Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Jigjiga
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariino

Tuesday, December 19, 2000 - 12:51 pm
soomaaliyey wallahi hadda waxaa ina dhibaysa
dawlad la'aanta soomaaliya aakiin haddii aynu helilahayn dawlad oo aan inaga dad ahaan aan go'aan gaari lahayn maanta cillkani inama'uusan haysteen

dawlad kusheegan laleeyahay ethiopia haddii aan inagu isku kal soonahay waan kaguuleysan lahayn
haddadan aynu joogno dawlad ku sheegan aan kor kuxusay dhibaatooyin waaweyn ayaa haysta oo dhinaca dhaqaalaha iyo milateriga ah wayo inbadan oo kamida ciidamada hadda gacanta ku hayadalka ayaa iska fariistay oo kabaxay ciidankii ayga oo ka doorbidaya inay iska raxaystaan kadib markii ay heleen lacagtii dawlada ee dalka waxloogu qaban lahaa:

Wahadab soomaaliyey aynu hudad katoosno oo aan dalkena wa uqabano hadidii aan gacmaha isqabsan weyno dhib ayaa inagu sii kordhidoona
yaa horta degenaa dhulka soomalida ethiopia
inikasi ayuun bagaran kar dhibka umadena haysta:

"anigu" waxaan degenaa degmada jigjiga mudabadana aad ayaan ulayaabana waxa lagu samaynayo dadkena soomaaliyeed marka inta ay inaga inadhaafeen ayaabay waxa ay inayar ujiraan inay yidhaahdaan qayb soomaaliya kamida anaga ayaa iska leh waxa kaliya ee hada haya waxaa weeye dhaqaale la'aan
lakiin haddii ay helaan dhaqaale oo aynaan intaasi kahoraysa iska gaadhin waa ay inoo dhamaatay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JR

Tuesday, December 19, 2000 - 05:26 pm
Thank you..Runta ayaad ka hadashey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 10, 2001 - 08:41 am
Jigjiga Mug weyn miskiin koris. Soomali kasta oo afrta dacal ka timid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jigjigaawi.75.

Thursday, January 11, 2001 - 11:58 am
Dadka reer jigjiga mooyee maxaan dad kale oo Somalinimo aamonsan uga waayay Somali -Galbeed.
Magaaladan Jigjiga,Jigjiga Mug-weyn, waa xudunta dhaqdhaqaaqa iyo xornimada qaranka Somaliyeed.
Waa magaalo ku abtirsata somaalinimo.
Dadkeeduna wanaaagsanaa.Naagaheedu diric sanaa.ciideedu madoobaa.
Ma xasuuusataan Garab-case iyo Gurayska ceeryaamadii dusha saarnayd.
Ma xasuusataan bankii beeraha iyo bilicdii bad-yar.
duudkii Sheekh Cali Guure iyo beerahii ka hooseeyay.
qurux badanaa Jigjiga markaad meel dheer ka joogto.
Mazagaajihii iyo maadhoogii ma xasuusataan markay ciyaaraha tartamayaan.
Maazagaaja!!!! Inka hoojaaaa!!!!!
Tour dayaarad (charter) oo illaa Jigjiga from North America ayaan qorshaheeda ku jiraa.Hadday suurowdo Summerka soo socda.Dadkii u diyaarka ahoow qoraal kusoo muujiya.
Qiimaha anaa soo raadinaya.Waanan idinla socdsiindoonaa dhawaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuq Yare

Friday, January 12, 2001 - 09:02 am
TO: Jigjigaawi.75.
AHLAN WAR BAL ISKA WARAN:
Saaxiib waan ku salaamayaa Mr.Jigjigaawi:
War ninku ma reer jigjiguu ahaa siduu u sharaxaan ka yaabay.

