron dagen yihiin hadan qaqiiqtu waxey tahey Illaahey baa leh. Walaal qabrigiina maxaad u dhigan doontaan, markaan dhamaanteen ka shaqayno isku dir. Ma waxey noqotey meel hadii lagu il laayahey ishaa la sika riddaa. Isha iska soo wada rida waa waxaad ka heshaan. Xasuusnaada maalin waxaa imaan doonta aan la ina waydiiney qolo laakiin su'aalo kale.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 28, 2001 - 11:17 am Cibaado. Inaadeer horta maxaad meel walba ceebta walaalahaa Reer Sh Isaxaaq ula taagan tahay? Maxaad meel walba Awdal iyo Somalia isugu daba waddaa ee inaad dadkaaga dhinac ka raacdo kuu diidey? Cibaadoy waannu ku geynaa ee naga xishood. Haddaad Isaaq iska caydo yaa geyaan kuu noqonaya oo ku guursanaya, mise waad gurya-noqon oo gadaboursi baad ka guursan...Kuma geyaan gadaboursi oo waa walaalahaa ee Ilmaadeeradaa Isaaq ha isa seejin. Xamar iyo Somalia aad dadka sanka ka gelinaysana bal horta adigu tag in lagu toogan waayo. Haddii aan lagu toogan , markaa meelaha ka naadi oo ku noqo adiga iyo wixii ku raacaa... Naftaada ayaad ka masuul tahay, Samarroonna meel uma socdaan ee naftaada u hadal huunno.. Haddii aan lagu guursan bal aan nacaybka walaaladaa kaa bi'iyee igala soo xariir Xasan_Faras@hotmail.com.... To: Abokor Horta Daarood yaad ka tahay ? Ma ahid reer sh isaxaaq oo annagu walaalahayo Samarroon ma cayno ee ma FIDNO ayaad rabtaa inaad naga dhex abuurto. Cibaado mooyee waa lagaa aamusay waayo waa la garanayaa inaad tahay nacas Daarood oo doonaya isku dirkannaga Cibaado warkaagaan sugayaa inaadeer...
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 29, 2001 - 12:29 am to suldanx walaal daarood ha u gafin daarood iyo gadabuursi waa walaalo mana jiri karto way ay gadabuursi caynooga mutaysteen waayo waxna dhexmaray waligayo majiro waligayana xulufo iyo saaxiibo ayaan ahayn marka ninkaa isaaq idinka ayay gadabuursi dhul iyo dhiig iyo dhaciyo caloolxumaba idin dhaxtaalaa bal dib uraac taariikhda mamaqashay wax daarood iyo samaroon dhexmaray on wanaag ahayn intaa dadka caydo hadana cid kale ha saarin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 29, 2001 - 04:47 am TO HANAD hanad inaar daarood dee waad waalaysiin masakiintan gadabiirsi waayo shalay af-weynaa been usheegay markaa inaar iska daaya ha waaline.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 29, 2001 - 07:27 pm to abokor walaal g/buursi dantiisa wuu yaqaan iyaga ayayna u taal waxay samayn oo horta saw ma ogid inay g/buursi yihiin qabiilka somali ugu aqoonta badan waxaan kuleeyahay iyaga ayay utaalaa haday som/land ama awdalland ama samaroonland ay la bixi anigu waxa kaliya oo aan diidanahay daarood baa g/buursi caayay adna waxaan ku dhihi lahaa taada daryeel ta g/buursi laguma raacine
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 03:34 pm To suldaanX.. dhageyso aboowe anigu soomaaliyad baan ahey waligeeyna aan ahaa waanan jecelahey iney soomaaliween soo noqoto hadii aan karayo inaan qabyaalada iyo waxan leysu cunayo baabiinkarayana waa baabiin lahaa,sabobtoo ah markii aan aduunka hore u mareyaan indho indheeyey wax weeyn oo aan isu hayno ma jirto waa anaa reer hebel ah iyo anaa reer hebel ah laguna dhamaadey wadankiina ku burburey,markaa 10years ayaynu bilaa dowlad nahey miyeey kula quruxbadantahey taasi miyaaney ka wanaagsaney inagoo wixii tagey iska iloowna oo dowladnimadii iyo sharaftii soomaaliyeed soo calina tankale eed leedahey isaaq maxaa kugu direy adigu waxad tahey inankii isaaq ee u horeeyey een caytamin meemwalba iyo marwalba oo aad arakato wey caytamayaan markaa jawaabtooda ayaan siiya ee sidaa u soco.xaga gayaanka eed ka hadashey aniga iyo