Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Haddaan Ogaadeen ahaan lahaa ................................ !!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hagame77

Friday, December 22, 2000 - 10:26 pm
Ogaadeen waa qabiilka ugu tirada badan ee dhulka somaliyeed ee xabashidu guumaysato dadka dega.
Shinbir hadaad labada garab goyso ma duuli kartaa?Ogaadeen ayay maanta Xabashi si gaar ah u baabi'naysaa.Qorshaha ka danbeeyaana waa kuweena kalana in barri dariiqaasi layna mariyo.
Ogaadeen kama maarrano.Dhulkaasi in uu xoroobo hadaan rabnana Ogadeen halgan uunan ku jirin waxaa hubaal ah in aanan guul lagu gaadhayn.
Aniga waxaan ahay nin Ogaadeen ay meel wada dagaan.Ilaahay hasii badiyee way naga tiro badan yihiin.Hadana hadaan reer Ogaadeen dagaaalanno waligay ma maqal Ogaadeen oo dhan oo dagaal nagusoo qaaday.Jilib ka mid ah uunbaan dagaalanaa ama geel kala qaadnaa.
Waxaan waligeen ku wada jirnay halgan Xabashi la dirir ah.Amxaarada xabaddeedu isku si ayay noo wada dili jirtay.
Roobka u da'a Ogaadeen ,anigana gaydka geelayagu daaaqo ayuu roobkaasi waraabinayay.Jidka iyo isbitaalka laga dhiso dhulkaas aniga iyo ninka Ogaadeen isku si ayaan u intifaacsan jirnay.
Geesiga Ogaadeen geesigayga ayuu ahaa.Sheekha Ogaadeena sheekhayga ayuu ahaa.
Boqolkiiba sodon(30%) abti ayay noo yihiin,anaguna aan u nahay.
Boqolkiiba todobaatan (70%) awoow ayay noo yihiin , anaguna aan u nahay.
Maantana ONLF waxay kuwa suldaanada ii ahi i leeyihiin waa Ogaadeen kali ah.
Waxaa talada noo haya kuwo aan meel dheer wax ka arkayn.
Tigree maanta waxay kala saareen dadkeenii.
Sidaa dadkeenu ma ahaan jirin.Waxaa jirtay in laysku duubnaan jiray.Qabiilka yar iyo kan weyniba.
Maanta miyaaan kala maaranay??.Maxaa is badalay?Ma aniga dadkayga ayaa xumaaday?????Maxaa dhacay?
Anigu kolay salaadiintayda waaan dhaliilay.Dadkaygana waan dhaliilay.Waxaan leeyahay Ogaadeen ma kala maarrano.Hadday khaldameen xattaa aan khaladkaas ku raacno.
Kolay la'aantood waligeen xoroobi mayno.
Haddaan Ogaadeen ahaan lahaa waxaan ONLF odhan lahaa.....
........................................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya Hussian Aabi

Saturday, December 23, 2000 - 12:49 am
Walaal Dagame77
Walaale afkaaga caano lagu qabay runtiina dadka wadankaa Ogadeen daga makala maarmaan sida aad sheegtay kuwa badanina geeriduna way u badantahay hasa yeeshee waxay ila tahay in ay tahay in aan u aragno ONLF in ay tahay dhaqdhaqaaq gobanimo doon ah aynaan u arkin qabeel. Dhinaca kale haduu ogaadeen khldabo ilama aha in lagu raaco ee waa in latuso khladkooda. Runtii siyaasada kuma fiicni hasa yeeshee ilama qumana in qofna khalad lagu raaco. waad mahadsantahay runtii aad baan ugu farxay in aan arku qof iila dhashay dalkaas oo saa u fakaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CIISE

Saturday, December 23, 2000 - 01:19 am
INTAAD OGAADEENOW SIDAN U HADLAYSAAN WAX HAGAAGAYAA MA JIRAAN. AMA BADNAADA AMA YARAADA AMA ANAGAA KALIGAYO DHULKAAS LEH DHAHA WAA IDINKA IYO ZENAWI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQ

Saturday, December 23, 2000 - 05:21 am
Ogaaadeen ama ha badnaado ama ha yaraado, laakiinse sida taariikhda lagu hayo waliigii kama bixin ama ma joojin halganka uu ku doonayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee udhahay Ogaadeeniya, haddana wuu wadaa ee xornimo doonoow haka harin.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halgame77

