We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 20, 2000 - 05:43 pm Assalaamu Calaykum, Walaalayaal kadib markaan mudo 10 sano ah ku noolayn wax haddii laga sheekeeyo dad ban ilmo ka qubanayso ama dad badan muruqo iyo tiiraanyo kusoo celinaysa dad badan ay naceen wadankoodii sababta wixii dhacay dad badanna ay ku dayacan yihiin Aduunka cirifyadiisa. Walaalayaal waxaan Aduunka ku joogi jirey SHARAF iyo CIZZI waxaa wadan walba oo dunnida ka mid ah inoo joogi jirey SAAFIIRO ilaaliya danada dawladeena iyo xuquuqda qof kasta oo SOOMAALI ah waxaase taa bedelay in maanta Aduunka oo dhan aan ku joogno QAXAATINIMO oo hoos la inoo fiiriyo Dadkeeniina xaaladooda lagama sheekayn karo. Caruurteenii DIBEDA baa loo dhoofiyey qaar kuwii dhalay dhoofiyeen iyo kuwo lala dhuuntayba, waxaa suqyada Aduunka lagu kala gataa sidii SPARE PARTS oo kale ama qalabka baabuurta oo kale waxa la iibinayaana waa dadkeena xubnohoodii. Waxaa siyaabo fool xun loo kala gataa gabdheheenii iyo wiilasheeniiba iyagoo loo adeegsanayo QAAB TUMASHO waxaa kaloo loo gataa in la korsado kuwan la korsadaa waa kuwa aad moodo inay ugu nasiib roon yihiin marka loo eego qaybaha loo gatay SPARE PARTS iyo kuwa loo qatay in lala TUNTO runtiise iyaguna aad bay u nasiib daran yihiin oo GAALNIMO bay caaqibadoodu noqonaysaa. Walaalayaal bal fiiriya Amxaarada iyo Jabhaduhu sida ay isu walaalaysteen iyo inay rabaan in SOMALIA mar kale lasii kala qayb qaybiyo, markii hore waxay ahayd 5 keliya iyadoo waagii horena markaad taariikhda dib u raacdo ay Amxaaro ka danbaysay maantana markii loo ilaaway GOBOLKII SOMALI GALBEED bay waxay iyagoo WARLORDSKA kaashanaya rabaan inay 25 kale inoo qaybiyaan. Taasi waxay ku tusinaysaa khatarta CADAWGA sokeeye waayo waxay JABHADUHU ka dareen GUMAYSIGII 5ta inoo qaybiyey waadna la wada socotaan in shirki ugu danbeeyey ee ay GAROOWE qaar warlordska ka mid ahi ku yeesheen BAYAANKII ay soo saareen ay ku dhawaaqeen in xalka keliya ee SOOMAALIDU yahay in la kala googooyo. Walaalayaal waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa la jirka iyo taageerada iyo u ducaynata Dawlada KMG ah, 100 sababood darteed, waxaanse kasoo qaadanayaa intan: 1...waa dawlad Islaamka inay waxku xukunto balan qaaday 2...waa dawlad ay soomaali u dhan tahay 3...waa dawlad masakiinta inay kaalmayso balan qaaday 4...waa dawlad qabiilayse mooyee cid kale aanay kasoo hor jeedin 5...waa dawlad siyaasiyiinta ADUUNKU (dawladaha) wada aqoonsadeen bal taageereen 6...waa dawlad nadaan xornimo ku socota (xoriyada ganacsiga, xoriyada siyaasada ama xisbiyada, xoriyada qoraalka ama saxaafada iwm) 7...waa dawlad dad yaqaanna maamulka ay faraha ku hayaan ama dad kasoo shaqeeyay shaygii dawlad la oran jirey 8...waa dawlad balan qaaday muqadasnimada SOMALIWEYN meesha ay dhamaan Jabhaduhu isku waafeqeen in nin walbi (warlord) waxoogaa reerkiisa ah ku urursado cirif yar oo SOMALIYA ka mid ah 9...waa dawlad balan qaaday inay sharaftii SOOMAALI lahaan jirtay soo celiso,ADUUNKA way ka hir gelisay laakiin gudaha inagaa weli ku jiifna oo aad moodaa in nin walba oo inaga mid ahi uu mid kale oo JABHAD ah oo reekiisa ah aynu uurka kala jiro 10...waa dawlad si degan oo qunyar socod ah SABUR iyo dulqaad ka muuqdo ama wax ku wada kadib markay naftoodii u hureen iyagoo mid mid loo ugaarsanayo inay ka shaqeeyaan danta iyo isu soo celinta ummadan la kala qoqobay (googooyey), 20...waa dawlad muujisay ilaalinta xuduudaha Soomaaliya wadana sidii shisheeyuhu uga bixi lahaayeen GOBOLO soomaaliyeed oo la haysto oo weliba Soomaali kale taageersan tahay ama ay joogitaankaas shisheeyaha rabaan 30...waa dawlad bilawday in dadku hadal buu isku af gartaaye xayawaankuna cida e la wada hadlo si la siu af garto GUUL waartana loo gaaro. 50.. 70... 