    SHUKRI HUUNO | Friday, February 16, 2001 - 06:02 pm DHAMAAN SOMALIDA REER OGADENIA SALAAN KAL IYO LAAB AH Bishan aan kujirno ayaa waxaa imaaday magaalo madaxa gobolka Afdheeer ee Hargeelle wafdi ku sheeg ka socda magaalada addis-ababa waxayna wafdigaa isku dayeen inay lahadlaan shacabka somaliyeed ee magaaladaas dagan balse dhagax tuur culus ayaa ka dhacay iyo foodhi (orin) lagu diidanyahay hadalka xikmad la'aanta ah ee wafti ku sheega Kadibna waxay la kulmeen si gooni ah odayaasha magaalada qaar ka mid ah, waxaana layaab noqotay nimankaas soo booqday magaalada waxa ay kala hadleen odayaashaas wuxuuna u dhacay sidan hoos ku qoran Waxaan nahay wafdi booqasho loogu soo diray GOBOLKA waxaana u gogol xaadhaynaa booqashu uu ku imanayo halkan R/wasaaraha dowlada ama madaxweynaha wadanka (waligii hada ka hor midna kuma imaanin booqasho madaxwynaha iyo R/wasare Males Zinaawi toona) oo la rabo in lagu furo isbitaalka magaalada loo dhisay ee ka kooban 2da dabaq iyo xero ciidamo militari oo laga samaynayo magaaladiina si nabadgalyadiina loo sugo (ogoow waa mid kamida meelaha ugu xasiloon dhulka ogadenya) waxaana arintan soo dadajiyey ayey dheheen kadib markay ciidamada dowladu u baahdeen Isbitaalka wayn ee magaalada dhawaan loo dhisay si loogu daaweeyo askarta soo dhaawacanta, isagana ah kan ugu dhow xuduudka somaliya waxaa kaloo la idinka rabaa in aad gacan ka gaysataan nabad galyada shirkad baadha sidaalka oo Canadian ah oo imandoonta meeshan mar dhow Xusuusnow waa wafdi dhan oo ka socda dowlada federalka Ethiopia! Odayaashii ayaa af hayeenkoodi u hadlay sida caadadu ahyd iskama aysan garab hadline Odaygii u hadlayey odayaasha ayaa yidhi hada ma intaasaad noogu socoteen mise waxbaa idiin dheer (ogadenia lagama waayo geesi dhiirane) waxa dhaheen maxa ka wanaagan haddii isbitaalkiinana la idiin qalabeeyo dhulkiinana shidaalka ku jira la idiin baadho!!!???!!! Odaygii: Aniga i maqla,nimankiinan xabashi ka socda, xabashi haday wax noo qabanayso 100 sano ka badan ayey balan qaad aan la fulinin nagu soo waday, caruurtaanada oo noolna guryaha kuma aysan gubteen haday inaba noloshaanada rabto aniga waxaan ahay 79 sano, aniga aabahy xabashi ayaa dishay aabihii sidoo kale aniga 2 dhaawac ayaa igu yaala oo anoon waxba galabsanin idinkan ciidankiinu igu dhufteem(Tigreega) hadana cimri ilaahay ayaa isiisey Alxamdulillaah hada hadaad i gowracdaan kuwii hore kama fiicni janadana ilaahay ayaan ka rajayn inaan gacantiina ku galo, marka idinkama sugayo dil maahee nabadgal iyo horumar sidaa darteed hada nalaaya hadaad rabtaan laakiin askar dhaawaca intii magaaladaanada xero looga dhigo gabdhahaanaga naga kufsan mahayaan taasna waxaan ka xignaa inaan magaalada dhan idiinka guurno markaa aad degtaan idinku sidaa uun ayaana yeelaynaa hadaad askar xero uga dhisataan dhulkan waa kaanagi si loogu noolaadana waan naqaana idinlama dagaalami karo oo hub aanan haysan ayaad haysataan laakiin idiin seexan mayno hadaad dhib intan ka badan noogaysataan(xasuusnaada magaaladaas hada ka hor xero militari kama dhisnayn kaliya Police ayaa joogta) wafdigii ayaa ku yidhi odayaashii hadalkan uu odaygan waalan ku hadlayo miyaad la qabtaan. Afbuuxa ayey ku dhaheeen HAAAAAAA Waan la qabnaa waana siduu sheegay hada nalaaya hadaad rabtaan. Wafdigii waxay dhaheen ama oglaada ama diida sababti isbitaalkan loo dhisay sidaas ayey ahayd (in askarta Ethiopia ee somaliya ka dagaalami doonta dhaaaceeda la keeno sidaa darteed naftiina u baqa oo sifiican haloo soo dhaweeye madaxda wadanka ee idiin imaan doonta, nabadgaliyada dowladu wadana ka qaybqaata, caruurtiinana daawo u hela! (hada ka hor caruurtoodu daawo malahayn la soco cajiib!!) |
    SHUKRI HUUNO | Friday, February 16, 2001 - 06:03 pm Sorry waan idinku dheereeyee laakiin daruruuri ayey ahyd Waad mahadsantihiin |
    Suundhurwaa | Saturday, February 17, 2001 - 12:55 am Shukri_shiino Aad baad u mahadsantahay warka waa muhiim waana mid la xiisaynayo aqriskiisa . Fadlan haka caajisin in aad noosoo qorto wixii cusub. |
    qabridahare | Saturday, February 17, 2001 - 01:28 am shukri huuno walaal aad ayaan ugu bogay sida hufan eed arrintan uga soo warantay waana wax loo baahanyahay walaal waxba ma aha dhererka sheekada hadii warku qiimahas oo kale leeyahay hadaad akhrido newspaper-da markii wax muhiim ah laga hadlayo xataa intaas way ka dheeryihiin Allaa mahad leh kadibna somalinet oo noo dhibyaraysay iska warqabkaanaga mahadsanid markale walaal shukri huuno |
