Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): O.N.L.F.ma,axmaaraday lashaqaysaa mise waykasoohorjeedaa??/
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 21, 2001 - 07:53 am
walaalayaal iiga soojawaaba su aashan oo muhiim ah anigu waxay ilatahay O.N.L.F.iyo O.L.F.labdaas ururba inaya axmaarada ushaqeeyaan siyaasad ahaan shcabkana wjikale latusaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 21, 2001 - 12:05 pm
onlf waxay ka taagantahay ololah na lagukala furfurayo. oo waa dad near sighted ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Koshin

Wednesday, February 21, 2001 - 02:46 pm
MR.Anonymous

Waxaan filaayaa inaad tihiin dad jiran oo xitaa suaashooda aan dhiibanin karin.

1. Bal fiiri qoraalkaada, waxaad leedahay iiga soo jawaaba su aashan oo muhiimka ah? Adigoo su'aashii aadan naweyniin ayaad haddana uu boodeysaa waxaa aykula tahay taas ood ku tilmaamtay in ONLF iyo OLF ayaa u wada shaqeeyaan gumeysiga.

2. Hadda su'aashadu maxay tahay?

3. Sidee ayaad ku gaartey arragtidaad ah in ONLF ay u shaqeyso Gumeysiga?

4. Ninka kale ee yidhi ONLF wey aragti gaaban tahay adigana wax nooga taab taabo sabab ah aad ku
keen tay arintaas?

Haddii aad dooneysaan inaad wax kala fa'iideysano fadlan hadalkiina faahfahiyo oo su'aalihiin sifiican u dhiibta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Indhacaro

Wednesday, February 21, 2001 - 06:29 pm
Koshin waan kusalaamy saaxiib marka hore!
marka labaad waxa aan jecealahay in aan kala wareego ninka qoraalkan soo qoray qoraalkiisa. ninyahaw inbadan ayaan ku arkay magacan somalinetka, koleey in uu hal ruux yahay iyo in uu yahay dadbadan ma'aqaano, laakiin intabadan waxa aad u egtahay nin sifiican u hadla.

walaal waxa aad inbadan kahadashaa arimaha gobalkaas ogadenia aniga oo filaya in aad garabsiiso ururka onlf, waayo dhawr meelood oo aad kaga hadashay ayaan arkay waxa aan saas u leeyahay. calaa kuli xaal aan soo dhaaco mu hiimadii aan lahaa.
maadaama aad difaacdo uruka ONLF waxa aan jeclaystay in aan kuweeydiiyo su'aalo raalina iga ahaw hadii aan wax khalad ah kuwaydiiyo ama aan sixun hadalka kuu waydiiyo.
waa sidan su'aalahaygu walaal
1. ONLF Dagaalka ay wado maxuu kudhisan yahayn?
2. Dadka waayeelka ee Jooga Wadankii gudihiisii maxuu u arkaa dagaalka ay ONLF eega wado?
3. raali Makayihiin dadka dagan wadankii dagaalka eega soda, ONLF mase kaltashadaa shacabka dagaalka ay wado? " hana iigu jawaabin waxa dagaalka waa shacabkii, xaqiiqda ladadeenuba waan ognahay"
4.ONLF maxay u ogashahay dadka aan Ogadenka ku abtirsanin??
5.ONLF madad ay udagaalantaa mise Dhul? ma xabashi kali ah ayeey ladagaalantaa mise shacebkii ogadeenka laftiisii ayaa maalinkast gacanta ONLF ku dhunta?
6. ONLF naf halagooye mooyee naf halanooleeyo maxeey kudiiday??
7. ONLF nin geeljire ah mooyee maxeey shacabkale u raaci layihiin oo xabada socota ooga qayb gali layihiin hadii ururka lagu kalsoonyahay?" geeljire ay maskaxdii kaxadeen wiilal yaryar oo Europe iyo North america jooga mooye ruux kale xabad maridee??
8. shacbkii kudhintay gacanta xubnaha ONLF ururka ONLF maxuu kayidhi?
9.shacabka Ogadenia maxaa kaduway shacabda kale ee kunool ethiopian inteeda kale. gobalada kale iyaga oo lalaayo oo wax garadkooda laxidho oo xabiska tigreegu kugaracaanaa ayaa hadana loodhisaa high schoolkis, general hostpitals, beero loo maalgaliyaa, iwm, marka maxeey tahay waxa inaga inaga dhulkeenii kadhigay sidii ay Aadam iyo Xaawa kaga tageen?kabasiidaran.
10. adiga ahaan maxay kula tahay in laga laga bixi karo dhibkan. hana ii adeegsan erayadii dhalinta onlf ay udeegsan jireen dadka aan waxba ogayn?
be yoursself, give your me own ideas, your own views.
hadaan hadalka badiyay ama su'aalo isku nooca kusoo celceliya raali ka ahaw.
and remember i am ogaden too.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daf iyo Miriq

