Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): JIDWAAQ - RELATED TOPICS
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Araarsood

Tuesday, January 30, 2001 - 04:55 am
ASALAAMU CALAYKUM!

Dhalinyarada u dhashay beesha Jidwaaq ayaa loogu tala galay halkan inay wixii fikrado, talo, dhaanto, heeso i. w. m. inay isku dhaafsadaan

Good luck...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jidwaaq haguulaysto

Tuesday, January 30, 2001 - 05:38 am
Fayaan biro faadumoy madhawee fatorad maku kireeya yeeeee


Dhamaan waan salaamayaa dhaliyarada tolkay meel walba wood aduunka ka joogtaan waxaan an idinleeyahay ilahay haynaga dhigo ku wii gulaysta

waxay ilatahay inaynaan ilobin

dalkeen dadkeeni iyo diintiina.


aynu iska wada war hayno


JIdwaaq haguulayto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Patriotoc

Thursday, February 01, 2001 - 03:43 am
Waar Araarsood!

Thanx walaalo topic-gan aad u wanaagsan eed noo furtay.. Waxaan jeclaanlahaa in nin walbaaba wixii war ah ee uu wadankeenii ka helo inteena kale uu la soo socodsiiyo..

Iminka waxaa igu maqal ah in qabri-bayax oo dhan qasabado loo galinayo, isla markaana dadkeenii biyo nadiifa helayaan:):).

Wasalaamu calaykum wal raxma..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LEEBAAB YARE

Thursday, February 01, 2001 - 01:10 pm
FROM/LEEBAAN YARE

TO/MY BROTHERS AND SISTERS
markahore salaan igagudooma.salaankadib
marka labaad aad ayuu ugu mahadsanyahay
walaalkey araarsood oo ah ninka soo jeediyey
inaynu isbarano iskana warhayno.
markaa walaal hadaanahay dhalinyarta JIDWAAQ
waxaanu ubaahanahay inaynu kudadaalo waxbarashada
meelkasta oo aanu joogno wiil iyo gabarba
waxaa loogabaahanyahay sidii aynu aqoonteena
usiikordhinlahayn sababtoo ah marka aad waxbarato
ayaad dad iyo dalba wax uqaban kartaa,
mida kale ee meesha taala waxaytahay in layskaashado,haday noqon lahayd xag dhaqaale
xaga ganacsiga dhinacwalba markaa wiil iyo gabarba waxaan kulatalinlahaa ingacmaha laysqabsado oo wax kasta ookhayr ah lagudadaalo
anigu walaaladey iyo dadkayga kuwaanin maayo
halagu duulo qofkale oo soomaaliyeed,waayo
aaqiro iyo aduun midna nooma roona
hadaad fiiriso wadankeenu maanta waameesha
uguwanaagsan meel soomaali dagto,oo uu qof waliba
nabad kujoogo intaa gumaysugu nakor fadhiyo mooyee wax kale oo dhiba maqabno,ilaahay idankii
marka aynu helo dhalinyar baden ookasoo qalinjabisa jaamacadaha aduunka ee aynu dhisno ama kor uqaadno dhaqaaleheena xornimaduna sisahlan ayeyu u imandoontaa oo cilmikudhisan
markaa halagu dadaalo dhanka waxbarasahada
iyo dhinaca ganacsigaba intaba yaanan laga caajisin hana laysku bogaadiyo.hadaad fiiriso
magaalooyinkeena maanta waameelaha uguwanaagsan ganacsi waxbarasho nabad iyo nolal intaba
mana maqlaysid abaaraa kadhacay jigjiga iyo
hareeraheeda toona,waana ilaahay mahadii.markaa walaalayaal halaga faa iidaysto wadankeenii
wuu inoo baahanyahay ganacsi halaga samaysto guryo halaga dhisto haloo shaqaysto wadankii sababtoo ah waynu awoodnaa inaynu wax walba geyno hadii aynu dadaalo,waliba inteena qurbaha
jootaa dadaal ayaa laynoogabaahanyahay.
waxa kale oon idinlasocodsiinayaa inaan bixidoono bishan maanta kowda ah sideed iyo tobankeeda
soona noqon doono sideeda bisha sadexaad hadii ilaahayyiraa markaa wixii warar ah aniga ayaa idiin soo gudbindoona haduu ilaahay yiraahdo
ciwaankayguna waasidan ama addresskeyga.LEEBA2@HOTMAIL.COM
SIDAA IYO NABADGALYO IYO ISMAQALDANBE OOXIISOLEH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cade

