Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Bari: MAXAY DIINTA ISLAAMKU KA QABTAA HADALKII. MAXAMED BASHIR HAABAAN.EE UU YIRI MARKII CIIDAMADII BILJENKU AYFARA XUMEEYEEN RAGA MAGALADA KISMAAYO .OO UU YIRI WAXAY NOOQABTEEN BAA KA FIICAN WAXAY NAGU SAMEEYEN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kudkude

Friday, April 13, 2001 - 01:36 pm
WALAALA YAAL WAA DOOD FURAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reer Diini

Friday, April 13, 2001 - 06:53 pm
horta micna masameyneyso kahadalka waxa uu ka wadey waa wax aad u ah raqiis

asagu waa qof raqiis ah
waa kuwii reer Bariga ahaa oo kale

Hada kahor baa nin reer Bari ah baa Doon kaluumeysi laga tuurey wuuna dhintey waxaana ka tuurey kuwo uu u shaqeynayey oo ah Yaman Fisher men
balse kuwii ka tuurey waa laqabtey maalmo kadib waana laxirey waxaana xirey ciidamada Cumar maxamuud oo daacada u ah c/ yusuf
waxa aan aniga layaabey nimankii xirnaa reerahoodii baa waxa ay kayimaadeen Yaman waxayna u tageen cida uu kageeriyoodey ninkii Somaliga ahaa waxayna rerkiisii weydiisteen Diyo dhan boqol halaad iyo baarqabkoodii balse cidii Yaman waxay dhiibeen Lacag u qalanta Geelaas oo dhan $6000.00 balse aniga waxaan layaabaa dadka wali heesto sharciyadii reer Guuraaga ahaa
waxay dhihi kareen ninka diley ninkeena waa in asagana ladilaa ama ay dhahaan waa in laxiraa mudo dhan 35years iyo ganaax laga qaadaa gaaraya $30.000000.00 dollars hadii uuba aadayo jeel
balse raqiisnimadooda waxay diyo moodeen boqol halaad iyo baarqab oo u dhiganta $6000.00

Cidii Yamanta aheyd markii ay dhiibeen lacagtii diyada ahayd bey sidii ku heleen wiilkoodii

mida kale hadii aduunweynaha lootusiyo in Somalida diyadoodu tahay $6000.00 dollars sow maha
Ceeb

aniga waxaan qabaa hada kadib ninkii ajanabi ah oo tago wadanka Somaliya oo dilo ruux Somali ah kadibna ay ku cadaato inow galey dambigaas xadgudubka bini aaadnimo waa in asagana ladilo,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YUUBE

Saturday, April 14, 2001 - 02:19 am
dhamaan ikhyaar meesha ka hadshay waad mahadsantihiin waxaa layaabay ninka liyiraah kudkude xasuustiisa aloow maxaad khaldaad badan aruurisay oo ummada soomaaliyed ay ka galeen abshir habaan iyo kuwa lamid ah aniga hadalkaas markuu ka sheegayey B.B.C sanadkii 1992 waan xasuustaa waxaana la waydiiyey balka waran ciidamad beljenka ah rag bay kismaayo ku fara xumeeyeeene waxuu ku jawaabay abshir habaan waan ku farax sanhay waxkasta oo ay noo dhibaan ama noo gaystaan waayo waxaay noo qabteen baa ka fiican waxay noogaysanayaan marka waligeen ma,aanan maqal niman soomaali ah oo lafara xumeeyo xataa gumeeysigii marka waa layaab in nin soomaaliyeed oo 74 jir ah uu hadalkaas iyo wax lamid ah uu ku hadlo maantana waxuu dhex fadhiyaa barlamaan soomaaliyed oo uu rabaa inuu fikrad ka jeediyo hadii danbigaas laguqaado waxuu mudanayaa in dhagax lagu dilo miyuusan ogeeyn in hadalkiisii laga helayo qoka kaydka b.b.c dad soomaaliyed oo hadalkaas ka xumaaday waqtigaasna way duubeen oo markii maxkamad islaami ah lasoo taagayo way keenayaan.........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baracajab

Saturday, April 14, 2001 - 07:15 am
weli ma fahmin warkiina iyo ujeedadiina. waayo maxay somalidu u sharciyestaaan gafkooda,khaladkooda iyo xadgudubkooda.

komanaan khalad ee ka badan kuwa ay baljamku geesteen ayaan isku samaynaoo weliba ka foolxun, mana xustaan ciddii gashay waayo waa reer tolkaa oo waa sax khaladna kuna aha diinta iyo banii aadam nimada.

waa sax waxa ay noo qabteen ayaa ka badan. ma qiyaasi kartaa in naf ay silac iyo saxariir ka badbaadiyeen ILAAHAY ka sockow.


ka waran cydiid oo diiday in garoomada dalka ay hayadaha samafalku uga soo dejiyaan raashin iyo dawo dadka abaartii ku habsatay oo diimadaa ay ku dhinteen in kabadan 300,000 oo haween iyo caruur u badan.

ka waran wax qabadkii huwantii UNITAF iyo sida ay ugu dadaaleen in raashinkaasi gaaro caloosha dadka gaajaysan.


10sano kabid ma filayn weli in ay jiraan kuwo ka samata baxay dhibkaa oo dibadda ku nool oo sidaa weli u fikiraayo.

habeen iyo maalin baa la fara xumeeyaa dadka welina dil, dhac iyo qixin loogu daraa. aaway diinta aad hadda ku hadlaysid mise dhexdeena micna maleh?????