We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 05:22 am SAMAWADE walaal waxaa kula hadlaya nin la yiraahdo" Qabiil Ka xoreebe". Samawadow, waanu qaadanay taladaadii ahayd in beejkan lagaga hadlayo arrinta u danta ah gobolka aanu raro. walaal waanu soo raray beejkii; geedi ayaanu ku soo dhifanay oo waaxaanu keenay halkaye bal ka waran? Nin kale oo layiraahdo REAL-CEERI ayaa isna arrintan aad ugu howlane la soco. Waa nin wanaagsan oo u go'doomay danta reer sanaag. Maqaaladii aanu hore u qorayna waa soo raraye la soco. Qabiil-ka-xoreebe
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 05:28 am Walaalayaal intaynu hadlka iska dayno aynu danaheena ka tashano. WAXAYNU U BAAHANAHAY WADDO LAAMI OO DALKA INTIISA KALE INAGU XIDHA. Sidee ayaynu wadadaa u samaysan karaa? Haddaanaynu inaagu samaysan cid kale inoo samayn mayso ee taa ogaado. Ururo aynu la xidhiidhno yaa garanaya? Talo iyo tusaale ayaa loo baahan yahay. Qof walboo wixii war iyo talo ah ee aad hayso soo gudbi. sidaas ayaa inoo ballan ah. Qabiil iska ilow ninkii qabiil ku jirow; waxaynu nahay ummad isku dan ah oo isku mid ah waxba yaan been laynoo sheegin. English version: We, people from sanaag region, require roads that will link the region to the rest of the country. Has anybody got any idea regarding how we can build these paved roads which we must have as soon as possible? Please, let us know any suggestion, any contact numbers, any ideas as how we can build these roads. Thank you
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 05:30 am Anonymous Wednesday, March 28, 2001 - 12:28 pm Marka qabiil laga hadlo qof walbi wuu soo boodayaa mana sugi karo inuu caytamo. Marka la yiraahdo waddo hala dhisto qof hadlayaa ma jiro. Waa yaab iyo yaabka yaabkii.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 05:32 am Sanaag man Wednesday, March 28, 2001 - 12:31 pm war maye dadkii gobolka dantiisa jeclaa? war ragga soo jeediyay in wax la dhisto arrinta ha lala qabto. Reer sanaagow cid wax idiin qabanaysa ma jirto ilaa aad idinku wax qabsataan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 05:34 am Anonymous Thursday, March 29, 2001 - 07:46 pm war maye dadkii qiiraysnaa marka qabiil laga hadlo. War wax qabiilka weyn baa laga hadlayaaye ka soo qayb gal. Mise marka qabiil laga hadlo uun buu dhiigu idin dhaqaaqaaa. Dadyahow dhulkiina wado laami ah u dhista qabiilkaad doontaanba ahaadoo. war talo iyo tusaaleba keen sidaasaa kuu kheyr roone intaad qabiil iyo qudhun ka hadli lahayd oo denbi kaa gadhi lahaa. Waa yaabka yaabkii. Yaaban oo yaaban
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 05:36 am Thursday, March 29, 2001 - 07:48 pm war dadku firfircoonaa marka qabiil iyo qudhun laga hadlayo. Marka dantooda laga hadlayona xabad ka arki maysid. Cajaa'ib
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 05:38 am Samawade Friday, March 30, 2001 - 08:46 am sxb waad ku mahadsantihiin sida fiican ee aad u doonaysaan wax qabadka umada ha noqoto sanaag ama dhamaan soomalida kale. laakiin walaalayaal dadka fiicani bogan ma soo gelayaan markaa waxan idinkula talin lahaa inaad page cusub inoo samaysaan aad kaga wada hadalo sidii wax loogu qaban lahaa umada dadkeenii aynu kaga nimid wadankii inaguna isu caawimi lahayn. qofkaad kaba ka tolanaysid isaga ayaa kabihiisa la eegaa. qof raba inuu ogaado wax qabad ama caawimaad ilama aha inuu halkan soo gelayo. markaa bage fiican inoo rara walaalayaal.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, March 30, 2001 - 05:42 am Maqaalkan oo uu "Real-Ceeri" waanu soo raray ee la socda ku ka xoroobe walaal waad salaaman tahay aniguna dadaal ayaan geleyaa waa inoo war danbe iyo wixii cusub ee soo kordha . ujeedaduna waa in marka hore fekreda dadka lagu dhaliyaa kadib ayaa wax qabadku imanayaa. waad salaamn tahay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 01, 2001 - 06:41 am real sanag walaal salaamantahay fikrada aad usoo bandhigtay dadka reer sanaag lakiin waxaan jeclahay laamiga laysku ladhisayaa xagee lugu xidhidoonaa, ma sool, mise lasqoray, mise xudun raalina iga ahow hadaad modid qabiil waadna isixikar taa hadaan khaldanahay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 01, 2001 - 08:30 pm waa salaamn tihiin dhamaan dadka wanaaga jecel eer ku fekeraaya arimaha dadkooda marka hore hamhalyo. tan labaad in taan laga hadlin xagee ku xidhnaa waa in aan fekreda dadka gelinaa oo ka dhaadhicinaa marka ay noqoto subject dadka dhexdiisa yaala oo qof kasta niyada ku haya ayaa la odhan karaa ama lays waydiin kara su´aalahan: imasa ayaa ku baxaay per km? xagee laga bilaabayaa? yaan caawimo waydiisanaa? wadankee daacad ah ama dhismo wanaagsan? in dad loo saaro degaanada laamigu mari doono si nabada loo xoojiyo iyo arinta mihiimkeeda? meeshee ugu dhow oo laysku xidhi karaa si looga wada faaíidaysto? iwm. markaa walaalayaal bal horta fekreduhu sida ay u kala horeeyaan aan u kala qaado iminka waxay ila tahay in aan ka bilaabno baaraarujin dadka gudaha iyi debedaba joogee ee gobolka u dhashay.... wabilaahi tawfiiq......
