    ali ahmed | Wednesday, February 14, 2001 - 05:57 pm Waxaa dhawaan isku yimi aqoon yahanno ka mida jaaliyada soomaali-galbeed ee minnesota, waxayna ka wada hadleen sidii loo raadin lahaa gobanimada soomaali-galbeed. Dood dheer kadib waxaa lagu dhawaaqay urur cusub oo hormuud u noqon doona shacbiga dulman ee soomaaligalbeed. Ururkaas oo la magac baxay Ururka Xoraynta Soomaali-Galbeed,WSLO(Western Somalia Liberation Organization)waxaa ilaa hada members ka ah ilaa 90 qof oo kala jooda Maraykanka iyo Somali-galbeed. Waxaa la sameeyey Gudoomiye Urur, Afhayeen, Xog haye Militari,iyo Xog haye abaabul. Waxaa kaloo la sameeyey gole sare oo la yiraahdo Golaha Sare ee Xoraynta. Ururku wuxuu u mara xaytay inuu soomaali-galbeed ka xoreeyo xabashida wuxuuna culayska saarayaa: 1)Isku duba ridka iyo diyaarinta dadka soomaali-galbeed. 2)Uruurinta, tababarka iyo jiheynta ciidamada xoraynta somali-galbed. 3)Diyaarinta barnaamijkii lagu xorayn lahaa dhulka sida dhaqaalaha, militariga,siyaasada dibada, iyo siyaasada gudaha. 4)Faafinta dhibaatada haysata umada la gumaysto ee soomali-galbeed, iyo fashilinta siyaasada xabashida. ururka qof walba ayaa member ka noqon kara. Barnaamijka oo dhana waa idinla socodsiin doonaa. salaamu calaykum |
    BAARREEYWLL | Wednesday, February 14, 2001 - 06:53 pm sxb cali axmed adna ha is hafrin naftaadana been ha u sheegin. Waxaanse kuu sheegi lahaa inay arrintan wanaagsanaan lahayd haddii wax xoriyada umadan wax ka tari ay ahaan lahayd, balse waxaad moodaa in baryahan dambe dadkii afka noole wada noqdeen, marka hadal kaaga waxaan u qaatay koley aniga shaqsi ahaan in uu qayb ka yahay qorshaha xabashida ee ah qaybi oo xukunt iyo tashwiish ku furida shacbige dhiban ee reer ogaadeeniya, waxaana qiyaasi xataa inaadan u dhalan dhulkaas ee aa tahay mid sida c/majiid iyo sxbadii oo kale khiyaali iyo hawaawi ku nool Wake up man! You are dreaming my language mate and dream like this will never become true!!! |
    cali axmed | Thursday, February 15, 2001 - 05:00 pm TO Baarreywiil: Walaal anigu cidna wax kama sheegin, mana af lagaadoon ee information uun baan meesha kusoo qoray. Kolka hadaad adigu u qaadatay inaan adiga wax kaa sheegay ama aan leeyahay xabashida ha raaco qoraalka dib u akhri. Ururkan hadaad mabdi'iisa kasoo horjeedo xor baad tahaye waxaad tabanayso sheego. Anaga qorsheheenu waa xoraynta soomaali-galbeed. Hadaan taa dani kuugu jirina warkaaga cadayso. Hadii kalana cidi kaama xigtee u halgan dhulkaaga hooyo. Soomaali-Galbeed Ha Xorowdo. salaamu calaykum |
    sacdiyo | Thursday, February 15, 2001 - 11:43 pm cali axmed is hafaryeeye xagee jogaan waxa aad sheegi kathaab beenaale ah, khaa'in ah, waa kuwii jaajuusiinta ahaa ee ONLF-ta kasoo horjeeday waa shaqaale xataa lacag aan ka qaadan Tigreega oradoo dhulkaad leedahay u dagaalan ogaadeeniya uma aadan dhalane, waxba somali galbeed iyo ogaadeenya toona kaama galine Qaablaawe adoo kala ah waan naqaanaaye ibnu huh ibnu huh dhalay, oo sumad laawe ah Bal, inuu wareer sanyahay fiiri hadalkuu ka sameeyey hadalkii mujaahid BAREYWIIL war qashinkan yaa soo foofsaday. oradoo cawska daaq oradoo dareemada ruug |
    Khayr | Friday, February 16, 2001 - 03:44 am Maalin wacan dhamaan. Axmed Cali aad baad umahadsantahay qoraalka fiican eed soo gudbisay. Xaqiiqdii waa arrin uu kuriyoodo qofkasta oo garaad leh kana soo jeedo dhulkaa lagummaysto inkastooy igu adagtahay inaan rummeyo urur caynkaasoo kele ah xilligan lajoogo haddana hadal aad uwanaagsanbaad soo gudbisay luguna farxo qiimana leh. Qolyaha caytamayo waxaan aaminsanahay inay yihiin ONLF oo iyadu waxlaxuso aan astaahilin, waa jabhad ay madax utahay afar muqayil oon riyo ma'ogiyi talo haynin. Soomalida waxay tidhaahdaa waxaa jiro [nin reer dumay dhaqayo iyo nin raad ba'ay qaadayo] labadabana hungo