Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): "Cyber space"ka ayaan taalo ,naftood-hurayasheenii uga dhisaynaa.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cyber-jabhad.

Saturday, December 23, 2000 - 01:49 pm
Maanta taalo kuma xasuusan karno.wax intuu diiwan galiyay dhaxal inoogu hayana ma leh.
Dhacdooyin lama ilaawaan ah oo hadaan dhimano aan raad lahayn oo xiskeena oo kali ah ku qoran ayaa jira.
1) Dagaalkii 64tii kuwii naftooda usoo huray.
2)dagaalkii 77 naftood hurayaashii inteen xasuusan karnaa???
3)Tigreegu kuwuu laayayse.
Waxaan rabaa in qfkii xasuusan karaa magaacda soo qoro labadan magaalo oo labadaba dawladda Ethiopia masacre ku samaysay muuo kala duwan.
A)Dhagaxbuur 63 waxaa jirtay in Xabashidu ku laysay dad badan oo Somaali ah oo rayid ah.Sababta loo laayayna ay ahayd ee kali ahina ay ahayd Somaalinimadooda.
B) Jigjiga oo dad aad u tiro badan lagu dilay 77.dadkaasi dhammaan waxay ahaayeen dad rayid ah oo guryahooda lagalasoo baxay.waxaana lagu dila saaf iyo bud iyo dhagxaan.
Labadaasi dhacdooyin oo ka mid ah kuwa faraha badan ee dalkeena ka dhacay si aan loo ilaabin dadkii xasuusan kara magaacda dadkaasi la laayay ,min fadlan aan kula qaybsano macloomaadkaasi.
Si aanan mar kale naloo laynin aan soo shaac bixino labadaasi dhacdooyin oo aan dunida tusi karno in ay ahaayeen dad rayid ah.
Qofkii u arka in kuwa kale ka muhiinsan yihiinoow sidoo kale soo qor.
Jigjiga-77
Waxaan dadkii arkaayay ka maqlay nin la yidhaa Mure oo tukaan ku lahaa in inta albaabkii lagu jabiyay,rag iyo dumar u badan guraag iyo tuug iyo naago ragooda dagaaladii jabhaduhu kusoo dileen ,ayay ninkaasi Somaaliga ah bud iyo dhagax ku boobsiiyeen.
Mure markii uu tabar beelay ayaa naag loo dhaafay .Naagtaas ayaa siday dhagax ugu waday ,laflaf u jajabisay madaxiisa.
Naagtaasi waxay ku oo yaysay in uu ninkeediii laxaad la egyahay marxuumkaasi.
Waxaan usoo qoray arrintaasi inaan isxasuusino ,caruurteenana aan barno sida laynoosoo cadaadiyay ee laynoosoo laayay.
Waxaad ogaataa in Amxaaradu kuwii ka dhintay sida xaqdarada ah taalooyin dalkeena gudihiisa uga dhistay.
160 nin oo Cuban ah oo dagaaladi 77 dhintay ,Xabashidu maalkeena ayay maanta taalo Addis Abeba ugaga dhistay.
Maanta inaga waxaan taalooy mshahiidadeena uga dhisaynaa "cyber space'ka.
Aan kula maqalnee walaaloow adna bal waxaad ogtahay noo sheeg.