Thursday, February 01, 2001 - 09:48 pm
waan yaabe jidwaaq ogaaden sow maha mise waa cidkale aniga ma aqaan ee ha laysheego,no offense

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Araarsood

Friday, February 02, 2001 - 03:22 am
To: Cade

Saaxiib Jidwaaq Maaha Ogaadeen, ee waa isku degaan uun. Jidwaaq waxa uu degaa harar ilaa dhagaxbuur inta u dhaxaysa. Magaalooyinka ay degaan waxaa ka mid ah Jigjiga, Qabribayax, Araarso, Biyocade, dhagaxle, Gilo, horaqaliifo,
e.t.c. Togga Jarareed hadaad maqashayna waa dhul jidwaaq. iyo ceelkuba.

bi'i waaye miyaadan maqal

"HILAACOO DHANKII BARI AMA CEELJII JARAREED..."

JIDWAAQ waxaa ka dhashay dadka soomaalida uga taariikhda dheer. sida:

WIILWAAL, AXMED GURAY, XAAWO TAAKO, BARNI SHEEK ABDULLE ....

JIDWAAQ wuxuu u kala baxaa ABASKUUL, BARTIRE IYO YABAREE...

BARASHO WANAAGSAN..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jidwaaq hanolado

Friday, February 02, 2001 - 03:49 am
War araarspood maanta waxan ku siin laha bilad sharafta laga bixiyo wadanka Norway maxaa yeelay waxaan qaadan waayay inaad saa ukala taqaan wadanki maxaa yeelay dadka wax soo qora waxay ubadan yihin dalinyaro yar yar oon saa u aqoon wadanki

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jabhad

Friday, February 02, 2001 - 03:35 pm
waranleyaasha jidwaaq waan idin salaamay. degaanka ha ka iloobin xagar iyo bu'aale . waxaan kufaraxsanahay sida sharafta leh aad topigan ufurteen.somalia shanteedaba ha noolaato somali galbeed na ha xorowdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sd

Saturday, February 03, 2001 - 04:13 pm
Dhamaan Dhalinyarda Jidwaaq ee fikradaha kala duwan soo jeediyey waad salaamn tihiin , salaan ka dib jidwaaqow ha la isku doobnaado oo ha la iska war hayo maxaa yeelay qabiil walba wuxuu sameystay Urur iyo wax kale oo dadkiisa u iska war haynayo , Inaka maxaa inoo diiday in aan jidwaaqnimo aan wax ku raadsano , oo qabiilka aan uka xishoonaa, inta ay soomali meel isku imanayso waxaa haboon in la helo jidwaaq oo urur leh. ha ahaato somali galbeed ama Somalia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Sunday, February 04, 2001 - 11:49 am
asalaamu-calaykum
walaalayaal aad iyo aad baad ugumahadsantihiin bogan qiimahaleh ee aad ufurteen dhalinyarada jidwaaq.
waxaan rajaynayaa in uu noqdo bogani mid ay kafaaiidaystaan oo ay dadkooda iyo dalkoodaba wax uguqabtaan oo uu noqdo midkii dalku kuxoroobilahaa

marlabaad waad mahadsantihiin
asalaamucalaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 04, 2001 - 09:28 pm
Waxaan idiin malaynaya inaad tihiin dhalinyaradii
u qaxday Somaliya sida aan ka dareemayo laab la kaca iyo xammaasada qabiilka, Warnimanyahaw haddii
aad tihiin dhalinyaro jidwaaq ah, isla yaaba oo cudurka qabiilka ah ee aad ogtihiin Somalia sida
uu u galay haynagu abuurina e ka hadla sida aad
wax ugu qaban lahaydeen meelahii aad ka timaadeen.

