We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 19, 2001 - 05:45 am Walaalayal waxaan raadinaya dhalinyaradi ee Jijiga -Cabribayax -Araarso walalayal aan xirrirno
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 19, 2001 - 04:47 pm Boldari, reer jigjiga waxay ku abtirsadaan magaca Jigjiga, dhammaantood way is wada garanayaane e adigu ma reer Qabribayax ayaad raadinaysa maba maqlin magaalo Araarso layidha ee reer jigjiga haddaad raadinayso waxay ka buuxaan Atlanta iyo Toronto.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 19, 2001 - 05:00 pm Jibaax, Jigjiga Waa Caasimadda Gobolka oo dhammaan dhalinyarta ku so barbaartay waa is wada garanayaan, waxa kale oo jira magaalooyinka laga xukumo dadka ku nool oo dhammiba waa iska reer jigjiga, magaalooyinkaasna waxa ka mid ah: Xaadaw, Qabribayax, Harta-sheekha,Xarshin,Togwajaale, Haroorayska,Jinacsani,Tulliguleed iyo kuwo kale oo badan, madaama ay nawaaxiga magaalada ku noolyihiin waa iska wada reer jigjiga, balse Asalku waa kuwa magaalda ku barbaaray.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 20, 2001 - 12:46 pm Boldari maahan Jigjiga iyo Qabribayax ee Jidwaaq Absame doon Cadeey hadalka........
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 20, 2001 - 05:24 pm Galimeys, maxaad ugu malaysay Boldhari inu radinayo Qabiilka aad kor u xustay ? waxaan filaya inaad ka mid tahay dadka naga so galay Jamhuuriyadda oo aan ka gabban qabiil sheega, balse waxaan ku sheegaya haddii aad maqasho Jigjiga, ayadaan isku garana, qabiil sheegana waan ka xishoonnaa, sida awgeed ayuu "Boldari kaaga aamusay baan filaya, ma garatay !!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 22, 2001 - 04:34 am Walaalayal intini lasoo xirrirtay waad mahadsantihin hadan ka jawabo su.aalihina 1-su,aasha walalkay Jibaax i soo waydiyay waxan kaleeyaya anigu waxaan radinaya cidkasta haku abtirsadee wixi ree jijiga ,Cabribayax iyo Araarsood ah igamana aha qabyalad. 2.Walalkay Jibriga aad bu umahadsan yahay maxayeelay dhaman meelaha Casimada jijiga laga Xukumo waa nin sii fiican ukala yaqaan. 3.Walaal Galimays Sidaad Ifahantay Igama ah oo Jidwaq kaliya maradinayo ee dhaman asaxaabta ka soo jeeda gobahaas inaal xirriro yaan jeclaystay waa laga yaba inaa Jidwaq ku abtirsado lakiin waxay iga ahayd wadaninimo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 23, 2001 - 02:41 am War ragan raadinayay ma xasiid bay cuneen kadib na waxy kala daateen maxaan jawaab uga waayayu
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 23, 2001 - 06:50 am Bodhari Reer Jigjiga, Qabri bayax iyo Araarsoodkaad Raadinaysay waakan. Waan ka xumahay in Dhakhso laguugu jawaabi waayay. Waa saad sheegtayoo ragii wuxuu u kala jabay wax xasiid dhulka u riday iyo kuwo Aawadaygii iyo Jabanihii u jilba laabtay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 23, 2001 - 06:55 am Roble waad mahadsantahay ee xageed ku nooshahay oo wayaha adunku ku dhiga.mase ka war haysa asaxabti kale ee dhulka aan kor ku sheegay ka soo jeeday