isaaq isma geyno because si fiican uma aqaan,sidaanse u arko dad sharafleh maaha waad fududihiin ixtraam malihidina sida dumarka si ka darana waa u dirsatiin, aad ila aragtide bal sakhraanland chatkiisa gal waxa ka dhacaya markaa waa ayo gabadha soomaaliyeed ee noocaa wax ka dayaysaa waanad ku mahadsantahey offerka aad iisa fidisey but my answer is no..hadan gadabuursi nin ka waayo jumeekaan baan guursan doonaa...sidaa iyo nabadgelyo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 31, 2001 - 09:04 am Cibaado. Waan ka xumahay inaad Jamaican naga doorato laakiin waxan ku faraxsanahay inaysan habalahayaga Samarroon ee kala aanay arrinkan kula qabin. Samarroon badan baanu qabnaa in badan oo kalana waan guursan, Insha allaah, laakiin adigu bal naftaada u nax oo intaad isaaq ka carar ama colaadi leedahay jar ha ka dhicin. E-mailka aan kuu soo qoray SAX ma ahayn ujeedadayduna ma aysan ahayn inaan ku xodxoto laakiin waxan is lahaa walaashaa waani oo ha is qaboojiso waadse kaga sii dartay. Ogow caydu ma fiicna siiba haddaad gabadh tahay ma qummana inaad qabiil dhan af-lagaaddeyso. Waa runtaa in qaar isaaq sheeganayaa caytamaan laakiin ogow meeshan nin waliba ninkuu rabuu sheegan karaa. Adiga Daarood samarroon iska dhigaysaan ku moodi jirey maalmo hore oo aan caydaada ka yaabay. Marka inaadeer caydu waa calyo, nacaybkuna xasanaadkaaga yuusan kaa cunin ee is deji oo walaalahaa xaq-dhawr haddaad doonayso in adigana lagu xaq-dhaawro. inaadeerkaa SuldaanX
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 31, 2001 - 09:13 am Hanad Waa runtaa inaan Daarood iyo Samarroon colaadi dhex marin. Laakiin ogow in Isaaq iyo Daarood ay dhextaal colaad guun ah oo tallaabada reer sheekh isaxaaq qaadoba ay ka masayraan sidii naag lala guursaday. Somaliland markaan aasaasnay bay Makhaayad xun oo ay Puntland ugu magac dareen naga ag furteen si ay u carqaladeeyaan jiritaanka iyo gooni isu taagga somaliland. Hadaba iyagoon colaadi idiin dhaxayn ayay ku dedaalayaan maalin kasta inay isku diraan Isaaq iyo Soomalida kale si ay u isolate gareeyaan. Haddii ay ku guulaystaan isku dirka isaaq iyo samarroon waa ciiddooda that is why aad maalin walba arkayso ayaga oo iska dhigaya ama Hawiye ama samarroon. Xitaa markii taasi u shaqayn weydey waxay iska dhigaan Garxajis oo ay caayaan the rest of isaaq. Marka colaadi idiin ma dhaxayso deegaan laakiin mid fikri baa idiin dhaxaysa. Tan kale reerkaasi waa kuwa inoo horseeday qabyaaladdda waddankeenni baa'bi'isay ka dib markay suntii qabiilka dhex gelsheen maamulkii dalka oo sidii hal waraabe helay ay hantidii dalka iyo karaamadii umadda shilin dhaafsaday. Marka bal inaadeer meel keliya uun wax ha ka eegine ku baraarugsanow dabinnada dadka xumo-ka-taliska ahi wadaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 31, 2001 - 03:58 pm To suldaanX see,ma araktaa waxan ka cararayo adigaaba cedeeyey ineydaan daacad aheyn runa laydinkuma oga ,xataa e-mailkii aad ii soo qortey baad beenka sheegtey waxaa sheegayeyna wakaa soo bexey anagu hadaan soamaroon nahey run noogu kaaley,qofwalbana ma caayo cidii aniga aflagaado ii geysata ayuun maab u jawaabaa intaa inka badana ku odhon maayo ee jaaw.....