Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Magaca Magaalada Shilabo maxuu ku baxay macnahiisa eraygaas .
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya h. aabi

Saturday, December 30, 2000 - 02:34 pm
Walaashay Miss Shilabo Ciid wacan iyo sanad caafimaad iyo guul kuu wada baan kuu rajaynayaa.
Tan kale anigu qof ahaan ma aqaanu shilaabo waxay ku baxday hasa yeeshee waxay ila tahay si aynu u helo dad badan oo kala duwan rayigooda ugana faaiidanaysano aqoontooda in aan furo filkan, maxay kula tahay. mahadsand.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miss-Shilabo

Sunday, December 31, 2000 - 04:37 am
Hi Ruqiya

Waxaan kuu rajaynayaa sanad kheer qabo.

Walaal waa ku mahadsantahay sida aad isku xilsaartay in aad ila raadiso macnaha erayga Shilaabo kaas oo aan waliba ka dhigtay nick name!!
waxay ahaatabo waxaan rajaynayaa in la helo qof noo macneeyo.

Walaal waxaa nasiib xumo ah in ay adag tahay si lagu helo dictionary somali ah oo aan ka heli karno macnaha erayga aan doono!! taasina waxay cadaynaysaa dib u dhaca ay ku sugan tahay umadeena

Walaashiis Happy New Year.

Mac-Salama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAYNI

Monday, January 08, 2001 - 10:22 am
Ruqiya iyo miss-shilaabo aad baad ugu mahad san tihiin ra'yigiinan ku saabsab asalka micnaha ereyga SHILAABO.
runtii aad baan u jeclaan lahaa inaan ogaado micnaha ereygaas ee cilmibaadhis aan ku samayno sadexdeena iyo wixii nagu soo biiro.
love to yyou both

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miss-Shilabo

Wednesday, January 10, 2001 - 06:25 am
Salaan dhamaan

Hi girls

Cayni waa runtaa uma malaynayo in uu fududyahay cilmibadhista eraygaas balse ee yara sug labadan bari busy baa ahay anigaa soo heli wax kasto ha igu qadatee.


byeeeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wardheer

Thursday, January 11, 2001 - 06:17 am
Salaaman marwooyin wacanow

Ereyga Shilaabo ma hayo cid sixi karta micnihiisa. Waxaase loo malaynayaa in uu ka soo jeedo afkii ama luqaddii dadkii dhulka daganaa intayna Soomaalidu carada imaan ee la dhihi jiray Galo Madow.

Magacyada meelo badan oo Soomaalidu hadda degto ayaan sidaa u badan. Galkacyo oo sida ka cad sheegaysa in dhulka dadkii deganaa laga eryay.

Hargaysa, Awaare, Dig iwm

Magaalada Shilaabo waxay magaca ka qaadatay ceel aad u biyo badnaa oo meeshaa ku yiil.

Reer Shilaaboodkii horana waxay xoolaha ku shuban jiraan hees ay miraheeda ka mid yihiin:

Waa Shilaabo
Waa Shan Xarig Le
Nin Walboo Shubo

Sidaas iyo amaano Alla.