    Jabhad77 | Saturday, December 16, 2000 - 08:07 am Waxaan shaki lahayn in maanta dadka Somaliyeed ee ku nool Gobalka Ismaamulka Somalida(Somali Galbeed) ay nolashoodu heerkii ugu hooseeyay ay taagantahay. Waxay qarka u saaran yihiin in ay ka tirtirmaan dhulkii ay daganaayeen haddii ay xaaladu sidaa kusii socoto. Dhibaatadaas sababaheedu way badan yihiin.Waxaanse shaki ku jirin in dagaalka maanta ka taagani ka mid yahay sababaha ugu horeeya ee dhibaatadaasi gaystay. Hadafka halganka dadkaasi waa xornimo.Maantase dariiqii lagu gaadhi lahaa aad ayaa looga fogyahay.Aad ayaana dadka deegaanku ugu kala qaybsan yihiin jidka loo marayo xornimo la gaadho. Xuquuqdeena dariiqeen u marnaa?Ma mid hubaysan mise mid aan hubaysnayn? Maanta abaarta aan dabiiciga ahayn iyo tan dabiiciga ah ee dadkeena baabi'isay ma dagaal hubaysan ayaan sii wadnaa???? Dadkii dalkaygoow maxaa talo inoo ah? |
    xad | Saturday, December 16, 2000 - 06:13 pm anigu sidaan kawarhayo dagaal culus kamasocdo dhulkaas, dhibaatada uguweyn waa abaaraha iyo xoolihii oo la iibsanwaayey. dadkeenu waa 100% reermiyi wayna adagtahey si xal loohelo, manasugayo beryahan. maybe more problem can be solution 1 wax barasho iyo dagaal aanhubeysnen 2 lataageero dawlada cusub ee soomaaliya 3 inaan ladooran calooshood ushaqeystayaal, lagana shaqeeyo isbedel guud oo itoobiya kadhaca iyadoo lataageerayo qowmiyadaha kale ee kasoo horjeeda itoobiya sida oromada. |
    MAXAMED SOOMAALI | Sunday, December 17, 2000 - 12:38 am WALAALAYAAL AAD AYAAD UGU MAHADSAN TIHIIN KA HADALKA IYO FURITAANKA QADIYYADDA SOOMAALI GALBEED. ANIGA WAXEY ILA TAHAY IN FIKRADDA XAD RAACSANAHAY WAAYO WAXAAN QABAA IN SOOMAAALI GALBEED AYSAN XOROOBI KARIN INTA AY DAWLAD SOOMAALIYEED AY MAQAN TAHAY SIDAA DARTEED WAA LAGAMA MAARMAAN KA SHAQEYNYTA DIB U HESHIISIINTA DADKA SOOMAALIYEED IYO SIDII AY DAWLAD AY LEEYIHIIN OO XOOG LEH LOOGA HELI LAHAA GEESKA AFRICA SIDAA DARTEED MAANTEY DAGAALO LAGA RIDAA SOOMAALI GALBEED XAL MAHA WAAYO MELES SANAAWI ISKA DAA SOOMAALI GALBEEDE WUXUU XUKUMAA MEELO KA MID AH SOOMAALIYA SIDAA DARTEED WAX XIKMAD OO AAN AHEYN GUMAAD AARGOOSI OO LOO GEYSTO DADKA REER MIYIGA KAMA DHALANAYO DAGAALKA DHUUMAALEYSIGA EE KA SOCDA SOOMAALI GALBEED. MARKA QABYAALADA AAN LA DIRIRNO HANA LA MIDEEYO DADKA SOOMAALIYEED EE KU NOOL SOOMAALI GALBEED HADAFKOODA AH XORNIMO LA GAARO XILIGA FOG IYADOO LA SOO NOOLEYNAYO MAGACII JABHADDA XORENYTA SOOMAALI GALBEED IYO SOOMAALI ABOW. RUNTII WAA LA GUULEYSAN XILIGA FOG EE YAAN LA DEGDEGIN. WAXBARASHO IYO LA DIRIRKA QABYAALADU WAA FURAYAASHA UGU WAAWEYN EE XOREYNYTA SOOMAALI GALBEED. |
    Sooyaal | Monday, December 18, 2000 - 05:12 am FIkirka uu shakhsiga la baxay Xad qabo ayaan aad u qabaa. Dadkan waxaa guumaysta jahli iyo fakhrinimo ayaa ugu badan. SIdaa darteed ha lagu dadaalo wax barashada. Gaar ahaan dadka jooga dibadaha ee heli kara fursadda ay wax ku bartaan horta halaga billaabo. |
