Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Archive (Before Feb. 16, 2001): Saddexdii milyan ee ogaadeen!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gumaysidiid

Wednesday, February 14, 2001 - 01:44 am
Saddexda milyan ee ogaadeen ma'iskadhicin waayeen Cabdulmajiid?
Yay gargaar kasugi?
Allow u naxariiso gob jabtay ayaga uguma horreyn balse gob jabtay qolodii liidatay bay noqdeen.
Inkastoon necbahay cabdulmajiid oon u arko cadow diinta islaamka iyo soomaali Galbeed hadana waxaan layaabay siduu ogaadenoon waligood xabashi looga hoosmarin uu uga hoos maray ugana milkiyey.
Meelcidla ahna usoo taagay.
Way jirtaa inay dad badanoo ogaadeen ah mucaarad kuyihiin gummaysiga laakiin haddana waxaa jira rag badan oo ogaadeen ah oo xabashida aaminsan haba ugu horreyaan Ina Sarhaye Xiddig, Doolaal, Ina Duulane Rafle iyo kuwo kale oo badan oo saasooy tahay aanan xabashida agteeda waxba ka'ahayn ee uun iskajoogo.
Xabashida ninka lashaqayn waxay ka'eegtaa labo shay inuu kadhasho qabiilka ugu xooga badan soomalida ay gummaysato iyo inuu iyada aaminsanyahay, cabdulmajiid midda danbe oo qudha ayuu buuxiyey, su'ashu waxaa weeye aaway raggaa ogaadeenee buuxiyey labada shardiba.
Waa dhibaato haddii wanaagna lagaa badiyo xumaanna lagaabadiyo