Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Xabadu Mainoo xalbaa????????????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Indhacaro

Tuesday, January 16, 2001 - 11:53 am
Dhamaan dadka u dhashay wadanka Ogaden waxa aan idin su'aalay xabada kasocota wadankeenii xal ma utahay dadka dagan wadankii? Dadka kunool wadankiise raali makiyihiin xabada aan kalago iyo guusha midna lahayn??Waxgaradkuse mataageeraa jabhada onlf??Majiraan dad caan ah oo golaha dhexe ee onlf kujiraa ama ay laqumantahay in ay onlf xabada sii wado??"remember you don't have to mention their name on here because of thier safty".
walaal adiga oo aan xanaaqsanayn, ficilana ku haynin oo adeegsanahay cilmi iyi waayo arignimo isku day in aad fikradaada dhiibato.
fadlan wixii cay ah waaka reebanyahay halkan. Ruux caqli leh noqo oo hadalkiisa la isku dayo in laga jawaabo oo waliba aqoon lagaga jawaabo.
alaah ha u gargaaro dadka iyo wadanka ogadeenia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHANTOOLE

Wednesday, January 17, 2001 - 09:18 am
walaal Inadhacaro horta waan ku salaamay salaan kadib.

aniga oo aan ka wada jawaabaynin, su,aalahaaga, hadii aan ka dhiibto fikradayda, waxaan u arkaa in ay xabadu dantahay, waayo waxaan ogahay in ayna Ethiopia ayna fahmin luuqad aan xabad lahayn ama Afrika oo dhan, marka aan leeyahay Afrika oo dhan, waxaan ka wadaa way yartahay in la arko nin Afrikan ah oo ogol in uu si nabad ah dad wax oogu ogolaado, ama uu u mad wax u ogolaado sidaas darteed Luuqad aan xabad ahyn ma fahmaan Gumaysiga madoobi.


wadamada maanta xorrnimada haysta ee Afrika waxay ku heleen xabad iyo qori caaradii.
waxaa lagayabaa in ay dadbadan dhahaan maanta waxaa lagu jiraa duni Casri ah lakiin waxaad ogataan in ay maanta oogu darantahay, gaar ahaan dhulalka Muslimiinta


waa sida ay aniga ila tahay.

balse dadku haka dhiibteen fikradoda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Indhacaro

Thursday, January 18, 2001 - 03:50 pm
To: halgame here is my ideas which responses about your question which was going back to ogadenia and particepate the struggle.
the idea you came up with is not bad but have you asked yourself how we can go back to our beloved place and do some activites. and one morething if we go back without an education can we help others????? in my idea our country doesn't need people who carry the guns,go to the jungle and fires some bullets. our country need, people who have higher education and good leaders. ask this to yourself does Ogaden have a good leader??? i beleive no! why? Because we don't have enough people who have enough education to lead this sociaty.
Another thing Brother, do you know what situation our people are in right now??. our communities are sturfing to death? they can't fight right now.
Don't you see brother these people even don't have the basic daily life. they have to have the psyclogical needs then their safety needs and thier freedom comes sedond or they will be secondary.when the baby is born, first thing he/she needs is food, shelter water and so on. after that safety comes?? but what if he/she doesn't have the first thing? probable doesn't need the second thing which is safety, because he/she won't stay that longer on this earth "will die soon". have you asked yourself why most of the Ogaden people want to live uneder thiopian regime who is killing them every day thier loved once. The reason is that they are trying to get something to swallow, that is all nothing else. they don't even think what is going happen tommorow. let me give you some example if i am sturfing to death and i know someone who can provide me some provisions do i care about the others or freedom. i think no. So please let's not blind ourself. And don't try to tell me that the reason these people are sturfing is because Tigre prevent them to obtain thier daily life? and as long as Tigre remains on power in our region we can't do anything to do something for our people. i believe that untrue and rediclous.


1. Why are we fighting??
2. who are we fighing with??
3. what are we fighting for???
4. we have been fighting for almost 60 years what is the reason we are failing??
5. if we made some mistake the previous fights have we learned from it??
when you answer these questions and analyzes them let me your conclution.
i hope i make some sense to you!!!!!!!
i appologize my bad spellings and poor english!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HALGAME

Friday, January 19, 2001 - 02:34 pm
INDHACARO

SALAAN BRO.

