    CeelBaxay | Wednesday, January 10, 2001 - 05:27 am Salaan, OGAADEENAW WAXAN IDIN KA CODSANAYAA INAD GABAYADII AAD AFEWYNE UGU HIILI JIRTEEN SOO MARISAAN. Gabayga wuxu mariyay ka dib dagaalkii Habar Yoonis iyo Ogaadeen iyo Dhulbhante iyo Habar Jeclo. Nimankaa qaarna SNM ayay ahaayeen qaarna waxay u dagaalamaayeen ninkii Afweyne, Dhulbahante gabayo badan ayay u soo tiriyeen Habar Jeclo Ogaadeen iyo Garxajsina gabayo badan ayay is waydaarsheen. Imika waxa la hayaa gabayadii nimankii Afweyne ku mucaarid ahaa laakiin nimankii saanada u tumi jiray la waa.. Bashiir wuxu yidhi isagoo markaas Ogaadeen iyo Dhulbahante ujeeda sidatan: Xasnaw baryahan gabay ma tiring gocoshadiisye Qalbigaygu wuu gaxsanaa dhowr g’uyu hore Gaajo iyo haraad ban u qabay gaydha maansad’e Godka laga higaadhsiyo naxwaha waan ? jiraye Waxa dhagaha loo galinyaa been ma guud maro’e Runa kama gabado cayna waa garab martyaaye Warka se xalay gudood iyo ku yimi g’amaha ii diiye Geel jiraha Hawd bay niyadu gaadhay labadiiye Goortaan hubsaday oon ka imi seexday gogoshiiye Warka iga gur caawana txidan galiyay taariikhe Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguday galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Gaban waxan ka idhi sheekadii qarnka guul joogtay Iyo nimanka dib u soo gambiyay gawrac marinteeda Midna gaar ahaan waxan u diray gabiga Haaruune Gabana kalana waa reer Calaw diifta idin gaadhay Gaban kalana waa go’aanka iyo tixdaan gabagabaynaayay Gaban waxan ka idhi sheekadi qaranka guul joogtay Waatii xornimo loo guntaday gabi ahaanteene Somaliweyn gaadha nidhi loona wada guuxye Calankuna gargaar weeye iyo guul Ilaahiya’e Garashada aqoonta iyo naftuu raaxo galiyaaye Goorti la helay loo riyeed magacan guurayne La gar qaadyoo waayo badan loo garaac sacabe Kolkay labada geesood kulmeen laysku gacan qaadye Ogaadeen geeskaad naga jirteen goobti maad imane Gobolada maqnaa baad ahayd loona hawl galaye Gacan qabasho taageer le iyo guunyo lagu siiye Godolkiina soo doonta iyo caanihii gudhaye Markanse idhi waa u gudboone gogosha soo qaado Miyaad mahada gayseen rag waa kii abaal gud’e Jabahda la guray tababarkii gooni lagu siiyay Hubka geeshku qaatiyo rasaas gacanta loo buuxshay Bal gobonimo inaad raadisaan golaha loo xaadhye Idina geestaad ula kacdeen waa mid gooniyah’e Googoynta Somali iyo kala gur mooyaane Halkan sahanka gayn lahaa maad u geediyine Haday se wacadka inad gees martaan kula guul roonaatay Haka gubanin waa inoo dagaal waanad garateene Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguday galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Midna gaar ahaan waxan u diray gabiga Haaruune Ninka geela kala raacaye gogolka qoondaystay Ee garab dhigiisi taal godinu suufaystay Isna ramad candhada giijiyay iyo goodir kama laabaaye Ee aan garanahayn kaaga lumay bahalku yuu goynin Ama baadi doon iyo u galin raacda lagu goobo Wuxu uga gol leeyahay qasdiga waanan garanayne Gurmadka iyo hiilkii shalay waa guduunyahaye Ganataalada ragii kula dhace goyaya madaxdiina Ee googol dhigiini fadhida uga guclayseene Ganuuntii Bulaale iyo sootii gees laga mariyay Niman baa gudoomaye cidlaad galalafaysaane Galbaa laga diree malaa waanad garanahayne Huwan