Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Dadku sow islaam ma aha qabiilka may iska daayaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warfa

Friday, January 12, 2001 - 06:03 pm
dadka camalka kadhiganaya qabiilka miyeyna ogayn qabiil waxuu yahay rasuul kii alle c.s.w. waxuu yidhi qabiilku waa wax xun ee iskaga taga waxaa jira wax yaaba badan oo ku soo aroorray qabiilka oo cadaynaya in qabiilku xunyahay markii loo ad deegsado sida xun ee intabadan soomaalidu u isticmaash hadiise wanaag loo isticmaalo dhib malaha ilaahayna waxuu ina yidhi isku aqoonsada ee lama dhihin isku caaya iskuna dila marka waxaan walaaladayda soomaaliyeed ee inbadan wakhtigooda kulumiya in ay qabiil caayaan ama qabiil ammaanaan kula talin lahaa horta qabiil qabiil kafiican majiro waxaa fiican oo kaliya qofkii allah kabaqa sida quraanka kucad ogowna maalinta qiyaami waa xisaab kuutaala markaad caa yayso qabiil dhan oo isugu jira waxkasta markaana waxba kuu qaban maayaan qabiilkii aad faaninaysay hadaba walaalkayga muslim ka ahow in aad dad walaaladaa ah caydo maxaa faa iido ah oo kuugu jira? jawaabto waa khasaare oo kaliya markaan eegno sida ku cad quraanka ama xadiistaba aduunkana waa kuu samcad xumo aakhirana waa kuu xisaab hadaba walaalow fikirkaaga qabiil ku badal waxkale oo kuu dhaama aduun iyo aakhiraba allihii ku abuurayna kabaqo ogowna waxaa ku sugaya xisaab aan cidina kula wadaagin qabiila aan loo soo shirinaynin mana jiraan qabiil ku difaaci doona maalintaas ayada ah.
dadka soomaaliyeed waa dad walaala ah isku diin ah iskuna sin jiyad ah mana kala maarmikaraan wayna iswada dhaleen kala qabaan mana kala fiicna mana kala xuma hadaba hadii adiga qibiil kula liito nin ayuu lasareeyaa ka adiga kula fiicana dad ayuu la hooseeyaa adduunkuna waa sidaas nina si uyidhi nina si uqaaday ama muruqa laba suul ninba si ku ah.
waxaan dhamaanteen inoo dar daarmayaa cabsida allah iyo ku dhaqanka diinta islaamka waana takaliya ee aynu ku liibaani karo waxaan allah inooga baryayaa in aynu noqono dad qaxa fahma isuna dar daarma.
waa walaalkiina islaamka faysal warfa
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amatallaah

Sunday, January 14, 2001 - 07:39 am
Asalaamu calaykum

Walaal jazaakallaahu khayraa waanadaada iyo wacdigaagaba waxaana rajaynayaa inay anfacdo qofkasta oo uu Allaah hanuun ugu tala galay.

Wabillaahi Towfiiq