We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 30, 2000 - 02:07 am ASALAAMU CALEEYKUM? Walaalayaal waxaa wax lays weydiiyo ah wax aan anaka oo ah dad lagumeeysto,inaan maantoo dhan ku meereysano,anaa qabiil hebel ah,qabiil hebel anakaa ka badan,taas oo aan wax ay noo faaiideyneyso jirin,meesha cadowgeenunu ku mashquulsan yahay,siduu noogu dhameyn lahaa. Waxaan u dardaarmayaa dadka u dhashey reer ogaadeenya/somaligalbeed ineyna la wadwadin dadkan qabiilka ku waashey,ee wax kale ooy ka hadlaan aan heynin,netkana aan isku weydaarsanaa sidii dhibaatada naheyso,aan xal ugu heli laheyn. Waxaan kula talinayaa dadka u dhashay,dhulkaa la gumeysto inay dadaalkooda laban laabaan,sidii dadkooda uga saari lahaayeen,dhibaatooyinkan ku habsadey,ee isagu jira:dadsamee&dabiiciba. Nin lagu seexdoow haseexan!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 30, 2000 - 06:18 am Walaalkiin Afkaad caano lagu qabay, waa runtaa ma aha qabiil in lagu dhumiyo waqti ee bal soo diyaari wax laga hadlo adiga ayaa jeclahay in aad hoosha ku dhex jirtidee. waxaan jeclaan lahaa in aad ee sheegto hadii aad garanayso NURIDIN FARAH meesha aan ugu hagaago i mean webpage oo kale. Naag lagu seexdee ha seexan!!!........ops
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 30, 2000 - 12:34 pm CIID MUBAARAK.. !! SHILAABO POWER! Runtii huuno,waxaan dhibsadey dadkan meel walba la soo taagan marwalba,anaka halkan leh,annakaa ka badan....bla...blaa..waad ku jiraneysaa.. waxey iga aheyd lee inaan xasuusiyo,waxyaabo ka muhiimsan in laga hadlo jiraan..! Hadaan figradeeyda ka hadlo,waxaan qabaa dhamaan dadkeena lagumeeysto,in aan dadaalka aan ugu jirosidaan xornimo u heli laheyn aan kordhino. iyadoo qofwalba ka bilaabeyo xoreynta naftiisa..! qof walbowna waa inaad ku cabirtaa xornimada aad dooneysid inta ay le,egtahay qaybta aad ka qaadatey? dadka dhulkeena lagumeystey ka yimid waa ineynaa marna u dhaqmin sida dadka dhulyoowgoodu xorta yihiin oo kale,een ogaanaa iney hooyooyinkee,walaalaheen.aabayaasheen,ku hoos jiraan cadaadis,dil,dhac, aad u naxariis daran, waxaana aaminsanahey in aan ka badbaadin karo hadii xoogeena&xeeladeena isu geeyno. Miss shilaabo..hadaan usoo noqdo suaashaadii ahayd nuura diin..waxaan filayaa iney jiraan, waxaad ka fiirisaa ... SOMALI.. INTER..!! (HADA KA HOR BAAN SAWIRKIISA KU ARKEY)iyo faalo yar oo isaga khuseeysa..! waxaan jeclaan lahaa inaan dadka soomaaliyeed ee gobolkaa u dhashey inaan is barano, oo danteena kawada hadlo, si guud iyo si gaar ahba, Walaalayaal..waxaan idiin sheegayaa gumeysiga aynu ku jiraa inuu yahay mid aynu wakhtigiisa anagu sii dheereyney,aynu u wada istaagno sidaan cimrigiisa u soogaabin laheyn,xornimadeenuna anagey nagu xiran tahay,waynu wada garaneynaa in aysan aduuka ka jirin xornimo aan dhiig loo daadin waxaana idiin dardaarmayaa inaad ka dheeraataan wax walba oo dadka degaanka kala geynaya danteenu waa mid qura,dadka dhuleenoo dhan ku noolna waa walaalo waayo dhamaan waa wiil&abtigii...so..on.. Walaalayaal qof walba oo wax fikrad ah,suaal, talo, isbarasho,aad baan u soo dhaweeynayaa, waxaadna iigala xidhiidhi kartaan e-mailkan...! nik978@hotmail.com NB:huuno amaan is naqaanaaba...ops! Marlabaad aadbey u mahadsantahey cidwalba oo soo booqata beejkan, aan ka dheeraano wax walba oo na kala geynaya..! ciid mubaarak dhamaantiin waxaana u rajeeynayaa umamada soomaaliyeed melkasta ooy joogta in illaahey ka saaro dhiaatada ku habsatey..Amiin..! mahadsanidiin....!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 31, 2000 - 04:51 am Salaan Dhamaan; Walaalkiin walaal waa qiyaasi karaa darenkaada marka aad akhrisid maqaalada qaarkood, taasna waxaa sababayo waxa aad doonaysid in ay dadkaada noqdaa iyo runtii wax ay yihiin ayaa kala fog. Hadaba ku oranmaayo ka samir,,,, lakiin waxaan ku oranayaa take it eassssssyyyyy ok. walaal waa ku mahadsantay fikrada aad iga siisay mesha aan ugu hagaagi lahaa N/F. Huuno umalaymaayo in aan is naqano lakiin POWER-KA aan ka shakiyay!......hoyaday waxay tiraahdaa war jiro cakaarahu iman.......uma malynayo in aad u bahan tahay fasiraad. Mac-salama