Ma lihi aynu waxbarashada dayno oo heddee waxwalba asaaskiisu waa aqoonta tu adduun ha ahaato ama tu aakhiro e. taas waa inaan wadnaa ruux kasta oo fursad u heli karaana waa inuu waxbartaa. iyadoo taasi jirto haddana shakhsigu waa inuusan illoobin waajibaadka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisaba.

inta aanan u gudo galin doodayda aan hal soo hormarsado:- waxaad tidhi
"our country doesnot have good leader" saaxiib anigu kuguma raacsani taas. madax wanaagsan waan leenahay ee dhibaatadu waxay ka socotaa adiga iyo aniga oo kale oon waxba oggolayn inaan dhagaysanno dariiqii la inoo tilmaamana ka leexanaya. marka guuldarro ka timid xagga shacabka gaar ahaan kuwa dibada jooga in loo aaneeyo madax xumo ma aha, sababtoo ah madaxduba waa adiga iyo anigoo kale, waa dad bulshada dhexdeeda iska xilqaamaya amaba ka soo dhexbaxa.
marka markaan anigu gabo waajibaadkaygii ma aha inaan madax iyo waxaan jirin marmarsiinyo ka dhigto.
waxaad kaloo tidhi "we do not have enough people with enough education to lead this society"
Taana saaxiib kuguma raacsani oo waa xaqiiq jirta inaysan jirin meel proportionally ay kaga badan yihiin gayiga soomaalidu degto kolka laga reebo NFD. tani waxay dib iigu so celinaysaa qodobkii hore oo kasoo bixid la'aan waajibaadkeenii aynu ka soo bixi waynay ayaa ina gaadhsiisay in si aynu eedda isaga fogayno inaynu nafteenii xaqirro oo ayno aqoon la'aan , madax la'aan iyo waxyaabo la mida marmarsiinyo ka dhiganno. mawaxaad u malayn si aan u garawsado waxashnimada ay axmaaradu shacabka ku hoos nool ula dhaqanto inaan u baahanahay inaan jaamacado uga soo baxo?.
sideedabana cilmigu caqli kuma siiyo ee caqliga iy waayo aragnimada ayaa cilmi ku siisa.

Ta kale waxaad tidhi dadku marka hore waxay u baahan yihiin cunto, hoy iyo nolol maalmeedka soo raacaba aan ku waydiiyee qofku hadduu intaas haysto maxay tahay xornimada amaba waxa ka maqan?
caqligii intaas haysta ma waxaad u malayn inuu gurigiisa dab qabadsiin oo uu ka dooran hoog iyo halaag? i do not thin so.sxb badhaadhe ayaabad ka hadlaysaa, nin dhergay alxamdu ayaa dhahaa e allow iga goo ma yidhaahdo.
waxaad kaloo tidhi:-
"have you asked yourself why most of Ogadenian people want to live under the ethiopian regime who kills them and their loved ones daily". haddaanan khalad u fahmin waxaad suaashaada u dhigaysaa sidii iayagoon dadku haysanin wax u dhaama axmaarada taasoo sababtay u doonayaan inay xukunkooda ay ku hoos jiraani ay tahay iyagoo haba yaraadee adeegga bulshada waxuun laga siiyo.
horta ruux doorbidaya inuu axmaaro ku hoosnoolaado ma jiro ee qof walba waxaa hoosta uga go'an oo uu ku haminayaa ilaahna ka baryayaa in dugaaggan dhinac loo dhaafiyo. adduunka kama dhicin nin doonay inuu la noolaado kii warjeefayay

Hadalkii waan badiyay laakiin fikraddaada ah in marka hore dadku cuntiyo waxbarasho helaan ka dib ay tashadaan aad bay iila liidataa, maxaa yeelay nin intaas helay allow ii siyaadi moojee iskama carqaladeeyo, waxa dhan ee sawaxanka iyo qaylada loo badinayaana waa sidii intaas lagu heli lahaa, waxa axmaaradu dadka u gumaadaysaana waa waydiinta in intaas la helo.

meesha aad ku leedahay fikradda ah in Tigraygu uusan waxba inoo oggolayn waa "UNTRUE AND RIDDICULOUS" waxaan u arkaa hadalkaasi inuu yahay insensitive, deplorable and despicaple.dadka qaddiyaddaa u dirirana aad meel wayn kaga dhacayso. aan ku waydiiyee fadlan isoo sheeg waxa uu axmaaro dadkaas u oggoshahay.

waan soo noqon haddii rabbi idmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sayid

Tuesday, January 23, 2001 - 03:20 pm
waan kaxumahay in ay soomaalidu aysan ogen markuu sayidku ladagaalamayey isticmaarsiga talyaaniga,ingriiska,itopiyanka,i.w.m
waxaa jiran dad aan ogeyn wuxuu udagaalamayo inay tahay xoreen soomaali waxaa wax laga naxo ah in ay soomaalidu wax ka baran taariiqda
sayid beynax