    Anonymous | Tuesday, April 03, 2001 - 09:53 am Walaalayaal dadku sidee qabiil looga baabin karaa? |
    Qabiil-ka-maarme | Tuesday, April 03, 2001 - 10:07 am Walaal qofkii qabiil u fiirsada ee fekeraya wuu arkayaa dulinimada qabiilku leeyahay. Qofka weli ku dhegana waa nacas aan maskax lahayn. Aqoontiisiina waba may tarin. qabyaaladi waa: Ma dhamaato, dumiso, ma xishooto, ilaah kama baqdo, ilaah kama xishooto, duliyo, dib u dhigto, naanaabiso, dadka caqliga ka dooriso, xaasidnimo hooyadeed, dulinimo aabaheed, colaad abuurto, ninkeeda dib ula hadho, qiiro been ah ku abuurto, faata dhakle dad ka dhigto, naartii dad ka buuxiso, wanaag ka kaxayso, waddan dumiso, ummad baab'iso, duli isu keento, xaraan ku faanto, dhiig cabto, bahaayin ka dhigto, doqoniino adeerkeed, nacayb abuurto. Maxaad ii sheegaysaan bahashuba waa noocaase. Kuma jiro Ilaahay baana ka magan galay. ILAAHAY KA BAQA OO QABIIL ISKA DAAYA. Qore; Qabiil-ka-maarme ================================== |
    Adoon-ilaahay | Tuesday, April 03, 2001 - 10:55 am Walaal qabyaalada qofkii muslim wuu garnayaa inay dembi tahay. Mar amar ayaa qofkii kuwo qabiilaystayaal ah sheydaan ku noqdaan oo ka xoogweynaadaan. markaa qofku had iyo jeer ilaahay ha xisuusto intaanu waxba samayn. Waa inaad is weydiisaa: haddaan arrintan sameeyo ilaahay dembi miyan ka gelayaa? Qofku haduu intaa mar walba is weydiiyo, qabiil way kala tegayaan. |
    Anonymous | Tuesday, April 03, 2001 - 10:56 am War qabiil wuxuu yahay ma jirto waa xaar iyo dulinimo ee wasakhda halala dagaalamo. |
    Qabiil-qudhunkii ka tegay | Tuesday, April 03, 2001 - 02:06 pm Dadka waxaa qabiil looga baab'in karaa iyadoo loo sheego qofka qabiil ku eexdaa ama dadka isku diraa inuu yahay ehla naar; waana sida ay diintu qabtaa. Qofkii ilaahay ka baqayaa markaa qabiil wuu ka durki kii aan ilaahay dan ka lahayna isagaa is og meeshuu tegi doono. |
    Qabiil-ka-soo-horjeede | Tuesday, April 03, 2001 - 02:11 pm dadka cuduraka qabiilku hayo bal ha eegeen qabiilku khasaaruhuu geystay. Reer walba(and I mean reer walba) dhexdoodii ayay iska haystaan oo iyagii bay cunaya. weligeedna way dhici jiraty in reer waliba dhexdooda iska cuno. Qofkii wax garad ah intaas oo qudha ayaa ku filan. Kii aan wax garad ahayn waa duli aan waxba fahmi karin. Qabiilka khasaarihiisa waxaa fahma qof marka horeba maskaxdiisu wanaagsan tahay; laakin qof markiisii horeba xumaa kam adhaadhicn kartid qabiil baa xun. Qofka xun waxaa ka adkaan kara kuwa ay isku qabiilka sheegtaan(kuwooda wanaagsan) oo runta u sheega. Hadday taasi dhacdo wuxuu deeramayaa cidla oo waxaa laga yaaba marka laga guri waayo inuu iska dudo. |
    Anonymous | Tuesday, April 03, 2001 - 02:12 pm Qabiilayste = Jaahil Qabiilayste # muslim Qabiilayste = munaafaq Qabiilayste = badow geeso leh |