100...waa dawlad kaga dhabaysay balan qaadkeedii ku aadanaa in nabad wax lagu xaliyo intaan gacan la qaadin taasna dhacdadii sshalay baa markhaanti u noqotay Warkii shalay "Sheekada ugu weyn ee magaalada Muqdisho maanta la isla dhex qaadayey ayaa ahayd howlgalka ay sameeyeen shalay ciidammada Dowladda. Dadka badankiis ayaa arrintaasi ka muujiyey niyad xumo, inkasta oo qaar dadka mid ahi ay sheegeen in dowladda la tusay tabarta ay leedahay. Wargeysyada magaalada Muqdisho ka soo baxa qaarkood ayaa iyaguna qoray faallooyin ay ku dhaliilayaan dowladda ku meel gaarka ah. Mid ka mid ah Wargeysyada ayaa cinwaan uga dhigay dhacdadaasi "ciidammada dowladda oo loo awood sheegtay." Wargeyska ku hadla afka Dowladda ee Dalka ayaa isna qoray in ciidammadii ka socday dhanka Dowladda ay ahaayeen ciidamo sama-doon ah. Waxa uu soo sawiray wargeysku cartoon muujinaya ciidammadii dowladda oo ubax sida, ayna ka hor yimaaddeen maliishiyooyin qamaamaya oo sita hubka cul culus iyo kan fudud" ka akhri maqaalkii oo dhan halka: http://www.hiiraan.com/Dec/dec20.htm Waa dawladii masaakiinta sida in badan uu madaxweynuhu ku celceliyey "Dawladani waxay u dhalatay masaakiinta" taasna wuu kaga dhabeeyey waxaadn akhrisaa haddaad walaal waqti kugu filan hayso maqaalkan anigoo rejaynaya inaad ka heli doonto macluumaad badan oo ku dareensiinaya inaan DAWLAD noocan ahi hore inoogu dhalan: booqo Boggan http://ingiriis.somalitalk.com/2000/december/18122000.html Walaalayaal anigoo hadalkii badiyey waxaa igu qasbay in dad badan leeyihiin maxay talaabo adag uga qaadi wayday DAWLADU jabhadaha khaas ahaan dhacdadii shalay oo dad badani jeclaysteen in dhiig badan la daadiyo taasna waxaan aad ugu taageersanahay mawqifka dawladu qaadatay sababtoo ah walaalayaal waxa ay JABHADUHU wataan waa dhalinyaro yar yar oo la marin habaabiyey kuwa dhimanayaana waa dhalinyaradaas DAWLADUNA waa kuwaas cidda ay rabto inay badbaadiso. marka yaan dagaal la jeclaysanin waxaan maamulka dawlada khaas ahaan MADAXWEYNAHA ALLE ha garab galee ka codsanayaa inay sidaa wax kusii wadaan NABADANA wax walba ka hor mariyaan XALKA QORIGU waa kii jabhaduhu 10kii sano ee la soo dhaafay ku guul daraysteen, wax ziyaado ah oo aan idin oran karo ma jirto oo idinka dhiman, waxaanse idinku bogaadinayaa sida aad illaa hadda hwsha u wadaan. Waxaan ugu danbaystii walaalaha Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed XASUUSINAYAA waa bil RAMADAAN oo barakaysan ALLAAHNA inoo balan qaaday inuu DUCADA aqbalo ee aan ummadeena u ducayno si uu dhibka inooga saaro waxaanna Ducadii inoogu bilaabi Yaa ALLAAHU Yaa RAXMAANU Yaa RAXIIMU Yaa MALIKU Yaa QUDDUUSU Ilaahayoow magacyadaad Qurxoon iyo Sifooyinkaaga Sreeya baan kugu barinaye DAWLADAN nooga dhig DAWLAD caadilad ah, walaalayaal haddii taa la helo waxaad ogaataan in ALLAAH barakooyinkii SAMADA iyo kuwii dhulkaba inoo furayo Aamiim Aamiin Aamiin. Walaalkiin Adam A Y Xawar Ibn-Islaam http://ibn-islaam.homepage.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 21, 2000 - 09:33 pm adam taasi yaa kaa dhageysanyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 22, 2000 - 08:42 am Waryaa jiradaada nagalatag dowlad masaakinta iyo ku duulid Balcad fadlan ma is wediisey yaa kadambeeyey bur burka dalkeena. Isaga iyo qabiilkiisa walana waaye saas darteed xaguu joogey markuu Ceydiid dhameynayey dadkiisa. take care think again useless,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 24, 2000 - 01:20 am shacabka soomaaliyeed gudaha dalka si fiican bu u raacsan yahy dowlad ku meel garka waana dowlad somali ween aad baad ugu mahdsan tahy waxa kale ee dibedah ka qeeyliya shekadooda ayaa ku jirra waa dabalo ficiltinka marnab ama sinab uga dhamaanin oo sabata weligeed soomalida loo gumeesto dadma aha .