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 01, 2001 - 01:30 pm to suldan walaal waad ku mahadsantahay doodaada mafilayn in nin cidaa ahi uu doodi karo isaga oo aan caytamin waxaan umalaynayaa inay cidkala yacnii boqortooyada waxkuu galeen marka walaal waxaan ka xumahay inaad tidhaahdo daarood baa naga masayrsan walaal daarood waa qabiil balaadhan umana fikiraan saad ufikirayso waxay rabaan somali wayn oo midowda anaga oo kor u fiirinayna unbaad cagaha naga qaniintaan run ahaantii fikir ahaan waan kukala duwanahay waayo adigu waxaad rabtaa inaad hargaysa iyo barbara intaad calan yar oo kii dariiqooyinka u eg sudhato aad tidhaa waxaa la i yidhaahdaa s/land ama somalila,aan halka yurub ay ka midoobayso walaal daarood 10 meelood hadii loo qaybiyo qayb xataa magaadhi ee angu waxan ladagaalanaa gumaystaha iyo cadowga somalida ee somali tartan kulama jiro waxaan kuu arkaa walaalkay oo iga yar oo iska cabcabanayo ee waxaan ku leeyahay (open your mind) ama maahmaahdii carbeedee ahayd ( kabur makhtak) you have to undrstand how this world works bro and thank you cibaado walaal adna waad mahadsantahay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 01, 2001 - 03:31 pm To: Hanad. Ninna afkiisa lagam xaal siiyo. Haddaad tidhaahdo Isaaq baan dood aqoon oo caytama, waa iga suaale yaa dood yaqaan haddaa?. Aftahannimo, eray qurxoon iyo asluubta hadalka Ilaah baa sed noo siiyey wiil yaroo damcay inuu haybadayada qariyaana waxba naga qaadi maayo. Qoraalkaaga waan ku yara wareeray meelo ka mid ah. Ma waxad tidhi gudabuursi baa daarood 1/10 ka leg? Mise waxad na tidhi Isaaq baa Daarood 1/10 ka leeg? Horta mid kastood u jeeddayba waa war aan run ahayn. Anigoon Isaaq ka hadal, Nimanka Gadaboursiga ah ee Somaliland(only) degaa waxay 3 jeer ka badan yihiin Hartiga somaliland dega. Dhulbahante waa dad aan ka badnayn 50,000 qof, halka Warsangelina intaa badhkeed yahay. Waxan Hubaa In dadka Borama Deggan keliyihi ka badan yihiin Hartiga woqooyi. Daaroodka kale ee kuu soo hadhay waa Majeerteen. Majeerteenna Xitaa dhulbahante labanlaabkiis maahan. Nin Samarroon ah oo Barnaamiskii Gobollada ee Radio Muqdisho sheegi jirey ayaa maalin ka warramay Gobolka bari. Wuxu ninkaasi si aan ula kac ahayn u sheegay runta Gobolka Bari ee la qarin jirey. Wuxu sheegay weriyahaas Samarroon isagoo xiganaya tirakoobka gobollada ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka lagu kaydin jirey, in gobolka BARI ay ku nool yihiin 14 kun oo qof. Ninkaas waa la dili gaadhay dhawr jeerna madaxtooyada ayaa looga yeelay ayadoo loogu caga juglaynayo inuu faafiyey sir Qaran. Daaroodka kale ee dalka kuu degaa waa afar mareexaan ah iyo Midgo aan Daarood u dhalan balse u ab sheegta. Ogaadeen isagu dalkaba ma dego aan ka ahayn tuulo yar oo JHoose ah marka awgayoow waa ku sidee waa maxay 10 laabka aad sheegtay. Bal intaydnaan isaaq isku taagin bal gudabuursi Daarood ha ka bato. Somalinnimo iyo Daaroodna meel ma wada galaan ruux aan fiyoobeyn mooyee ma dhihi kartid waa muwaadiniin dan soomaliyeed wada. Yaa soomali gaadhsiiyey halka ay maanta joogto? Yaa u sabab ah Burburka ka dhacay dalka ee dad iyo duunyoba aynu ku hoobannay? Dad Isaaqa ah eed carrabka ku dhufatay waa dad u heellan inay dalkooda iyo dadkooda wax taraan oo uu horumar gaadho. Waa dad Daneeya inay wax la qaybsadaan soomalida horumarka jecel. 1960kii dareenkii na geeyey Muuqdisho iyo kan maanta waa Kaaf-iyo kala dheeri. Soomalinnimadu waa maxay? ma wax sidii shiikh CabdiQaadir Jeylaani la cuskado marka dani ku moodsiiso ayay noqotay mise waa wax ku timi dhalasho iyo dhaqan oo diintuna dheehdo?. South kumaan arag soomaali ee waxan ku arkay Qabiilooyin dad-qaad ah oo nin waliba dantiis ka taliyo tan dadka kalena jecel inay baylahdo. Soomalinnimada aad la koodhaadhayso weydii Daarood. Ayagaa joobjoog ka ahaa goobtii lagu gawracay soomalinnimo ee bal ha sheegeen siday u soo noolaynayaan, mise wixiinnu waa afka baarkiis. Isaaq point-kiisu waa caddaan. Soomaalinimo waan la wadaagnaa dadka aan isku sinjiga nahay ee geeska africa deggan. Laakiin Maamul wadaagimayno. Waxan rabaa inaan dadkayga