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 24, 2001 - 05:14 am Bodhari! Waxaan Joogaa London. aniga iyo dad badan oo reer jigjiga oo halkan joogaaba. Waanu isku xidhanahay intayada halka joogta iyo inta kale ee Europe-ta kele gaar ahaan Scandanivia..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 24, 2001 - 04:32 pm Rooble iyo Boldari, Marka hore waad salaamantihiin marka xigta dhalinyarta internet-ka gali karta kuso xidha "somaligalbed@egroups.com" halkaas ayaad kula kumi doontaan dhalinyaro fara badhan oo reer-jigjiga ah siiba badankoodu ay joogaan :North America" Waa "Mailing list" qofkii raba inu kuso biiro "e-mail" kiisa ha u diro osman25@netzero.net, Waa maamulaha Golha.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 25, 2001 - 03:07 am Osman iyo Roble waad salaman tihiin marka hore Waxay ilaa tahay maanta inaan joogo Jarar iyo dhulkeeni. Osman walaal waxaan ka rabaa intaanan imeel ku soo dirin inaad dhamaan wax garadka ka soo jeeda wadanka aan kor ku sheegay aad igu wada salanti sida suuq wayne iyo suuq yare. Roble hadaan adi kuu soo noqodo walaal dhamaan dhaliyarada iyo wax garadka ka soo jeeda wadanka kor ku xusan sido kale igu wada salaan waxaana idinlka rabaa inaan wada xirriro. Sida lawada ogyahay dadka ree Jijiga -Cabribayax-Araarso waa dad sharaf ilahay udhalinyay mar hadu qofku yidhaa gobahaasan ka soo jeeda waxaan unaqaan walaalkaen ama walaasheen Mahadsanidin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 25, 2001 - 05:35 am Roble waxaan ka ilobay inaa ku sheego waxaan daganahay wadanka Denmarkmudo 8 sano ah.waanan jecelaan lahaa inaan ogaado asaxaabtu halkay kala dagantahay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 26, 2001 - 04:41 pm SALAAN IGA GUDOON SAAXIIB GALIMAYS SALAANKADIB WAD MAHADSANTAHAY SIDA WANAAGSAN EE AAD RUNTA USHEEGTAY,LAAKIIN WAXAAN AAD ULA YAA BANAHAY NINKA LAYIRAA BOLARDI MARNA WUXUU RAADINAYAA DADKII WADANKA UDHASEY MARNA WUXUU ISKA DHIGAYAA DADKII KUHOOS NOOLAA QOOMIYADA JIDWAAQ MAR WAXUU NAWAYDII YEY DADKA ISKALE GOBALKA MARNA WAXAAD MOODAA INUU YAHAY DADKII DEE MEELAHAA KAYIMID EE DEE MAGAALADA ISKAGA NOOLAA IYAGOO ISKA HOOS DEGEN QABIILKA JIDWAAQ. HADABA BOLARDIYOW SAAXIIB ADUUNYADA WAR KAMA HAYSIDE WAXAAN KUU SHEEGAYAA IN SOOMAALI KALA BAXDAY OO NIN WALBA UU MAGAALADII SII USHUBTAY MARKAA HADAADAN UDHALAN GOBALKA YAAN MARDANBE LAGAA MAQLIN REER JIGJIGA MAXAA YEELEY NIN AAN JIDWAAQ AHEYN MADHIHI KARO REER JIGJIGAAN AHAY SABABTOO AH MIYAAD DIB UMAQASHEY WAX LAYIRAA REER HARGEYSA.SAAXIIB HADABA WAX LAYIRAA REER JIGJIGA HALKAASAY IYANA KU HADHAY WAXA KALE OO AAN USHEEGAYAA NIMANKA MEELAHAA KA QAWQAWLE INAANEY ISKUDAALIN WAX LAYIRAA REER JIGJIGA MIDAKALE EE AAN USHEEGAYAA WAXEYTAHAY INAY HALBACAAD KULISAYAAN MAXAAYEELAY ANIGUBA MAGAALADA HARGEYSA GURYIHII AAN KULAHAA