    qabiil-waa -xaar | Tuesday, April 03, 2001 - 02:16 pm Horta waxaa loo baahan yahay qof walba iyo reer walba inuu fahmo: 1) in bahalka qabiilka la yiraahdo Ilaahay lagaga fogaado. 2) In qabiil khasaare mooyaane aanu faai'do lahayn 3) In qofka qabiilka had iyo jeer qabiil isku dira ama qabiil xarakeeya ama qabiil amaana uu yahay qof jiran oo dhakhtar u baahan. Intaasi hadday dhacdo wax weyn baa la gaadhayaa. |
    Qabiil-ka-xoroobe | Wednesday, April 04, 2001 - 07:58 am Some facts ============== Theory #1: ========= Qabiil ma shaqeeyo; waa khasaare gudaha iyo debedaba. Proof: Qabiil walba isagaa dhexdiisa iska dilay. Theory #2 ======== Qabiil(ku dhaqankiisa) muslinimo wuu ka fogyahay. Proof: Waa eexasho, colaad, isku dir, dib u dhac, anaa ka fiican , anagaa sidaa ahaan jirnay iyo bilaa macne badan oo kale. Theory #3 ======== Dadka qabiilka ku dhaqmaa horumar ma gaadhaan; hadday xoogaa horumar ah sameeyaana markaba wuu dumaa. Proof: wixii 500 oo sanno la dhisayay waxay ku dumeen 1 week. Theory #4 ======== Dadka qabiilka ku dhaqma way jiran yihiin oo maskaxdoodu caadi ma aha. Proof: qofka qabiilaystaha ah had iyo jeer wax xun buu jecel yahay. wanaagu wuu dhibaa, muslinimo iyo ilaahayna shaqo ku ma laha. dadnimada wax ka baxsan ayuu had iyo jeer ku kacaa wuuna isla fiican yahay oo khaladkiisu uma muuqdo. These theories hold. Yaa ku dhaqma qabiilka: ======================== 1. Dadka u haysta inaanay qabiil la'aantii noolaanayan. 2. Dadka u haysta in qabiilku inshuraansi yahay. (bal aakhiro inshuuraansi hakuu noqdo) 3. Kuwa ummada ugu caqli liita oo aan wax kale maskaxdoodu isku duba ridi karin. 4. Kuwa an isku kalsoonayan. 5. Kuwa aan diinta islaamka waxba ka aqoon. These beleives don't hold. Faai'dooyinka qabiil la'aanta: ================================= 1. Umaadii aan qabiil ku dhaqmini waxay samaysaa horumar weyn. 2. Qof muslim ah aakhiradiisii qabiil kuma seego 3. Ummadii aan qabiil ku dhaqmini wadoonkoodu siduu ku dumaa way adag tahay. 4. dhaqaalaha wadanku inuu sii kordho mooyee dhulka ma galo. 5. Qof walba noloshiisa ayuu dedaal u galaa wadankuna wuu ka faa'idaa. 6. waxaa abuurma tartan shaksi ku salysan halkii uu ka jiri lahaa tartan qabiil ku salysan(oo run ahaantii ah nooc mina waali) Sidee qabiil looga bixi karaa: ============================ 1. iyadoo ummada qabiilka xumaantiisa laga dhaadhiciyo(i.e. through education) 2. iyadoo qof walbi xil iska saaro siduu ula dagaalami lahaa qabiil. 3. Ka hadla oo ceebtiisa soo bandhiga Submit your theory. wax bugaag qabiil dhibaatadiisa ka hadlaysaa yaa haya? |
    AHMED.G | Saturday, April 07, 2001 - 11:24 am qabiilka waxaad ku garanay saa ka ku xiga iyo ka kale yadoo hadaad qabiilkaaga qof u sheegto uu ku garto adoon qof nafta uga saarin xaqiisana aadan qaadan |