wax baro. Idinkuse waxaa rabtaan dibudhac iyo dad-qaladnimo. waxan rabaa inaan tiigsado dadyowga aan ka hadhnay intii aan South-ka ku habsaannay. Idinku Waxad tihiin lahadh dibu-socod oo kolleyba meel gaadhimaysaan ee ma waxad i leedahay waraabannimada Southka ka soo qaybgal. Calaa kulli xaal waxan kuula hadlay sidii nin daarood ah waayo qormadaada ayaa dhanka reer Koonbe u badnayd. Talo: Waxay ila tahay inta aad uf dad kale sheegsheegaysaan ay tiinnnu idiin muuqato oo aad maruun isku daydaan inaad ka kortaan Tuugo, dhac iyo dulmi. Dulmiga ilaah ma jecla ee nagamaydun badiseen sidaasaannuna u diidney ugana digtoonnahay. Doodda Samarroon iyo Isaaqna iskaga dhex bax haddaadan labada qolo midna ahayn.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 01, 2001 - 03:47 pm Cibaado; Salaan Gacalnimo ka dib. Suldaanku been ma sheego ee malaha intaan islahaa inaadeertaa maslax ayay sheekadii ila fogaatey. Meeshu waa Public oo adba igama aadan filayn email dhab ah inaan kuu soo qoro saa meeshan dad aanan u bogin baa dhex mushaaxa. Inaadeer dooddeennii waa iska daba yaraatay oo wax kaloon ku idhaahdo garan maayo aan ka ahayn Walaalahaa iska daa nacaybkooda. Qabiil dhan oo sheekh, shariif, shebed, wiil, caruur, cirroole leh haddaad nacdo aday u daran tahay aakhiradaada iyo ifkaagaba. Waan kula sii kaftami lahaa haddaad wiil Samaroon tahay laakiin waxan diidayaa in adoo awelba na necbaa in aan excuse ku siiyo oo hadal aad ka gubato ku idhaahdo. Aniga Suldaan ahaan hablaha reer Sh. Isaxaaq iyo kuwa Samarroon waa ii siman yihiin isku si baanaan u xushmeeyaa. Cibaado, haddaad sii noolaado waxan jeclaa inaad mar Booqato Magaalada xeebta ku taal ee MAYDH oo ay labadii oday ee inna dhalay si peaceful ah ugu aasan yihiin. Waa isu muuqdaan, waa is dugsanayaan inay walaalo dhab ah ahaayeenna waa u dhaw dahay. Marka walaashayeey, dadku sidaad moodday isuma necba ee kaftanka sare ha eegan. Waagii nala wada dhacayey ee Daarood cid walba noo soo kaxaystay ee Hubkaannu annagu debedda ka keenay nagula dagaallamay, shakhsiyaad ama jilibbo yar mooyee Samarroon nalama dagaallamin. Marka walaal Qalbigaaga fur. Koonfur aad haddaad rabto Jabouti ku darso haddaad dooni ..Meel kastaa tagtaan Deris Isaaq ka fiican, siiba HA heli meysaan. Beleive me abaay, I know most of the somali tribes wallaahi. Qabiil aan xoolahaaga, dhulkaaga iyo xilahaaga kugu damaaciyayn Annagaa ka jirta. Alloow yaa bil ku geeya Boosaaso, Xiingaloo, laascaano or Muuqdisho. Isaaqa Sanaag dega ayaan ka mid ahayn waxaan sharaf iyo wanaag ahaynna idiinma hayno inaadeer. Qabrigii awwowgiin baanu xaadhnaa oo Faataxada u akhrinaa maalin walba ee sideed xumo noogu quurtaan. Waan ku dheeraaday walaal ee nabadeey...Nice knowing you walaal, and you don't have to respond to this lenghty message.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 01, 2001 - 09:03 pm Suldaan; Gedibuursi hablohoodaan jeclahay, marka marmarbaan ka soo wardoonaa fikradahooda. Balse maanta waxaan ku soo duldhacay Suldaan Isaaq oo afka furtay!! Runtii in dhawayd nin Isaaqa oo intii tiriyey ma arag (sanado), waxaa sii dheer doodaadu inay ii xoojisay warkaan ka haystey Isaaq? Qabiil walba wuxuu lee yahay wax caamiya ama si u khaasa oo uu wax u cabiro. Waxaa hubaala in Isaaq mida caamisa, yar iyo weyn, aqoon yahan iyo geeljiro, gabar iyo will,iyo oday iyo habar ay tahay waaqici daro! Waad adag tahay in qof Isaaqa uu ka waantoobo inuu wax uu ogyahay inaan waxba ka jirin uu ku hadaaqo. Reer xamarku wuxuu oran jiray booto! Qaarna waali bay ku sheegaan! Waxay tahayba, waxay dhalisaa inaan dood toosan oo nadiifo qof cisaaqa lala gali karin. Islaan aayaday