HABEEN MADOW BAAN KASOODHAQAAQAY MARKAA SAAXIIB HA ISKU ILOOBIN MEEL AADAN UDHALAN OO HANTI HA ISKAGALIN YAAN LAGAA DHAXLIN ADOO NOOLE. HADII AAN KUU KOR MARO WADANKA JIDWAAQ UU DAGO WAA SIDATAN.JIGJIGA,DHAGAXLE,XAADAW,HAROOREYS,SHABEELEEY,GOBYARTA,QABRIBAYAX,ARAARSSO,DHURWAALE,IYO DHULBEEREEDKA FARAHA BADAN EE ILAAHAY UGU DEEQAY. FARIINGAABAN IGA HOOYA DADKA QAXOOTIGA AH EE JOOGA GOBALKA DEE ORDAYOO KULAABTA WADAN KIINII DAWLADII IDINKA SOO SAARTAY WAYDHACDAYE OO DEE GAAJADA HANALA KOR KUU DUDINEE NAGA KOR QAADA KULAYLKA IYO CAYDHA AADNALA KORTIMAADEEN.JIDWAAQ GUUL GUUUUUUUUL KANAXOW NAFTA WAA KUFARXAW ALLAHAKU DAAYO AAAAAAAAAAAMMMMMMMMIIIIIIIN
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 26, 2001 - 04:45 pm SALAAN IGA GUDOON SAAXIIB GALIMAYS SALAANKADIB WAD MAHADSANTAHAY SIDA WANAAGSAN EE AAD RUNTA USHEEGTAY,LAAKIIN WAXAAN AAD ULA YAA BANAHAY NINKA LAYIRAA BOLARDI MARNA WUXUU RAADINAYAA DADKII WADANKA UDHASEY MARNA WUXUU ISKA DHIGAYAA DADKII KUHOOS NOOLAA QOOMIYADA JIDWAAQ MAR WAXUU NAWAYDII YEY DADKA ISKALE GOBALKA MARNA WAXAAD MOODAA INUU YAHAY DADKII DEE MEELAHAA KAYIMID EE DEE MAGAALADA ISKAGA NOOLAA IYAGOO ISKA HOOS DEGEN QABIILKA JIDWAAQ. HADABA BOLARDIYOW SAAXIIB ADUUNYADA WAR KAMA HAYSIDE WAXAAN KUU SHEEGAYAA IN SOOMAALI KALA BAXDAY OO NIN WALBA UU MAGAALADII SII USHUBTAY MARKAA HADAADAN UDHALAN GOBALKA YAAN MARDANBE LAGAA MAQLIN REER JIGJIGA MAXAA YEELEY NIN AAN JIDWAAQ AHEYN MADHIHI KARO REER JIGJIGAAN AHAY SABABTOO AH MIYAAD DIB UMAQASHEY WAX LAYIRAA REER HARGEYSA.SAAXIIB HADABA WAX LAYIRAA REER JIGJIGA HALKAASAY IYANA KU HADHAY WAXA KALE OO AAN USHEEGAYAA NIMANKA MEELAHAA KA QAWQAWLE INAANEY ISKUDAALIN WAX LAYIRAA REER JIGJIGA MIDAKALE EE AAN USHEEGAYAA WAXEYTAHAY INAY HALBACAAD KULISAYAAN MAXAAYEELAY ANIGUBA MAGAALADA HARGEYSA GURYIHII AAN KULAHAA HABEEN MADOW BAAN KASOODHAQAAQAY MARKAA SAAXIIB HA ISKU ILOOBIN MEEL AADAN UDHALAN OO HANTI HA ISKAGALIN YAAN LAGAA DHAXLIN ADOO NOOLE. HADII AAN KUU KOR MARO WADANKA JIDWAAQ UU DAGO WAA SIDATAN.JIGJIGA,DHAGAXLE,XAADAW,HAROOREYS,SHABEELEEY,GOBYARTA,QABRIBAYAX,ARAARSSO,DHURWAALE,IYO DHULBEEREEDKA FARAHA BADAN EE ILAAHAY UGU DEEQAY. FARIINGAABAN IGA HOOYA DADKA QAXOOTIGA AH EE JOOGA GOBALKA DEE ORDAYOO KULAABTA WADAN KIINII DAWLADII IDINKA SOO SAARTAY WAYDHACDAYE OO DEE GAAJADA HANALA KOR KUU DUDINEE NAGA KOR QAADA KULAYLKA IYO CAYDHA AADNALA KORTIMAADEEN.JIDWAAQ GUUL GUUUUUUUUL KANAXOW NAFTA WAA KUFARXAW ALLAHAKU DAAYO AAAAAAAAAAAMMMMMMMMIIIIIIIN
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 26, 2001 - 06:20 pm MR. JLF. War ninyahaw isla yaab oo durbaanka aad wadato meel iska dhig, waxaad rabta in aad dood aan macno lahayn meesha aad ka furto, adiga oo kale waan ku garanaya oo waxaad ka mid tahay kuwa miyiga kaso galay sidoodii oo kale ayaad u hadlaysa ee yaan lagula yaabine meesha iskaga tag, waxaad ka sheekaynayso bari hore ayay Jigjiga ka gudubtay, oo waxay ka mid tahay