Wednesday, February 21, 2001 - 09:17 pm
Indhacarow waxaa filayaa in Indhaha Caro kaaga buuxdo,Dhagahana ma kaaga buuxdaa? waxaan ufilayaa in aad tahay kuwa ay dhibto ONLF ee diidan Ogadenia haddaad tahay ONLF waa urur u dagaalama Ogadenya ee wax la imoow,haddaad diidan tahay halka Ogadenia waxaad tahay Tegray taagaare,ma la socotaa taariikhda mise waad iska dhindha tiraysaa,mise waxaad tahay nin aan waxba ogayn ah lax dhukan Col iyo abaarba moog.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somaligalbed

Wednesday, February 21, 2001 - 11:51 pm
Waxaan rabaa inaan inyar dadka waydiiyo hala'iskadhaafo aflagaadada qofkii dad waxwaydiiyo sicilmiyaysan haloogu jawaabo illeen su'aalo jawaabbay leeyihiinee.
Aniga su'aashayda waa sidan:
Ogaadeeniya dhulkay kakoobantahay ii sharax degmooyinka iyo gobollada ay kakoobantahay.
Midda kale aniga ogaadeen ma'ihi kamana soo horjeedo jabhaddooda laakiin ma'aaminsani in degmada aan dago layidhaa Ogadeniya ama ay ONLF igu xukunto.
Waxaan aaminsanahay inaan walaalo nahay wadodhalanay kunakhasbannahay inaan dhulka wadoxoraysanno, si marka ay taa udhacdo waa inaan isugu nimaadno magac noowadodhaxeeyo oon ahayn magacqabiil.
Hadda xilligan lajoogo ma'aaminsani in dagaal lalagalo tigreega waayo maxaad kuladiriri waxaad islahayso majirto bal ilaahbaan kugudhaarshee iswaydii intay kadagaallantaa ONLF meel kale waa dhowr dagmo oo lagarabo oo qudha.

Aniga waxaan sammeeyaa wax ururin si'aan dadkayga aqoontooda korugusooqaado dagmadaan kasoo jeedo waxaan kadhisay dugsi hoose 1993dii haddana dugsi dhexe 1995tii haddana waxaa iisocoto hawshii aan kudhisi lahaa dugsi sare miisaaniyadda waan helay iyo qalabkiiba waxaan raadinayaa macallimiin kabixi karta xilkaas waxbarashada Agoosto ayuu yahay qorshuhu inay dafcadda ugu horreyso billowdo oo kakooban 52 arday.

Intay soomali kamidoobi ooy kanoqoni ummad isku aragti ah waxaan kudadaali waxbaridda iyo horumarinta dadkayga, maalinkay dagaal loowadodhanyahay noqoto qalabkayga ayaan lasoo bixi dagaalkana docdayda kagali. Markay noqoto dagaal qorshexumo kusocdo oon billow iyo dhammaad lahayn banaaankaan ka'istaagi.

Markaa mawaxaan ahay jaajuus tigraay.
Fadlan su'aasha sifiican uga jawaab cayna kadheeroow qofaan carrab dheer lahayn oon waxcaayikarinna majiro.
Halshayse ogow aniga madagini dhul layidhaa OGADENIA umana ihi muwaadin oo ma'aaminsani OGADENIAN waxaan u'arkaa magac qabiil soomaliyeed oo urur kasta labixi karo laakiin waa dhulka ay dadkiisa dagaan oo qudha.
Waynu isfahamnay soomali
Jawaab wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

indhacaro

Thursday, February 22, 2001 - 06:18 am
To: somaligalbeed:
walaal horta fikrada fiican eed latimid waad kumahadsantahay. horta runtii ninkii caraatamaa isaga ayuu kuyaalaa afkii caraatamay nina wax kaga jari maayo. hala ha ogaado ninkii caraatama in uusan ruuxa wax yeelin.

