Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Ku nasta Gabayada - Somaali-galbeed
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Damac

Tuesday, February 13, 2001 - 09:15 pm
Saha kacay sababahakan dhacay, samada qiiqowday
Sannahaabo iyo qaylo iyo, siigo iyo weerar
Dunideer saraayada col iyo, salowgu oomaari

Saaxiibbadeer kala ordee, sadarba meel aaday
Sokeeyaha safeyn kala noqdee, suuqyadays geliyey ,br> Soddognimo qaraabiyo hadday, siiradii dhimatay

Ummaddii salaaf iyo hadday, sagan la rooreyso
Hadday saacideen gaaladdii, saraca keeneysey
Sallallaahu Nebigii haddii, sowjar lags doortay

Saraakiisha dhoorka leh haddii lagu sarqaamaayo
Suweyn baan dadkiis ahay haddii sowdka laga yeedhin
Isagu seeruhuu dego haddii, saakun laga yeeshay

Awgii siyaarada lahaa, selel hadduu qaaday
Oo ay sahwiday culimadii, Saxal mariikhowday
Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weydey

Hadday sanantay maantii sharciga, saaca loo kiciyay
Oo ay subbeehiin noqdeen, silic Alluu keenku
Ka subxaanAllaahiiye kufriga, sanac hadday moodday

Sidii Eebbahay yidhi haddii laga sawaalaayo
Soonkiyo salaaddii haddaan, suura laga haynin
Sekadii Ilaahay haddaan, suus la bixinaynin

Xajkii sun iyo waabay haddii, loo saddimanaayo
Ninkii soof xerayn jiray haddii saabir laga yeelay
Sirqadii gabowdiyo haddaan, sebi la dhaafaynin

Sir iyo tuugo saanjigaa la fali, saaka iyo caawa
Subaxdii waleetaba dulmiga, laysku sowliilin
Saddexdii walliyo been wexeer, suuqa lala meeri

Sunniyo waajib sooryada martida, sadaqadii iidda
Suugaantan iyo suufinnimo, saamixiddii diinta
Sucdigii haddii laga tegoo, samo la diidaayo

Gabadh suura aqal saari badan, dadab la saynsaabay
Soddon baarro saabley gingiman, saraba ceegaagta
Salli gogola saahood la shiday, saaqatada qaaca

Sinnifad xariiriyo baftiyo, khayli iyo suuti
Senge buuran soogaan darmaan, salaba guud dheer leh
Sidko ramag Seenyiyo Idiin, Soobir iyo Ayro

Rimay sarara weyn, gool sakiban, qaalmo surunsuura
Abeer suruqday oo awr sanoo, siigan lagu qooqshay
Lo' samuulad, adhigoo sunsumi, sabada oo buuxda

Sareedadii Ilaahay haddii loo saldhigi waayey
Si gurracan haddii lagula kici, sedo nin kuu dhaanshey
Goortii lagaa sido haddaan, lagu salaamaynin

Saadkii hadduu dhici ninkii, lagu sibaaraayey
Haddduu siir run kuu qaban ninkaad, sere u qaadeysey
In kastaad saxiix tahay haddaan lagu sinaadaynin

"Impact">Ninkii xaqa u saahida haddii, saa'il lagu maagi
Weliyada sawaabka leh haddii, suufka laga diiran
Safiih niman ahayn haddaan, lays sariigeynin
Intii kugu sintaarrayd hadday, siifad kula dooni
Nimaan saaqna kaa gelin hadduu, suudi kugu meerin
Adaan sara u eegayn haddii, lagugu soo haadi
Hadday seeddinimo baaqatoo siira tari wedey
Saddiiq nimaad ahaydeen hadduu, kuu sallimi waayey
Ninkii khayr sunnayn jiray hadduu, samir Ilaah joogo

Nimanyahow siyaalaa jiroo, saancaddaa, timide
Sifaalahaa adduunbaa beryaha, lala sureeraaye
Malaa saacaddii baa dhawoo, suurkii la afuufye
Sugi maayo qeyrkay wuxuu, seegay waayaha'e
Waatii saxaabkii la jaray, suubbanaan jiraye
Soddon guuradii waxay ahayd, sanada maantaaye

Siiniyo Hindiys Sidaamo iyo goob, Siig iyo Reendiinle
Sudeen iyo Sureeriyo Hawiye, Sab iyo Soomaali
Subeer Maxamed Siwaaq Hartiya, Sade Marreexaanle
Sankuneefle oo idili haddii, saafi Iaga waayey
Oo aan samaan laga helayn, si xille mooyaane
Dantay inaan seegaa markaa, waa igu silloonaane
Nin sidayda oo kale noqdaa, sebi ka weynaaye
Nin saqiir yar ii filahayow, sayncaddaan ahaye
In kastoo la ii samadaho, sawdka waan garane

Haddii uu nin siriq ii maldihi, samasha ii daadin
Haddaan lay sandihin waan ka didi, saarka laaca'e
Suryada iyo hantaqa ay qodeen, waan ka suudaliye
Uunkaba saqiir iyo kabiir, waa ka sowlixiye
In kastay salaax igu wadaan, ima sabaayaane
Sanqadhaan ka didayaa sidii, sanis ugaadheede

Sonkor iyo sarreen malabliyo, sixin ku iidaaman
Haddii lay sanuunado hilbiyo, sedo la googooyey
Saneeggaan ka rogayaa waxey, iigu suuldhabiye

