Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Magac ma u qalmaa, mase yahay wax dad isku dad ah oo goob qudha degani, oo gumaysi ku hoos jiraayi ay ku kala taggan? magaca ogaadeeniya ma dawaa mise waa cudur?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jibriil

Sunday, December 24, 2000 - 10:38 pm
waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku dhashay ogaadeeniya ama soomaali galbeed ama gobolka shanaad hadba saad u taqaano.waxaan jeclahay inaan furo dood ku saabsan magaca ogaadeeniya iyo dhibta iyo faaiidada uu u leeyahay dadka soomaaliyeed ee ku nool. ujeedaydu maaha in lays caayo ama nacayb lagu qoro doodan ee waa in si wax garadnimo ku jirto afkaar laysu dhaafsado.saldhiga doodaydu wuxuu yahay magaca ogaadeeniya ma u qalmaa inuu burburiyo wax wada qabsiga dadka halkaa ku nool? anigu waxaan qabaa in shacabka soomaaliyeed ee halkaa degan ee qabiilka ogaadeen la yidhaahdaayi uu u badan yahay ay dantooda guud ahaaneedi ay ka wayntahay magac laysku qabqabsado. hadii magacni uu xajiimaynayo dadka aan ogaadeenka ahayn ee halkaa ku nool maaba layska daayo.waxaan qabaa magacan dadkii bixiyay oo ah gumaystihii ay bilaabeen qalalaasasah halkaa ka jira. maga miyuu u qalmaa inuu bulsho danwadaag ah iska soo horjeediyo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

oomaar

Monday, December 25, 2000 - 08:54 am
JIbriil
waxaa ila haboon in la kala fahmo wixii burburin ah iyo wax qabad wixii leh, waxaad moodaa in aad u hadlayso si xishood ku jiro taas aayana iigu wacan in aan wax ka iraahdo doodaas aad furtay.
Aniga waxaa ila quman in aaynaan noqonin ninkii yiri:
Gubadka aan gubidoono cowska kasoo bixi doona biciidka daaqidoona suunka aan ka jeexi doono saantiisa sumalka aan soo siindoono subagiisa cab ee markay xaaskiisu tiri adigu cab halkaas ku garaacay xaaskiisii!!!!
Hadaba wadaayow hadaad daacad tahay oo aysan wax munaafaqnimo ah kugu jirin ood ilaahay dartii u hadlayso ha ku warwareegin meel soke oo ha ku warwareegin intaas dhaliisho fikirka ehelkaa oo kaliya ee arag dhibka runta ah ee halkaas ka jira xal run ah ma noqon karto in la is eedeeyo umadu waxay yeelan kartaa fikiro kala duwan laakiin waxay ka midowdaa danta guud waxaan rajayna yaa in aan ka wada hadalo danta guud .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jibriil

Wednesday, December 27, 2000 - 11:45 pm
ninkii intuu hadlo isku daya inaanu cidna ku gardaroon oo si wanaagsan u hadla soomaalidu waxay odhan si xishoodluu u hadlay. bello.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahma

Thursday, December 28, 2000 - 05:33 am
Asalaamu calaykum

Walaalow Jabriil waa dadaashay oo si akhlaaq iyo xishood lehba waad u hadashay, waa siday aniga ila tahaye. Waxaanse ku waydiin lahaa maxay tahay waxa kugu kalifay inaad furto mowduucan? Ma waxaa jira dad ay ka daacad tahay oo leh: waxaan diyaar u nahay inaan xorayno Ogaadeenya, shardigeenuna waa in magacaas laga badelo wadanka? Ma jiraan dadkaas oo adigu ma haysaa ama ma aragtay? Ma waxaad samaysay tirokoob ku saabsan arintaas? Walaalo hadaadan haynin dadkaas uu magaca caqabad ku noqday ama aadan samaynin tirakoob ama sideedaba ay kugu adag tahay inaad ka jawaabtid su´aalahaa iyo kuwo badan oo ku dhalan kara qof kasta oo akhriya mowduucaaga waxaan ku dhihi lahaa inaad iska ilaaliso mowduucyada qaarkood inaad furto waayo waxay keeni karaan iska hor imaad iyo aflagaado laga fiican yahay, kala tag iyo tafaraaruq ka wayn inta lagu jiro.