    Anonymous | Monday, December 18, 2000 - 11:56 pm walaalayaa waad mahad santihiin waxaan idiin odhan laa wadaan kaas lamadhaho (ismaamulka soomaali) lamana dhaho (soomaali gabeed) waxaan odhan lahaa jabhad77 ma aadan horay umaqal in ladhaho (ismaamulka soomaali am soomaaligalbeed) qiyaas tii 1980kii ayaa la badalay magacii Ogaadeen. waxaan lagu badalay magaca soomaaligabeed ha ahaatee 1990 waxaa hadana loobadalay magaca ismaamulka soomaaligabeed.sabab taloogu bixiyay na waxaay ahayd in lakala dhumiyo iyo in lakala majala habaabiyo. hada waxaan idin way diin hayaa sabab taad magacaas ugu dhawaaqasaan/aad meelaha ugsooqoraysaan. saaxiibayaal kawarama hadaan dhaho waan badali magca wadan soomaaliya mabadali karaa. waamay mabadali karo sabab too ah wadan ka magaciis kamabadalikaro. waadna mahd san tihiin hadaad rab tiin inaad su aal iwaaydiisaana waad helaysaan jawaab teeda........................ |
    C/ Q | Tuesday, December 19, 2000 - 12:06 am waad salaaman tihiin waamaxay Ogaden ma qabiil baa mise waa wadan magaciis. maxaad se ka qabtaan wadan ka Ogadenia in laaguyeedha. |
    Sooyaal | Tuesday, December 19, 2000 - 01:48 am Aniga oo shakhsi Ogaadeen ah ma taageersani magacan meel walba lala roorayo. Maxaa yeelay dalkan dad badan ayaa ku nool. Magacanna raalli kama ay aha. Marka ha isku mashquulinina ee aynu xal kale raadsanno. Dalkii horey loo oran jirey Ogaden iyo gobolku hadda isku mid ma ah. Sidaa darteed, waxaa gobolka la dhahaa degaanka Soomaalida. Ogaadeen waa Soomaali. Sidaa darteed, anigu sabab aan Soomaali uga cararo Ogaadeena ugu ordo ma garan hayo. Yaan Soomaalida qolo-qolo loo kala qaadin. Haddii aad leedahay qayb ayaa horey loo dhihi jirey Ogaden, qayb kale ayaa loo yaqaannay Baali. Haddaba sidee aynu isugu keenaa. Magacaas wuxuu ahaa magac gumeysi bixiyey maaganaana ina Soomaalida lagu kala qaybiyo. Kanna waxaa bixiyey mid kale. Ka xulo ka kuu fiican. Take it as a history. Yaa ugu badan degaankan. Ha isku mashquulin. Maxaa yeelay ruux ahaan ku dadaal inaad xuquuq la siman ruuxa kale aad leedahay. |
    Anonymous | Thursday, December 21, 2000 - 05:04 am xabashi mar i soomaaliya ay soo werareyso ma foga ban ni hoba waxana fahni kara habar kasto soomaaliyaa jogta. waxa un oo lo qaban kara arinta ogaden waa sidu samayey Jalle siad waana in by force lo galo ogaden oo lo so ceshado dholkeni hoyo |
    ONLF | Friday, December 22, 2000 - 12:02 am salaan baahasan kadib aadbaan ugu farax sanahay falanqaynta xalu helida xornimada casrigaas aad kasoo hada sheen muwaadin kasta oo soomaaliyeedna xaqbuu uleeyahay inuu ka walwalo siddii looxorayn lahaa dhulkaas isaga ah dalkaasi waxauu ubaahan yahayi ma ay aha xuquuq ee waa xornimo sida aan qabo ssii wada waan isu soo noqonaynaaye |
