We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 12, 2001 - 08:09 pm waxaan jeclahay in aan la socodsiiyo dhamaan dadka asal ahaan u dhashay gobolka j/hoose in ay ka soo qayb galaan shir wayn oo ka dhicidoona magaalad Stockholm ee dalka Sweden bisha Luuliyo ee sannaadkaan 2001. shirkaa waxaa looga haldi doonaaa ama uu ku saabsan yahay gobolka j/hoose. hadaba cid kasta oo gobolka u dhalatay waa in ay ay kasoo qab galaan. galti iyo kooyto soo dhoway iyo ka soo qayb galba kuma laha cid kasto oo ay u dhasheen iyo cid kasto oo ay is xigaanba. hadaba waa idin sugaynaa waxii reer j/hoose ah in aad ka soo qayb gashaan shirkaas. waxaii faahfaahin ah oo in taa dheer fadlan la xariir e-mail kaan: bottaan55@hotmail.com nabaday.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 12, 2001 - 10:35 pm Xabbaani, M muse , waa fikradaan waligay ku fakarayey, afkaaga caana lagu qabay , lakin galti sideen dhinac isga marinaynaa, ileen waan ognahay oo way naga adagyihiin, horay u yiraahdeen wiilka waamo dibiga uu saaranyahay ayaa ka caqli badan. Any way hadday fikrad kaa dhab tahay, let us make a good trasatlantic coordination. find a kontakt person in every country etc. N/B waxaan soo jeedin lahaa in shirka af jinni lagaga hadlo oo ay doodo ku socoto!! Mr. Canjeel Ganane secondry school year 1977
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 13, 2001 - 07:03 am Canjeel: yaa qaa'ibo sinii, waryaa ma noolayd!! marka hore waan ku salaamayaa. figrad iga ma ah ee waa wax dhab ah oo qaban qaabadiisii mar hore ayey soo dhamaatay. gudiyadii abaabulka iyo xoghaynta sherka mar hore ayay hawshoodii soo gabagabeeyeen. waxaa shirka qabanqaabiye ka ah labo wiil oo degan Sweden. yurub oo dhan waa la wargaliyey. canada,boston,ohio,menisota,georgia,maryland virginia,new york, sacuudiga iyo uae intaas ayaan hadda ka warqabaa in la gaarsiiyey. waxaan kaloo filayaa in la gaarsiiyey Australia iyo new zealand balse ma hubo. ar caaba beele adiga dhankaadii baa haray gaarsii intii aad xiriir la leedahay oo maalinta shirkana yaan lagu waa yin. tan kale horay ayaan uga guurnay somalinet oo bog ayaa ka furanay msn community net. cilwaankeenu waa http://communities.msn.com/kisimanetcommunity waryaa baashi saciid muse(ina saciid wasaaye) oo degan new york city xiriir hadaa la leedahay gaarsii. i hope you know/remember him cuz he was our lot in 77.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 13, 2001 - 10:15 am Baashi xiriir ma lihin, lakin in uu qaad ale noqday ayaa iigu dambaysay. Lakin adiga see waaye, magaca in loo qariyo ayaan u malaynayey, adna netkaaba ku qoraysa. Ninyahaw horta arrin wanaagsan ayaad ku dhaqaaqdeen, ragga fikradda lahaa iyo inta wadaba way mahadsanyihiin. Laakin Pr ka aad samayseen ma wanaagsana, waayo anigu waxaan joogaa meel aan Sweden ka fogayn, oadayaasha reer Kisima ee la yaqaana waan ahay, hadana ma maqal shirkan. Any way it is not to late. Ninkii ahaa Cumar Shire ma Austaralia ayuu joogaa , mise London? What ever waxaa ila quman in M Huseen Dhooreey iyo Ali Amerika, iyo reer Sweden aad u sheegtaan in wargalinta qayb ka qaataan, waayo dad reer Sweden oo maanta aan la hadlay lama socdaan. Nin i ag fadhiya oo ku yaqaana , ayaa wuxuu leeyahay 93 , Xabbaani oo xalwo Kismayo ku gadaya ayaan ku arkay? bro, I will send you an Email. thanks for stting up the web. Canjeel
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 13, 2001 - 03:41 pm warninyohow waa runtaa balse waxaan k abaqay in aad garan wayso, marka waxaan door biday in aan naanaystii qoro, ee ha la iga raari noqdo. tan kale waa dhici kartaa inaysan dadku weki wada maqlin balse badan koodu waa ka war heleen. shirkaan waxaa qabanqaabiye ka ah m.muse(jabros) oo sweden degan iyo C/Casiis Maxamed Cabdalla biidhe-biidhe is yurub jooga, sidaa darteed anaga xitaa warku wareeg buu nagu soo gaaray ee toos nooguma imaan. waxaan u diray e-mail welina iima aysan soo jawaabin. Cumar shire iyo xaaskiisa Miil garab-yare waxaan ku maqli jiray iyagoo degan talyaaniga, war intaa dhaafsiisan ma hayo. M.Husseen DHoorayna waxaan ku maqlay Faransiiska, Ali Yusufna IN uu australia u qaxay ayaan maqlay. Ar canjeel anagu reer canada iyo usa waa wadnaa dadaalka oo gobolo badan ayaan gaarsiinay web-kana waa ku qornay ee waxaan u malaynayaa in dhanka yurub laga hurdo. shaki ayuu warkaadu igaliyaye amay sheekadu noqotaa tii dekadaha calanlay aan ku hayn jirnay oo kale. bal hadda adigaan ku hayaa ee ha iga baxsan oo aan kuwada xiriirno e-mail. marlabaad kaygii waa kan bottaan55@hotmail.com ama bottaan55@att.net tan kale fadlan soo gal boga aan cilwaankiisa ku siiyey oo dadka kalina gaarsii . waxaan jecelnahay in aan mar dhow u bedelno mid toos ah oo noqon doona www.kissimanet.com waxaan kaloo rabnaa in nalaka caawino haddii aad heli kartid sawir kissma ah ama aad ogtahay qof naga caawini kara. nasiib daro, talo isuma kaa sheegto waxaan hayey bosti kaar uu ku sawirnaa minishiibiyadii hore ee kismaayo nin yahow meeluu ka baxay ayaan waayey. calaa kulli xaal canjeel sidii gaabow gasiirow marba ayaan duurka haka soo bixine ee ha lagu arko. nabaday igu salaan ninka xalwada iga soo bililiqaysay.
|