War ninyahaw saaxiib waxaa tahay nin reer Jigjigaawi sal ah sida aan ka garanayo haddaladaada sababtoo ah qofba maggaalada uu ku noolaan(degenaan) jiray ayuu wax ka sheegi karaa
arintaasi awgeed ayaan ku gartay inaad muddo badan
degenaan jirtay Jigjiga:

Aniga laftigaygu hankuu sheego,waxaan deganaan jiray maggaalada Jigjiga ilaa 8 years waxaaaaan ka imiday 1998kii:
ilaa iyo intaasi wax reer jigjiga ahna imaanu arag.

meelaha aad tilmaantay oo dhanna xusuus iska daaye lugaheygaan ku tagay dhammaan iskuul kana waxaan qaybo kala duwan oo maggaalada ah
waxaan fillayaa inaad xasuusato haddi aan wax kaaga sheego, waxaa kamida
sida iskuulkii la'odhan jiray "MAADHOOGA" oo hadda la yidhaahdo "SHEEKH C/SALAAN
"MAAZAGAAJAHA" oo hadda layidhaado XUSSEEN GIIRE
"QUDUR HULETI" oo isna hadda layidhaahdo
"WIIL WAAL":

saaxiib NORTH AMERICA inteed ka dagantahay
iniga waxaan daganahay "CALIFORNIA"
Bal adna ii soo sheeg
iyo kuwa kale oo fara badan:
WAr saxiib isbarasho wannaagsan
ciddii inagu soo biiray sanna aan soo dhaweyno

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuq weyne

Friday, January 12, 2001 - 06:04 pm
Ahlan Wasahalan !! Jigjigaawi iyo Suuq yare
Saaxiibayaal, Walaalayaaloow waxaad i xasuusiseen
waayo waayo iyo bari samaadkii iyo Jigjigadii qaboobayd,waxaan isweydiiyaa dhaliyaraddii faraha
badnayd ee kuso koray jigjiga halka ay ku danbeeyeen, Wakhtigan aan joogno aad baa loogu baahan yahay sabato ah iyaga ayaa horseed u noqon kara Somaali galbeed, sida aan xasuusanahay waa magaalada kaliya ee dhalinyarteedu qabiil ka xor ahyd oo jigjiga qofku haddu dagan yahay waa reer jigjiga. waxaan xasuusta abu-caanihii iyo maxamuud c/lle iyo laabantii ganbada ahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaraaqato

Friday, January 12, 2001 - 06:42 pm
Jigjigawi, Suuq Yare, Suuq Wayne:

Waad salaaman tihiin.

Nin aan habeen meel wada fadhinay ayaa

ka bixi waayay amaanta Laas Caanood oo ah

magaalada uu ku dhashay. Markaasaan idhi

ninkaa," hadaadan Cilmi Jaamici oo

dhashaaqa ah, garaw ahaan, waligaa ku cunin,

oodan waliga arag - suuq -Laaban-tii,

Qaji iyo Timaantimkiina sidaa loo lataagan yahay,

adeer meel ka maadan iman eh, hay wareerin".


Jigjiga ..... Mug Wayn ...............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 12, 2001 - 09:01 pm
Jigjiga, hadday hadli karto waxay odhan lahayd:

Taariikh haddii lagu murmiyo waayo tirintooda
qarniyada an taagnaa anaad tacajabaysaaye
ilbaxnimo tanaaddiyo haddaad maamul taxan doonto
anaan layga tagin maalin qudha tan iyo wiilwaale
tabar laysu sheegtiyo dagaal lagu tahluukoobay
xinjir tuuran maydkoo la tubay iyo rag taahaaya
hadday taa qiyaasteedu tahay muhimad lay taaran
runti aniga meel ila tartami geeska kuma taalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Boldari

Monday, January 22, 2001 - 04:47 am
War ilan niman yohow ragaan raadin ee wax ilagaran waa kuwan ka kuxusay wadankaygi walalaya suq yare iyo suuq wayne iyo intinikale ee garanaysa jijiga waad mahadsan tihin anigu waxaan daganahay wadanka Denmark mudo 8 sano ah wanad iæla soo xirriri kartan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suuqweyne

Monday, January 22, 2001 - 08:24 am
Boldari,ninkan kula hadlaya waa suuqweyne oo daggan (USA)e igala so xidhiidh :
geedi35@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jigjigaawi75

