Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Hiiraan: BEERLULA TAARIIQTEDII YAA SI RASMI AH U HAYA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sayros

Monday, April 02, 2001 - 12:16 am
KU . DHAMAAN DADWEYNAHA REER B/WEYNE waxaan ka codsanayaa dhamaan dadweynaha reer baladweyne in ay wax iiga sheegaan taariiqdii beerlula ee runta ahayd iyo waxay ahayd , waxaan kaloo maqlay iney ahayd gabar qurux badan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 04, 2001 - 03:27 am
beer lula waxey aheed gabar xawaadle ah oo aad iyo aad u qurax badneed kuna nooleed bariga magaalad baletweyne......hadana waxey ku nooshahay canada...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 06, 2001 - 08:57 am
Beerlulla sheekadeeda runtii waa leysku qilaafsan yahay Seyrosow.

Dadka qaarkood markaad wareeysatid waxeey ku leeyihiin waxeey aheeyd gabar aad u qurxoon oo daganeeyd Xaafadda Oktober ee B/weyne.

Dadka qaarkood waxeey dhahaan waxeey aheeyd gabar daganeeyd Xidigta.

Dadka qaarkood waxeey dhahaan waxeey aheeyd gabar ku nooleyd xaafadda Iridda-aamin.

Dadka qaarkoodna waxeey dhahaan waxeey aheeyd gabar fasax ku joogtey B/weyne balse aanan la garan karin meesha eey ka timid iyo meesha eey ku danbeeysey.

Laakiin xaqiiqadda ilaaheey baa og,weey jiraan Gabdho B/weyne waqtigaas uu Hadraawi heestaas alifey Caan ka ahaa B/weyne xaga Quruxdooda ama Haasaawahooda oo ku jirey Hablaha markaas B/weyne farta lagu fiiqi jirey Quruxdooda oo yiraah Aniga ayeey aheeyd gabadha uu Hadraawi tilmaamey.

Marka sxb hadaad dooneysid hablaha 3-da ah ee kor ku qoran een kuu soo sheegay Xaafadaha eey ku noolaan jireen Magacyadooda iyo halkii eey ku danbeeyeen bal soo qor mar kale si aan u wada lafogurno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sayros

Sunday, April 08, 2001 - 07:16 pm
TO ANONYMOUS Saxiib waad mahadsantahay adiga iyo midka kale ee iisiiyey warbixintaa yar waxaan kaa codsanayaa inaad ii dhameystirtid inta hartay oo ah xaafada ay daganeed iyo magaca oo sadaxan thks bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BURCAAWI

Wednesday, April 11, 2001 - 11:22 am
WAXAA ANIGA AAN KA DAAWADEY TV WAREEYSI LAGA SOO QAADEY "HADRAAWI" OO AH NINKA HEESTA ALIFEY.

WAXAA LA WEEYDIIYEY: "WAA TUMA HORTA BEERLULLA"?
HADRAAWI WAXUU KU JAWAABEY:
"BEERLULA WAXEEY AHEEYD INAN AAD U BILACSAN OOD MOODO MARKEEY QORAXDU SII DHACEESYO OO KALE, DHERERKEEDA WAXUU KU TILMAAMEY INEEY AHEEYD INAN JOOG LEH, KALARKEEDA WAXUU KU TILMAAMEY "VANILLA"
WAXUU YIRI WAXEEY TAAGNEEYD MARKII IIGU HOREEYSEY BUUNDADA LIIQLIIQATO EE KU TAAL BALADWEYN.

HADRAAWI WAXUU YIRI INANTAAS WALIGEEY DIB UMAANAN ARAG BALSE WAXUU YIRI WAXAAN HUBAA INEEY KOLEEY AHEEYD REER B/WEYNE WAAYO WAXUU YIDHI HABLAHA SIDAA U QURXAN WAXAAD UGU TAGEEYSAA BALADWEYNE & BURCO OO QURA.