oo wadaan galinin baa loo galaabsadaye Wuxii galbeed igu xiga joogta goob madhane Maantana garbidan hore furaan geela tuhusaane Ee magac gooniya la baxay kuna gumoodeene Oo gabiga Haaruun la biday kuna gulgushaane Meel kale nimaan gabadhi wadin gorofna loo diidye Galaana kama dartaan reer Calaw talo la gaadhsiine Waatay ka guureen bahii gaadhka ahaan jiraye Gaashaan dhigii reer Cismaan gaydh ma soo celine Naaleeye gabangaabsigii bari u guureeye Laandheerihii kuma godlaan Gaarde iyo Laane Iaygoo haraad go’ayabay dib ugu giigaane Sidii cali Garaad looga dahay gaabshe hootade Isna hiilka wuxu gaylamaa , waran magaysteene Ka gadoome doolal markii loga dhaar galaye Xasana gabiaahntii dhag xumo guudka laga saarye Adoon saynta kugu gooniya iyo cebta wali goynin Gurmadka iyo hiilkaad gasheen uunku garan waaye Waar goormaad ilawdeen libtii waydinkaa gudane Afartaa g’ada iyo miimka iyo galaw maw yeelay Sidii roob guguday galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Intaa soo gadafaa hadaan gees iskaga laabo Gooshkii dhawaytana marbaad ceeb gulguliseene Guubaabo ma ahe warkaan ku galbinayaaye Bal inad gigilataan runtaan sii gun dhabyaaye Hadaan se goob sumad iyo tilmaan gaar idin siiye Goofartiinkii Haradgieed gocosho ku keenye Inkastay ka guureen biyihii ooda lagu gooyay God daloola ka eege iyo geedi baylaha’e Idinkoo hayaan soo galoo diif la gubayaysane Oo nugulka waa raac ku dhacay adhina gaagaabshay Gacanaha iyo irmaankaiyo qooltida dhaqanya guunkiisa Geeli hinganayay ee biyihiisa looga gogo siinin Goob joogu waa dhaadayaa caynka loo galaye Gilgilada wadada waa kuwuii galiyay maadhiine Adigoon garnayd filanahayn gudub lagoo laaye Sida gool baar kugu dhugtamay goor karaahiye Kolku maydku goonyaha wadhnaa laga galiilyoodye Guudkooda laga qaad hubkii garabka saarnaaaye Ragi see malintaa idin ka g’oy aaska lama gayne Waatii dhurwaagii ku gigay gaga habaasweyne Dibnaha u goo daadiseen gobi ma yeesheene Adoon saynta kugu gooniya iyo ceebta wali goynin Gurmadka iyo hiilkaad gasheen uunku garan waaye Waar goormaad ilawdeen libtii waydinkaa gudane Anuu se aan kala guree goblo weeyaane Gafurka niman baa is bida goobta xaajada’e Kuwii kibirka gooni ula baxay loona garnaayay Amba tuhinka gaarnimo u qabay waayo gooniya Goornama ma eegayn inay gacal la aadaane Inaan se dhalasho geedna lala tagayn gobina iimawday Cukrooy gambadu saarantaa manta hiil galaye Waxbase hadalku yaanu ila gudbine waxan ku soo gooyay Agoontii gargaarkii ma helin guulna maad dhaline Adoon saynta kugu gooniya iyo cebta wali goynin Gurmadka iyo hiilkaad gasheen uunku garan waaye Waar goormaad ilawdeen libtii waydinkaa gudane Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Gaban kalana waa reer Calaw diifta idin gaadhaye Garab saar rag waa yeelanaa kii garwasde Nabad labada geesooda waanu gaaxina samane Garta toosan geedkiyo shirkiyo godol la waageeray Gudi qaybsha baanisha gaadha xubintiisa Ama guluc u yeelanin iyo?