sxb Daf IYo Miriq, bal maanta oo dhan i cay bal in aad wax igaga jarto. su'aal ayaan kuwydiiyay walaal ninkii ONLF waxa ay wado laqumanaanwaydo Tigree ayuu jaajuus u yahay miyaa? waxa aan filyaa in aad tahay wiil yar marka wax lagaaga jawaabo garan maayo.
To: somaligalbeed
walaal hadii aan kaaga jawaabo su'aashada ogaden gobolada uu dago, hadii aan xaqiiqda kahadalo waxa aan filayaa ruux kasta oo dagan gobolkaas waxaad doontaba kumagacaw oo in uu ogyahay meelaha ogaden dago. Hadiise ay iga maarinsiiwaydo in aan kaaga jawaabo su'aashada Tigreegu waxa gobalkaas u qaybiyay 9 Degmo. sagaalkaas dagmo laba Degmo mooyee intakale Ogaden qabiilka ladhaho ayaa daga. hadiise lafiiriyo meelaha ogadenka qaarkiis daganyahay meelo xaataa kabaxsan Ogadenia ama somaligalbeed ayeey dagaan ogadenku. tusaale ahaan Fiiri magaalada Nazret waxaa lagu iibiyaa Caanihii iyo hilibkii Geela Ogadenia. midakale marka aad waxyar Nazret kabaxdo oo aad Diredawa u socoto tuulooyinka oogu xiga Nazret mid kamid ah waxaa daga Ogaden kali ah. waad aragtay ayaan umalayn ciyaalkooda oo wadada lataagan biyo oo kudhawaaqaya Biyo qabaw biyo qabaw iyo khudaar yaryar iwm. hana uqaadan faan iyo been waad aratay ayaan umalyn hadii aad wadadaas ku martay bus ama aad tagtay Nazret, lagana yaabe in aad kasoo cabtay. taas waa iga intaas.

Xaga wax barashada horta ninyahaw nin aad iyo aad iyo u caqli badan ayaad tahay runtii ruux intaas dadkiisii u qabtay oo magaca Ogaden ku abtirsada majiyo ayaan filyaa. taasaa waxa aan kuleeyahay walaal nin wanaagsan ayaad tahay hadii ay run kaathay iyo hadii ay kaatahay hindiseba waa arimaha loo baahanyahay in lagu soo kordhiyo goblakaas. runtii aad iyo aad ayaan oogu faraxsanahay.

u danbayntii walaal in aad onlf taageerto qasab ma'aha hadii aadan ku qanacsanayn sida ay dagaalka u wadaana matihid jaajuus tigree. dadku kala waa kala aragti duwanaan karaa, laakiin muhiimadu waxaa weeye in wax lawada qabsado, oo la'iska dhaafo minjo usu qabashada Gumaysiga.
ceebna ma'aha in ruuxu dhaho anigu kumaqanacsani magacan la'imana dhaho ee walaalayaal magacan hala igabadalo hadii aad rabtaan in aan wax wada qabsano.
Aniga indhacaro ahaan runtii waan jecelahay magaca ogaden laakiin waxa aan diyaar u ahay wax kasta oo isbadal ah oo aan kabixi karo gacanta guumaysiga. Magacan in aan anigu sidii dhagmaayadii kudhagno ma'aha idinkuna in uu magacu qumac olalaya idinku noqdo ma'aha.
laakiin walaal lasoco ninmanka onld ladhaho waxa ay ku andocoon hayaan in ay iyaga kali ah eega wax wadaan ama yihiin waxa dalkii kadhadhaqaaqay taas oo runtood ah marka iyagu waxa ay lasoo taagan yihiin markii aan aragno ruux wax qabsan haya oo wax wata diyaar ayaan unahay wax walba laakiin inta af madhan lahayo oo magacaas lagu wareegaysan hayo nin wax kadhagaysan meeyno. runtiina taas xaq ayeey uleeyihiin. waayo nin maalin walba dhiman haya nin sariir hurda waxa uu kadhagaysan ayaa iska yay
markase taas looga hortago waxaa ila quman in la'arko dad dagaalamaya ama dhaqdhaqaaq kale wada in la'arko oo aan ogaden ahay. xabada oo kali ahna ma'aha halganku.
hadii aan ruux wax u gaystay raali hala'iga raysto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUUBAAN-BALAL

Thursday, February 22, 2001 - 07:05 am
To indhacaro.

waa wax aadloolayaaboo in qof normal ah oo udhashay wadankaa Ogaden sidaas ookalee uhadlo!
waxaan filayaa inaadan taariikhda waxbaa ka'ogeyn marka hore manatihid "thinker" sida iigacad hadalkaada, ilamahaa inaad waligaa kafikirtay waxa aad usheegii doonto ubadkaada iyo sida aad ugajawaabi doonto su'aalaha aay kuweydiin doonaan!