Saturday, December 23, 2000 - 07:25 am
Hadaan Ogaadeen Ahaan Lahaa.........waxaan Topigaa ula jeeday in qola kasta waxa ay dhaliil leedahay ayada dad ka tirsan ay sheegaan.
Sida aan halkan ku arkay inta ONLF dhaliiltaa waa inteena aan Ogaadeen ahay.Waxaan rabay inaan inagu qaladkeena muujino.Qaladku dhinac kali ah ma aha.
Dhulkaas waan u wada dhalanay.Xattaaa kuwa aan u dhalan halganka Somalinimo wuu u furan yahay.Kan xataa aan Somali ahayn ee ka damqada cadaadiska nalagu hayo, waan soo dhaweynaynaa hiil iyo hoo waxa uu na tari karo.Moral support kii nagu deeqa ,waan ku mahadinaynaa.
Waxaan rabaa sidoo kale in kuwa marka ONLF lasoo qaadaba ,markiiba difaaca galaa ay si la mid ah ayaga loo daayo dhaliisha ONLF.
Waxaa dhici karta una badan in ay naga yaqaanaan ONLF waxay tahay iyo sida ay u samaysan tahay.
Maanta qofna kama qarsoona in halganku uu liito.
Maanta lama qarin karo in khasaro kii ugu weynaa dad iyo duunyaba dadkeena loo gaystay.
Sabatuna waxbaa sida aan halganka u wadno ka qaldan.
Ogaadeenooow dhaliisha reeraha kale ha is dhaliilo ,idunkuna noo sheega dhaliisha aad ogtihiin.
Qoraalkayga ugama jeedo in reer si gaar ah loo dhaliiceeyo.Marka aan abti ayaan isku nahay aan leeyahana ,waxaa ka wadaa in dhammaanteen inteena Ogaadeen dantu walaalaysay aan wada dhalanay.Dhib iyo dheefna aan Ogaadeen wadaleenahay.
Waa in aan soo celinaa isku kalsoonidiii dhaxdeena iyo walaalnimadiii awoowyadeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bb

Saturday, December 23, 2000 - 05:26 pm
ogaadeenka waa inlagutaageeraa xoreynta gobolka. maadaama aynalaheyn dad badan oo waxbartey waainey dhegeystaan dadkale, habkii looxoreynlahaa gobolka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQ

Sunday, December 24, 2000 - 02:27 pm
bb Ogaadeen 50% waa mutacalimiin inaad adigu wax u sheegta iska dhaafe soomaaliyoo dhan bay kala wadeen, xag maamul, xag dhaqan iyo suugaan, xag taariikh, ilaa iyo haddana soomaalidu waxay qorataa taariikhdii ogaadeenka ugamana xumin ee waa ku faraxsanahay. Laakiinse adigu nin wax og uma ekid ee si kalaaad u dhaliilaysaa beesha Ogaadeenka.War ninyohow ma cuqdadii baasayd baa kugu jirta ee dadka qaarkood gali jirtay??????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dd

Sunday, December 24, 2000 - 04:35 pm
waxaan ahay ogaadeen yaqaan. cuqdadna kamaqabo, suugaanta waaruntaa. waxbarashose hadalkeeda daa. xagee waxkubartaan 90% waaxoolo dhaqatee, gumeyi xun kuhoosnoole. faanka ogaadeenka laguma aqoone ukaadi deeq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jeexdin