ah iyo walaalkeed, walaalahay abtigood oo aqoon tahan ah baan cisha dhawayto waxaan saacado ku doodaynay Hargeysa iyo Xamar keebaa weyn. Mana aha runtii dad xune, malaha jiin baa jira rabigay ka taliyey. Suldaan marka runtii mudacaaga waan akhriyey. Waxa aad ku hadlaysana maadeysi iyo waan ku iri mooye macna loo jawaabo kuma arag. Waxba ma ka oranayo Soomaalida aad tirisay oo siku bar badhigtay, Soomaali hadal isku yaraynmayso iskuna ilhaamayn mayso. Nin badan iyo nin yar ilaahbaa og wax-garad hul iyo dad yaqaanan ogsoon. Balse waxaan xiisaynayaa inaan labo kalmo ku iraahdo. 1- Somaliland cidlaa ilaahey idinka siiyey markii Hawiye iyo Daaroodi is degaalayey, khaasatan Majeerteen. Balse waad hanan weydeed hunguridaro dhexdiina ah iyo sida aad ula dhaqanteen Soomalida idin la degta. Caadifad iyo caro fudaydi keenay baad Daaroodkii nuska deganaa dhulka aad sheegateen kula dhacdeen. Dawladii afweynaa Daarood ahayd baa adigu hada weli lee dahay, Gedibuursina faqash buu ahaa baad ugu duusheen. Hadaba taasi waxay keentey, in waqooyi bari Soomaaliya markey nabad noqotey ina Soomaaliland Hargeysa dhinaceed iyo Barbara noqatey. Marwalba lama huraan bay ahayd, basle inta waaka cimri dheeraan lahayd malaha, hadii aad garan lahaydeen; in Harti uu yahay jilib ka mida Daarood, oo aad barbar dhigaysid Isaaq, oo ay kala goyntiisu tahay waxa ugu adag oo hor istaagi kara Soomaliland jiritaankeeda! Sidee Isaaq uga suuroowdaa, inuu qorsheysto inuu ku kaco "Devide and Rule" falsafadii gumaystihii 100 sano ka hor oo aan Soomaliyoo huruda ama Afrikoo dhan ay Daarood ahaayeen qoomayidii ugu horeysay oo coomaadi (diyaarado) lagu kiciyo. 2- Waxaad ogaataa hadii cidi nabad Soomaaliyeed doonayso ama weligeed doonaysey, taariikhdaa qoraysa. Daaroodi Isaaq oo aan ilka u soo bixin baa waxaa hadba reer reer dhiidhinaya jaraayey ibliis iyaga ka dhex kaca. Ugu yaraan 18 sano (1978-1986) baa Soomaaliyoo dhan gumaadeysay Majeerteen meeluu joogeyba, Kismaayo, xamar, Mudug, Bari xitaa martidii ka deganayd Hargeysiyo Burca. Mana aad arkeysid Majeerteen leh Cisaaq baa nalaayey ama Soomaali kare Daarood kaleba alaha ka dhigee, waxa uun nin Majeerteen ku oran "Regime" kii ina Siyaad bare baanu la dagaalamayney. Idinku marka intaad regime sii dhacaya xabad ula soo gasheen dumarkiinii iyo caruurtiinii oo guryihii idiin fadhiya, maxaad u lee dihiin Daarood baa na laayey oo nabad Soomaaliya ka shaqeyneyn. Idinkaa xasuuqay maatadiini cid kale ha eersanina, Mingistaana idinka raayey oo isba sii socda! Marka talo xumadiinii baad waxaa u badasheen Soomaali xumo. Hadaad run kuu sheego, wax idinka caqli liita Hawiyaan arkey, maxaa yeelay isagaa markaad magoolooyinkiinii soo gubteen idin ka dhagaystey inuu magaaladiisana gubo (Xamar). Marka Suldaan, xaqiiqda wax ku qaybso hadii kale weligaa waad odaras xumaan. Isaaqi waa reer Soomaali ka mida, Soomaalina u dhutin mayso, Daaroodna Soomaaliland minority uguma noqonayo. Ma dhulbahante iyo warsangeli aad 75,000 ku sheegtay ugu badnaan baa magan kuu noqonaya - only hadaysan ogayn inay Soomaali ugu laan dheeraysan yihiin, weligoodna ugu sad roonaayeen. Meel kale oo uu Isaaqi ku danbeyn karo garan maayo oo aan ahayn Soomaali dhexdeed, isagoo raali ku ah inuu noqdo 2 gobol iyo nus ka mida 18 iyo toban gobol oo Soomaaliyeed. Halka uu Daaroodi lee yahay 6 iyo 4 kale oo uu wax ka dego!! Markaana waa runtaa nimankii Soomaaali ugu badnaa oo aad u "Doorin" jirteen kuma jiraan xisaabta. Runtu waa taa. Gedibuursina waa reer Soomaaliyeed weliba kuwa ugu caqliga badan, nasiib daro waxaa ugu filan inay Isaaq iyo Ciise u dhaxeeyaan. Anagana Soomaalinimo iyo isjeclaan baa naga dhexaysa, martina ugu noqonmeyno Isaaq!! Nabadeey, Islaan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 02, 2001 - 05:23 am TO suldaan saaxiib taariikhda been ha ka sheegin,maydh waxa ku aasan waa sheekh isaaq iyo sheekh ciise halkeed ku aragtay sheekh gadabuursi.qabrigiisii ninyow ufiirso hadalada yayna ku qoslin hablaha duriyaduye.