    Nin-alleh | Wednesday, April 04, 2001 - 01:34 pm Walaalayaal qofkii naf leh yaanu qabiil ku habsaamin. Waa wixii ummada inaga reebaye. Qabiil ku dhaqmahana meel uga soo wada jeesta cadaab buu dadka ku wadaaye. Yaan laga yeelin hadduu ku yiraahdo isku qabiil baynu nahay. Maagacyadan laysu kal bixiyayna waxba kama jiraan; hadaadse aamintahay aaminsanow laakin qabiil ku dhaqankiisu(eexashadiisa, colaadiisa, wax ku xamashadiisa, wax ku googoontiisa, dad ku dhaciisa, fidmo ku abuurkiisa, ku faanidiisa)waa xaraam dhinaca islaamaka. |
    Qabiil-ka-maarme | Thursday, April 05, 2001 - 02:39 pm Walaal qofkii qabiil u fiirsada ee fekeraya wuu arkayaa dulinimada qabiilku leeyahay. Qofka weli ku dhegana waa nacas aan maskax lahayn. Aqoontiisiina waba may tarin. qabyaaladi waa: ============== Ma dhamaato, dumiso, ma xishooto, ilaah kama baqdo, ilaah kama xishooto, duliyo, dib u dhigto, naanaabiso, dadka caqliga ka dooriso, xaasidnimo hooyadeed, dulinimo aabaheed, colaad abuurto, ninkeeda dib ula hadho, qiiro been ah ku abuurto, faata dhakle dad ka dhigto, naartii dad ka buuxiso, wanaag ka kaxayso, waddan dumiso, ummad baab'iso, duli isu keento, xaraan ku faanto, dhiig cabto, bahaayin ka dhigto, doqoniino adeerkeed, nacayb abuurto. Maxaad ii sheegaysaan bahashuba waa noocaase. Kuma jiro Ilaahay baana ka magan galay. ILAAHAY KA BAQA OO QABIIL ISKA DAAYA. Qore; Qabiil-ka-maarme |