magaalooyinka tusaalha u noqon kara wada noolaansha Somaalida. Tan aad leedahay Jidwaaq layskuma hayo inay laf-dhabarka Gobolka yihiin balse sidaad u hadlayso cudur aanan nahayn baad rabta inaad ku kala dhex abuurto qabaa'ilka magaalada wada daggan, markaas waxaan kuso gunaanadaya hadalkaygii shaydaanka iska naar Jigjiga Mugweynna hadalka ka dhaaf. Wa billaahi tawfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 08, 2001 - 04:41 am TO/ninka magaciisa layiraa guuleed cade waxaan kuu sheegayaa in aad naga deyso carqalada iyo hadalka macna la,aanta ah ee aad lasoo galayso dhalinyarada jidwaaq kuwaas oo danahooda kaga hadlaya halkan rabana inay iswaydaarsadaan afkaartooda waxku oolka ah markaa hadii aad kaxuntahay israaca iyo wax wada qabsiga jidwaaq udhimo hadaad doonto ollaahaybaa badiyey jidwaaq.JIDWAAQ GUUUUUUUUUUL, HAGUULAYSTAAN HALYEYEDA JIDWAAQ
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 08, 2001 - 05:50 am Adeer nasro waad mahadsan tahay waxaan u malayn inaad usheegtay guuled cade intaan odhan lahaa waxay ila tahay inaad usheegtay waxay ilatahay in baryahan ay jiraan dad iyagu u jooga inay umada aflagaadeeyan Baaal muxuu uga xumaan GUUUUUUUUUUUUUsha jidwaaq Daeer nasra iyo dhamaan saaxibada kale ee jidwaaq ee kala jooga dunida walaala yaal aynu wada xirrino. oo aynu iska war hayno.madaama aan bogan ufuray inayu wada xirriro
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 08, 2001 - 12:04 pm Cajiib wallee waa yaab meeshaad aragtaba haddii qabiil-laysku haysto war nimanyahaw ALLAH lahaga cabsado oo dad muslim ah ayaanahaye haan sika dayno aflaggaadada,cayda isqabiilaysiga waxaa xaqiiq ah inaysan dad badani fajansaneyn waxa ay Diintu farayso. halkii laynaga rabay inaan fasahaadka iyo xumaanta iska reebno ma'waxay noqotay inaan isku kaashano. Fadlan RABIGII INA ABUURAY AAN U LAABANO. Maanta adduun ayaan ka talinaynaa. Baritoole waa ladhiman(xaalkana ALLAH ayaa ogsuu kudambayn) Saadambe Maxkamad ALLE ayaa lahor taggi oo aan Racfaan,looyar(kuu doode)iyo laaluush midna aan lahayn. FADLAN RABBI haloo laabto aflaggaadada,cayda iyo faafintaan Qabiillaadkana halagga hadho.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 08, 2001 - 01:29 pm nimanyohow salaamu calykum. nin jidwaaqaan ahay , waxaanan aad oga soo horjeedaa saaxiibkey jlf, jigjiga qofkasto oo soomaali ah ayaa wax kaleh siiba umada soomali galbeed qabiilkay doonaan ha ahaadaane. waa magaalo madaxda gobolka soomali galbeed. tan kale magaalado ma dhisanto hadaan dadka dhan joogin ee dhibka ka jooji meesha