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 02, 2001 - 07:32 am nimayahow isaaqu muran badanaa meel kasta aduunka muran been ah bay la taaganyihiin samaroonkii kabaha idiin gaday baa meel lay idinka galiyo la la,yahay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 03, 2001 - 09:47 am Islaan. In badan baan arkayey Daarood golahan ka doodaya welina ma arag nin wejigiisa i siiya, adna warkaagaan ka garanayaa inaadan waxba isla hayn oo aad dhawaan carari. Meesha marti baynu ku nahay waana ceeb marti is haysata ee aan meelihii aad beenta ka shubi jirteen ku doodno bay ila tahay. Meeshan sidaad tidhi Hablaha Samarroon baad u timi, aniguna tolkay baan soo booqanayey ee yeynaan noqon marti is qabsata. Waxaad meesha xarxariiqday inta badan ma fahmin laakiin dhawr eray aan kaa iraahdo 1. Majeerteen iyo afweyne waa walaalo is GACAL-DILAYEY. Waxba idinma aysan gaarin oo waatii markaa laba jeer Amxaarada la soo duusheen aad ABEED dhahdeen ee is dhiibteen markii 200 nin dhimatay. 2. Halgan-ku-sheeggiinu wuxu ku bilaabmay Madaxnimo doon halka kaayagu ku dhisnaa xaq u dirirnimo iyo soo celintii Karaamadii ummadda ee Daarood ku saxarooday. 3. Dhafoor-qiiq dadkaa ula baxdeen ma aysan ahayn Mucaarad oo waa kuwii Isaaq la dagaallamay ee weliba Hargesa, Burco, Ceerigaabo iwm wax ka gubey. 4. Isaaq wax walba lagula dagaallan, si walba loola dirir, cid walba loo egmey in la dabar jaro balse Thanks to Allah we prevailed. Soomali oo dhan + Qaxootigii Ogaaden iyo kii oromada ayaa nalagu hubeeyey Ciidankii Qaranka ee aan annagu dhismihiisa iyo hubayntiisa aasaasnay baa naloo adeegsaday Beelihii Nala degenaa baa nalagu diray oo inta Jabhado loo sameeyey dabar jara Midgihii Hargeisa ee Kabaha noo toli jirey baa Shiish wanaag loola baxay oo nalagu diray. Daarood baan cidi ka maqnayn oo Jabhad, dhafoorqiiq, iyo Shicibkoodii xitaa nala dagaallantay Koonfur Africaan caloosha u shaqaystayaal ah ayaa naloo dalbaday. Dhagax Kasta oo Isaaq lagau dabar jaroba Daarood waa nagu soo tuuray laakiin We prevailed, thanks to almighty God. 5. Dagaalka Soomalia haddaan ka soo qaadno 11 round fight, wuxu Hawiye soo Galay 11th round anigoo jilciyey oo jab kala daalay Daarood iyo dadxunkii kale ee nagu soo duulay. Hawiye Hal punch keliya ayuu 11th round idinku legdey ka dibna illeen nafla-caari aan jilcinnay baad ahaydeene waad cararteen. Nin Carara oo weliba maxastiisa ka carara nin uma aqaan sidaas darteed baan kaftanba kuugu furnayn. 6. Waxad na tidhi Isaaq wuxu degaa 2.5 gobol halka daarod 10 ka dego. Miyaad cabsan tahay mise waalli baad soo wadataa. Mise anaa kaa gardarane waxad waddaa indha-adaygii tolkiin lagu yiqiin. Horta Daarod ka dal ballaadhan Isaaq waase ka dad yar yahay. A perfect example waa Canada iyo California. Dalka dhan ee dunida ugu weyn waxa ka dad badan gobolkaa Cali. -Gobolka bari iyo nugaal dadka ku nool waxa ka badan Xaafad Burco ah. Isaaq wuxu degaa Gobolada Hargeisa, togdheer, Saaxil, Sanaag iyo Sool. Gobolka Sool 50% waxa dega HJ, halka dad ahaanna ay 80% yihiin Isaaq. Sidoo kale gobolka Sanaag 80%(Dhul) iyo 95%(dad) waxa dega Isaaq. Daarood Waxay degaan Labada gobol ee lama deegaanka ah. Waxay Daarod wax ka degaan Sool 50%(Dhul),(20%dad) Sanaag 20%, 10% Mudug 35%, 10% Gedo 10%, 3% Gobollada ay iska sheegtaan waxa ka mid ah J.Hoose. Gobolka Jubada Hoose waxa dega 900 majeerteen ah oo isu haysta inay gobolka leeyihiin. populationka Daarood ee J.Hoose waa 0.001% hase yeeshee waxay aaminsan yihiin inay leeyihiin gobolka. Qof waxaanu lahayn sheegtaa (dal iyo dad) waa ruux aan isku kalsoonayn. Haddii aad tiro leedihiin Midgaha maalin walba ma aad qaramayseen. Haddaa dhul nafleh leedihiinna ma aydinaan sheegateen s\dhul aydnaan lahayn. Waan ku dheeraaday ee nabadeey haddee