Wednesday, January 24, 2001 - 05:53 am
Runtii rajo aad u weyn ayaa laga qabay in dhalinta Jigjiga ay ka gaystaan sidii dhulkaasi loo xorayn/horumarin lahaa.
Kooxdii usoo kacday 63gii ,dagaalkii ayay ku soo qaxeen Somalia.
Kuwii ku xigayna dagalkii77ka ayay soo baxeen.
Kuwii di u noqday markay Somalia burburtayna waxaa liqay balwad.
Kuwa haatan soo socdana waxaa lagu abuuray reer hebel iyo anaga ayaa gaar u leh kobtan.
Kuwii North America yimidna Naagahoodii ayaa mashquuliyay iyo ciyaal koris.
Siday Somali Galbeed u gablantay ayay Jigjigana u gablantay.
..........................................
"V.B" ayaa ahaan jiray?
"Gabare" ayaa ahaan jiray?
"Zakatul Ubax" ayaa ahaan jiray?
Asxaabul mirqaan iyo reer biya raacis xagay joogaan??
Waxaa badalay baa la yidhi qarxis iyo aduun cusub iyo waligaa ha seexan .
Gheto Gheto culture.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Boldari

Thursday, January 25, 2001 - 05:48 am
Jijigaawi75 walaal fikradaada waxna waan ku raacsanahay wax na kuguma raacsani dhalinyarada ka soo jeeda Jijiga waa dad edeble oo isku xishooda qoysaskooduna dhisan yihin hadaba walaal
manaan gablamin jijigana mid gablami maha marka walaal aiga oyna iga ahayn isxarifis ama is amaanid dadka ka soo jeeda goo bahaasi waa dad ilahay ixitiraam iyo xurmada baray ee la soco

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuq Yare

Thursday, January 25, 2001 - 10:51 am
AHlan waaryada show meshaan waxbaa cadhacay
in muddo ah ayaan ka yaramaqnaa
Marka waxaab rabaa inaan layara haldlo saaxiib kay boldari war saaxiib marka hore waan ku sallaamay
, marka xiga ninyahaw horta waxaad tahay nin aad u wannaagsan oo wax kayaqaaana hannaankii ay lahaayeen dhammaan dhalinyaradii reer jigjiga.
marka saaxiib goormaa kuugu dambeysay dhulkeenii siiba dee maggaaladii hadhmacaan I MEAN-JIGJIGADII QABOOBAYD(WANNAGSANAYD)?

because waxaad noosheegtay inaad hadda ilaa iyo muddo 8 yrs ah ku nooshahay denmark.
marka saaxiib ma-ilaa intas ayunbaad ka maqneyd mise ka badanba?
waarbal saaxiib halkaasi ha'inoogasii socoto sheekadu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Boldari

Friday, January 26, 2001 - 04:11 am
Suuq yayre waalaal waan kusalami walaal waxay maanta ilatahay inaan jibrigi fadhiyo oo laaban cunayo markaan asaxaabtaydi lasheekaysanayo.walaal hadan kaga jawaabo intaan ka sokeeyay wadanki waa 15 sano dodobada kale waxaan joogay Afrikada kale lakin waxaad mooda inaan shalay ka imid Jijiga iyo meeshilayidhi
NINKA JEEBKA MADHAN IYO NINKA JILICISAN KORIYAAY JIJIGAAY MANABADBAA.Hadaba saaxib sinaba kuma iloobi karo dhulkaygi ee aynu wada xirriro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

U_DHALASHO

Tuesday, January 30, 2001 - 04:50 am
TANIYO JIGJIGAAN JAMBIGA KA LUSHEE
HAA 'A' HAA
INAAN JABO MAYYYY LA JECESHIHIIN
HELOOY HEELALOOY HELEELAAHAYEEY ...