    Ruqiya Hussien Aabi | Saturday, December 23, 2000 - 01:29 am Waxay ila tahay Ogaden in uu yahay magac loo yaqaano dalka Somaaliyeed ee Amxaaradu gumaysato mana aha qabiil marka inta laga doodayo magac dalkaas waxaa suaal ah ma wax kaloo la qabtaa la la'yahay oo Dalkii waa la xoreeyay. waxay ila tahay dadka dagan Wadankaas in ayna ka wada hadlin dalkeena maxaan u bixinaa sababta waxay ka fakaraan waxyaal ay ka mid yihiin kuwani:- 1-Nabad bari ma kusoo toosi doonaa mise waa layna gali. 2-Xageen xoolaha ka waraabinaa. 3-goormaan isbitaal heli doona iyo waxyaala la mid ah marka arinta magaca wadanku waa arin dadka dibadaha ka jooga ogaden isku maaweeliyaan wakhtigana ku dilaan tan iyo 1980 murankaas baa socday .Marka Mudanayaal iyo Marwooyin maxay idinla tahay in aan dib u dhigano magac badalka markaan wadanka xorayno ama aan helo ismaamul madaxbanaan. Kadina aan shacabka dalkaas soo hordhigno magac badalka oon codkooda la qaado. really this topic is such a waste of time. |
    HIIRAD | Monday, February 05, 2001 - 08:31 am anigu ugaadeen ma'ihi runtiina qabiil'ahaan majecleyn hada kahor sababo aan sidaasi usii fogayn darteed ayaana kunecbaa. markaan sidaasi leeyahay waxaan ula jeedaa sheekooyin hore oo la'iiga soo tabiyay iyo maalaa yacniga uu qabiilku kusalaysanyhay ee soomaaliduba wakhtigan isku wada colleysatey. dadka soomaali galbeed ee inay xornimo helaan ayaana kamid'ahay. laakiin waxaan aad ula yaabanahay lagabilaabo qabiilka aan katirsanahay iyo inta kale een ugaadeen ahayn waxaan usheegayaa hadii magaca ugadenia lagu bedelo ama soomaali galbeed ama zoonka 5'aad mar hadii aanaan dagaalameyn maxaan ugaba doodaynaa magac iyo wax'aan macno badan sameyneyn.hadaba waxa'aan dadka aan qabiilka ugaadeen ahayn kula talinayaa inaan inagu dadkeena iska kaydsano oo'aanay xabashi xabadeed waxba inagaga dhiman sida'aan imikaba yeelnay dabadeedna qoladan dagaalka kujirta aan magaceeda udayno haku dagaalameen oo walibahalka ay kala soo dhacayaan aan wada sugno.hdii kale dee sidooda aan huka aan haysano kudagaalano ileen dantu way nagawada dhaxaysaaye dabdeedna aan magacyadeena labaxno sidaa markaan dalka kuwada xoraysano dabadeed wixii aan ku heshiino aan labaxno .ugu dambeyna qoladan isxilqaantay ee dagaalka wada yaan magaca lagu dhibine daaya illeen inagu imika waan fadhinaaye inta aan fadhiga kakacayno cidii xoraysaba soomaali galbeed ha xorowdo..... |
    Mujahid | Monday, February 05, 2001 - 05:49 pm We will only find our freedom throught blood and iron. May the oppressed nations win their freedom! UWSLF. |
    Saxnuun | Monday, February 12, 2001 - 03:34 am Wadankaas haday dowlada somaliya faraha nagala bixi lahayd waa hore ayuu xoroobi lahaa ee iyadaa qas iyo minja xaabin nagu wada,aniga waxay ilatahay muqaddasna ah in wadanka ogadenia xuquuqdiisa lagu heli karo kaliya Qori caaradii |