Kolay intaas waa iga nasteexo. Midda kale umadda oo dhan raaligalinteeda ma ahan qaayo lagaari karo saas darteed Ogaadeenya ninkii ka xajiimoonaaya iyo kii kaleba waxaan oran lahaa waa wadan muslim ah qabiil hadii magaC looga dhigayna wax mushkilad ah oo uu leeyahay malahan gumaystane uma bixinin ee waa magac baxay oo ku baxay dadkii wadanka lahaa ee deganaa ee u halgamayay una halgama al aana sababtii.

GABAGABADIINA WAXAAN DHIHI LAHAA MAGACA OGAADEENYA WAA U DAWO NINKII CAAFIMAAD QABA IIMAANA LEH WAANA U CUDUR NINKII JIRAN EE DACIIF AH.

Wabillaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED SOOMAALI

Saturday, December 30, 2000 - 04:02 am
Asalaamu Calaykum,
salaan kadib waxaan aad ula yaabanahay qoraalka ay qortey gabadha fahma iyo sidey isugu deydey iney qiil u raadiso in magaca ogadenia uu yahay magac caafimaad qaba. walaashey marka hore wax akhri ogowna kuna seexo magacaas uu yahay magac qabiil. Midda kale waxaan ku weydiin lahaa inaad ogtahay iyo in kale magaca Majeerreniya oo la dhihi yiri gobolldada waqooyi bari ee soomaaliya in dadka degaankaas ay jeclaadeen inay iska bedelaan oo ay qaataan magac ka wanaagsan oo ah waqooyi bari soomaaliya marka waxaan kula talin lahaa in qof walba oo ogaadeen ah uu ka shaqeeyo in magacaas laga taqaluso waa haddii dhul xor ah oo soomaaliyeed la doonayo haddiise ay dadka ogaadeenka ay ku adkeystaan waxey horseedi in tigreydu ay hubeyso soomaalida kale oo ay ka horgeyso ogaadeenka taasna uma haboona dadka soomaaliyeed ee gobolkaas dega.
OGOW OO XASUUSNOW DAREENKA XUN EE AY SOOMAALIDU KA QABAAN QABYAALADA IYO DHIBKEY MARISEY SOOMAALIDA JAMHUURIYADDA XORTA AH DEGEN.
IIMAANKAAGA IMTIXAAN , ILAAAHEY IYO QABIIL YUU DAACAD U YAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CIILANE

Saturday, December 30, 2000 - 05:11 am
CIID WANAAGSAN?

MAGACA HA LABADELO?GUMEYSTAA BIXIYAY?XUDUUDA HA LABEDELO GUMEYSTAA SAMEEYAY?MAXAA LOO BEDELAYAA?
MAXAA RAALI GELINTIINA LAGA FAAIIDOYAA? MAXAA IGU XIRAY QOF AAN XORNIMO RABIN OO MAGACA QABIILKEYGA OO GUMEYSI BIXIYAY INTUU ILA DAGAALAMO MARKAA AAN DANAHEENA KAWADA HADALO QOF DIIDAY?KANA DOORBIDEY IN TIGREE KU HOOS JIRO?

CIDNA AQBALI MEEYSO IN QOF LOO BEDELO AMA LOOYEELO SIDA UU RABO, LAAKIIN URURKII U HALGAMAA IN UMMADEENA GUMEEYSIGA KA BAXDO,WAXAA DIYAAR LOOLA YAHAY IN LAGALA XAAJOODO WAX WALBA OO UU MAGACU KU JIRO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miss_Shilabo

Saturday, December 30, 2000 - 06:12 am
Jabriil

Maxaa sababay in uu magac ku noqto dadka Cudur? walaal waxan hubaa hadii magac la badlo in uusan sameyneen wax is badal ah,,, teeda kale magaca cusub soo kuwa kale ku noqon maayo Cudur?

hadaba su'aashaad jawaabteda waxay tahay Cudurka ma ah ku magac, qabiil, dad, ee waa Cudur la yiraahdo Jahli ama Jaahilnimo kaasna caafimaadkiisa waxuu u bahan yahay Xadaarad taas oo qadanayso mudo badan.

