          Geesi    |   Tuesday, February 13, 2001 - 06:07 am    Haddii dalkii oo dhan uu ogaadeen sheegtay kaan ku xoraynay dhiigeena soow qalad ma ahan. waryaaya rag hadal walaal wax dhamaana la waa. cadow baan leenanay waana amxaaro idilkeed. inta aan dhulkaan naga wada wayn isku qabsanyo aan isu tagno oon u tashano cadowga kufriga ah. Soomaali way xoroobi lakiin suaashu waa hadma.     |  
            Damac    |   Tuesday, February 13, 2001 - 08:56 am    geesi, waan kugu raacsanahay ee meeshan dadka  so booqda waxay u badanyihiin dad Jaahil ka ah  siyaasadda iyo wax wada qabsiga, si wax loogu  sheegana lama garan karo oo Sanam(QABIIL) ah  baa maskaxda ka wada haysta. Waxaan filayaa in  ay halmaameen danta guud oo ah in ay cadawga   meel uga so wada jeestaan. Midnimo waa xoog,   kala daadsanaan waa guul darro iyo ciil.    Allahayoow S/galbeed is fahmsii.     |  
            GobanimoDoon    |   Tuesday, February 13, 2001 - 06:34 pm    Somali-galbed way xoroobi,insha Allaah. Dagaalkii gobanimodoonkaana lagu jiraa, laakiin waa inaan ka fogaanaa waxyaabaha halgankeena dhaawacaya, dadkeenana kala qaybinaya. Waxaan ku midoobi karnaa islaamnimo iyo soomaalinimo. Saa darteed waa inaanan magac qabiil qaadan ee magaceena somali-galbed haysanaa kuna halganaa.    Allahayow hubka weyn iyo  hoobiyow qorigii iyo  howsar laysku garaacoo  hilhilaaca aroortii   heegan aan ku baxnaayoo  an galbeed hananaayoo  Godey aynu ku heeesnoo  aan huruufno amxaaro.    /Godey waa gacanteenoo  /Harer waa laga guuriyoo  /Gallaadi waanu ku gaardiyoo  /Wardheer waa la garaaci.    Allahu Akbar!  Guul, UWSLF(Union of Western Somalia Liberation Front).     |  
            Damac    |   Tuesday, February 13, 2001 - 08:49 pm    Gumuci soo doono.    Waxaan kaa durkoon taadhasow dibadda meeraaba  dib u gurad waxaan hawd ku dirir bananka diidaaba  dagihii togeed iyo intaan doollo ka abaaday  iimay dacallaheediyo anoo nogob difaac jooga  daakhatiyo fiiq iyo waxaad dhuxun i soo doontay   anaa haatan soo duulayoo dooxadii imide   dullihii an saarraa baryahan waan ka soo dagaye  waanigaa dagaalkii u raray duudadkii harare  waxay durugsanaatoon idhaa dagalku dheeraaba   Diridhaba haddaan gaadhayoon hoos u daadagaye  dalki kama warhayside cidlaad dururuqlaysaye  dabcigii amxaaraad waddaa hoos ka dirirkiiye  danihiinna kuwa dhawrayee idin difaacaaya  dusmo iyo ilaa iyo adari doolow agihiisa  anuu diirka ii naxay waxaa mayd is daba yaale  adna maba danayside runtii waad ku digataaye  doqonnimo tigree baa ku go'ay iyo damiir laane  khabarkoodi oo daacadoon dowrin baan helaye  dagmadiyo magaalooyinkay duhur yimaadaane  casarkii markuu dalaq dhahay dib u xaroodaane   dinnaahyadi la waa iyo raggii diidahlayn jiraye   iyagays dagaallama haddoo diide amarkiiye   qaar baa dareeroo u kacay dibirradii baase   qaar bays daldalay eebeheen naarti haw diroe  saraakiishi doorka u ahayd waa horaan dialaye  dabadaan ka raacinahayaa daacufkii hadhaye    Dullionimo amxaarow adoo dibad ka qaylyaaya  adigoo tigree daba socdoo sida dameer dhaansan  dowrkiini waa hore intaad dib ugu xiisootay   darisnimadi mooyee hadaad xaajo kale doontay   dab la saar awoowgaaye waad dhagadar joogtaaye   waxaan dabinno kuu qoolay iyo dakhalladaan jeexay  dubbahaan xigaalkaa la sugi daabka iyo soodhka   waxa dacar laguu qooshay ee lagula doonaayo   daalacaan idiin haysto iyo daynka kula yaalla   waxa wiil dibnaha hiigayee dooni madaxaada   haddii aad damerrow ogtahay waxa rag doonyaysan   duhur dheelalawgii hadhkii maad durduriseene   waanadaa ku daalaye haddaad muranka dayn wayday  DAAWADII AMXAARIYO SIYEEF GUMUCI SOO DOONO    Waa xikmaddii(gabaygii) Waylac.     |  
            Anonymous    |   Tuesday, February 27, 2001 - 09:40 am    Niman yahow aad baan ugu mahad san tihiin waxaanan idin leeyahay soomaalinimada saas ku wada intaan nala fahmayna way soo socdaan oo jidkay ku soo jirraan.     |