Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Sheekadii aniga iyo Xabashiga Nadhaxmartay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaab

Monday, January 22, 2001 - 11:12 pm
Waxaan aad uga xummaaday waxaan kulakulmay meeshan oon kolkii hore xiiso usoo galay kadib markaan arkay cinwaanka Soomaali Galbeed oo meesha kuqoran.
Xaqiiqdii aadbaan uga niyadjabay garaad yarida dadka meesha waxkuqoray iyo kuwa u jawaabay intaba ood mooddo inyna inyaroo garaad ah kujirin maskaxdooda yar.
Hadalka sii badinmaayo xiisona umahayo doodda meesha kasocoto waxaan uun dhihi labo eray oo nadhaxmaray nin xabashi oon waa doodnay annagoo yurub joogno.
Waxaan usheegay inaan annagu ahayn itoobiyaan waxna wadaagin aanan dhulkayaga soo ceshan doonno dhawaan dawladna dhisan doonno iwm.
Wuxuu iigu jawaabay waligeed dhici mayso waayo dhulkiinna iyo idinkaba hadiyadbaa naloosiiye,ee xaggeed jirteen markii l'idinbixinayey sidaad dumarka ubixisaan dood aan qiimo lahayn ayaan kushubay kadibbuu yidhi anaa kuusheegi markii la'idinbixinayey waxaad kumashquulsanaydeen caws uraadinta xoolihiinna oo dal, dad iyo diinba idiinka muhiimsan. Hadalkaa markuu yidhi waxaad mooddaa in waran la'iga taagay wadnaha runta hadalka uu xabashigu yidhi.
Hadda gabogabadii mawaxay taagantahay ogaadeen, cabdalla, gaadsan, garxajis iwm iyo anigaa leh magaalo heblo iyo magaalo heblo.
Good bye Loosers

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAL

Tuesday, January 23, 2001 - 09:24 am
YAAB.

SIDA MAGACAAGA KA MUUQATA WAX AAN YAAB AHAYN OON KALA KULMAY WAXAAD SOO QORTAY MAJIRO.
SABABTU WAXAA WEEYE WAX HABA YARAATEE UJEEDDO AH AMABA POINT AH OOD KA HADASHAY MA JIRTO.
KALIYA WAXAAN KA FAHMAY IN NIN AXMAAR IHI MURAN KAAGA BADIYAY.

MARKA MAXAAD DOONAYSAY INAAD DADKA U SHEEGTO OOD SABAB KA DHIGANAYSAA FURITAANKII QOLKAN.?

SALAAMA