    Najmo | Saturday, February 17, 2001 - 05:24 pm Huuno Shukri-huuno waan ku salaamay waadna ku mahadsantahay warakaaga dhaxal galka ah Halkaaga kasiiwad dadaalkaaga wayn |
    QALACOOW | Sunday, February 18, 2001 - 12:42 pm somali ma mar bay xabashi ka sugaysay wanaag war wax ha la iska dhiciyo gaal xabashi ah waa uun kii aan naqaanay |
    aga..eega | Sunday, February 18, 2001 - 05:43 pm aduun waa uun ladaalai |
    Caydiid | Monday, February 19, 2001 - 07:43 am War kiliya wax ma taro,waran baa wax tara lagaaga weecdaa,war waan hurudnaa ee hurdada kaca,waa in aan taageeraa halganka,una niyoonaa Jihaad runtii waa jahaad,Thiopia waxay ka soo horjeedaa muslimada,waxaana taas daliil u ah maanta gabdheeheenu Xijaab kuma qaadan karaan Ogaadeenya,waa in aan iska iloownaa waxyaabaha gumaysigu abuuray ee ah qaybi oo xun. Caydiid |
    Faysal Dhagafiin | Monday, February 19, 2001 - 07:35 pm salaan dhamaan walaalayaal Mahadsanid walaal shikri huuno Waa sidda sheegteene jihaadka hala galo gaalna waligii sidan unbuu nagu wadi, dilka, dhaca, xasuuqa,xaqiraada, iwm, iyo gumaysi aan dhamaanayn. |
    CARFOON | Tuesday, February 20, 2001 - 03:10 am waxaan salaamayaa walaalhayga reer ogadenia ee marwalba lasocda arrimaha ka dhacaya dhulkeeni hooyo sida shukri huuno waana in wadankii sidaa looga soo waramaa runtii arrintan meeshaan ayaa iigu horeeyeysay xataa in isbitaal saas uweyn laga dhisay magaaladaas xuduudka kutaala ama u dhow kadib dad aan weydiiyeyna waxay iisheegeen in markii horaba lala yaabanaa Hospitalka intaa la'eg waynankiisa danta laga lahaa balse hada waa cadahay iyadoo markii horaba sidaas uun ay dadka deegaanku u fasirteen waad mahadsantihiin |
    shaakir | Tuesday, February 20, 2001 - 06:23 am hadaynaan is difaacin difacin, dalkeena ag joogsan ag joogsan, miyuu dulli dayni nadayni, oo dadkiisa dulloobay dulloobay, dib loosoo dar yeeli daryeeli |
    SAAHID | Wednesday, February 21, 2001 - 08:55 pm Agaaa waraayda ina'aabooyinoow ma idinkibaaa |
    RUWEYDA | Thursday, February 22, 2001 - 05:09 pm walaalayaal ree somaligalbeed ma dhib intaa dhan ayaaba idin haysta oo waxaan moodaa inaad tihiin sida somalida kenya(N.F.D) oo dhib iyo dheefba qabtaane illeen kuwaasba waa lagumaysataa laakin Hospitals iyo iskuulaba way qabaane Ilaahy dhibka ha idinka bixiyo walaalayaal idinkana dadaala haduuba sidaas u waynyahay |
    kukucade | Saturday, February 24, 2001 - 06:28 pm aar hooy xabashi xaat ka rabyaan hadayba xamar imaan rabtaaye |
    SUAALE | Sunday, February 25, 2001 - 04:43 pm Su'aal To Ogaadenian and Ogaanka naftiisa Brs and siss waan ognahay in la idin gumaysto laakiin ma waxaad naga dhaaadhcinaysaan magaalo madax gobol ayaan hal Isbitaal lahayn oon dhakhtarna joogin haba xumaadee waxay ilatahay warkiinaas sax ma aha marka naca xabashida garanay waana wax jira laakiin idinkana warkiina dib ugu noqda Beentana waxaa ugu xun tan kugu soo noqota isla markiiba. markaad dhahdaan magaaladaas malaha isbilaal hadana ay yelato waxaa meeshaa ka cadaan inaad warkiina aad ku dar dartaan laguna kalsoonaan karin idinmana lihi hada magaladan isbitaal ayey leedahay ama malaha laakiin??? Khaladna yaan la iga fahamin waayo xabishi nin somali ah oo jecel majiraan xataa Cigaal, C/llaahi yusif, suudi. ina caydiid, caato kuwaas oo ah kuwa ugu dhow dhow mudadan danbe Ee waxaan leeyahay wax progama laakiin wax macquula ha noqdo |
    SHANTA | Sunday, March 04, 2001 - 08:57 pm Ciid wanaagsan dhamaan muslimiinta, gaar ahaan somalida siiba dad reer ogadeenya oo ugu horeeyaan mujaahidiinta ONLF (jowxo) iyo taageerayaashooda |
    kaaficade | Friday, March 09, 2001 - 06:11 am ax kasoo siyaada meshii xabashidu qasayay Radio Xoriyaan ka dhagaysatay waana rumaysatayu sxb tnx |
    kunjeer | Saturday, March 17, 2001 - 09:17 am akkkakakakakkakaakkakakaakak |
    sundus | Saturday, March 24, 2001 - 11:07 pm maxay idinla tahay in jidka laga dhisayo gobolka af-dheer iyo liibaan ee la sheegay in lacag badan ku baxayso in uu hirgali doono iyo in kale? |