Jabriil (Guduudow)Huuno orad shaqadii aad labadaan bari somalinet waad ka dhamaan la'dahayeeee......lol

Mac-Salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahma

Sunday, December 31, 2000 - 12:05 pm
Asalaamu calaykum

Waa ka xumahay in Jabriil uu mawduucuu furay intaan ka maqan yahay laakiin waan u cudurdaarayaa walaalakay.

Ku: Maxamad Soomaali

Walaal Allaha kaa abaal mariyo sida sharafta leh eed uga qayb qaadatay mowduucan xasaasiga ah.
Runtii aniga qiil ma raadinin ee taariikh qoran oo ay isku raacsan yihiin muslim iyo gaalaba ayaan wax ka shanqariyay, taasna shaki kuma jiro. Tan kale waa runtaa in Waqooyi bari la dhihi jiray Majeerteenya waxii looga badalayna waxaa fiicnaan lahayd inaad soo dhiraan dhiriso hadaad wax ka ogtahay. Kolay wax xaqiiqa ah in laga hayo ayaa fiicnaan lahayd ammaa ta aad leedahay magac ka fiican ayay raadsadeen qiil uma arko.

Midda kale aad leedahay ku seexo in Ogaadeenya ay tahay magac qabiil waxaan ku leeyahay Ogaadeenya waa wadan ninkii diidan iyo kii kaleba ha ogaado.
Laakiin shaqsiyan sidaan jeclahay uuna yahay hadda uusan xor ahayn waa wadan u xor ah umadaha islaamka oo dhan iska dhaaf soomaaliye, waa wadan aan jeclahay inay u sinaadaan anigaas ka imid Jigjiga (Fiiq) iyo ruux kasta oo soomaali ama muslim ah.

Qofkii marka ku xiraaya xoraynta Ogaadeenyana in magaca laga badelo waxaa fiican inuu dib isugu noqdo oo uu is waydiiyo maxuu u xoraynayaa wadankan marka hore haday ka tahay Ilaahay dartii iyo mujaahidnimo waxaan shaki ku jirin inuusan qiimaynaynin magaca waayo wax ka galay ma jirto, mujaahid mukhlis ahna ma fiiriyo magaca wadanka ee waxaa u daran LITAKUUNA KALIMATULLAAHI HIYALL CULYAA. Waa anoo maanta Falastiin dhax jooga oo nasiibkaas Ilaahay i siiyay ah inaan ka qayb qaato dagaalkaas, ma waxaan leeyahay: "MAGACA FALASTIIN MA DAWAA MISE WAA CUDUR", mise walaal dagaalkaan qaybtayda ka qaadanayaa.

Hadaan iraahdo ka waran si ay Falastiin xor u noqoto waa in magaca laga badalaa. Maadaama aan soomaali ahay rabana inaan dagaalkii ka qayb galo. Ma soconaysaa taas?

Marka walaal Maxamad waxaad is leedahay kolayba walaalahaa la socodsii inay jiraan dad buka, waxaanse ku leeyahay ha u bixin kuwaas ee Allaha soo hanuunsho. Waana laga war qabaa heerka ay gaarsiisan tahay jaahilnimadda iyo qabyaaladda umadda dhextaala xalkalena ma lahan aan ahayn in Ilaahay loo baryo. Waxaana fiicnaan lahayd in la akhriyo waxa ku qoran mowduuca "joornaalka Jamhuuriyadda" ee la leeyahay waxaa qoray Ibraahin Gaagaale, waxaan oran karaa waa jaahilnimo iyo qabiilaystanimo heerkii ugu danbeeyay.

Ugu danbayntiina waxaan ka leeyahay hadalkaada aad tiri:"Iimaankaada imtixaan, Ilaahay iyo qabiil yuu daacad u yahay" waxaan rajaynayaa inaan labadaba aan daacad u noqdo oo aanan midna ka gaabinin, ileen midkaan ka gaabiyaba waa gabood fal aan gaystay oo la i waydiin doono AAKHIREE. Waxaana kaa cod sanayaa inaad Ilaahay ii waydiiso inaan midna ka gabood falin.
Waxaan kaloo kaa codsanayaa inaad arintaan aad ka daacadnimo fasho markaad ka hadlayso ee aadan soo qabsanin dad buka hadalkooda ama aadan garab ku siinin jiradooda.

Wabillaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jibriil

Monday, January 01, 2001 - 01:51 am
Dhamaan dadka ka soo gayyb galay doodan aad baad u mahadsantihiin. waxaan jeclaan lahaa in dad intaa ka badani ku soo biiraan oo arinta si fiican loo lafaguro.tolow majiraa qof ogaadeen ah oo aaminsan in gobolka magaca ogaadeeniya laga daayo? haddii uu jiro waxaan jeclaan lahaa inuu ra'yigiisa soo dhiibto.fahma walaal horta mahadsanid.falastiin iyo ogaadeeiniya sidaad isu garab dhigtay uma arko inay ahyd si soo galysa waxa ay doodanani ka askuntay.falastiin ma aha magac qabiil.ogaadeense waa magac qabiil.miyaadan walaal arki karayn farqiga u dhaxeeya?Anigu waxaan ahy muwaadin gobolkaa u dhashay aadna waxaan u jeclahay inuu gaar isu taago oo gumaysiga ka hoos baxo.waxaan diyaar u ahay inaan taageero dariiq alle darqii sax ah ee keenaya in gumaysiga laga hoos saaro.laakiin diyaar uma ihiinaan iraahdo i am OGADENIAN, OR I AM FROM OGADENIA!!!!! Ma aragtaa siday wax u socdaan. ma qabo cudur oo taa ilaah iyo inta i taqaanaaba waa og yihiin.qabiilka aan ka dhashay haduu qaran noqon lahaa oon muwaadin ka noqon lahaa , oo uu magaca qabiilku nationka loo bixin lahaa waaban ka yixyixi lahaa.ogaadeen waa qabiil soomaaliyeed.dhulkan iyagaa u badan.waxba lama diidana.magaca ogaadeense waa magac qabiil magac qarana siday ila tahay ma aha.tolow miyaan xanuunsanahay? may, ma dadbaan isku dirayaa?may, ma wax kalaan u jeedaa? may. bal qof kaliya ahi ha ii sheego aduunka wadan jira oo loogu magac daray qabiil.xitaa mid kaliya?wadanka la yidhaahdo ciraaq waxaxx ka talin jiray in ka badan xisbi lagu magacaabo al bacath oo aasaaska mabdiiisu yahay carabtoo midoowda.hadana weligii magiciisu wuxuu ahaa JAMHUURIYADA CIRAAQ. marna ma noqon JAMHUURIYADA CARABTA EE CIRAAQ, sida sucuudiga iyo suuriya oo kale. sababtu waamaxy wadankaa qabiilo kalaa dega oon carb ahayn KURDIDA. ma qurux badan tahay in ciisuhu, tusaale ahaan ku nooladaan wadan la yidhaahdo ogaadeeniya?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahma

Tuesday, January 02, 2001 - 01:08 am
Asalaamu calaykum

Waxaad moodaa in Jabriil uu galay bad aan loo joogin si uusan ooga jawaabin su´aalahaan waydiiyay ee faraha badnaa. Waxaase mudnaan leh inuu qirtay inay isaga dhibayso in Ogaadeenya loo daayo magacii Ilaahay u gartay. Waxaad moodaa inuu dhex galay bad aan loo joogin meeshii uu si Ilaahay dartii ah ooga jawaabi lahaa su´aasha aan waydiiyay Maxamad-soomaali taas oo ahayd: "Hadaan iraahdo ka waran si ay Falastiin xor u noqoto waa in magaca laga badalaa. Maadaama aan soomaali ahay rabana inaan dagaalkii ka qayb galo. Ma soconaysaa taas?. Kolay jawaabta waa iska cadahay oo ninkii raba inuu Ilaahay dartii u dagaalamo magac iskama daba lulayo, kii kalena sida Jabrii iyo inta la midka ah ayuu caqabad ku noqonayaa.