Marka aad ka hadlaysid Gobolka Jigjiga, ka fiirso
intaadan hadal, laab lakaca iyo seef-laboodnimadana iska dhaaf, ku dadaala midnimo iyo
wada jir kana foojignaada tafaraaruq iyo kala daadasho, tusaale wax lagu qaadan kor waxa innoogu
fillan waxi ka dhacay Somaliya.
Midnimo Waa Xoog lagu gaadhi karo guul iyo gobanomo. ka fikira Somali-galbeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jidwaaq hanolado

Monday, February 05, 2001 - 01:11 am
Waxaan la hadlayaa ninka magaciisa qariyay ee nagu tilmaamaya inaanahay dhalinyaradii uqaday soomaaliyaa walaal waxan ku leeyahay af lagaadadu mafiicna Jidwaaq cidna ka haybaysan maayo soomaaliya iyo Etiobiyaba waanu dagnaa haday kula tahay jidwaaq in qoxootinimo uu soomaliya kutaga walaal jidwaaq isgaa 80.000 oo qof ooka soo qaxday soomaliya qaabilay soomali oo dhamina waay wada ogtahay hadan damacnay inaan is abaabulo inta soomali isu soo noqon maxumaan baanu abuuray? jidwaaq gobanimo iyo soomaali nimaba waa lagu yaqan shikina kuma jiro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Damac

Monday, February 05, 2001 - 05:27 pm
Waxaan la hadlaya ninkan magaca guud kuso galay ee
isqarinaya, Aniga magacaygu waa "Damac" Raali ahaada haddii aan magac qarsoon kuso galay,
waxan ka mid ahay dhalinyarta ka xoroowday qabiil iskugu faanka iyo bulshada oo lagu kala qaybiyo reer Qansax iyo reer qudhac. waxaan aamminsanahay horumarinta dadkeenna, taas oo ku salaysan isqaddarin, sinnaan iyo caddaalad.

War ninkan ku horfadhiya waa nin ku abtirsanaaye
laga so bilaabo, Dhurwaale, Araarso, Qabribayax,
Haroorayska, Tog-Wajaale,Waa nin kuso barbaaray FAAFAN, SHABEELAY, BIYE-CADDE IYO DHAGAXLE, Waa
nin Xaadaw intu so maray Jigjiga Mugweyn caan ku ah, waa nin ciiddu ay garanayso, waa nin ka xoroobay qudhunka qabiilka ee maxa inno dan ah.
ma jidwaaqnimo ayaan isku urursannaa mise ummadda
inala dagan ayaan gacmaha si-qabsannaa oo horumar
tiigsannaa??? teebaa innoo roon ???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Araarsood

Tuesday, February 06, 2001 - 05:37 am
To: The brother DAMAC,
Walaal waad ku mahadsan tahay talada wanaagsan eed halkan ka soo jeedisay, ee waliba degen..

Waxaan se kuu sheegi lahaa inaan ninna diidanayn isqadarinta, sinaanta iyo cadaalada aad soo xustay. Anagu ma necbin walaalaha inala dhashay ee inala dega. Laa kiin situation-ka Somalinimada ayaa maanta ku xidhan in reer reer la is uruursado oo wax la isugu taro.

Jidwaaq waxaa lagu yaqaanaa waligoodba inay dadka kale soo dhawaystaan oo aysan qabiil ku dhaqmin. oo ninkii la degaaba uu walaalkood yahay.

Iyadoon tii waxba laga badalin ayaa hadan waxaa loo baahan yahay inaynu danteena garano, tafaraaruqii la inagu ridi jiray ee jidwaaq lagu kala gooyay in laga hor tago.