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 31, 2000 - 12:24 pm Asalaamu calaykum "Taqabalallaahu minaa waminkum" ###Ciid wanaagsan### walaalka mawduuca furay runtii aad ayaan ugu farxay muwduucan waxaana Ilaahay kaaga baryayaa inuu kaa ajir siiyo. Runtii waxaan dareemay farxad markaan akhriyay qodobada aad ka hadashay waxaana rajaynayaa inay ka soo qayb qaataan inta caafimaadka qabta ee lillaahida ah. Walaal markaan arkay mowduucyadda qaabka daran ee lagu soo qorayo qaybtan Ogaadeenya /Soomaali galbeed aad ayaan ula yaabay waxayna danta igu kaliftay inaan warqad u qoro maamulka meesha si ay wax uga qabtaan dadka raba inay wax u dhimaan sharafta iyo haybadda uu Ilaahay ugu deeqay reer Ogaadeenya. Marka kale walaal Ilaahay ha kaa abal mariyo kharkan aad noo furtay iyo layrtan caafimaadeedba. Wabillaahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 01, 2001 - 02:33 am TO:REER OGAADEENYA,S/GALBEED S/C? ma is dhahdeen ciidihii baa naga batey? waxaan illaahey ka baryeyaa inaan noqono kuwii waligood farxad&dabaaldeg ku noolaado inta nolosheena ka hadhey. Hadaan mawduuca u soo noqdo walaalyaal waxa fiican qofwalba oo doonaya xornimo waxa jirta wado loo maro,oo haduu maro uu ku hananayo himilada uu higsanayo,waxaana jecleystey inuu qof walba fikrada uu qabo soo gudbiyo,waayo? maogin in fikradii ugu fiicneyd anaga nagu dhex jirto,waxaana ognahay qof walba inuu leeyahay xad uuna dhaafi karin(geeri) marka sida aad u aragtaan inaan xornimadeena ku gaari karo qof walba inuu soo gudbiyo. Aniga waxaan qabaa in ay lagama maarmaan tahay dadkeena dhalinyarada ah, dadaalkeena laban laabno kana shaqeynaa sidii dadka gobolka udhashey xuquuqdooda si wada jir ah ugu istaagi lahaayeen dadkale oo xuquuqdeena noo soo dhiciyana inuuna illaahey cirka nooga keeneynin. Halgankuna waa tiro badan yahayee qaybtaada aad ka qaadato,(example) af,adi,ama niyada oo ah ta ugu yar ee lagu halgamo. Marwalba hadaad tahay qof xornima udirir ah waa inaan ka dheeraanaa wax walba oo nakala dili kara walaalaheena hanoqotokuwa gumeysiga nagula hoos jira ama soomaaliweyn,iskuna daynaa farqiga noo dhaxeeya sidaan usoo yareen laheyn,qofwalboow waxaad ogaataa in booskaagii halgan banaan yahay hadaadan daboolina cadow ka soo galeyo. DADKAQURBAHA:waxaad moodaa inaan dhinaceenii gabney,halganka guduhuna uu ku socdo dadka gudaha oo kaliya,hadeeynaan garab istaagin masiisocon doonaa bey idinla tahay?miyeeynaan damiir laheyn marka aan maalin walba wiil tigree ah oon xaar leh gabdheheenii xijaabnaa kufsanayo,salaadii illaahey noodiido,indheer garadkeenii gawroco, hatideenii dhaco,intuu waxuu nagu sameeyey anaga hadana raba inuu soomaali weyn u dhaco oo afka gashto, fadlan hal minute fakaroo dadkaa yaa u maqan?yay arxan ka sugayaan?yaa walaal u ah? ma waxey arxan ka sugayaa kuwii itoobiya gacanta ugaliyay? hadaan isu jawaabo ma filayo in wax dhaafsiisan illaahey adiga&aniga&walaalahooda soomaaliyeed ay jiraan. Itoobiya:waa gumeyste wax gumeysta kan ugu liita in la jabiya wax ay ku xiran tahey aniga&adiga &walaaleheena soomaaliyeed oo meel uga soo wada jeesta,waa walaahi oo bilaahi oo talaahi hadii qof walba oo inaga mid ah taas sameyo in aadan dib dambe u maqli doonin itoobiyaa soomaali gumeysata,fadlan ma isku raacney isbedel? marka aan leeyahay walaalaheena soomaaliyeed waxaan uga jeedaa mooral saboort+politic....! aan hada bilowno inteeyna noqon wakhti dambe. MAGACA GOBOLKA.....? Dad badan ayaa waxaad moodaa in magaca ogadenya aysan rabin, waxaa jirto inuusan ahayn, wax saa ubuuran oo xornimo dad ka hor istaagi kara, waxaa kaloo jira dadka dabada kawadaa iney jirto sababo dhowr ah oo hada ku qasbaya aan wax yar ka taabto: 1-waxa jira in magacan gumeyste bixiyey meel walba oo aduunka ahna ku faafiya isagoo dhulkeena magac kale u aqoon. 