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 03, 2001 - 07:42 pm SuldaanX, Suldaan isku sheeg garaad laawe ah baad tahay. Oraahdaan kuu hormariyey ujeedadeeduna waxay ahayd inaadan Isaaqii aan arki jiray aadan igu noqon oo aan si hufan u wada doodno. Balse waxaa rumoowday ina "fiqi tolkii ka jana tagin". Anigu adoo kale isku xiijin maayo waayo tolkaa intii aan horay u arki jiray waaba ka waaqici liidataa!! Intaasna inoo kujooji saaxiib. Waa runtaa tolbaan marti u nahay, waxaan filayaa inay raali naga noqdaan...Insha Allah. Wa bilaahi towfiiq. Suldaan Mudug
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 04:29 am Xoogaa anigu baryahan siyaasadda somalia waan kayaragaabsadaa balse marmar ayaan waxyar tuurtaa. Anigu reer koonfurna ma'ihi reer waqooyina ma'ihi, waxaan ahay soomaali asal ahaanse waxaan kasoo jeedaa dhulk ay soomaalidu degto ee ay xabashidu haysato. Waxaan jeclaystay inaan inyar dhiibto anoon hadalka siibadin. Haddii uu qabiil soomali udhashay dawlad dhisan karo Gudabiirsaybaa dhisan, haddii dhinac walba la'eegay soomaali meel kasta oy kunooshahay ama gumaysi ama xor hakunoolaatee waxay noqdeen (destructive items)waana waxay qabiillada daaroodka billaabeen kadibna isaaqbaa kasiidaray asagana hawiye ayaa kasiidaray, waxayna kudhammaatay inaan lakala roonaan caqlina meel cidla ah laga joogo oo ciida afka lugula jiro. Waxaan arkay dad badanoo waxkasheegaya Gudabiirsay, intaan soomaali lakulmayey qabiil kaste leh wali ma'arag dad lagaraada wali ma'arag dad ladulqaada iyo dad kasoomaali jecel. Waxaan aaminsanahay hadday soomaali rabto inay xasisho inay madax kadhigato Gudabiirsay haddii kale waxaa dadka diirani mooryaanta Darood,Isaaq iyo Hawiye. Waxaa lagayaabaa inay kamurmaan arrintaa dadka qaar balse qabiil walba oo soomaali ah tariikhbuu leeyahay ee hala akhriyo Taariikhda qabiilkaa sicadaalad ahna halooga sheekeeyo, waa meeshay kasoo jeddo xadaaradda soomalida qofkii been moodayona ha'akhriyo qoraalladii Xasan Jibirti, waa nimnkii aasaasay saldanadii Adale waa lafdhabrtii iyo maskaxdii jihaadkii Imaam Axmed Gurey. intaynu aflagaadada kadayno Gudabiirsay kaalaya aynu siinno bilad dahab ah, waayo. Waa qabiika soomaliyeed een lugu hayn danbiyadan soo socda: 1-dad soomaaliyeed maxasuuqin. 2-gabdho soomaaliyeed makufsan. 3-cadow soomaaliyeed lamasafan. 4-waligood danaha umadda soomaliyeed kama horiman. 5-Waa qabiilka soomaliyeede kaliya ee jaamcad dhistay inay kuwa kale dumarka kufsanayeen. Majiro qabiil soomaliyeed oo tiro leh oo intaasoo wanaaga iskudarsaday. Cibaado waxaan akhriyey qoraallo badanood kuqrtay boggan waxaan kuleeyahay walaashay waxaad tahay qof leh wadne iyo maskax aad ubaaxad wayn oo dadkoo dhan deeqa, waxaad halgamaa wayn waxaan aaminsanahay inaad kadhaxashay gobta soomaaliyeed eed kadhalatay. Sister you are Noble somali lady. Intiina kale nabadeey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 10:35 am WAXAAN LA HADLAYAA NACASIINTA REER WAQOOYI EE ISKU SHEEGAYA ISAAQ IYO G/BIIRSI. WAA LA ISKU KIIN DIRAYAA OO MADAXA LA ISKU KIIN GELINAYAA, EE KA JOOGAA. WAX MAANTA DAL HAYSTA OO NABAD LEH IDINKAA JIRA. WAXAAD YEESHAAN IS IXTIRAAMKA KA SHAQEEYA, DHIB WAXII DAD SOO