Waxaa la yaab leh bal ma´anaa iri Falastiin waa qabiil waa isaga intaas oo hadal ah soo dhiraandhiriyaye. Mise waxaan ka hadlayay HADAY ILAAH DARTII JIRTO WAAD DAGAALAMAYSAA MAGACNA DANAHAAGA MA´AHAN HADII KALESE REE HEBEL UUNBAAD KU JIRI.
Waxaan ku dhihi lahaa cudurkan Ilaahay ka magan gal dadka aan qabina wax ha galinin, hadaad Ogaadeenya ku dhalatay ood Ilaah taqaano ood mukhlis tahay waxaan hubaa inaad raadinaysid xornimadeeda adigoo uusan magaca caqabad iyo cudur midna aadan u dareemin waayo muhiimkaada waxa weeye markaas in Ilaahay diintiisa ay kor noqoto. Hadii kalese soo ma´ahan meeshaan marba mawduuc fur ama ka qayb qaado oo waliba habkaas aad rabtid inay taada uun socoto ku wad, ha iswaydiinin maxaa u dan ah muslimiinta iyo islaamka.

Waxaan inshaa Allaah rabnaa inaan kufri oo dhan ka takhalusno oo ay soo laabato KHILAAFATURAASHIDAH adigana maantaad mawaadiicdan furaysaa oo wax ay faa´iido leeyihiin aan la ogayn aan ka ahayn in la isku danbaabo ood waliba rabtaa qofkii kuu naseexaynaaya inaad naseexadiisaba ka dhigtid waxuusanba waagu u baryin oon caalamba la soconin.

Hada iyo dan OGAADEENYA waa ii wadan siday Falastiinba u tahay wadan, labadabana waan u dgaalami bi´idnillaahi Baari, anoon fiirinin madow iyo cadaan carabnimo iyo soomaali ee muhiimkaygu uu yahay inay kalmadda Ilaahay kor noqoto, kitaabka Ilaahayna wax lagu maamulo, islaamka iyo muslimintana ay xor yihiin oo wax caqabad ah ayna hor oolin, kufaar iyo munaafaqiin iyo jawaasiista gaagaabta iyo inta kale la shaqaysana la siiyo cashir lama iloobaan ah oo ka daran kii la siiyay intii ka horaysay dhicitaankii khilaafadii CISMAANIYIINTA qiyaastii 1924kii.

Ugu danbayn waxaan leeyahay waxaad tiri: "tolow majiraa qof ogaadeen ah oo aaminsan in gobolka magaca OGAADEENYA laga daayo? Waxaan ka leeyahay HAA, laakiin 1- Waa inay jirtaa sabab cad oo keenaysa in laga badalo
2- Waa inuu dan u yahay islaamka iyo muslimiinta oo la xaqiijiyaa taas
3- Waa inaysan lug ku lahayn wax labadaa (isl/mus) ka soo haray
4- Waa in dadka reer Ogaadeenya oo dhan laga qaado afti ah waxay arintaa ka qabaan IWM.

Haday xalismaan afartaa iyo kuwo kale oo fara badan oo aan halkan ku soo koobi karin, waxaan noqonayaa qofka u horeeya ee raaliga ka noqda in magacaa la badalo.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in aan iska dhaafno muranka iyo wixii daka kala dilaayaba isna soo cafino hadaan kula hadlay si adagna iga raali noqo waxaan is lahaa wax uun tusaalaysii walaakaa.

Wabillaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Tuesday, January 02, 2001 - 01:48 am
PEACE ON YOU ALL!!

Thanx all participants i have for you this...!
if your house on fire would you ask why? or you will fight to stop the fire first?

I shall stop the fire first,then i can talk the rest after that, we made this point clear hundred
times we will not repeat all the times, which is we have to see those whom are against this name
thier deeds first than thier words...clear..?
after that i can discuss you&will agreeon sthing.

IF you dont just live your life&watch how endsup
the fight between onlf&tigre we are commited than never to defend the dignity of that ppl.