Marka imika jigjiga doorasho laga samaynayo waxaa la inoo kala qaadaa ABASKUUL, BARTIRE IYO YABAREE,
taasin waxay keenaysaa in codkeenii yaraado oo qabiiladii yaryaraa aynu la mid noqono. Isla markaana dadkeenii waxba meeshaa ku waayaan.
Marka waxaan idin leeyahay, gaar ahaan Mr DAMAC
TOGETHER WE ARE STRONG, So don't let any one take JIDWAAQ apart!

Wasalaamu calaykum!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Damac

Tuesday, February 06, 2001 - 05:52 pm
Brother, Araarsood

Aniga waxay ila tahay dhismuhu hoos buu ka so
bilaabma, oo haddii aad guri dhisayso dhulka
ayaa hoos loo qodaa si aanu dagdag ugu dumin,
haddii aad bulsho dhisaysana gurigaaga iyo
qoyskaaga ayaa dhisidda laga bilaaba, ee
haddii aad kor kaga timaado si degdeg ah baa
uu u dumaya ee waxa haboon khaldaadka dhacay
in laga faa'iidaysto oo Jidwaaq marka hore hoos
iska so dhiso. Bartire, Yabare iyo Abaskuul waxay
u baahanyihiin seddex hogaamiye oo masalaya kuwaas
oo ay dadweynuhu si caddalad ah uso doortaan, kuwaas oo danaha Bulshada ka shaqaynaya.

Saddexdaas hogaamiye ayaa magaca jidwaaq meel
marin kara. hogaamiye kastaaba waa inu kalsooni
buuxda ka haysto bulshada u masalaayo, haddii
taas la helo waa guul!!

is garab carar iyo magac sheegsheeg waa ta ka jirta dalkii. xaggee lagu arkay qolo kali ah
oo toban (10) nin so sharaxday, Jigjiga ayay
ka dhacday ...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Araarsood

Wednesday, February 07, 2001 - 05:39 am
Damac!

Adigu maxaad uga farxaysaa tafaraaruqa Jidwaaq?
Mida Kale Jidwaaq wuxuu leeyahay Garaado iyo suldaano, taas inaad meel kaga dhacdo maaha ood reeraha baa'biso.

Idigu hadaad leedadahay ragaas baan ka fiicanahay ama ka xumahay jagadooda, isla markaana aad tahay nin xaq ugule cilmi ahaan iyo nasab ahaanba...
Walaalaw laguuma diidayee orodoo isa soo sharax aan ku dooranee.

Umada kale, ama qabaa'ilka kale waxay ku noolyihiin kala dambayn iyo xushmayn intooda wax garadkaa. Taas baa anagana nalooga baahan yahay..

Wax jidwaaqa oo is khilaafsana aduun baa lagaa hayaa ee ma jiraan. Mida kale reerka dhibaatadiisu waa inay ku dhibtaa maaha inaad ku faraxdo ama aad ka sii faa'iidaysato....

Wakaaaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jidwaaq hanoolado

Wednesday, February 07, 2001 - 05:49 am
Afkaaga caano lagu qabay baan kuleeyahay saaxiib
Araarsood intaan odhan lahaa adaa yidhi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AADAN DOOBI

Wednesday, February 07, 2001 - 07:45 am
TO/ MY BORTHERS AND SISTERS
DHAMAANTIIN WAAD SALAAMANTIHIIN SALAANKADIB
HALKAN WAXAAN UGA HANBALYEYNAYAA WALAAKAEEN
ARAARSOOD SIDA HAGAR LA AANTA AH EE UU UGU
JAWAABAY NINKA MAGACIISA LAYIRAA DHAMAC SABAB TOO AH MAANTA XAALADA LAGUJIRO HADAAN GACMAHA LAYSQABSAN CADAWGAA BAAD UJABAYSAA MARKAA JIDWAAQ
MAANTA WAXUU UBAAHANYAHAY INUU GACMAHA ISQABSADO
TOWFIIQDANA ISKURAACO ILLAAHAY IDANKIINA TAAS AYAAN ILLAAHAY KASUGEYNAA.ANAGOO AAN KUDUULAYN
AMA AAN DHIBAATO LARABIN UMAD KALE OO, SOOMAALIYEED AYAA WAXAANU UBAAHANAHAY INAANU
DANAHAYAGA KAWADA HADALO XALINANA ARIMAHAYAGA
NOOGAARKA AH.MARKAA BROTHERS AND SISTERS KEEP
YOUR HEAD UP, WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Damac