Aniga madoonayoo inaan taariikhda kuusharxu, micnana sameynmaysoo inaan hal su'aal maalinkastoo kajawaabno. ONLF is on mission and it's goals are clear.
Qofkastoo siduurabo ha'ufikiro wuxuu rabana netkan hakuqorto waxaadsi ogaataa umadda Ogadenia self-determination oonbaa doonayaan waxa ay udhamanayaan waa xaq madaade dhulka ayaga leeyihiin, reer Ogadenia dhulkale madoonayaan waxey doonayaan waa dhulkooda iyo diintooda ooxor unaqdaan only.
in the other hand, waxaad qortay in geeley oo kale dagaalamaan!
taasi waxaa adi iska dhaadhicisay waaye, definition ka dagaalka waa saddex:-
(1) Adin
(2) Maal
(3) iyo Af
Aqoon yahan iyo geele iyo students all diyaar waan unahay inaan dalkeena xoreynoo
indhacaro, hadaa ogolaanin inaa dhimatoo waligaa xor manoqoneesid!!! FREEDOM WORTH EVERYTHING!

Life is too short
make history for the next Ogaden generation.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MJ

Thursday, February 22, 2001 - 09:33 am
markay u muuqatay wax garad badan oo soomaali-galbeed(ogadenia) ah in aan dawladdii markaa soomaaliya ka jirtaye daacad ka ahayn halgan waxtar leh oo wslf gasho. markay caddaadatay inaan hoggaaminta wslf xor u ahayn majaraha halganka, soomaaliyana rabto in ay u maamusho sidii gobolkii 19aad ee S.D.R. ayaa sannadkii 1984tii aqoonlay dhallin yaro u badani g'aansatay
in wax madax bannaan la sameeyo.

dhawr magac baa la isku qabtay kan baana kasoo baxay.dad faro ku tiris ah baa magacan doortay ee
quraanka lagama soo daalacan,I;E waa la badali karaa haddii lagu heshiiyo.
yuu matalaa? in alla intii soomaali ah ee itoobiya gumaysato, ama ha taageersanaadaan ama ha diidanaadaan.
dhulkiisu waa illaa intii soomaali leedahay. way jirtaa dhul badan baa oromo innaga dhaxaeeya,waanan kala xaajoon doonnaa si nabad ah inshaa -allah.
waa wada geel jire? nonesense. haddii geel jiraheennu somalinet forum wax kala soo bixi karo
maynaan sagaaro biyaha way cabtaa iyo ma cabto iskuba haynayn, ee mar hore baan xataa magaca mid kale oo ka fiican la bixi lahayn.
Dadka si naxariis darro ah bay isaga laayaan? horta ilaahay ha unaxariistu qofkasta oo islaam ah oo gacan ka xaqdaran ku dhinta, laakiin su'aashaas anigu dhawr meelood oo lagu hadal hayo baan joogay illaa generaalka hadda ururka haysta, xoghayaha ururka, madaxa N. America ee ururka waan waydiiyay illaa hadda wax cad oo lagu soo oogay waan waayay, haddii aad xaqiiq hayso fadlan noo sheega si aan ugu qasabno inaysan dadaka layn.
Dadku waxay qabaan ONLF waa ogaadeen urur u dhisan , waxse kama jiraan, taageerayaashiisaase ogaadeen u badan.
Dan iyo haatan fadlan isku meel baynu wax u wadnaa ee aan is kaashanno.
ummaddani hal cadaw bay leedahay, waana gumaysiga
intaa ONLF, WSLF, ciiltire, itixaad, tadaatum etc
hal hadaf bay wada leeyihiin waana gumaysi diid.
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hawd-boy

Thursday, February 22, 2001 - 02:02 pm
ONLF Hadaan nahay reer somali-galbed dhibaato ayaa noogu jirta sababtoo ah dhulka iyo dadka soomaaligalbeed in lakala qayb qaybiyo ma fiicna, oo qaarba cida degan isku magacawdo(sida onlf samayso, ciisuhuna damceen inay sameeyaan waagii iglf)
Hadaba ONLF dadkeena dani uguma jirto, laakiin anigu uma malaynayo inay onlf tigreega u shaqeeyaan ee waxaan isleeyahay siyaasad xumaa ugeysay inay inay dadka kala qaybiyaan.
salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JABHAD