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, April 01, 2001 - 11:28 pm Waad mahadsantihiin asxaabta. Bogan waxa ka muuqda dad badan oo jecel horumarka umada iyo soo noolaynta dhaqaalaha umada. Run ahaantii waxyaabo badan ayaa ina hor yaala inaynu qabano halkana laguma wada koobi karo. Sida ay muhiimka u yihiin baynuna u kala horaysiin doonaa. Aniga arin ahaan waxay ila tahay inaynu marka hore ka hadalo dhibaatooyinka ina haysta aynu qorno ka doodno oo isku afgarano tan ugu muhiimsan inaynu ku dhaqaaqno ama ilaah baa ina badiyeye qaarba mid u xilsaarno. 1) tan wadada waa arin aad muhiim u ah wado la'aan horumarka umadu wuu gaabinayaa. waynu og nahay inay ceergaabo ahaan jirtay meesha ugu badan ee wax laga dhoofiyo lagana soo dejiyo. waa sax inaynu ka hadalo wado isku xidha ceergaabo ilaa ama boosaaso, ama sool ama burco laakiin aniga intaaba waxa igala muhiimsan inaynu dib u furno wadooyinkii maydh iyo laasqoray loo mari jirey iyo dekedihiiba. inagoo sadex dekodood leh waxa aynu ama berbera u aadnaa ama boosaaso waa khalad bay aniga iila muuqataa. inaynu furno baayac mushtarkii si dadkeenu u mashquulo oo ay iyagu wax soo saar u bilaabaan.inta aynu taa ku jirno waa inaynu ururinaa "Data" ku saabsan sidii aynu u cabiri lahayn inta ku baxaysa laami iyo meesha la marin doono, sida loo sugi lahaa amaanka meesha laga samaynayo laamiga iyo weliba inaynu u raadino funding. 2) Bacaad celin, ceergaabo waan wada ogsoon nahay inay tahay jano yar oo khudrad nooca aad rabto oo jaban ayaa ka baxda gobolkeena oo ilaahay inoogu deeqay, laakiin hadii aynaan hada waxa ka qaban caro guurka ka dhacaya wadanka waxa laga yaabaa inay nabaad guurto. sidaad ogtihiin midhisho, dayaxa, jiidali iyo xitaa beerihii ceergaabo hareeraheeda ahaa ee khudrada badani ka bixi jirtey roobabka ayaa aad wax u yeeleeya dadkeenuna waa dad aan aad u fahmin dhibaatada ay u keeni karto arintani, waxay gubeen oo dhuxul ka shiteen seerihii markaa marka roobko yimaado meelihii toga ku dhowaa ee la beeran jirey ayuu daadku carada qaadaa. togona wuu soo durkayaa markaa waxa fiican inaynu beerno oo dadkeena u sheegno dhibaatada tani u keeni karto cimilada iyo wax soo saarka gobolka. 3) dhakhtarada meeshii ceergaabo ahayd dhakhtar fiicani ma joogo. sadex dhakhtar ayaa jooga oo meeshii aakhiro u diray dawooyinka dhakhtarka la soo siiyo farmasiyadooda ayay dhigtaan oo dib dadka uga iibiyaan. dadka hargeysa ku nool iyo kuwa gaalkacayo ku nooli inagama lacag badna inagama maskax fiicna laakiin way inaga dadnimo wanaagsan yihiin wayna inaga dal jecelyihiin. iyagu dalkoodii way dhisteen boqolaal dhakhtar bay geeyeen tartan baa ka dhexeeya markaa waxa fiican inaynu ula hadalo hayadaha dalkeenii oo dawooyin uga qaadno iyo xitaa dhakhaatiir oo aynu sanadkiiba mar ama labo jeer dhakhaatiir u dirno gobolkeena. 4) macalimiin iminka wax barashadu way fiican tahay inkastoo lacagta la siiyo aanay aad u badnayn laakiin waxa fiican inaynu caawino oo aynu ka qayb qaadano dibu dhiska schoolada secondery ceergaabo ma leh ilaa form two ayaa la dhigtaa sida lay sheegay sababtuna waxa weeyey schoolkii oo dunsan. markaa ama buug u iibi ama schoolkii u dhis waa hawl inoo taal. walaalayaal halkan kuma wada koobi karo waxa aniga ii muuqda waxana laga yaabaa inaad idinku haysaan waxyaalo kale oo aad u aragtaan inay muhiim tahay. soomaaliduna waxay tiraahdaa "falaadhi gilgilasho kaagama hadho" inaga ayay ina sugayaan dadka gobolkeenii joogaa inaga ayaana u maqan magaalooyinka kale dadkii ka soo baxay baa ku noqday oo dhisay goboladoodii inaguna weli waxaynu taaganahay yaa ceergaabo iska leh. war aan fekero oo aan meeshii ku noqono soo eegno waxa ay u baahan yihiin ulana hadalo international community. lama huraan waa cawska jiilaal halkaas ayaa ina huran dadyohow markaa bal aan wax isu keeno aynuna samayno urur ama group wax inoo qaban qaabiya taga gobolkii soo eega waxa loo baahan yahay iyo sida ugu dhakhsaha badan ee loo samayn karo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 02, 2001 - 08:38 am SAMAWADE, I HEAR ALL OF U LOUD AND CLEAR ABOUT ALL THE ABOVE CONCERNS YOU BRING TO LIFE IN YOUR MESSAGE AND I AGREE .. 