Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): KU: MAAMULKA SOMALINET - ALLAAH MA TAQAANAAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahma

Wednesday, January 10, 2001 - 12:21 pm
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

Ku: Maamulka Somalinet

Walaalayaal waxaan idiin soo diray warqad muddo hadda laga joogo todobbaad waxaana idinka sugayay jawaab walina idinkamaan helin wax jawaab ah, marka waxaa dhici karta in aysan idin soo gaarin warqaddaan idiin soo diray saas darteed ayaan halkan ugu soo qorayaa wixii aan ku qoray taas hore.

Allaah ayaa mahad oo dhan leh, Rabiga inoo sakhiray inaan kuwada xiriirno aaladdan. Ka sokena waxaa mahad leh walaalaha sameeyay gurigan ama boggan aadka u wanaagsan.

Walaalayaal qaybtan Somalinet waa qayb aad u wanaagsan oo hawsha aad qabataan waa mid aad u wayn, kumana soo koobi karo halkan sida wayn eed uga qaadataan wacyi dhiska umadda soomaaliyeed. Runtii waxaan ka bartay qaybtan dad badan oon maanta nahay walaalo aan nafta isu hurno, taasna waxaa mahadeede leh Allaah ka sokena maamulka "somalinet".

Waxaase jirta in nimco waliba ay leedahay nusqaan oo aysan dhamaystirnayn, nusqaantaasna waa mid ka timid dadka la siiyay nimcadda.

Marka maadaama aad tihiin maamulka meesha waxaa lagamamaarmaan ah inaad ka taxadirtaan wax Alle iyo wixii wax u dhimaya sumcadda somalinet.
Hadaba waxaa jira maqaalo fara badan oo lagu qoro somalinet oo ay qoraan dad aanba ka warhaynin in Ilaah uu Raqiib(Ilaaliye)yahay oo Raqiib iyo Catiid ay labada garbood ka saaran yihiin.
Hadaba su´aashu waxay tahay dadkaasi yaa mas´uul ka ah? Si looga jawaabo su´aashaas waa in lasii kala bixiyo su´aaasha, tusaale haday gurigayga joogaan anaa ka mas´uul ah dadkaas qoraaya ama ku hadlaaya waxaas aanba afka lasoomarin karin, anaa la i waydiinayaa aakhiro maadaama ay gurigayga joogaan, aakhiro intaan la gaarina anayba dan iigu jirin oo ayba sumcadayda wax u dhimayaan marka waa inaan shaqo ka qabto.
Sidoo kale haday joogaan guri kalena waxaa aakhiro la waydiinayaa dadka meeshaas ka masuulka ah; hadeyse joogaan dadkaas guriga Somalinetna maamulkaan ka sugaynaa jawaabta.

Waxaad la socotaan ayaan rajaynayaa inuu Nbigu yiri (scw) "qof walba wax baa la raaciyay, waana la waydiinayaa qof walbaba wixii la raaciyay".

Marka waxaa lagama maarmaan ah inaad ku camalfashaan xadiiskaas oo aydaan hilmaamin masuuliyaddan wayn eed dhabarka u ridateen shaqana ka qabataan dadka ku tumanaya shacaa´irta Ilaahay banaysanayana wuxuu Ilaahay xaaraantimeeyay oo ah in meel looga dhaco sharata qofka muslinka ah.

Waxaan idin dhihi lahaa intay goori goor tahay wax ka qabta boggan hadii kale wuxuu noqon doonaa meel ay isugu timaado wax ma kastada uu lafaha ka galay jahliga iyo cudurka intaan ogahay ka daran aidiska ee ah QABIILKA/QABYAALADDA.

Waa idiin diin daro iyo sharaf daro in uu qaybtiina yimaado midkasta aan dadnimo iyo sharaf toona rabin Ilaahna ka cabsanaynin oo yaqaan uun sida looga caytamo shaashadda gadaasheeda; diin ma lahan oo Alle ka cabsi malahan oo raganimo ma lahan; wuxuu yaqaanaa uun kaliya sida loo cayo dadka ama loo ga sheekeeyo waxyaabo jinsiya.

