Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Goormaa Geelu dhalay......:(
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aga

Wednesday, December 20, 2000 - 12:48 pm
Sangub haddan waraysan lahaa!
Dhoodaan haddaan ka guri lahaa!
Xiddig iyo Firin haddaan dhagaysan lahaa!
Afjanno haddaan ka hoorin lahaa!
Gabayada iyo geeraarada haddaan toli lahaa!
Dhaantiyo saar haddaan galab boodi lahaa!
Haddaan jiibin lahaa!

Gobanimo fogaatay haddaan goobi lahaa!
Geesi la waayay haddaan gaari lahaa!
Gacal fogaaday haddaan garab u noqon lahaa!
Alla goob kasta haddaan gartooda ka sheegi lahaa!

Waa doqon dhoohan baad i oran lahaydeen!

Awoowgood la gubkii reerkan u dhashay!
Iyo garaad gaabni baad igu tirin lahaydeen!

Anna waxaan ahay SOOOMAAALI caati iyo macaluul ciil iyo calooyow caasha kor u taagaya!

Waxaan ahay gabanada la gawrici curadkii walaalkood ahaa!

Waxaan ahay ciroole iyo carruur ciiddan kuwii lahaa!

Waxaan ahay SOOOOMAAAALI!

Ogaadeenya iyo galbeed labaduba waa gurigayga!
Ka sii galbeedna waa gayi iqa maqan!

Gacalow nabad ma qaadanaa guul aynu gaarne!
Mase gawrac baan ugu jiidnaa gaban wixii noo kaca!
Guul daro iyo ciil waa tii rag hore dishee anigu maanta waxaan ahay SOOOOMAAAALI!

Dalka lumay
Dadka silcay
Dunidan rogmatay

O ooho mooyee hadal kale la waa!
Aniguna waxaan ahay baan ku iri SOOMAALI--:(

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halgame77

Saturday, December 23, 2000 - 07:54 am
Aad ayaan ugu riyaaqay sida qurux da badan ee aad u qortay 'gabayga'.
waxay ka qiimo badan tahay 10 buug oo la akhriyo.
Waxaan la yaabanahay waxaad soo qortay dec.20.Illaa hadana qof ka faalooday ma jirin aniga ka hor.Anigu markaan akhriyayba meel ayaa lay taabtay.
Waxaan xasuustay halgankii .waxan xasuustay darandoori...dib u jeedso joogso.
Waxaan xasuustay jiif cabbeee....
Waxaan xasuustay fiidkii markay tahay oo qiiro wadani gabayo meesha qoraalkaagu taabtay aan ka dareemi jiray.
Kor illaaa dhammaad,sadar kastaa waxaa ku buuxa murti ku salaysan xaqiiqada .
Hadaad reer hebel caayi lahayd 1000 qof ayaa mar hore soo jawaabi lahayd ama faalo dhaadheer kusoo qori lahaaa.
Runtii waxaad sooqortay 'masterpiece'.
Forumkaan haka dheeraan.