1- A ROAD NEEDS MONEY BEYOND CONTRIBUTION CAN SUPPLY.It needs geographic and soil study,it needs hardware beyond that which is present in erigavo .,and last but not least a ROAD HAS 2 ENDS a specific start piont and an end piont....meaning where ever it ends IT WILL END AT SOME ONE ELSES BACKYARD AND we cannot take it to another city without cooperation on both sides....i mean not even to mention the engineers required CAN BE SCRAMBLED TOGETHER .ALL THIS MAKES THIS ENDEAVOUR ONE NOT TO BE TAKEN LIGHTLY AND CERTAINLY ONE I DOUBT WILL RECEAVE A SOLUTION ON THE NET. 2-THE SCHOOLS ARE A SIMPLER MORE IMPORTANT CAUSE OF CONCERN TO ME AND AS YOU HAVE ALREADY STATED TO YOU TOO.CONTRIBUTION IS A NECESSITY .....but who will be entrusted to this money and its proper utilisation and how will this be done are QUESTIONS I THINK SHOULD BE BROUGHT UP IN THIS DISCUSION. 3- I INVITE ALL CAPABLE OF SOLVING SOME OF THESE LOGISTIC PROBLEMS TO ENLIGHTEN ME AND THE REST .................till next time.....peace 2 u all.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 02, 2001 - 08:53 pm ku akhyaarta waad salaaman tihiin .salaan ka dib samawade si fiican ayaad u soo qortay ra´yigaa caagfimaadka qaba iyo hawsha ina sugaysa inta ay leegtahay. walaalayaal horta arimaha aan kala horaysiinee ma ta iskuulaka iyo bacaadcelinta waan samayn karnaa hadii aan is kaashano oo lacag iska ururino mushaharka macalimiinta waxaa ka fiican marka hore in aan dhisno qolaalikii dumay ee iskuulada marka ardaydu hesho meel ay wax ku dhigtaan ayaa loo raadiyaa macaliimin iyo buwaag ay wax ku dhigtaan. tan dhkhtarka isgana sidii kii burco iyo hargaysa loogu ururiyey wax ayaan ugu ururin karnaa ilay waan ka qayb galay kii burco iyo hargaysa kana waa markiisii in wax loo ururiyo dhakhtardu iska iman maayaan ee waa in dhalin yarada lagu booriyaa in ay caafimaadka wax ka bartaan si gobolkooda ay wax u taraan berito. waa in aan urur samafal oo aan lacag mixinayno samaynaa <membership peyment>. lahagtaa aan ururino waa in wax loogu qabtaa magaalooyinka iyo tuulooyinka dayacanb. wixii faahfahin ah ee danbe dib ayaan ka xidhiidhi doona.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, April 03, 2001 - 09:26 am Samawadow si aynu wax isugu duba ridno, gudi inoo soo samay. Adiga ayaanu walaal ku dooranay ee wax isugu soo keen dubarid si aynu howsha u dhaqaajino oo hadal uun aanaynu ugu jirin. Waanu qaadanaynaa waxaad ku talisid because waanu kugu kalsoonahay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 12:27 am Mr qabiil ka xorooba Thanks bro for the vote of confidence!. But for now I must delegate you to do this for us. You see you have what it takes to be a leader you understand the situation better than I do and I am sure we all agree that you are capable of this task and we all will help the cause. My brothers and sisters we have done enough talking and it’s time we took some action. But as we all know this task is enormous and one person can’t do this alone. So as you eloquently put it we need a group of people who are willing to help their own people or the Somali society on the whole. The question is do we have that people? Yes we do have these dedicated young people who are willing to help but because of the luck of knowledge (i.e. not knowing where these people live) it is hard for us to get together and organize a task. So what we need is to create a virtual link so we know where each and every one of us lives or may be their e-mail address (i.e. contact number). The first and for most is to create either a web page for us or some sort