Ilaah ka cabsada hadaad tihiin maamulka oo wax ma kastaddan edbiya. Hadii kale ka mid noqda inta RAALIGA KU NOQOTA IN SHACAAIRTA ILAAHAY LAGU TUNTO LAGUNA XADGUDBO WUXUU ILAAHAY XAARAANTIMEEYAY OO DHAN.

Fahma

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdullaah

Friday, January 12, 2001 - 09:18 am
Asalaamu calaykum

Walaal Fahma jazaakallaahu khayr. Waxaan rajaynayaa in maamulka Somalinet ay ka soo jawaabaan arintan.

Ayna ka tirtiraan wax kasta oo aan faa`iido u lahayn dadka soo booqanaya meesha ee uu ugu horeeyo qabiilka iyo qabyaaladda iyo iyadoo lagu tumanayo dadka muslimiinta ah ee Ilaahay uu ka digay in lagu tunto sharaftooda.

Waxaa fiicnaan lahayd in Somalinet ay ku daydaan bogag badan oo furan oo aan lagu haynin wax wax u dhimaya bulshada.

Waxaad moodaa in Somalinet ay noqotay meel wax ma garte kasta oon lahayn caqli iyo diin uu isku celiyo uu u soo shaqo tago oo uu halkaas shaashada gadaasheeda ka caayo dadka muslimiinta ah waxaadba moodaa inaysan muslimba ahayn waayo muslimku ma´aha mid wax caaya oo afkiisa ka sheega waxa laga xishoodo ee cayda iwm sida uu rasuulka inoo sheegayba scw.

Wabillaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saxnuun

Sunday, February 11, 2001 - 07:41 am
Fahma wad mahadsan tahay kow dheh lakin Huuno dadkan xiligan jooga hadaad tiraahdo waxbaan usheegi waad daaliye lambarkaaga xajiso kitaabkan aad daabacaysana nakadaa oo waxyar oon laga cajisaynin sooqor ma adaan kuu shaqaynaa hal saac ayaan akhrinta qoraalkaga kujiraaye yaa ilah yaqaana oo gabadhan naga damiinta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bishaar

Sunday, February 11, 2001 - 09:35 pm
wacalaykuma salaam wa raxmah :

Yaa ukhti Fahma, Jazaakallaahu bikhayr.
hadal waad u dhamaysay Maamulka Boggan
Somalinet, haddii ay wax ku qqadanayaan.

Haddii aynu aad u dhuuxnno xadiithka nabiga:

"Almuslimu man salima anaasu min yaddihii wa
Lisaanihii"

"Muslimku waa qofkii carabkiisa iyo gacantisu
ay dadku ka nabad galaan"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAARREYWIIL

Monday, February 12, 2001 - 05:36 pm
Huuno Fahmo Alaaha kaa abaal mariyo wanaaga iyo khayrka aad u sheegtay somalinet iyo inta kalaba
Laakiin mid ayaan ku xasuusinayaa. Huuno Ogoow kuwan somalinetka maamula laftooda ayaa ah dadkan iska dhig-dhigaya reer Galbeed ree galbeedka ama dhaqanka cadaanka iska raadinaya, oo waxaaba laga yaaba inay wax yabahan adiga iyo inta damiirka wanaagsan layaabayaan ay u arkaan inay yihiin wax ilbaxnimada kamida, marka anigu u malayn mahayo inay waxaas diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan

Hal tusaale aan idin siiyo. Maku aragteen dad qowmuluudnimo sheeganaya oo loo jawaabi oo soo jawaabi oo doodba laga dhigtay bogaga somalinet qaar kood, hadaadan arkin weyjiraan raadi, marka walaal taasay wax ka qaban lahaayeen haday inna wax dhaqan Islaam iyo mid somlitoona ku jiraan maamulka somalinet calaayaxaasil wa niman uuun reer maagaala oo il baxay oo dimuqraadiyiin ah oo gaadhay heerkii ugu danbaysay ee ilbaxnimada iyo diimuqradiyada Illaa ay gaadheen xad ay raali ka noqdeen Khaniiska iyo khaniisadu inay bog ku yeelan karaan somalinet. Run ahaantiina waa nasiib darro aad iyo aad u wayn in maanta qof somali ah uu heer kaaas gaadho, mudadan yar ee qurbaha lajoogay