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 08, 2001 - 02:13 pm TO/ JOOJOOLE walaal waad mahadsantahay figradaada aad meesha keentay laakiin saadmooday maaha,hadaanu dhalinyarta jidwaaqnahay waxaanu rabnaa sidii ay dadka ama beesha jidwaaq aygacmaha is,qab sadaan danahoodana ka tashadaan ee anagu ugama denlihin inaanu kuduulo dadka soomaaliyeed ee walaalahayo meelkastaba hajoogaane mida kale waxaad ogaataa intii dagaalo, kufsi, dhimasho, qax iyo dhibaato ay kadhacayeen meelkasta oo ay soomaali degantahay inaa naan cidna ku duulin inaan soodhawayno oo aanu dajino qaxootiyadaa dhibaatooyinku kuhabsadeen.hadaad eegto dhanka kale ee soomaaliya jidwaaqa degen illaa hada wax dagaala maynan kuqaadin cidna cid aywax udhimeena illaahada majiraan waa hadii aadkawar hayso sida magaalooyinka kala ah,xagar,faafurow,bu,aalle,mareerey iyo dhamaan jubada hoose oodhan markaa walaal sidaa ufahan oo tolkaa dhinaca karaac kuna darso sanduuqa dhaqalaha ee jidwaaq.wabilaahi towfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 08, 2001 - 05:37 pm Gabadha la magac baxday Narso Adeer waad af-dheertahay e Adab samee oo ragga afka ha laso galin adigoon aqoon !!! Waa Aakhiru-saman Dumarkii baa inay taliyaan raba .. WAR AAWAY RAGGII RAGGA AHAA !!! NINKA LAMAGAC BAXAY "WAAMO" ADIGU JAHO WAREERKII SOMAALIYA AYAA KU HAYA E "KISMAAYO" IYO XAGGII AAD KA TIMID DHIB-KAAGA KULA LAABO. Kuwa Boggan furay waxaan kula talin laha shir looma uunsiyo Danaha Jidwaaq ka dhexeeya in Somaali weyn aad uso bandhigtaan ma ha ee waa meel gaar ah oo ah "Jidwaaq FORUOM" in aad u furtaan si danahooda gaar ah uga doodaan ayna isku bartaan sidaas ayaa haboon ayay ila tahay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 09, 2001 - 09:18 am It's good to know that people are trying to communicate with each other, especially people who are from the same geographical areas, but you should not sound so exclusive. Perhaps you should start including other Somalis as well. That way maybe we can become, in a way, united. I, myself, am not from Jijiga, but both of my parents are, and I would like to know how people look at Jijiga before the war and today. But also, you should perhaps start addressing other issues concerning Somalis everywhere. Thanks, Noora
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 09, 2001 - 06:56 pm SIDA AY HORABA, NOORA, KUUGU SHEEGTAY HASOO DHEXGALIN DADAKA DANAHOODA KAHADLAYA WAANSE KAXUMAHAY HADII AADAN KADHALAN QABIIL AADKUFAANTO OO AAD KUHANWAYNTAHAY IAM SORRY FOR YOU, BUT IAM PROUD TO BE MY TRIP.AND JIDWAAQ IS THE BEST,SO SITT YOUR ASS DOWN AND SHUT YOUR ASS UP. BY; DABARGOYNTA CANAASIIRTA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 09, 2001 - 07:11 pm WAXAAN UDARDAAR WALINAYAA NINKA LAYIRAA SUGULE,WAXAAN UMALAYNAYAA INUU KUDHALAY NIN LA ORAN JIRAY SUGULE OO CARUURTA YARYER XALAALEYJIRAY MARKAA HADAAD DOONAYSO INAAD NABAD KUDHEX JOOGTO BULSHADA AMA BEESHA JIDWAAQ EDAB YEELO,OO SADAQADAADA ISKAGURO SHAQADAADIINA ISKA WADO CIDI KUUMA DIIDEYSO OO WAANU, UBAAHANAHAY DAD SHAQOOYINKAAS OOKALE NOOQABTA MANA GEYDID GABDHAHAYAGEE MARDANBE AFKAAGA HALASOOGALIN HUBKA WAXANU USIDANAA WAA GOBTA REER JIDWAAQ HOOY HOOY IS ILAALI AWOWGAA MASKAXGARAADKA LAGANAARYE BY DABARGOYNTA CANAASIIRTA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 