of a database so we could communicate using a first name basis at least. Provided that we collected enough nominees we could then decide a task and start funding it. Web sate is important because if one of us needs help interns of education then we should be able to help each other as well. Also any development can be posted there. Somaliman I couldn’t agree more bro. Yes today road is not realistic but the whole idea, which we created this page, is to do some sort of a brainstorming. Not only to motivate each other but also to make sure every one is aware of the problems, which our people are facing at the moment as well. Yes without the will of the people and help of a proper government these issues will be no more than a dream bro. We are aware of all these logistical problems bro but what we want is to identify all the problems we have, check which one is easy do without the help of other people and make the initiative so we could at least motivate the people back home to do some sort of irrigation as well as ask help the international community secondly school is some thing we could fund easily if we put our heads together. I have been told that the teachers back home get only $20 we all know how small this is the least we could do is pay $10 extra to each teacher. The question how do we send this money and whom can be trusted. My opinion I don’t like a middle man what we could do is to send the money to the teachers directly. For instance the principle at Lafole school is siigo( ahmed ciise) what we could do is to count the number of teachers he is got and then send the money directly to him but make sure that each teacher knows that we are paying that money to him. Same goes for waraaqoole and so on. And from time to tame check on them to see if they are getting the money. By for now
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 12:25 pm To: Samawade, Somalma, Real Ceeri iyo dhamaan asxaabat awanaagsan Can somebody create virtual link for us? lso, si aynu war sax ah u helo mar walba waxaan ku talin lahaa in ninka la yiraahdo SHEEKH DAYAX Waa principleka sekendariga ceeribaago aynu ud iro computer Lap Top ah oo wixii data ah inagu siiyo. hadii aanaynu hadda Kombiyuutar awoodi karayn aynu u diro FAX MACHINE waxba badan ma ahee. If we do that, waxaynu maalin walba ka helaynaa Sheekh Dayax war nadiif ah oo bias ahayn waxna inoo noqon kara. For example, isaga ayaa wadada warkeeda iyo sida dadku arkaan inoo soo sheegi kara. So to conclude: Web site gooni ah inoo fura oo inteena danta gobolka rabtaa ku kulanto. Qabiil-ka-xoreebe.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 09:30 pm ku akhyaarta waad salaamn tihiin salaan ka dib aad ayaan ugu farxaa markaan arko dad ka fekeraaya wax qabadka dadkooda iyo dhulkooda. walaalayaal waa wax fiican in aan samaysan meel aan ku kulano si aan warar buuxda u kala helo.. tan shiikh dayax ma ceeri ayuu sheekh dayax joogaa waxaa iigu danbaysay 1987 ku dhowaadkii ka hor colaadii dalka... waaa wax fiican in aan is habayno oo sida aad ka xoroobe sheegtay aan iska ururino lacag aan ku iibino ama mashiinka aad afka ku dhufatay ama cumputer kii aan hadba awoodno.. sida samawade sheegay waa xiligii aan action samayn lahayn... waad salaamantihiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 09, 2001 - 10:10 am war asxaabtiiye iska warama. war nimanyahow, waxaan isku dayayaa inay inoo sameeyo web site inteena danta gobolka wada oo qabiil iyo qudhun ka tagtay. Markaa walaalayaal anigu ma aqaani sida web-siteka loo sameeyo laakin waxaan weydiinayaa inamo oo hadii ay ii sameeyaan waan idila soo socodsiinayaa.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, April 09, 2001 - 10:13 am Samawade, Real ceeri or Somalman: waxaad igala soo xidhiidhaan e-mailkan: Ymahamoud@yahoo.com wixii faahfaahin markaas ayaynu iska waraysan doonaa.
|