2-waxa dhacdey in jabhadii xornimodoonka ee wslf jahawareero lagala kulmay,markey isku dayeen iney qadiyadooda ka hadlaanba lagu wareero oo layiraa waxagee s/galbeed?markaasey dhahaan ogadenia sheegeynaa,marka waxaan qabaa intaan wslf/ogadenya isku daba wadi laheeyn inaan kii beesha caalamku nagu garan karto qadiyadeena wadanaa. 3-dadka magaca ogadenya ku halgamaya waxay si cad oo qarsoodi aheyn ugu celceliyeen,iney diyaar u yihiin iney kala xaajoodaan arinta magaca markii lahelo ururo kale oo xaq u dirir ah, laakiin qof rayid ah intuu iska yimaado yidhaa magaciina majecliyee badela? cidina ma aqbali karto..! 4-madaama noo cadahay arintii magacan halkaas! .....ONLF...? Markii hore eey halganka bilaabayeen waxaan islahaa wey waalan yihiinee dadka mey xabada kadaayaan?Sababtoo ah sawir qaldan ayaan ka heystey,habeen baan waxaan helay maktabad ay ka buuxaan cajalado fiidiyoow ah oo ka sheekeynaayo hadafkooda,dagaalka ay ku jiraan,istratijiyadooda inta ay qabiil ka hufan yihiin,waxaan soo jeeday oon daawanayey 2habeen,waxaan goaansadey sidan: 1-in onlf tahay jabhadii ugu horeysey ee ku timid baahi dadka degaanku uqabaan. 2-jabhada kaliya ee ku shaqeeyneysa rabitaanka shacabka iyagaana rimoowt u ah. MAXEY UGA DUWAN TAHAY WSLF....! 1-WSLF waxey aheyd jabhad jeebka ugu jirta xukuumadihii soomaaliya ka jirey. 2-iyadoo hadba sidii la rabo loo.adeegsan jirey hadii la rabo shacabkii oo raba inuu xuquuqdiisa u diriro ayaa la leeyahay dagaalka joojiya waayo rimoowtkaba waxuu gacanta ugu jirey nin aan dantiisaba hadii la rabo iney xoroowdo ahayn. 3-xataa waxaa dhacdey jabhadaas iyada ah ujeedooyin ka duwan waxii loo aas aasey..taas oo sababtey in dad badan rajadey ka qabeen soomaali weyn hoos udhacdo,aadna uga xanaaqa markii lagu soo qaado xornimada gobolkeena...why? FOR THE SAKE OF ALLAH LETS STAND ONLF SIDE BECOUSE IF WE WANT WE CAN CHANGE THEIR NAME WHAT SOEVER BECOUSE WE MADE THEM......!WE CAN STOP, IF WE HATE THEM THEY ARE YOU&ME I CANT WAIT WHEN I SHALL STAND THEIR SIDE &SMELL, THE GOB,MADHEEDH,UNEEXO,TAMAN YULUQ, HOBHOB,BACAROOR,LIKE, HAVE YOU EVERBEEN IN OGADENIA AT RAIN BEEN 4CONTINENTS NEVER SEEN THATS WHY FUCKIN TIGRE NEVER WANNA GO TO THEIR DIRT CITIES THEY WANNA LIVE LONG THINK A MINUTE AND MAKE ACHOICE BETWEEN HELL AND PRADISE WHO AGAINST ME HE CHOSEN THE OPPOSITE!! NB:Miss shilaabo:thanx sis taladaadii (get it and accepted)waxaan u badiyay inaan in garanlahen (SANAD&CIID..WANAAGSAN..) FAHMA SIS:Aamiin...kuligeen...thanx and welcome (I JUST...TRY...SAY..SOME.!) (CIID&SANAD WANAAGSAN) DHAMAAN WAXII FIKRAD EE SALIIM AH (DOOR OPEN) YOU WANNA CLAN INSULT JUST LOOK BACK WHERE YOU FROM...YOU LIKE ..IT?MMM ..HAVE IT...!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 12, 2001 - 06:19 pm waa yeel jiraaba waa inaga ee leebka iyo qaansada dhiga ayaa wiil hore yidhi waxaan dadka jecel in ay xoroobaan ama gaalada ladagaalamaanba ku dhiirin lahaa hadaalina waxaa layidhi samraa sad helee way soo dhowdahay xornimo ee hadaba marina ogowna qof kastow meeshaadii cidi majoogoto ee way banaantahay waxaana lagaa rabaa in aad buuxiso naf ama maal marba kaad hayso hadaa dan wadagaynaynin mid ahaan keen. waxaan allah inooga rajaynayaa in uu inagu guleeyo dadaalkeena aakhiro iyo aduunba wasalaamu calaykum
|