Jigjiga ninkii yaqaan baa yaqaan iyo ninkii JIDWAAQ wax u galeen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cige

Tuesday, January 30, 2001 - 11:05 am
jidwaaq baaba jigjiga sheegtay?????????????????????????? aduunkan wax walba waala arkaa ogaadeen iyo jidwaaqba netkey kataajireen dhul badanaa!!!!!!!!!!!!!!!
waryee xishoodoo dhulkan dadki lahaa joogo afkiina kadaaya, walee hadii kale--------runtay tagi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abib

Wednesday, January 31, 2001 - 05:17 pm
KU: JIGJIGAAWI77

Walaal anigu reer Jigjiga ayaan ahay. Su'aasha aan ku weydiinayaa waa: Sakatul ubax xagey magaalada kaga taal?
Peace and love..
Abib

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

U_DHALASHO

Friday, February 02, 2001 - 05:34 am
WAAR WAA NINKA CIGE LA LEEYAHAY

Hadaad tidhaa JIDWAAQ jigjiga maleh, hadaa yaad siin jigjiga? bal ii sheeg...

Bal is sheeg yaad tahay ha laghu maqlee, midgahayaguna way kula yaabi lahayeen, kolay iyagii matihidoo oromo soomaali ku hadlaysa baad tahay baan u malaynayaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 02, 2001 - 05:07 pm
U DHALASHO:

Waar go'an ahayn "midgo" ayaan leenahay
dad ugu sheekayn!!

Qofkii xun ayaa midgaan ah. Qolo kastana
way leedahay. Qof, qof, ka fiicana ma jiro.

Jidwaaqa, dadku way u siman yihiin.

Adeer malaha Waqooyiga dhallintii ku kortay ayaad
ahayd?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Saturday, February 03, 2001 - 12:28 pm
asalaamu-calaykum

salaankadib dhamaan dhalinyarada reejigjiga aad iyo aad baad umahadsantiin waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanahay sida qiimaha leh eed eed xuusta iskuwaydaarsateen iyo walaaltinimada dhaxdiina kamuuqata.

waxa kale oo aan aad iyo aad ujeclaan lahaa in aan hadka latalaabin maadama oo maanta waxa halkaa dhigay uyaha uu yaha qabiilka sida basashii ay lakablakab udiirteen basalna waadtaqaaniin oo lakaba lakabka uuka hooseeyo ayuu kaqadhmuunyahay sidaas darteed in wadanka sidii hurumarloo gaadhsiinlahaa iyo sidiicadawga loogaxoraynlahaa aynu kusalayno afkaarteena.
aad iyo aad baanad ugu mahadsantihiin wakhtiga aad ssisiin sadaradayda korkuxusan.

ASALAAMUCALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aa

Saturday, February 03, 2001 - 03:45 pm
waxaan iniin sheegayaa in jigjiga ay iska leeyihiin Jidwaaq Absame(Abskuul,Bartire iyo Yabaree) . sidaa darteed dadka kale ee magalada iska jooga waad joogi kartaan lakiin ma sheegan kartaan garaar ahaan idoorka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cige

Saturday, February 03, 2001 - 09:11 pm
waryee ninkanoow magaalo ninki dhistaa leh magaaladan jigjiga dadki dhistay waa joogaan marka aanu kalaxishoono meeshaad leedihiin waalayaqaan jigjiga kumurmi maynee wax kale iisheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Boldari

Monday, February 05, 2001 - 12:58 am
Cige -anigu run ahaanti aad iyo aad yaan kula yaabanahay maxaa yeelay markaad jijiga sheegan jidwaaq xaguu jiraa wax fiican in xaqiiqada laga hadlo jidwaaq manta haduna kugu soo dhawayn oo lagu cayrin laha saa maadan sheegataeen ee waxaay ila tahay inaatahay wiil malaha gabari dhashay oo nala dagan marka intaad sheekada ka baxdid abti loxoo daada hayasu qoonsan ee caga dhigo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuq- yare