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 02, 2001 - 08:50 am rrrrrrrrrrrrrrrrrrrrraaaaaaaaaaaaaaaaaaaaahhhhhhhhhhhhhh
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 05, 2001 - 12:54 pm ASSALAMU CALAYKUM DHAMMAAN Marka hore aan u mahad celiyo walaalkeen Aadan oo runtii muujiyay xaqiiqooyin jira. Soomaaliyeey ajnabiga iyo cadawgaaga kaleba kuuma oga danna kama laha caydiid ....iwm, qabiil iyo reer hebel iwm, cid walba danta ay kaa lee dahay yay kaa fushanaysaa, adigaase meesha ku ba'ay. Arimahan uu Aadan xusay iyo kuwo kaleba qof wadaninimo, muslinimo iyo xitaa bani'aadanimo ku jirto kama damqan waayeen, kii nacas ahowse nasiibkaa. Walaalayaal waan soo aragnay wixii lasoo maray iyo tan maanta lagu sugan yahay iyo weliba halka loo socdo mustaqbalka, markaa hadalkiiyoo kooban kala doorta dawlad iyo qaranimo Soomaaliyeed iyo dulinimo, silic gumaysi iyo qurun qabiil. Haddiise adiga iyo ilmahaagu aad yurub iyo dibadaha ku nooshihiin oo aysan idinka qasnayn, fadlan maskaxda ku hay masaakiinta malaayiinta ah ee ku sugan dhib kii ugu darnaa oo laga yaabo inaysan 24kii saac waxay cunaan waayaan oo ay u dheer tahay waxbarasho la'aan, caafimaad darro iwm iyadoo weliba suntii dunida ugu qatarsanayd lagu daadinayo dalkeenii. Wixii dhiig lahow kaca Ilaahow inoo gargaar innaga iyo muslimiintaba Aamiin Wasalaamu Calaykum Walaalkiin Loolow mloolow@aol.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 05, 2001 - 08:00 pm wixi dhiiglahoow ay maroosaa!!! cunugoo yariis eh (meles zanawi) magaciis saas camal aas uyeeraa, waxaas rabaa anaga oo ka caqli iyo aqoon badan inaas nagu dheel dheelo sidii caruur caruurey! dadkoo badan makasooyaan lakiin markale ee kasi doonaan oo naagahooda iyo hooyooyinkood keena ladhaho, ani taas aa idiin sheegooyaa soomaali oo dhan inti oo wax kasooso oona dhiig leh. soomaali hanoolaato. ha israacdo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 05, 2001 - 09:54 pm Walaal Adam, hadal waad dhamaysay haddii Somaalidu dareen leedahay, waxaanan rumaysnahay wakhtigan la joogo in Dawladnimo qiimaha ay leedahay qof kastaaba ogyahay. Markaas waxa haboon in danta guud laga wada fikiro si looga gaashaan dhigto cadawgeenna habeen iyo maalinba ku fikiraya inu inna wiiqo isago isticmaaliyay qaybi oo xukun, Sida darteed waxa waajib ah in hiil iyo hooba lagu taageero Dawladda cusub si aynu uso ceshanno sharaftii aan ku lahayn Adduunweynaha.Anigu waxan ka mid ahay dhalinyarada S/galbeed, Hadana 100% Waan taageersanahay in ay Somalia lugaheeda isku taagto sabato ah Somaali waa hal jidh ah oon kala maarmi karayn.Qaddiyadda Somaali Galbeedna waa lama hurraan oo dhammaan dadweynaha S/galbeed ayaa xil ka saarran yahay sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 06, 2001 - 05:57 pm please.soomaliyey is raaca oo dawlad dhista dawlad baa dhaanta dawlad la'aaney.ka baxey.
|