Sunday, December 24, 2000 - 09:42 pm
Hagame77.
abtigiis waa lagu salaamay dee adaaba dhameeyay oo waxaan idhaahdo garan maayo xaqiiqda dhabta ah adigaaba sheegay.laakiin bb, dd,ciise iwm waxba laga qori maayo cudurka haya unbayna ladhiman ama zenawi kudili maroy noqotaba.laakiin anigu waxaan layaabay soomaalida ogaadenia degta haday ogaadeenku ama ONLF ay tabeebe uxiratey guntigana dhiisha isaga dhigtey(compaign)inay the Christian orthodox ka xoreeyaan dhulka iyo shacabkaba may kutaageeraan, mise waxay umaleeyeen axmaarku inuu ogaadeenku kaliya qoriga u cabaystay bal eega hadaba wakuwaa tigreegii 100Km ujira Muqdisho. Sidii sayid maxamed mar ay dhibeen soomaalidii iyo gaaladiiba gabaygiisii ku jirtay uyiri( nin gob ohoo guni rifaysaan ahaye)ayuu maanta ogaadeenku dhamaantiis hal mar uwada leeyahay isla tixdaas, dhinaca kale waxaa kuu cadeyn karta inuusan axmaarku kala jeclayn soomaalida, markii nin hada kamid ah qabqablayaasha(warloards)soomaaliya asagoo siyaad barre kasoo horjeeday markuu militariga soomaaliya wax ka dilo ee uu reportka usoo gudbiyo mingiste ayuu marka uu mingiste waydiiyo imisaa dhimatay ayuu ku odhan jiray waxaan ka dilay intaas iyo intaa ciidankii siyaad barre kabacdina markaasuu mingiste ku odhan jiray "isku wada daroo imisaa idinka wada dhimatay" takale hada kahor Gaalkacyo mar xubno katirsan ONLF oo dhaawac ah lageeyay si loogu soo daaweeyo ayay majeerteenku Qudha kasii jareen war ma gunbaa? ma u malayn laheydeen in Ogaadeenku soomaali iska daayee nimay noqotaba oo gaalo is hayaan aay dhaawaciisa nafta kasii jari lahaayeen Gobnimimo ayay kaxigaan, marka soomaaliyeey ogaadeenka nadaalka(strugle)hallagu taageero waayo Christian orthodox ayay ladagaalamayaan ee soomaali lama dagaalamayaan ogaadana Ilaahay markuu ogaadeenka abuuray inuu u abuuray inuu kataqaluso gaal iyo gaal u eke hadaan lagu taageerin jihaadkana mid ay istaajinayaan ma ahan waana mid ay anigoo 24 jir ah caruurteydu caruurtey sii dhalaan sii wadi doonaan.
hagame77,Bro. i like your bright ideas, laakiin waxaan sii jeclaan lahaa sidii ninkii la odhan jiray mustafa kaamil ee reer masar markuu lagorgortamayey faransiiska ugu yiri "Hadaanan masaari aheyn waxaan jeclaan lahaa inaan masaari noqdo". taa waxaan uga jeedaa inaad sii yara dhamaystirto oo tidhaahdo "hadaanan ogaadeen aheyn waxaan jeclaan lahaa inaan ogaadeen noqdo".iga raali ahow hadaan kuugafey.
Nabadeey.
peace & love Bro and LONGLIVE OGADENIA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Halgame77

Monday, December 25, 2000 - 12:24 pm
Jeexdin waad mahadsantahay.Ogaadeen haddaan noqon lahaa ... waxba kama qabo,cuqdadna kama qabo.ab-ka-abna dhiigooda ayaa igu jira.Somali uuna dhiig Ogaadeen ku jirinna dhulkaasi ma jiro.
Haddaaan Ogaadeen ahaan lahaaa ....Waxaan ONLF odhan lahaa ,Si loo helo midnimo oo aan halgankan u gaadhsiino dadka dhulkan daggan dhammaan ...
Si aan waajibka gaarka ah ee na saaran hadaan Ogaadeen nahay .....
si aan kalsoonida taariikhiga u kasbano ee walaaladeen.........
Si hormoodka halganka aan waajibkiisa uga soo baxno...
Waxaan garanay in aan codsiga walaaladeen aqbalno in aan magaca ONLF aan u badalno SWNLF
oo ah Somali West National Lib Front.
Haddii loo baahdana kolba magaca ugu haboon ayaan u badalaynaa.
Ninkii magac ka haboon hayoow sheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Turuqyo Adke

Tuesday, January 23, 2001 - 07:06 am
"Ma jidwaaq oo isku jabaybaa jeer lagaa helay"

Waaryaadhaheen Wax ma idiin sheegaa Ogaadeen iyo warkiisa iska daaya. Dhulka inta ugu tayada fiican waxaa iska leh Jidwaaq. Hada waa dhulka ugu barwaaqada badan..

Waxaanu deganahay wadnaha gobalka aaga 5aad. la'aantayo cid dhaqdhaqaaqi kartaa ma jirto. Jaadka oon idinka joojino oo kaliya ayaa idinku filan oonu kontroolka istaagno.

Wax hargaysa tagaya iyo dhagaxbuur toona majireen..