ayey kudanbayni. Lama arag dad rabo inay dhul lawadodago ulabaxaan magac hal qabiil lehna sidaasaan waxkuxoraynaynaa, waa waxaan soconaynin waligeed, waana wuxuu cabdulmajiid kujabiyey ONLF oo markii danbe intooda badan isuba dhiibeen Itoobiya. Magaca qabiilka ee ay labaxeen oo kaliya unbaa lugu jabiyey lagama caqli badno lagama tiro badno lagama lacagbadno lagama geesisano, wax ledheeryahay majiro oon ka'ahayn magacaa lugu nacay. Mar hadday kala qabiil yihiin dhulkiina wadadagaan kalana maarmin wadajirkood la'aantood ay cadawga kaxoroobaynin waa in loo raadiyo magac ay wadawadaagaan oo kulmiya sidaasuu magaca soomaali galbeed darajo kuheli qofkasta oo dhulkaa udhashayna kugu jeclaan kuguna taageeri iyo dhammaan soomalida kale. Laakiin Ogaadeeniya waa majeerteen oo yidhaa Punland Majeerteeniya maalintaas ayaa leelkase, dhulbahante, dashiishe iyo warsangeli tagi, ama isxaqoo yidhaa Isxaaqland inta hadda lasocotoo dhan hadhcadbay kadareeri markaasaa afar iskusoo hadhi. Magaca ogaadeeniya intuu dad taro intuu kagooyo ayaa kabadan marka halagawaynaado si dadka kalatagay la'isugu keeno. Haddii kale kutalogala inaad RAAD BA'AY QAADAYSAAN. Hahirgasho soomaali galbeed intuu udadaashana allow u gargaar. Khayr |
    wwww | Friday, February 16, 2001 - 05:13 am ali ahmed katag telefoonkaaga iyo adereyska ururkaaga |
    Anonymous | Friday, February 16, 2001 - 05:58 am WAR anaa minessota jooga. soomaali galbeed ah ogaadeen ah, shaqo fiican haysta, qaaraanka marwalba baxsha, markasta wax la qabsada jecelna waxii aw iyo ogaadeen ah , absame ah gaadsan ah gurre iyo gariire ah, karanle iyo sheekhaash , shariif iyo reer aw xasan ah urukaana ma maqal la iima sheegin, ee fadlan anaa wax laqabsan karee hal magac uun iisheeg oon la xiriiro. |
    FAAIZA | Friday, February 16, 2001 - 04:47 pm Wallaahi ragedi haday ku heleen cali axamadow lol bal hada wax sheeg hadii kale waa siday Baareeywill iyo sacdiyo sheegeen Tigree ayaad lacag la'aan ugu shaqaysaa umana aadan dhalanin wadanka somali galbeed ama ogaadeeniya |
    cabdi22 | Friday, February 16, 2001 - 06:56 pm waxa aan aad iyo aad ooga yaabaa dhalinta sheegata magaca somali galbeed. dhamaantood waxa ay kadoodaan magacaas "ogade,Onlf". walaalayaal ruux walba oo u mada ogadenia kadhashay waxa uu i dindhahaa dadka somali galbed isku magacaabaw hala daba wareegina magacan ee wax la imaada, marka aad wax latimaadaan ayaan markaas wax wada qabsan karnaa. saa waa ninkan eega magaca cusub layimid ee leh uurur ayaan abuuray, walaal imisa magac ayaa kajirta ogadenia oo aan qaar ku abtirsanin magaca ogaden, waa hiadii aad cuqdad kaqabto magacaas, garan maayo waxa cuqdada kugu abuuray ee, inta aad leedahay mid cusub ayaan abuuray. miyeeyna u ekeen in aad tahay mid isagu wax sii kalafiijin haya oo garab siin haya xabashida. miyaadan ogayn the more oo ay siibataan oraganizationadu the more ay sii dhaciifayso wax wada qabsigii iyo tabartii. anigu waxa aan u arkaa in aad tahay mid raba hadal bilaa macna ah. midakale maxeey yihiin xubnahan magcooda laqaran maad magacooda sheegtid dadkan aad sheegtay titlekooda, ma urur ay kalsoonidiiba kamaqantahay ayaad rabtaa in aad entertaingarayso ama umad wax uqaban kara. maxeeystahay ururka 90 ruux ah ee dadkii kugulanoolaa magaaladaa ayna maqal, miyaad riyo maalmootay, mise xariifkii dadka usheekeen jiray ayaa kuyidhi war ninyahaw bal kawarn hadaan uruka magacan leh sameeyno oo aad aad mooday 90 nin oo dhinacyada kaafadhiay.mise xalay intii aad riyootay ayaad mooday in ay run tahay.laimo meesha wax logic ah oo dadku aqbalikaro. waxaa nasiib daro ah mid walba oo farta somaliga qori kara oo netkana gali kara in uu soo qoro riyo maal meedkiisa, oo waliba inta xun uu kasoo qoro.didakan somali gableed iskumagacaabaw waxa aan idin odhan lahaa riyo maalmeedka kadaaya meesha. hadii aad wax rabtaa in aan wada qabsano la'imaada qaybtiina hadii kale aan idinka dhicino xabishada qadhmuun ee aayara fadhiya oo ilahiina iyo Ogaden suga. nabday |