Thursday, February 22, 2001 - 03:21 pm
AGAA~~~~AAAGAAAAAAAA~~~~~~~~~~~

ONLF XAQ WEEYE KANAXOOW NAFTA WAAY!!!!!!!!!!!!!!!!!
OGADEN NATIONAL LIBERATION FRONT KAAN RABINOOW SAKIIN LAQ~~~~~~~~~~~~~~~~// WARYAADA KADOODI MEYNO MAGACA OGADEN<<< DHULKAA OGADEN BAALAYIDHAAHDAA HADAADAN DOONEYN BAL TUULADAADA OLABAX WAXAAD DOONTO WAA HOWL ADIGA KUUTAAL// UMADA OGADENIA ILLAAH BAA TIRO IYO DHULBA SIIYAY ILLAAH BAA MAHADAA LEH DADKIINA CUQDADA DISHAY WAXBA IDINKAGA MABAAHNA EE ADINKI BAA TIGREE GABDHAHIINA INTAAD UGEYSAAN OGADEN WAX KAGOOYA IDINKU JIRTAA BALSE OGAADA INAANu XOROOBI QOFKASTANA WUXUU GEEYSTAY UUMUDAN////////

DHALINYARO OGAADEEN WAYDHAARATOO DHAWAAQA DHULKOODA AYEY DHIBSADEEN!!!!!!!!!!//

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SG

Thursday, February 22, 2001 - 09:37 pm
Indhacarro waankusalaamay:
Waxaan dadka kaagalasoo baxay ma'aha uun inaad sifiican iigu jawaabtay, ee waa hadal qiimo leh runna ah ayaad soo qortay, waxaana aad ufiican in adoo kale oo badan lagahelo Ogaadeen waayo maahaah baa ahay rooroorena lahow reereebana lahow.

Arrinta aniga mashruucayga kusaabsan waa arrin jirto Qaybta waxay igu qaadatay 3240 USD waxaan usoo qorayna ma'ahayn faan ee waxaan soo arkay dhulkii xaaladdiisa marka waxay iga ahayd wacyigalin bal inay kubaraarugaan dadku arrintaa.

Arrinta dhulku inuu ogaadeen dago dhammaan runbay ubadantahay laakiin meelo ayna daginna way jiraan meelo lala dagana wayjirtaa ama halooga badnaado ama yaan looga badnaan.
Inay ogaadeen kaligood diriraan maanta inay halganka waligood hormuud u ahaayeen inayna somaligalbeed xorayboonin la'aantood inayna iimuuqan qabiil kale oo leh awood ama kalsooni ay halgan kubillaabaan, inay ogaadeen yihiin dadka soomali ugu gobsan uguna dulqaadka badan uguna gaalo naceb, wax muran ah kamataagna waanan qirasnahay soomaalida way isxaqirtaa laakiin aniga siday wax ujiraanbaan usheega.
Wakhtidheer mahayo oon kushrxo mawduucayga ee hal ilafaham.
Ogaadeen ayagaa lagasugi inay dalka xoreeyaan ee waa inay labo mid sammeeyaan:
1- inay magacan lugu diidanyahay ee dhurwaayoo dhan qiil kadhigtay ay baddalaan si'ay kubadalaanba.

2- Ama inay ogaadeenoo dhan mideeyaan hal meelna kasoo jeediyaan dagaalna galiyaan markaa umalayn maayo inuu qabiil kale hadhi ee halganka waa lawadogali magac kasta halla isticmaalo'e.
Waxaan filayaa inaad ihfahamtay aniga iyo adigaba xogogaal baynu nahay.
Magaca ogaadeeniya kaligii ma'aha dhibka ee waxaa kadaran sida waxloowado.

