    Sgal | Wednesday, January 17, 2001 - 09:12 am Waad Salaamantihiin akhyaarta so boqata Godkan S/galbeed. Waxaan idin weydiiyay taariikhdi Wiil-waal iyo qarnigiisi war ma laga haya? Magacu ma naanays ba mise waa magaciisa? mahadsanidin |
    Anonymous | Wednesday, January 17, 2001 - 07:17 pm Check out www.Jigjiga.com Click at the book. It is a work in progress though. |
    yaasmiina | Sunday, January 21, 2001 - 01:52 pm qarniguu noolaa ma hubo laakiin magaciisa buuxa waxa weeye garaad faarax garaad xirsi. |
    Boldari | Friday, January 26, 2001 - 04:24 am War ilayn dadkaygi meelwalbay joogan walaal sagal iyo Yaasmiina waad salaamantihin Garaad Wilwaal inu yahay Geesigi soomaaligalbaad Mid shkikujiro mahaha Lakin say sheegtay Yaasmiina Magaciisa oo sadexan waxaa layidhaa Garaad Farax garaad Xirisi .waxaan se ku tala jiraa inaan tariqdisi oodhan raadiyi isaga iyo xawataako ba. |
    MAXEDKISMAYO | Friday, January 26, 2001 - 02:52 pm TO=SAGAL WALAAL SAGALEEY SALAANKADIB WIILWAAL WUXUU AHAA GARAADKII UGU HOREEYEY EE BOQORNIMO SOOMAALI SOO MARA INTA BOQORNIMADA ILAAHEY KASOKEEYSA WUXUUNA AHAA NIN XIGMAD BADAN CAQLI ILAAHEY SIIYEY WAXUU AHAA NIN HUBSIIMO BADAN OO AAN KU DAGDAGIN WAXA LOO SHEEGO ILAA UU HUBSADO MOOYEE MARKAA HALKAA WAXAA KAAGA CAD INUU AHAA NIN ILAAHEY CILMI IYO CAQLIBA SIIYEY MAGACA WIILWAALA WAA NAANEYSTIISII MARKUU YARAA MAXAAYEELAY WUXUU AHAA NINYAR OO AAD UFIRFIRCOON OO QALQAALI AH OO NINIMADA KU JIRTAA AYNANCAADI AHEYN OO AAD URAGANIMO.WAXA UU AHAA NIN GAALADA AAD ULADIRIRA ILAA GAALKII UGU WEYNAA EELA ORAN JIRAY GAALGUREY OO HEYSTEY GAALADII UU GARAAD WIILWAAL LADAGAALAMI JIRAY KADIBNA UU GARAADKU GACANTIISA KUDILAY GAALADIINA HALKAA KU JABTEY LAGAGANA ERYEY CEELKII WAYNAA EE LA ORANJIRAY JIGJIG OO AHAA CEELKII AY RAGBADAN OO CIIDANKII GARAADKA KAMID AHAA AY KUDHAMAADEEN INTII UU DAGAALKU KADHEX SOCDAY GARAAD WIILWAAL IYO GAALADII UU GAAL GUREY HEYSTEY,HALKAAS OO MAANTA NOQOTAY MAGAALADA UGU WEYN GOBALKA OO AH MAGAALADA JIGJIGA.WABILAAHI TOWFIIQ |
    MUXIYODIIN | Friday, January 26, 2001 - 05:04 pm WAAD SALAAMANTAHAY WALAAL SAGALEEY. salaankadib waxaan rabaa inaan waxkaaga sheego sida ugu fudud ee aad uhilikartid taariikhdii garaad wiilwaal oo uu magaciisu ahaa GARAAD FAARAX GARAAD XIRSI sida ay walaasheen yaasmiin hore noogusheegtay.hadaba halka aadkahelaysaa waa WWW.JIGJIGA.COM intaa kadib waxaad taabataa sawirka kor kuyaala ee buuga oo uu magaca wiilwaal kuqoranyahay waxaana kuu diyaariyey dad cilmi uleh taariiqda soomaaliyeed.dhamaantiin waadsalaamintihiin,waa muxiyo diin oo idinleh bye byeeeeeeeeeeeee |
    Anonymous | Monday, January 29, 2001 - 12:44 pm to dhamaan beesha absame allah maxaa halyeey naga dhashay : sayid maxamed acbdille xasan, garaad faarax garaad xirsi wiilwaal, raage ugaas etc.. ku caynkaas ah ayaan eegga u baahanahay oo absame oo dhan mideeya kolkaasna haddee ilaah un baa celin kara absame israacay allaha israaciyee |