Waa layaqaanaa ragii boqorada ahaan jiray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JIGA

Tuesday, January 23, 2001 - 09:15 am
TURUQYO ADKE

WAA RUNTAA DHULKA UU JIDWAAQ LAHAAN JIRAY DHUL WANAAGSAN BUU AHAA LAAKIIN HADDA YAA DHULKII LEH AYAY SUAALI TAHAY.
MAGAALADA JIGJIGA QABIILKA UGU FARAHA BADAN WAA OGADEEN HANTIDANA KU LEH, WAXAA SOO RAACA ISAAQ.
MARKA HADDDAAD MAQASHAY WAABAAN LAHAAN JIRRAY JIGJIGA WAXBA KUGUMA FADHIDO. JIDWAAQ WAA QABIILKA UGU LIITA KILILKA 5NAAD MARKA LA EEGO SOMALI OO IDIL. SADDEX BILOOD KA HOR AYAAN KA IMID
JIDWAAQNA HAAD AY IMIKA HAYSTAAN MA JIRTO.

NABAADIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ONLF

Wednesday, January 24, 2001 - 12:16 am
To: halgame77, saaxiib ra,yigaagu aad buu u fiican yahay, waana kugu raacsanahay imaan dadka lakal saarin isku danta ah, xabbadduna cid keliya ayna aqoonin ee loo wada siman yahay, laakiin haddii Ogaadeenku goostey inuu jahaado, ilaahayna banneeyay in la jahaado soomaalida la deggan Ogaadeenkuna ay kaga baxday dagaalka oo aad mooddo in Ogaadeenka oo keliya in aayadda jihaadku ay khusatso Ogaadeenka oo keliya maxaa la sameeyaa? run ahaantii wax magac ka wayn ayaa waddankeenna ka jira, mana filayo xitaa haddii magaca aad sheegteen inuu sun idiku yahay la beddelo in soomaalidu diyaar u tahay inay Ogaadeenka la jahaaddo. Taasna waxaad ka garan kartaa sida ay soomaalidu tigreega ugu kala ordayso oo midkii tigreega is xijiya ayaa ah mid guulaystay sida ay dad badani aaminsan yihiin, markaa saaxiib annagu wax walba diyaar ayaannu u nahay ee soomaalidu ha isku noqoto oo aynu ogaanno in innagu wax kasta oo aynu is dhahnaba aynu meel uga soo wada jeedsanno midnimadeenna. Ogaadana in tigreegu uusan marnaba naf inoo haynin taana waxaad ka garan kartaan sida uu ula dhaqmayo soomaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Wednesday, January 24, 2001 - 12:21 am
To: halgame77, saaxiib ra,yigaagu aad buu u fiican yahay, waana kugu raacsanahay inaan dadka lakala saarin isku danta ah, xabbadduna cid keliya ayna aqoonin ee loo wada siman yahay, laakiin haddii Ogaadeenku goostey inuu jahaado, ilaahayna banneeyay in la jahaado soomaalida la deggan Ogaadeenkuna ay kaga baxday dagaalka oo aad mooddo in Ogaadeenka oo keliya in aayadda jihaadku ay khusayso Ogaadeenka oo keliya maxaa la sameeyaa? run ahaantii wax magac ka wayn ayaa waddankeenna ka jira, mana filayo xitaa haddii magaca aad sheegteen inuu sun idinku yahay la beddelo in soomaalidu diyaar u tahay inay Ogaadeenka la jahaaddo. Taasna waxaad ka garan kartaa sida ay soomaalidu tigreega ugu kala ordayso oo midkii tigreega is xijiya ayaa ah mid guulaystay sida ay dad badani aaminsan yihiin, markaa saaxiib annagu wax walba diyaar ayaannu u nahay ee soomaalidu ha isku noqoto mid kaliya oo aynu ogaanno in innagu wax kasta oo aynu is dhahnaba aynu meel uga soo wada jeedsanno midnimadeenna. Ogaadana in tigreegu uusan marnaba naf inoo haynin taana waxaad ka garan kartaan sida uu ula dhaqmayo soomaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADDUUN

Wednesday, January 24, 2001 - 10:07 am
HAGAME77 Br waan ku salaamay waana kaaga mahadcelinayaa fikradaad qiimaha badan
waxaana kuu rajaynayaa inaad helidoonto dad wanaagsan oo kula fikrada yacnii aad isku dhinac wax u wadi kartaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 14, 2001 - 07:43 am
hadaan ogaadeen ahaan lahaa waa is dili lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

missqurux

Wednesday, February 14, 2001 - 01:12 pm
TO ANONYMOUS

WALAALO WAXAA KU WEEDIIYE WHY AYAA ISKU DILI LAHEED HADII AAD OGAADEEN AHAAN LAHEE?