Monday, February 05, 2001 - 10:57 am
Asallaamucalyekum aqyaarta.
Meeshaan waxaa soo booqdaa todobbaadkiiba hal,mar amaba labbo jeer runtii waa meel aad u fiican marka loo fiiriyo dhinac kasta haddii ay ahaan lahayd dhinaca is'aragga iyo wadda sheekaysiga dhalinyartii reer JIGJIGA ninkii yaqaan ayaa yaqaana'e kii kale muxuu kayaaqaan JIGJIGA iyo dhalinteeddii.

marka waxaa la'oran karaa waa gooblaysku dhaafsan karo aqoon is weydaarsi iyo xaaladihii lasoo maray
Hase yeeshee waxaad mooddaa inay dhilintii reer JGIJIGA ee aan waligood lagu aqoon is qabiilaysiga
ay hadda soo bilaabayaan arimo xunxun oo aan looga baahneyn meesha.

Becuase taasina waxaa inoogu wacan ayaan filayaa inay jiraan dad aan JIGJIGA wax ka aqoon oo doonaya inay meesha soo galiyaan khilaafaad iyo ismaan-dhaaf/murran ka dhax-dhaca dhalinyar-teeni isku meel ku soo kortay.

Laakiin haddii ay arintaasi dhacdo maxaad ka dhihi lahayd bal qof walawba adigu dib isku waydii su'aashan ayada ah. tani waxaan uga jeedaa ama aan u soo qaatay waxaa weeye si aan u samayno uga hortagno arimaha foosha xun ee aan danta inoo ahayn(dhinaca qabiilaadka iyo ku dhaqankiisa)
becuase maanta haddii aynu nahay SOOMAALI we're the some people, by the way we're MUSLIM people so please we must discribe what our religion telling us to do,and fellow it.and also please we mustn't use what the tribalism is.

Haddii aan dib ugu soo laabto xaga aqyaarta
Saaxiibayaal waxaa wannaagsan inaad dhinac kastaba daddaalno,meel kasta oo aynu joognana isku xirnaano si aan helo wallaaltinomo qoto dheer oo ina dhax marta arintanina ma'aha oo kaliya inaan u samayno inta reer JIGJIGA ah laakiin waxaan ela-jeedaa all somalian people in this world.

Arintan waxaa igu kalifay inaan ka hadlo waxaa arkay dad isku haysta/ku muransan jigjiga waxaa xaqiiq ah in uusan waxa muramaha layidhaahdo uu dadka wallaalaha ah kala dilo.
marka wallaalyaal waxaa wannaagsan inaan iska dhaafno wax yaalaha faxshiga inagu ah ee nolosheena iyo tan wallaalaheenba halista galin kara INSHA'ALLAH.
mida kale saaxiib kay BOLDARI saaxiib maxaa ku helay adiga waxaan kugu ogaa adiga oo ka fog arimahan hadda keenay muranka ee aad isku haysateen ninkan wallaalkeen ah ee CIGE.?
Haddii aan CIGE lahadlo wallaal CIGE horta waxaad ogaataa inaad soomaali tahay haddaba maadaamo oo aan nahay dad isla dhashay oo isku dhaqan, isku diin,isku af isku midab iwm adu dhinac kasta oo la eegaba waxaan nahay dad wallaalo ah oo loo baahan yahay inaan nafteena isku hurno si aan u difaacno diinteena iyo dadnimadeenaba.
maadama oo aan SOOMAALI nahay waxaad ogaataa in uu dhammaan dhulka soomaalida lawada leeyahay oo uu xaq uleeyahay qofkasta oo soomali ah inuu dhulka wax u qabto cid ka hor sitaagi kartana ma'jirto.
marka taasi halawada ogaado mashaakilaadka kale oo dhani wuu iska dhammaan runta ayaa loo gudbi
INSHA'ALLAH.

ugu dambayntii saaxiibayaal hadalkii ayaan badiyay
aniguna wannaag ayunbaan larabay ee ALLAH khayrka ha'inagutoosiyo "AAMMIN"
haddii aan wax khalad ah galay fadlan halayga raali ahaado.