MARAY AYAA KU FILAN. HA KARAAMO SEEGINA. ISAAQ IYO G.BUURSI WAA WALAALO WADA DEGA. MAXAA TAA KA WANAAGSAN. ANIGAA HALKAN DEGA IYO ANNAGA FOODDA NALA MASOO GELIN KARO WAA LAGA ROON YAHAY. SAMAALE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 10:50 am waa dabbaal kaan soo gergelinaaya CIBAADO, inteed Gdabuursi isula simaydaa Daarood/Isaaq iyo Hawiye. Ar waxaan oo Tumaalaha ah meesha hala imaan yaan lagugu qoslin. Dadkaan aniga Xalane aan ku bartay 1984 dadba ma aha. Markaas dadkaan yaakhii anaga ha noo faan faanin. Waxaa la dhahaa dadkaan haddii ooy xataa waayaan waxay kugu suubiyaan (dhuusada ay dhinaca oo dabeesha kaa la maraayiin)xaasidnimo waxay ka qabaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 12:16 pm cadaawe. maxaad ka hadleeysaa yaadse la hadleysaa, ma waxbaa la qoraa uun baad wax u qortey, horta af soomaaliga soo baro wax macno lehna ka hadal iska hadal uun wax looma qoro meeshaan dad aan is ceyeen baa ficrado isu dhaafsanaaya ee ha soo dhexgelin ilaa ad heyso wax macno sameeyanaya,,,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 12:31 pm Inkastoon ku dheeraan runtu waa tan caddaawow: 1. Adigaa is cadeeyey innaad tahey reer Jabouti laga soo eryey Borame; xaadid ka kun wanaaga wallaalihii. 2. Somali meelkasta ha joogtee way ogtahey gabdhihii dadwalba lahaa ey kuwa xadka innii illaaliyaa fuulfuuli yireen. 3. Hada reer woqooyi way israaceen dawlada way dhashan adiguna visa ayaad ku soo gali Borama. 4. Dadkii dawlada innii dhisey ee cadow iniga kaxeeyey reer woqooyi bey ahaayeen, aniguna xumaan tood, isku dirkood uunbaad ka shaqayn. 5. Hadal waxaan ku leehay callool xumadaada uun yey ku dilin, borama/hargeysa faraha ka qaad, reer w. faraha ka qaad, Somalina faraha ka qaad. 5. Dulkaad buugaga aduun weynaha ku qorteen dhulkii ciisaha ku noqo. Ma oqtahey iney reer tolkaa aad uga kun yihiin dawlad reer w.oo dhisanta. Shirkii ay somali u qabteena lamaba hubo inuu somali isku keenayey, laakiin waxa la hubaa in uu ahaa is hortaaga DAWLAD REER WOQOOYI AH OO DHISANTA. 6. Calansaar waxaa ka xiga uun iyagoo qabiilka la yara dagaalama markaana dawlad iyaa xigta. Car oradoo Borama iyo Hargaysa ku noqo faraha ayaa lagaaga soo dhex qaadi. Allaha ciilbadanaa markey AFSOMALIGA KU BAREEN SIDA LOO QORO EED IYAGII DIB UGULA NOQONTO KUNA CAYDO. We have no room for you go do something else.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 10, 2001 - 08:23 pm Assalamu calaykum abti bal iska warama dhamantiin.waa nin cise ah oo samaroon abti uu yahay.Abti waxaan raba iin wixi xumaan wada aynu iska qabano wayo waxaan nahay dad aan kala marmi kariin,sababto ah dad is dhalay meelna kuma kala tagaan.Anigu waxaan aad ula yaba dadka mar walba xumaanta ka shaqeya intii ay dadka isku so dhaweyn lahayeen.Waxaan rumaysanahay iin labada dhinac kuwi xumanta wada ay reer badiye iyo dad jahiil ah yihiin..Waxaan intina wax garadka ah ka codsanaya iin mar walba aynu ka shaqayno wanaga oo cidii xumaan wada aynu iska qabano.Waxan dhawaan rajaynaya in aniga iyo shan iyo toban nin oo cise ah oo dibedda wax ku bartay deganna yurub iyo north america oo samaroon dhalay anu dhawaan boqano wadanki oon soo marno borama, jamacadi camuud, iyo dhamaan dhulka ay wada degaan cise iyo samaroon,somalia iyo itobiya o dadka tusno iin wax xumaan aynaga dhex jiriin. Khayr ayaan idiin rajaynaya.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, April 11, 2001 - 09:29 am walaal waxaan hubaa ninka cadaawe isku magacaabay inuu yahay isaaq doqonimo darteed wuxuu is tusay inuu koonfur iska dhigo oo uu dad caaya waxaad tahay lax dhogor badan ee meesha iskaga bax iidoor iidoor dhalay
|