10, 2001 - 09:00 am KANNAXOOW NAFTA WAA !!! SOMAALI GALBEED HANOOLAATO!!!! JIDWAAQ HANOOLAADO !!!!!!!!!! AKISHO HANOLAATO !!!!!!! GABOOYUHU (HAWLE) HA NOOLAADAAN !!!! SHEKHAASHTA IYO ASHRAAFTA OO TAARIIKH AHAAN AH HOGAANKII DIINTA HA NOOLAADAAN !!!! JAARSO IYO GARRI HA NOOLAADAAN !!!!! OGADEN ISYO ISAAQ HANNOOLAADAA.. IYO DHAMMAAN QABAA'ILKA KALE EE LA NOOL. WAXAAN DHAMMAANTIIN IDIIN RAJAYNAYA IDINKA OO AANAN ISKALA QAYBIN INAAD DAR ALLE KU WADA WALAALAWDAAN OO AANAN CADAWGU IDINKA FAA'IDAYSANIN MIDNIMO WAA XOOG. QABIIL-KU FAAN IYO QABYAALLADKA SHAQAYN MACNO MA LAHA OO ALLE WAAKA QURAANKA KARIIMKA AH , INNOOGU SHEEGAYA : BISMILLAAHI RAXMAANI-RAXIIM: "INNAA JACALNAAKUM SHUCUUBBAN WA QABAAILA LI TACAARAFI INNA AKRAMAKUM CINDDALLAAHI ATQAAKUM" "WAXAAN IDIN KAYEELLAY SHUCUUB(Nations,Qawmiyado) IYO QABIILLO INAAD ISKU GARATAAN, ISKU AQOONSATAAN KIINNA UGU FIICAN WAA KAN ALLAAH KA BAQA" NABIYUNAA MUXAMMAD MARKII TOLKII OO QURAYSH AH AY KU DHIBEEN "MAKKAA" WAA KII USO HIJROODAY MADIINA- ALMUNAWARAH, KA DIBNA HALKA KU WALLAALEYAY INTII RUMAYSAY. WAXA KA MID AHAA ASXAABTA "SALMAANAL FAARIS" OO REER "IRAN" AHAA . MARKA WALAALAYAAL WAXI SHAR INNO AH OO DHAN AAN ISKA DHAAFNO WAXI KHAYR IYO WANAAG INNOGU JIRANA AAN ISKA KAASHANNO. NINKAN ISKU TIMAAMAYA (D.C) ALLAAH HA KU SO HADEEYO. WABILLAAHI TAWFIIQ.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 10, 2001 - 11:18 am ma xuma in public forumka qabiil looga hadlo , unless aan la iscaynin oon la is xagxaganaynin . dadka qabiil wada wadaaga iyo degaan waa isku maslaxad soo fikradohooda ha isku bandhigaan. waxa xun uun in dad lacaayo. tankale ninkaagan reerwaamood jlf waa sida onlf yaan iska xoraynaynaa? soo gumaysiga gaalada ma aha then why aan uqaadanweyney magaca soomali galbeed si midnimo loo helo hadii kale sida ilma adeeradeen ogaden ayaan hadal wadaynaa oon qabiil xornimo wadan ku raadinaynaa.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 10, 2001 - 09:21 pm Joojoole saxiib maxaad kiska, iskaga waalaysa, dhawr magac baad kuso galaysa, magaacda kale ee kor ku qoran waxay yihiin : Dabargooye Canaasirta,iyo Nasro. Kolba shaati nooc kale baad so gashanaysa, balse waan ku garanay inaad qof kali ah tahay. iskuma kalsoonid miyaa!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 11, 2001 - 12:31 pm qoodha iyo xeradaan nin kale isku qarinaynin war anoo nin ah maxaad ii leedahay meesha nasraad ku soo gashay . nin yahow buraanburka meesha kala tag. joojoole is my nickname din dong . i didn't say anything negative , so stop your nonsense anan dude , allright.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 12, 2001 - 02:13 am Bogan waxaan u furay in dhamaan dhalinyarada wanaaga ka shaqaysa ay ku kulmaan hadaba walaalayaal wax fiican inaan hab xishmadin iyo isqadarin ku jirto kuwada xidhidhno oynaan isnac xumaan iyo cadawtinimo isu qaadin maxaa yeelay waxay ila tahay habka uu usoo socdo waxay ku danbayn in lays falagaadeeyo ee dhamaantiin walaalayalow aynu wanaag ka wada shaqaynosi wanaagsan oo walaalitinimo ku jirto isugu jawaabno