Ogaden shaqada xoraynta dhulka iyaga ayey sugi ee waa inay sidii lugu hirgalin lahaa wadadeeda qaadaan, ma'aha inay dadkii ay waligood horseedka u'ahaayeen hoos usoofiiryaan.
Haddaan lakala roonaan roobku mada'een.
SG

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

indhacaro

Friday, February 23, 2001 - 05:29 am
SG
walaal waan kusalaamay!
horta ninyahaw waxa xaqiiqda ah waan wada ognahay. ruux kasta oo caqli leh oo kayimid gobalkaas waa ogyahay, laakiin dhibka ina haysta ayaa waxa uu yahay aniga laftenii ayaa dafirayna nafteenii. horta xaqiiqda marka laga hadlo dadkeenu wuu bukaa waxaana haya cudur qabiil, ilaa oo kaas daawo loohelana wax socon majiro. mida aan aad iyo aad oolayaabay waxa ay tahay, ruux kasta oo aan lakulmo oo somali ah waxa uu qirstanyahay in dadkii cudur qabiil ladhaho hayo, laakiin markii aad dhahdo adigu cudurkaas aadh sheegtay calaamadihiisa ma isku aragtay waxa uu ku odhan hayaa ilaahey kaas waa iga caafiyay. marka waxa aan garan waayay ruuxa cudurku hayo. ruux walbaa oo somali ah waa qirayaa in uu cudurku jiro hadana ma'ogala in uu isga hayo.
hadii aan cudurkii lahelina daawadiisii sidii lagu helaa waa dhib.
ilaa oo aan cudurkaas kuligeen wada qirano oo aan iska dawyno mooyee wax xornimo ah iyo wax mawaafaqo ah oo leheli majirto. war inagii muslimka iyo somalinimada sheeganaynay ayaa is dafirayna oo isku xad gudbayna ee sidee dawlad idil looga xoroobi.
inigu waxaan samraa oo aan dhahaa dadka somalida ah ee dagan gobalkaas waa kufiicanyihiin in xabashi qadhmuun guumaysto waxaa weeye marka aan imaado this web page. walaalayaalo bal waxa aad fiirisaan inta meelood ee ay isku qaybiyeen.
wardheer, qabridahar, jigjiga, even iyaga dhexdoodii ayaaba isasii kala qaaday. marka walaalayaal sideen ku helaynaa xaquuqdeenii hadii anigii aan isdulmino.
horta halkan waxaa iiga cadaatay dadka ladhaho reer qabridahare in ay somali oogu qabyaalad badanyihiin, cudurka oogu badana uu iyaga hayo. waayo waxa bilaabay kalaqaad qaadka iyaga ayeey ahayeen. hadan waliba iyagii ayaa qoos qoos isu sii kala qaaday. ilaahay cudurkaas dawo ha idin kasiiyo. hala ogaada inagan wax qoraya reer qabridahar ayaan ahay.

TO: suuban balal
walaal caruurta aan dhali doona inshaa allah waxa aan ushegi doonaa taariikh yar taas oo ah.
in ay jiraan niman ay ilmaadeeer yihiin oo daga magaalo Goday ladhaho oo marka ay tagaan ilmaadeeradood odhan hayaan adeer tan suubaan balal ayaa ladhahaa ee cagaha kor ooga qaadan. maraka waxa aan odhan waa ilmaadeeradiin ee wax kasta oo ayidin dhahaan isaga dulqaata.
runtay saaxiib soo ma'aha
ismadhaafno

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daf iyo Miriq

Friday, February 23, 2001 - 09:35 pm
To Indhocaro

Indhacaroo iga raali ahaw haddii aad u qaatay in aan ku aflagaadeeyay dooda ayaa halkaas ila martay,cafisna waan ku waydiisan,ninyarna ma ihi ee waxaan ahay ruugcadaa lugaha aastay waxay iila muuqatay in aad tahay Ogaaden diid balse waxaa mawqifkayggii bedelay sidii aad ugu jawaabtay somaligalbed,waxaan kaloo rabaa in aan ku xusuusiy Somali dhammaanteed waxaa ku jira cudur qabiil,weli waxaan ku su,aalayaa ma aad baadan ula socon Somalida xaaladeeda?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Indhacaro

Saturday, February 24, 2001 - 12:20 pm
To: Daf-iyo-miriq
walaal wax dhib ah maleh. kaftanku waa iska furanyahay.
ninyahaw waan lasocodaa xaalada somalidu maanta kusugantahay. in uu cudur qabiil ah hayo, including me. laakin waa wax allah inagu beeray, allah ha inaga wada bogsiiyo.