……………………. Odayaal tusmida loo guray iyo gurtii talinaysa Iyo magankaad gawracdaan gogosha loo xaadho Ama sooiyo gaar iyo xarago guriga loo seexsho Iyo gool martida loo qalo iyo gawaha iyo xoorka Boqornimo g’u weyn le iyo tilmaan uunku garanaayo Iyo haybad aan guurahayn nala gudoonsiiye Waxa inan gumeed yeeli karo waanu ka gubanaaye Mana geyno sheekada guracan gocorku ku haasaawye Gobna caaddeed waan naqaan waanan gudanaaye Goortay dil iyo dhiilo iyo geesanimo joogto Colna waa galnaa libna waan goosanaa culuse Labadeena geesoodna weys gedo yaqaanaane Saw dhaabadaan gaysan jiray manta lama gaadhin Geedha maxaad uga qaxdeen waa g’u doog badane Iyogoon gabaabsayn miyaa laysu garan waayay Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Waar guuto nacasta uma qaadan iyo gawris dabineede Gurada iyo huruufkuna marbay ciil ku galiyaane Adigoon ridada gaysanayn looma gees baxo’e Gocondhada markaad qaadateen myadin garanayne Gaagaabsi baa idin eegaa galin horaadkiiye Hanjabaad gun dhaw le iyo af xumo kama gabawdaane Gardarada intad yeelataan guul ma dhalisaane Maanatan gadiidkii horaad gudub u saydheene Garoonkii dhexdeenana dibbaad uga gadoodeene Mar se hadii gamuunada la rido gaato laga roone Geedha maxaad uga qaxdeen waa g’u doog badane Iyogaoo gabaasayn miyaa laysu garan waayay Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Nin dhufays shiihiak u galay weys gedo yaqaanaane Waligayba gaadh baan ahaa g’u iyo jilaale Gudcur iyo cadaba Ciidagale guluf buu taagnaaye Ogaadeen gashiga noo taxnaa waa midaan gudhine Mana gabawdo hirtaanyadii loo g’u tiriyaye Gayigay wax badan nooga tageen goor barwaaqo ahe Kuwii guri dhigoodii fogaa guuyada iyo maalku Ee webiga geesaha ka maray galinay duulaalne Fardo Galgul iyo maalintii geenyo lagu weeray Maahmaahdiin baa geel u hadhay gaajo lagu reebye Ramadkii guryaha buuxin jiray galab la xaydaanshe Gadaal urursi mooye baryahan neef ma soo galine Gaawuhii ilaw caanihii loo gudayn jiraye Garab rarato waataan ka dhigay gabiga Jeerare Iyaba waydin gaabshaan faraa kumana gaadhaane Goobtiinay ahaayeen kuwii caydhkan doodsadye Gagadii tilmaanyad markay gaydhu ololaysay Goortay Subeeraw lahayd gadhka maad qabane Bilo iyo gogo baan soo wado gudubuu taagnaaye Waad gaadhi lahadyeen hadad guul ka filataane Gaashaan dhigaa laga baqay iyo goobta hiirta lehe Gurinkiisii waakaa xeryaha buuxiyoo galaye Taariikhda guubka ah nimaan aad u garanahayn Iyo gaban yaroo kacay miyaa talo idiin gooyay Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Gabagabo iyo gaas weerariyo guuto la habeeyo Dhaliinyaro gariga loo tumo saanada u gurta Duhur galay gufaha colka iyo guunyo la xambraao Gurmadkiyo koorgogiyo dagel gaadhka lagu meersho Cir guduudka waayo d’ay geela lala joogo Burxankiyo waakan hubkii oo lala guclaynaayo Dar ay goysay oo faasir iyo dhaawac g’amdooda Galaabsi maydkoo u yaal guusha lagu dhaarto Gaga laysku hoobtay iyo dagaal galin dambe jooga Cir godladay sidiisii rasaas gumuco luuqeeyo Kama gubano goob halisa iyo geeri iyo mawde Waanay garanayaan reerahii godobtu noo tiile Hidana lagama guuro iyo waxad gaar u leedahaye Gobanimo u darer waa geda nagu tiqiineene Hadaad se gocotay tii hore maxaa loo il gabadhleeyay Geedaha maxaad uga qaxadeen waa gu doog badane Iyogoo gabaabsyn miyaa laysu garan waayay Afartaa g’ada iyo miimka iyo galalaw maw yeelay Sidii roob guguda galab d’a maw sheegay Gaagaabsi iiguma baxee gaban kalaan baanay Midna waa gooaankiyo tixdaan gabagabaynaayay Gaalifta adigaa is baday goyasay muruqiiye Aduun baa dhibaatada u guntaday guudka ku sudhane Halkay gogoshu kuu tiil adigaa galiyay baaruude Maantana maxaa kula gudboon galinba waa cayne. Idinko raali ahna cayda dhaafa oo inaga ilaaliya cayda qayixan ee meelna ku jeedin. nabadeey |