SO bros:no insults,hate,just peace .....!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jibriil

Tuesday, January 02, 2001 - 09:20 am
SALAAMU CALAYKUM,
walaalo fahmo aad baad u mahad san tahay. horta waad ku mahadsan tahay afkaartaadii oo dhan. waxaan ahay qof islaam ah, aaminsan in islaamku kan muiruq lagu gumaysto iyo ka maskx laga gumaystaayiba uu ka hoos baxo. laakiin walaal mowduucaasi waa mid kale. waa mid wayn oonan ahayn kii halkan ka socday balse suaal? aduunka kacaanadu waxay ka bilowdaan meelahan oo kale. goobaha ay dhalinyaradu ku kulmaan.in la fakiro oo wax lays waydiiyo waa waxa horumar mustqbalka
keeni kara.haddii maanta aynaan suaalaha qaarkood is waydiinin, berito too late bay noqon doontaa. anigu mid waan hubaa:in gobolkaasi uu gumaysiga ka hoos bixi doono.way dhamaatay xiligii lays gumaysan jiray.aduunka meeshii aad eegtidbana dadbaa ka hoos baxaya.ninna qasab laguma xukumi karayo sanadkan isaga ah.suaashu hadaba waxay tahay bal yara imagine, gobolkaasoo xornimadiisa helay, haddii maanta waxyaabaha qaarkood aan laysa sii waydiin so berito la dawaqi maayo?fahma walaal waxaad moodaa inaad wax isku yara qasayso.islaamka oo dhan dantiisa waa inaynu ka fikiraa waa run. waxaadse ogaataa in teena marka hore inaynu xalino ay tahay intaynaa horta falastiin xorayn.ujeedada mowduucaygu sidii markaan bilaabay aan sheegayna waxay ahayd in wax laysku dhaafsado(BRAIN STORM) oo dabadeedna hadii wax ka soo dhex baxaan aan aragno.dadkeenu inay dad bad kale iskaga jira yihiina waxaad ku garan kartaa magaca ogaadeeniya ma dawaa mise waa cudur sheekadii ku bilaaban tay falastiin xoreeyaay bay maraysaa.hal qof oo xitaa yidhi war magaca waa la badali karaa ama mid yidhi oo maa magacaa loo bixiyana lamaba arag.waxaa laga yaabaa ONLF oo magaceeda badasha in dad badan oo gobolkaa degan ay qalbigooda xasilooni ku dhalin lahayd.maadaam ogaadeenku yihiin dadka meesha ka laandheeraha ahi ee weliba halganka hormuudka uahna waxay ani iila muuqataa inay isku dayaan in soomaalida gobolka ku nool ay isku dayaan inay mideeyaan.soomaali walbaayi wuu ogayahay in tigre dan aanay igu jirin.magacan anigu ugu danbaystii waxaan qabaa in dabadhilifyo badan oo tigrega u shaqeeyaayi ay u adeggsadaan in ay dadka aan ogaadeenka ahyn kaga nixiyaan, ooy naceeb ku beeraan. aduunka wax walba faaiidadiisa iyo qasaarihiisaa la maiisaamaa.ugu danbayna cafis baa layga wada yahay. dhamaan.yaanan laysku canaanan in maskaxda laga shaqaysiiyo.waa waajib ina saaran inaynu danaheena ka fikirno.salaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAXOOTI

Saturday, January 06, 2001 - 08:19 am
Horta ogaadeenka aad ka dideysaan ma qabiilbaa mise waa sifo?
Waxaan maqlay dad meel buur ah degannaan jirey baa loo bixiyey ooga dageen,wixii buurta fuulana waxaa la yiraa oogo degeen.
Marka maan u niyeysanno in dalku oo gadii ladegi jirey yahay oo Itoobiya u taliso.
Waxaase iga su'aal ah haddii xabashida laga qaado oo aan marka hore lagu mideysnayn waxa laga yeeli doono,soo manoqon karto ISBAHAYSIGII CAYDIID,SNM IYO INA JEES EE MARKII DALKII LAQABTAY WIXII LAGA YEELI LAHAA GARAB MARAY!!

WAXAAN QABAA IN XABASHI IYO WIXII XUMI IS DHAAMIN EE DARISKA LALA HESHIIYO,GIBIRKANA LA ISKA BIXIYO QAXOOTINA LA ISU DHIIBO OO LA SUGO MARKII NABI CIISE SOO NOOLAADO!!

Heey mise nimaku nabi ciise noogaba dhow