Wednesday, February 07, 2001 - 09:11 am
Aniga ayaa u jecel Tolkay oo guulaysta ee hadal
haan ma buuxsho, isku aragti guud kama wada hadlayno e nabad galyo.

Jigjiga-Mugweyn, Miskiin koris, waxay u baahanatahay in ciyaalka laga kaalmeeyo xaga
waxabarashada, in (Hostpital)yada loo casriyeeyo
in kuwa xoolaha dadweynaha cunaya laga qabto oo
dadweynaha wax loogu qabto. Dadkii inay hawlahaas
fuliyaan laga rabay waa inteenna dibadda joogta e
Dollars-ka haysa. $20.00 oo qof kastaaba bishi
bixiya ayaa ku fillan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axmed gurey

Wednesday, February 07, 2001 - 07:29 pm
TO/dhamac marka hore waadsalaamantahay
salaankadaib walaal aadbaad ugu mahadsantahay
figradaadan guubaabada ah waasidaad sheegtaye
hadii aanu isku darno ama uqoondeeno lacag ugar ah sidii looga qaban lahaa dadka calooshood ushaqeystayaasha ah ee qasaya ama wax udhimaya
ee kaladilaya walaalaha jidwaaq waa arin muhiim ah
una baahan dadaal iyo dulqaadbadan wayna iman doontaa insha alaahu wayna iska tagidoonaan
dhawrkaa ninee danaynaya danahooda gaarka ah
walaalayaal waxa kale oo aan idinla socodsiinayaa
hadii aanunahay dadka jidwaaq ee kunool
dalka maraykanka gaar ahaan magaalada atlanta
waxaanu leenahay sanduuq dhaqaale oobilkasta
lacag lagudaro markaa waxaan illaahay kabaryayaa
dhamaan jidwaaq meelkasta oo uu joogo inuu
illaahay toofiiqda waafajiyo aamiin.
walaalayaal waxaan umahad celinayaa dhamaan
qaban qaabiyayaashii,gudigii,odayaashii,culimaa udiinkii,aqoonyahanadii,iyo dhamaan dhalinyaradii
sida sharaftaleh uu udhexmaray shirkii kadhacay
wadanka swedan,wayna nasoogaartay ujeedooyinkii iyo go,aanadii waxku oolka ahaa ee kasoo baxayshirwaynahaas waxaanan illaahay kabaryayaa
in aynoqdaan kuwii hirgala,wasalaamucalaykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jidwaaq hanolaado

Thursday, February 08, 2001 - 03:57 am
Saxiib damac markii horee waan ka shiki qabay oo waxan ku malaynayay qof rabaa inuu sheekada wanaagsan ee no socota naga waalo haatan se waxaa ii muqataa inaa tahay jidwaaq rasmi ah walaal adiga iyo saaxibada badan ee kasoo qayb galaybaa salaan iga gudooma waxaanan idin leyahay walaalayaal aan dadaalo saan bulshadeena horay ugu marin lahayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jidaaq-man

Monday, February 12, 2001 - 05:30 am
Hello To Every one!
Walaalayaal waxaan raadinayay wax gabayo ah oo ku saabsan wadankeenii, dadkeenii e.t.c.
Wax qoraal ah hadaad haysaan please ii soo gudbiya..
Thanx..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kayse

Saturday, March 10, 2001 - 08:49 am
Wax gabayaa ah ma hayo hada laakiin waa laguu soo dhaydayaa!

Inshaa' allah