    Liixle supporter | Wednesday, January 10, 2001 - 02:06 pm Walaala shaqada ficaan halka ka si waad, gabayadi faqashta lo tiriteey wa tariikh muhiim ah! Walaal ma nin Habar yonis misee nin Ciidaagale ah ayaa gabaygan tiriyeey?? |
    CeelBaxay | Wednesday, January 10, 2001 - 04:34 pm Salaan, Gabayga waxa triyay Bashhir Ismaaciil Mire oo ah Ciidagale (Reer Guuleed). bye |
    Reer Caynaahse | Saturday, January 20, 2001 - 09:27 am salaan, sxb aad iyo aad baad ugu mahadsatahay gabaygaas. Bashiir ismaaciil gabaygii kale ee aw u mariyay Ogaadeenka iyo kii Cabdi Nuur ma haysaa sxb. ila soo socodsii. bye |
    JARRATI | Sunday, January 21, 2001 - 01:14 am Waa iga su'aale waa maxay garxajisna ma mid geele dadka u raaciraa mise waa Absamahan tirada badan mid kamida, koley anigu waligay ma maqal waxaana ahay shaqsi reer ogadenia ah Marka waan layaabay markaan meesha ku arkay garxajis waxaana u micnaystay sida magaca ka dhadhamaysa oo ah GAR = Xadhig iyo XAJIS = Hayn ama Qabasho Laga yaabase inuu micne kale leeyahayna sida GAR = garka gabdhaha, ama Gar(dh) ka raga Waxaa oo idilse waxaa igala yaab badan ogaadeen badanaa xataa garxajis iyo waxaanan waligay maqal waa leeyahay Toloow garxajis yuu ka yahay Absame kolay waaba ogaadeene ma reer ....... mise ....... sikastaba ha ahaatee intaan Absame meesha wax ku qora arkayey garxajis ayaa iila qoraal xumaaa! |
    kaleif | Tuesday, January 30, 2001 - 05:55 am hi room .what amuse me some times is the name of ogaden. who are the ogadenies. For example these garxajeis. or any other tribes that have contact they mention ogaden. you the somali history is based first of all we killed this tribe we use to beat them in war. we took so many camels from them so to the garxhagis. when u say we fough the ogaden did you mean all the ogadneis . does all ogaden fouth the garxagies. the answer is no because the ogaden never beeb united in war or politics if they did they are apower to reckon with. so be careful we you talk about ogaden. oh you mean garxagies those ogadenies who you share border with for example some clan of reer isaq of ogaden.the answer is that and coomon . also is common like you say oh darood and isaaq did all the darood fough along side. the answer is no also the hawiyee and darood the answer is no. why in earht our brother some of the ogadenies fight agianst the marhan and southern harti and giving the hawiyee hand it is same ful no single tribe sideed with darood only the gadubrsi. for example the hawiyee have alot of tribes along side them who are not. hawiyee. the prove are here. gadsan. shikyaal. gareh.dagoodi beuomaal. aylee.digil.most of the rahanwein and the extra. beside that they dont atcheived any thing.every thing will be over if the darood unite one day.two times durninig the civil war they come to afgoyee near mogadishu, what happend they betrayed them self. bye kaleif the warsangali |