    abwaan | Sunday, February 18, 2001 - 04:44 pm ONLF maxay dad masaakiin ah waashay. CALI AHMED ma hadal xun buu idin yiri waydinka cayda iyo calaacalka isku raacshaye. Qofkii magaciisa somali galbeed sheegta ma jaajuus baa, idinkoo magaciina dadka siinayana ma saxsan tihiin? NIN MAGAALO KA CAROODAY ISAGAA ISU QABA dhawrka nin ee qabiilku ka tan badiyey dadkiina iska soocay(onlf) bal meeshay wax geeyaan ha la arko. soomaali-galbeed ha xorowdo. abwaan. |
    M/X | Sunday, February 18, 2001 - 05:50 pm mid aan waxba garananyn oo dhan ayaa abwaan isku magacaabay. mida kale hadii runta la'idiin sheego mawaxa aad oraneysaan dadbaa lacaayay ama lajuujuubay. war hadaad dadtihiin wax laimaada oo rag iska dhiciya ha kusoo ordina nimankan jihaadaya ee.onlf iyo shacabka ogadeen toona midna wax macaayo ninkii wax laqabsan oo dhana waa walaalkood gacmo furana waan kusoo dhawaynaynaa. maxay tahay sababta aad oogu wareygaysaan qabiilkan ogaden, iyo magaca ay iyagu labaxeen. hadii aad niman rag ah tihiin idinkuba labaxa magacyada qabiilkiina oo wax la'imaada. afkanoolayaal hanoqonina ee. you guys are all sick and you need to seek a cure for your deseas. i don't understand why you guys are so obsessed about this name. why is it so hard for you to stop this kind of critisism and dsicorougements?? guys, we are fighting for your rights, not only for ogadens but for all the people who live in ogadenia, you have to understand that. if you guys don't like the way our strugle is going on, make your own organization and fight with us not against us. and remember one think, we don't care about what other say, or think and what ever you say, we will keep our struggle until we get our rights from this human bloodsuckers. ethiopia is our no.#1 enemy and we will fight till we get our freedom from them. it's up to you and your people who kept saying something about ogaden people to support us and fight with us or just keep critisising us until the day of judgement. may allah "swt" give us the strength and unity. may allah "swt"make our last word our best word. |
    ABSAME | Monday, February 19, 2001 - 08:01 pm waa mashaakil hadii daku garan waayo dantooda war somali galbeed sheego ama ogadenia xabashi ayaa nagumaysata aan ka xorowno hadaan wadajir kuwada socon weynanyna orda kuwa ONLF diidanoow labaxa waxaad rabtaan oo idinkoo dagaalamaya hala idin arko hadii kale ilaa iyo wakhtigii gumaysiga cad ma madoow waa jiri jireen kuwo dadka ka hor istaaga khayrka iyo wanaagee kuwii oo kale iska ahaada oo galada u hiiliya |
    MACOW | Wednesday, February 21, 2001 - 12:11 pm MAXUMA HADDII AAD RUN AY TAHAY URURKAN LAKIIN NAFTAADA HA U BEENSHEEGIN OO TABARTAADU YEYSAN NOQON INUU FICIL KU QAADO OO NACEEN AAD U QABTO ONLF OWGEED AAD BEEN ABUUR HALKAN KU BEENSHEEGTO. HADDII AAD DOONEYSO URUR DHISAN WAA JIRAA EE TAGEER ISKANA DAA HADGUDUBKA. |
    Salaxley | Thursday, March 08, 2001 - 10:41 am Ogadenia ma dalbaa ama qabill? Dadka markasta ku dhawaaqaya umada Ogadenia wey khaldan yihiin. Ogadenia dal maaha ee waa qabiil doonaya inuu dadka sida tegreega ama si ka xun u xukumo. ONLF waa jabhad qabiil mana matasho dadka somalida itoohbiya. Idinku hadaan tihiin ogaadeen ma doontaan in uu ninkale soo baxo. Absame idinkuma raacsana magaca qabiilkiina magacyo kaleetey leeyihiin. Ma doontaan inaad carabka marisaan magacyadooda naceyb aad u qabtaan Jow. |
    koshin | Thursday, March 08, 2001 - 01:15 pm Salaxley: Walaal ilaahay ha ku caafiyo nin jiran baad tahay absamena iyo jidwaaqtoona mamatashid ee aduunka u dhaba gal fiiri meeshii ku anfici oo ONLF faraha kala bax. |