BY ABDIRAZAQ YOUR BRO IN ISLAM.
MAY ALLAH BE WITH ALL MUSLIMS IN THE WORLD INSHA'ALLAH.
THANKS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Boldari

Tuesday, February 06, 2001 - 05:13 am
Suuq yare saaxib iga gudoon sallan ka sha iyo laabta ka soo goday walla sallan kadib adiga iyo suuq wayne waxaan idinku ooga dad wadaniyiin ah waxaanan rajaynayaa inay saa ku sii socota hadaba walaal saxiibkay Cige ayaa arin qaqdaadh meesha ka wada ee maaha aniga mid laabta igaga jirta ee waxaan diidanahay meen in meeshan la soo galiyo waxaanan ku rajo waynahay in aqoon iaswaydaarsigii fiicna uu halkan inooga sii socon doono ee walaal aynu wada xirrino.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Damac

Tuesday, February 06, 2001 - 09:11 pm
Waryaa cige,
Jigjiga Mugweyn cidda iska leh waa la ogyahay
oo waa "Wiil-Waal" iyo tolkiis ma garatay .
Magaalada haddii aad dhawr guri ka dhisatay
haku buuqin ahalka kuso dhaweeyay e dadkaaga
dhinac ka raac.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuq-Yare

Wednesday, February 07, 2001 - 10:17 am
Asallaamu caleykum aqyaarta

saaaxiib BOLDARI waad sallaamantahay
marka hore mida kale saaxiib wixii aan sheegayay ayaa meeshan ka billaabanaya.
mana rabo inaan ka qayb galo oo aan meeshan dad aan jigjiga wax ka aqoon ku lamurmo kadibna ay aflaggado timaado.

Saasi darteen waxaad saaxiibayaal igala soo
xirriiri kartaan address-kan
Majaal@37.com
waxaan soo dhawaynayaa qofkii raba inan xirriirno oo dhan.
waad mahadsantihiin,xirriir wacan
Wabillaahi Tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR JIDWAQ

Wednesday, February 07, 2001 - 08:11 pm
waryaa hooyhooy waxaan lahadlayaa ninka
HABARMAGAADLE hadii seedi laguuyahay
oo aanu gabadhiina qabno adeer xishoo dabaanu kaahaynaaye oo iskaceesh seediyadaa waykusoo
dhawaynayaane,anagu madhibno dadka qaxootiga ku ah
wadankayaga sida soomaalida kale.mahadna waxa leh illaahay inta kasokeysana JIDWAAQ BAALEH.KANAXOW
NAFTAWAA,ALAMAXAA GEESI KADHASHAY,AXMED GURAY GARAAD IBRAAHIN,XAAWOTAAKO,XAAWO CISMAAN,WIILWAAL,GARAAD XIRSI GARAAD FAARAX GARAAD XIRSI.IYO RAGBADAN OO AANAN SOOKOOBI KARIN.KEEP YOUR HEAD UP BROTHERS AND SISTERS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 08, 2001 - 05:34 pm
jidwaaq siyaad barre been buu kuu soo sheegay. halkaan hala imaanin. AXMAD GUREY WAA LAYAQAAN OO NIN AKISHO AH AYUU AHAA. GEESIYAHAASHAAD TIRISAYNA
WAX YAQAAN MAJIRAAN. WIIL-WAALNA RAGBAA KU AFTIRSADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soodhaweeyaha martida

Thursday, February 15, 2001 - 08:01 am
TO/WAA NINKA MAGACIISA QARIYEY
adeer waxaan layaabanahay sababta
kugu kaliftay inaad magacaaga qariso
midakale ma adigii kudhexnoolaa
jidwaaq ayaa canaasiir noqday
adeer bariiskaaga hayska ciideyn
ee qunyar soco

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhigriley

Thursday, March 08, 2001 - 11:31 am
Jidwaaq,

War dhalinta reer Jidwaaq niman khatar ah ayaad tihiin! bal dadka Jigjiga inagu heysta u qaboojiya waxba meesha kuma hayaan.

Kii yiri jigjiga Ogaden iyo Isaq ayaa leh, waa daciif Ogaadeen ah oo maseyrsan ee taa ogaada.