Sii kac oo tag baan odhaanhayaa, saaddambaan imane
Aroos reer suldaan iyo ninkii sawjad igu dheelmi
Dabadeedna sool hawda iyo seeri baan xuliye
Saqaafaha cagtaa raadku waa, siisahoo kale'e
Markuu saamasaamaha galaa, laguyu suufaaye
Sallax dhagaxa meeshaan lahayn, suulashaan dhigiye
Waayeel sahay ii wadiyo, saami iyo xoolo
Saarsarkiyo hadday soo degaan, suuqa gurigayga
Sed inaan ka qaatiyo ma karo, inaan ka socdaaye
Cimrigey sagaal boqol haddii laga siyaadeeyo

Nimankii iblays igu salliday, suruq anaan keenin
Sadarkayga kuma taal inaan, sahal u raacaaye
Haddii seefo iyo maarre iyo, sumuc la ii qaato
Cadaawuhu hadday igu solaan, sakhara naareedka
Meeshiyo Sawaakimi haddii, la iga seeraarsho
Sekadii Cadmeed iyo haddii, Saaxil la i geeyo
Ferenjiga la saariyo haddii, la igu sooyaansho
Samci maayo sowdkaan ahayn, siinka looxa ahe

Eebbow salaamey anaan, sadarka weydaaran
Maruun baan sursuuraha ka bixi, saymahaan galaye
Eebbow naflii kale sugaye, adigu hay soocin


Sayyid muxammad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Damac

Tuesday, February 13, 2001 - 09:21 pm
Soomaali qabiil lugu kari waa, lagana kari waa! Ee dadow yaan waqtiga lagu luminine caddaaladda ha lagu dadaalo.


Libiqsiga ma seegaan indhuhu saxar ku duulaaye
sici waysha loo xidho hadduu soofka ku abaado
colaan sahan ka soo digin intuu horay u sii qaado
dhulaan summad lahayn iyo hadduu mariyo suubaanno
oo seerihii dhaafiyoo sararro baas geeyo
Subax aan la dhawraynin buu siibanoo tagiye

Somaaligi qabiil laga ceshaa waa sidoo kale e
baryo wuxuu samroo kula noqdaa saahid goga'ayba
saluug laawe waxad mooddo ood sare u qaaddaaba
sixin iyo waxaad subag bartood siro u sheegtaaba
kolka laysa seegeey arrinu yara silloonaato
subaxaa inuu tagi ayay tahay saraaddiiye

Sidiisaba waxaan laba filayn suura galiddiisa
in la saaro may aha awood lagu sakraadaaye
saxariirti aan soo marriyo silac maryaadkeenni
waxay sababta koobaad ahayd saabasaabada e
runtoo soocan oo saafi oo saxarka loo diiday
kolka laydin siiyaad dhahdaan nalama sooryayne
beenaalihii idin sixree idin siyaaseeya
sidi uu idiin loogayoo sumal xalaaleeyay
sacbakow garaacdaan intaad laqanyo suuxdaane
sokeeyiyiyo qabiillada kataga sifo xun weeyaane
soomaali diidaye wax kalo suura gala keena.

Haddiinaan sir wadin waagi hore surimadaan eednay
maskaxdiinna seetiyo haddaan siriqi naafaynin
cadligiyo sinnaantaa mudnaa saacaddoo idile
sabannada maxaa loogu lumin xaajo socon wayday?
Waa su'aal la yaab lehe dadow saxa jawaabteeda.

Halkaa ha sii joogo.

Khaliif Waylac.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED-GOLE

Wednesday, February 14, 2001 - 02:26 am
damac yaa tirey gabaygan walaal?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Damac

Wednesday, February 14, 2001 - 09:04 pm
Axmed Gole, Gabayga wxaa tiriyay
"Khaliif Weylac"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Damac

Wednesday, February 14, 2001 - 09:08 pm
Caddaan fiila cawl iyo guduud iyo cillaan miida
Casaan boosa maarriin cambara ama caways booda
Madow culay ah dugul caynaboo ciiro iyo bay leh
Xareed calash ah ciid iyo ashaad ama cagaar dooga ah
Caarcaar shabeel ama sidii calawyo diirdiirran
Cir guduuda oo qaboon ah kaliyo caawo iyo maalin
Cadar ama cadceediyo ama sidii roobab curanaaya
Caadka iyo daruuraha dhulkiyo ciirigii badaha
Codcod subaga caaniyo baruur coofi iyo jiidhba
Laan caaradeed shay ka baxa ama curdaan yeesha
Wax la cuno amaan calashaniyo waxaan cabbaynoo dhan
Wax codkiisu yeedhiyo iyo waxaan ciyi aqoonaynba
Calaamiyo iyo wixii midab ahee caalamka u muuqda
Cabbirkaaga shay lihi may jiro ood la cayn tahaye
Ilaahow casiis baad tihiyo caadilkii jira e

Macallin Dhoodaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABYE

Friday, February 16, 2001 - 10:54 am
DAMAC

SALAAN IYO BOGAADIN BAYDKAN GABAYAD EED FURTAY
WAAN KAALA SOO QAYB QAADAN DOONAA GABAYO CULCULUSNA WAAN SOO SIDAA EE HALKAAS INOOGA SII WAD.

GABYE