mida kale nin ayaa waxa uu yidhi xabad wax aan ahayn xornimo laguma heli karo. sxb taas madiidina oo nin Malcolm X la odhan jiray oo nin aad iyo aad u maskax badan ahaa ayaa maalin waxaa lawydiiay su'aal noocaas oo kale ah oo ahayd inta aad aad xabad wax kuraadin miyeeyna wanaagsaneyn in wax lagu raadiyo sinabadgliyo iyo qalin ah sida Luther king oo kale, markaas ayaa waxa uu kujawaabay," You can not write up some freedom, you must fight up some freedom".
marka saaxiib anigu madiidani in ayna soconaynin hadal iyo odayaal maalin walaba hotel lagu dajiyo waliba gaar ahaan Africa, ee waxa aan leeyahay habka halganku u socoto ma'aha mid lagu wada qancsanyahay oo u mada gobalka dagani ku wada kalsoontahay. ( bal adigu ogo law in aad kudagaalanto Jidwaaq Libration Front) waa wax aan macquul ahayn ayaad u aragtaan, marka adigu wax aadan ogolayn maxaad dadkale oogu diidi in ay kasoo horjeedsadaan. aniga laftaydu waan qabay in Ogaden ladhaho dhulka walina waan qabaa, laakiin waxa aan diyaar u ahay ruux walba oo goobalkaas daga waxa uu raali kayahay in aan diyaar u noqdo, si aan ooga fogaado in ruux lagu xadgudbo, magaciisa ama xaquuqdiisa kale.
war dadkii in xabashi qadhmuun ayaa leeysay, in gaajo ayaaleeysay, in ONLF ayaa leeysay, marka walaalayaalaw wax macquulgal ah halala yimaado.
nina ooma baahna in maanta loosharxo xaqiiqda gobalkaas, ee ninwalba waxaa haya reer hebel cidhiidhi, oo intii uu wax heli lahaa adigu ooga hormar, ama seeji maadaama adba aadan helaynin waxa ay helayaan.
dhibka nahaysta ee oogu wayn waxa uu yahay ruuxii onlf eray ayna jecleen dhaha ama xaqiiqda sheeg isdhaha, waa jaajuus tigree.
war niminyahaw ismadhaafno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABOOR

Saturday, February 24, 2001 - 03:04 pm
DHULKA WAA DHUL SOOMAALIYEED, IN QABIIL LAGU MAGACAAABO MA HABOONA. MIDDA KALE JABHADDA ONLF WAXEEY DADKA SOOMAALIYEED OO DHAMI KA MUDAN TAHAY IN LA TAAGEERO DHIIG IYO MAALBA. MA AHAN IN LA CAMBAAREEYO WAXTARKOODA. WAA JABHAD SOMALIYEED OO GUMEEYSIGA CADOWGA KU AH IS RAACA IYO MIDNIMADA SOMALIYEED LA DIRIREEYSA. MARKA WAXAA NAGU WAAJIB AH INAAN ONLF UGU BISHAAREEYNAA GUUL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daf iyo Miriq

Sunday, February 25, 2001 - 02:37 pm
To Indhocaro

Runtii walaal waxba kama qabo in ay Jitwaaq Libaration front in ay kaga dagaalamaan dalka. mana qabo in qof ogaadeen ah in uu diidan yahay,markii aan ka farxalano gumeysiga waan iska bedeli karnaa magaca Ogaadenya oo ah magac ay bixiyeen reer Yurub ee ma aha magac ay bixiyeen qabiilka Ogaden,markii magac dal loo bixinaayana waxaa loogu magac dari karaa debeecada dhulkaas sida buuraha,qaabka uu dhulku u sameysan yahay,shaqsi ama dadka halkaa ku nool,dalk reer Yurub wax kasta ha adeegsadeena waxay dalka ku magacaabeen Ogadenia. waxaay iila muuqataa khalad in macaan dadka aan ahayn Ogaadeen aad uga didaan ama u nacbeystaan miyayna ahayn caadifad ku jirta dadkaas?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 26, 2001 - 07:39 am
Dhamaantiin waan idin salaamay aqyaarta
Waxaa iga su aalah ONLF mawaxeey ubaa hantahay taageero af ha mise mid maal ah waxaan lasoconaa iney dagaal kula jiraan dowlad weyn Ogaadeenoow af aan meeldheerjirin baad haysaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaagaale

Tuesday, February 27, 2001 - 08:19 am
Salaan kadib
ONLF waxey matashaa shacabka ey amxaaradu guumeeysato shacab aan laheyn dad madala ma aha shacab jiro marka xumaan iyo samaanba ONLF waa urur tad lagumeysto matala marka su aalahan aad meesha kuhaysaan waa suaalo jaahiliintu isweydiiyaan hadaad tihiin dadka udhashay dalkaas ururkiinu idinka ayuu idinka tarjumayaa hadaad tihiin dadjira ururkiinuna wuxuunoqonqyaa ururmuuqdq hadaadtihiin dad aanjirina wuxuu noqonqyaa urur aanjirin waxaan xasuustaa maalin uu nin igu yiri ururka gudoomiyihiisu wuxuu joogaa Abudabey oo marba reer buu ardaagooda seexdaa(waa markuu Sheeq Ibraahim uu gudoomiyeha ahaa) waxaanku iri Sheeq Ibraahin dantaaduu wadaa aduuna kumatalalaa inuu marba ardaa uu reer leeyehay haduu seexdo waa adiga iyu xumaan taada macnihii waxaan taas kawadaa waa inaad garataan macnaha matilaada waxaan xasuustaa markii hogaamiyaha urururka PKK ee reer kurtistaan waxaa umudaharaaday dad badan oon ururka taageersaneen sababtoo ah wexey aaminsanaayeen in ninga laqabtay looqabtay qadiyadadooda marka qofkasta ooloo dilo ONLF nimo ama looxiro ONLF nimo waa qadiyada shacabka reer Ogadeeniya ee taas lasocda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

InDHOCAAGLE

Wednesday, February 28, 2001 - 03:18 am
Warnimanyahow ujeedadiina maxay-tahay?.
Sidee ayaad doonaysaan inaynu horumar kugaarno!!
Haddii dadkii larabay inay fikrado iskudarsadaan, iyagii ba dhexdoodii iskusoo noqda??????.
Marka (OGADENIA), waxay u baahan tahay rag iyo - Dumar dadaalkoodu ku salaysan yahay, Hadba sida ay Sanadka ( 2001 ) ugartaan inuu yahay sanadkii waxwalba suurtogalka ahaa. keliya loo baahan yahay in fikrado la isku darsado ku salaysan (Ogadenia)...........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GALBEED

Wednesday, February 28, 2001 - 08:12 am
warnin qabiil kumashquul san muxuu xoreeyaa midakale qofku markuu xornimo doonyahay waxaa xaaranka,ah waxyaalaha soo socda
1-qabiil
2-dangaarahaaneed
3-midabjaclaysoi
4-IWM---
marka fahmaha waxaytahay xornimadu kahor intaadan iskumagacaabin xornimadoon???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaagaale

Wednesday, February 28, 2001 - 08:34 am
Galbeed waa lagusalaamay
Magaca Ogadeen looma wato hab qabiilah ee waamagac looyaqaan wadanka wax dhib ah malahan haduu wadanka magiciisu kayimaado qabiil kamida qabiilada wadanka degen magacna sidiisabana marbuu baxaa ogowna ogaadeenku meey bixin magacan mida kale magaca soomaaliduba dad ayuu abtirkoodu maraa dadka uusan abtirkoodu marine cuqdad kama qabaan marka hadaad diidentahay magaca Ogaden magacee kale baad ubixin laheyd ma waxaad soo wadataa Soomaali Galbeed sidaan horey usheegayba Soomaali dadbuu abtirkoodu maraa marka dadbaan hadhoodi ogolaandoonin markaas waxey noqoneysaa arin aan xal laheyn Mar walaal Galbeed waxba ha isku mashquulin arintan ee kahadal dhibka jira hadii ay jirto qalad ay sameeysay ONLF ka hadal adoo uga hadleysid hab xal leh oo aaneey kujirin caadifad ama naceyb aad uqabto magaca sababtoo ah magacu cidna dhibkuma hayo lama sheegin aduunyadu cid leh magac baa dhib nagu hayo ee walaaloow kahadal dhibka jira

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GALBEED

Thursday, March 01, 2001 - 08:01 am
TO,Gaagaale warninyahaw waad salaamantahay salaankadib anigu ogaadeen manecbi ee waxaan diidanahay arink,aad adiguba sheegtay ee ah magacan waxaabixiyay umadkale mawaxaad kula quman inaan raacno kala qaybintii soomaaliya lakula qaybiyay (5)magac walaal waxaanaxdin leh inaan wali maskax ree yurub ayid sanaano,ogadenia waan lasocdaa waxaabixiyay gumaystihii ingiriiska marka ma,aha inaan raacno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

absame

Thursday, March 01, 2001 - 09:26 am
intaad yare nasataan oo toobke caano geel oo xoorinaya geedka hoostiisa la fariisataan aayar dhama oo xuurtada iska daayoo golaha absame soo booqda.

http://network54.com/Hide/Forum/41294