marka xigata aniga qalada ha iga fahamin ogaadeen ma ihi laakiin waa dad la yaqaa oo qol kasto ku hamido inaya noqodaan ogaden. aniga xataa waxaa ku riyoodaa inaa guursado nin ogaadaa waan jecelaha qabiilka ogaden. maxaa yeelaya waa dad aad iyo aad diinta edaba iyo aqalaaqa uga wanaagasan. marka adiga oo qaalada aan iga fahamin hadii aad ogaden noqon laheeda waan isdila ayaa tir why??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SomaliGalbeed

Wednesday, February 14, 2001 - 03:49 pm
Ragow wax yaan laysku qasin. Ogaadeenku haday halgamayaan waa gartood oo dadka la gumaystey ku jiraan. Laakiin maaaha inay dhahaan cid walboo somali-galbeed degta anagaa ka masuul ah, magacayagayna qaadanayaan. Anigu reer somali-galbed baan ahay tigree in lala dagaalana diyaar baan u ahay, laakiin magac ogaadeen(ONLF) qaadan mayo maxaa yeelay ogaadeen maahi. Ninkii soomaalinimo ku dagaaalamaya garabkiisaan ahay laakiin ogaadeen haday dadka iska saaraan inay keligood yihiin ha ogaadaan.
TAA MICNAHEEDU MAAHA inaan ku faraxsanahay xasuuqa xabashidu ku hayso ogaadeenka, laakiin ogaadeenku iyagaa is baday inay dhibkaa maxaa yeelay haday soomaalinimo wax ku raadin lahaayeen anagoo dhan baa kici lahayn tigreegana waa laga takhalusi lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAARREEYWLL

Wednesday, February 14, 2001 - 06:30 pm
Salaan guud ahaan gaar ahaan walaalka bogaan bilaabay HAGAME77=(halgame right Br)
To: SomaliGalbeed

Walaloow waxaan ku weydiiyey aadba diidid magacan ONLF tee sidaad adigu rabtaba u diid oo u micneeye, maxaad adiga iyo inta kale ee ONLF diidan ee laga yaabo inay kujiraan kuwo ogaadeenka aad sheegaysa ah la'idiinka waayey idinkoo xabashi ladagaalamaya oo wax ficila muujinaya waa hadaad u dhalatay S/Glabeed, haday ku darso kaatahay kuma jirto oo somali iyo hadal badnideedi tahay

Tan 2aad ma ogtahay in ONLF iyo taagerayaashoodu ay diyaar u yihiin in ay wax la qabsadaan cidkasta oo somalida dhulkaa dagana ama absame guud ahaan ama ogaadeenka aad magac dhowday ha ahaadeene,ama ciise iyo inta kale ee somalida ahba,
Balse la'la'yahay cid diyaar u ah inay xornimada dhulkaas u dagaalanto oon ka ahayn ONLF, Al-Itixaad & taageerayaashooda

Marka haday jirto cid diyaar ah oo kaliya magaca ONLF diidan maxay magac kale ula bixi waayeen oo loo arki waayey iyagoo dagaalamaya mase ogtahay in ONLF ay diyaar u tahay wax walba oo dadka somaliyeed ee dhulkaa ku dhaqan isku keenaya laguna xoraynayo ay ONLF diyaar u tahay, xataa hadii la badali magaca ONLF oo lagu badali DIBIR SUUBAAN, DHAGAX. Xusuusnoowna taariikhdu waa maguuraan dhulkanna nina kama qaadi karo OGAADEENYA qalbiga gali taas waan badali karaa magacaan ku dagaal galayno laakiin dhulka magiciisa lama badali karo sdia aan magaca qabiilkaaga ee beri hore la bixyey loo badali karin ee walaalahaa wax laqaybso

Waxaa la yidhi nimaan garaabin waa gaal, hal way jirtaa In Ogaadenka oo ah qabiilka ugu badan meeshaas laga yara sheeg sheegto marka laga hadlayo qabiilada kale ee dhulka la daga taasna meel somali dagantahay oo dhan ayey ka jirtaa waana howl u wada taal umada dhulkaas wada leh waliba jiilka cusub