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 12, 2001 - 09:52 am TO/SUGULLE AMA SUQULEE,waxaad doontaba labax laakiin waxaan kuu sheegi lahaa intaad dadka afka lasoo gasho oo aad aflagaadeyso dad danahooda kawada hadlaya,oo aad daandaansatey gabdahahaygii ayaad hadana illaahay halagabaqo leedahay waa mar aad qof walba wax udhintay waar markaad dadakii caydey eed aflagaadeysey baad hadana nabiga kaga hormartey markaa adigu marka hore naftaada waani oo dadaka danahooda kahadlaya qaska iyo qudhunka kadaa.jidwaaqna danihiisa ama puplic ha uga hadalo ama privet ha ugga hadlo arin adiga kuutaal ma aha ee saaxiib dana yeelo.wabilaahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 14, 2001 - 04:06 am Walaalayal marlabaad baan ku soo noqday arnitaan ku qoray hada ka hor waxaan uu arkaa in walaaladay ayna wali iscafiyin oon niyo fiican jirin hadaba walaalayal fadlan aynu wanaaga kawada talino maanta waxa soomaaliya rogay waa qabil si xuun loo isticmaalay anigu waan aminsanahay in qabil jiro lakin waxan ka soo hor jeeda sixun uu isticmaalka qabilka maana wadamada horay u maray dhibaata deegan oo udhiganta tan qabiilka yaa ka jiri jirtay maantana waynu wada aragnay heerka ay gareen.Hadaan u soo noqdo bogan dhalinta ka soo jeeda goobaha aan kor ku xusay yaan ugu talagalay inaan aqoon iswaydaarsi iyo wada tashi samaynoanaga oo hab xishmadi ku dheehantahay u wada xirriraynahada ba walaalayaal hadi qof inu injaha wareeriyo awadeed uu usoo galo bogan yaynaan waxba ka soo qaadin ee aan gobanimada laynagu yaqaan ka raacno. Xirrir wacan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 14, 2001 - 08:14 am Dabargoynta Canaasirrta: It is very unfortunate that I have to stoop to your level, but if I have to I will! It is pretty obvious that you're an ignorant neanderthal that does not have a clue as to what he's talking about. So, if I were you I would not let everyone know how stupid I was. For one thing, if you had read, or should I say, if you understood, what I wrote, you would find out that I did not offend anyone or come across in an antigonistic way. So, my lost "brother" or "sister" do not reveal your stupidity to us. Get educated and then perhaps you'll be able to benifit your people. Much love, Noora
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 14, 2001 - 08:52 pm KU :Shabeelay Meel cidla ah baad iska cararaysa, Adigoo kale waan ku naqaanna oo waxaad tahay Barmiil madhan oo qaylyaya taas waxa kusii dheer shayddaan Qabiil baa ku qaba oo kaa dhex qaylyaya waaaa waaa waaa !!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 08, 2001 - 11:45 am Dhalinta Jidwaaq waad salaamantihiin. Waxaan ku faraxsanahey sida xalada leh eed golahan canaasiirta ugu jawaabeysaan. Hambalyo,
|