Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): TO-OGAADEEN!!! WALAAL CHECK HERE!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOSLAAYE-2

Friday, January 12, 2001 - 11:56 pm
TO-OGAADEEN,

WALAALAYAAL WAXAAN QORAY OODHAN WAAN KU QALDANAA! OGAADEEN WAA WALAALAHEEN WAXEYNA TAARIIKHDA SOOMAALIDA KAGA JIRAAN BAAL DAHABI AH CIDINA TAA MAQARIN KARTO. FOR REALLY YOU ARE ALWAYS ON TOP OF SOMALI HISTORY. ANYWAY WALAALAYAAL ICAFIYA SAAXIIBO BADAN OO OGAADEEN AH BAAN LEEYAHAY RUNTA THEY ARE THE BEST WAA CIDA UGU SAAXIIBADA FIICAN!.

PEACE!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Saturday, January 13, 2001 - 09:21 am
qoslaaye.
sxb qof fiican ayaad tahay hadiibo ood qaladkaada garaneesid.
I hope inaadan mar danbe unaqaneenin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koshin

Saturday, January 13, 2001 - 10:45 am
Peace to you Mr. Qoslaye2.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahma

Sunday, January 14, 2001 - 07:47 am
Asalaamu calaykum waraxmatullaah

Ku: Dhamaan walaalaha reer Ogaadeenya

Walaalayaal haduu Qoslaaye-2 idin yiri waan khaldamay ee i cafiya waxaa ila quman inaan cafino oo Ilaahay aan u barino inuu cafiyo waayo tan uu u gaystay REER OGAADEENYA waxaa ka daran ta uu u gaystay Ilaahii abuurtay.

Waayo anagu waxaanu nahay adoomo Ilaahay oo Allaah baa na abuurtay oo na leh marka shay la leeyahay ninkii wax u dhima waxa la dhibay marka hore waa Axadkii sheyga lahaa ka dib ayuu shayga dhibka u imanayaa, marka Qoslaaye wuxuu ugu horayn u gafay Allaah oo waa inuu Allaah u toobadkeenaa marka xigana wuxuu u gafay anaga ree Ogaadeenya ah wuxuu kaloo u gafay ciduu ka dhashay oo uu xumaan u soo jiiday.

Marka waxaan leeyahay Qoslaaye:

1- Allaah u toobadkeen oo la imow sharuudihii ay lahayd ama ay ku ansaxaysay towbadda.

2- La xiriir maamulka Somalinet oo ka codso inay ka tiraan meesha mowduucyada aad bilowday ee meesha ku yaala iyo waliba kuwa kale eed sida khaldan aad ooga qayb qaadatay

3- Tan u danbaysana waa tan aad samaysay ee ah inaad REER OGAADEENYA aad ka codsatay inay ku cafiyaan.

Shaqsiyan waan ku cafiyay oo waxaanba ku cafiyay markaan arkay inaad lunsantahay oo sidaas aad wax u qoraysid.

Walaalaha kalena waxaan rajaynayaa inay ku cafiyaan.

Wabillaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Monday, February 12, 2001 - 02:21 am
asalamucalykum
waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa fahma oo si raganimo leh nooga kaafiday wixii aan ka odhan lahayn Qoslaaye-2.

waxaanan rajaynayaa in eebe kaa abaalmariyo camalka wanaagsan eed walaalaha usoo dardaarantay.

ama Qoslaaye ilaahay tawbada ilaahay ha inawada waa fajiyo.waxaanan rajaynayaa in ay halkan ay kaaga korodho absame waxa uugalo iyo waxa uu gudo.