Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): Yaa xilka leh!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Friday, February 23, 2001 - 07:33 am
Waxaan ka akhriyay ogaden.com mashruuc ay Tigreegu ka fulin doonaan dhulka Soomaaliyeed ee ay gumaysato ama Ogadenia ama Somali Galbeed ama haddii magacayadaasi ku dhibayaan Kililka Shanaad ama Zone 5--Amar Alla badnaa xitaa magacii baan isku af dhaafnay--murtida mashruuca sida ogaden.com soo werisay waa in la gumaado dadka Soomaaliyeed ee dhulkaa degan iyadoo loo adeegsanayo in laga sifaynayo carada xag jirka muslimiinta ah ama Itixaad.

Cajab dheh! Ninkii oos dhiman waaya geel dhalaana waas arkaa!

Bal haddii sida ogaden.com sheegayso ay ONLF iyo ciddii kale ee ay khusaysaa ogaatay in Tigree damacsan yihiin in ay cirib tiraan dadka degan gobalkaa yuu saaran yahay xilka bad baadinta bah weynta Soomaaliyeed ee gobalka degan reer qansax iyo reer dudumo kay doonaan ba ha ahaadeen?

Mise waxaa idinla quman in aynu dhagaysano falalka dagaalka ee lagu qaaday injiro weynta Tigree oo laga dhaawacay toban ama laga dilay nin dhiman!

Amar Alla mooyee ogoobay dadkeenii lunyay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Friday, February 23, 2001 - 10:01 am
Garaashka aan baabuurka dhigto waxaa ka shaqeeya nin Eretari ah. Maalin dhawaad gacanta intuu i qabtay buu yiri war hee dheh Soomaalida ayaa naga aqli badan!

Waxaan iri bal ii waran?

Markii injirle Sanaawi na careeyay baan sidaan horay u baranay qoriga la boodnay markaasuu yiri bal dayooy ceebtooda ma ahee waa cadadood!

Meeshii Eretariya loo garaabi lahaa oo la arki lahaa in uu hoosta naga gujinayo ayaa la yiri waryaaye sidee wax u jiraan maxaad hadba meel qorigan baas ugula dhacaysaan?

Yaman baad weerarteen hadana Suudaan hadda ma wiilka yar ee dimuqraadiga ah ee xoriyadda iyo nabadda jecel baad ciilaysan.

Waxaa na dhaaftay in aan sida Galayr yeelno oo aan goob walba marado xoorno oo af labadii sidii labo jir habaabay oo hooyadii arki waayo yeerno.

Waa kaa Saanaawi cagta wax ka dayay oo ceeb dhulkii cagaha iga ku yiri oo haddana dadkoo dhan farta ku fiiqeen sidaas baan kuugu sheegayaa buu yiri in Soomaalidu naga cagli badan yihiin.

Waxaan iri ka waran Ogadenia?

Haa kaa leh! neef baa ka soo booday oo cod naxariis leh ku yiri Ilaahay baa u maqan!

Haddaba Xaajo waa tan taal e maxaa inoo talo ah?

Ma hubkaan qaadanaayoo maalinba labaan dilnaa inaga sidii dameeraha ayaa naloo rartaa?

Mise sida Galayr baynu oohin af labadii yeernaayo dhulka gal galaan oo Sanaawi caalamka u soo bandhignaa?

Mise hubka ayaynu qaadanaayoo burcad, shufto, argagixiso iyo xag jir baynu ku sifoonaayoo cirib tir iyo caaqibo xumaan u diyaar garawnaa?

Anigu tii Alle Mooyee ma arko dad caqli iyo caaqibo leh in ay nagu haraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Friday, February 23, 2001 - 10:38 am
waa siday ba tahay aan kaligay isla sheekaystee waxaan maqlay in waa hore mar ma laha laga joogo qarni barkii ama ka badan in odayaal dadaalayaa go'aan ku gaareen in ay qayriin cuntada xabashida ay maalin galinkeed uga takhalusi karaan haddii gibil cadda ingiriisku meesha ka baxaan!

Uuuuuuuuuuum!

Axmad Guray Allah U Naxariistee ayaa cagta cagta u geliyay oo jiif iyo joogba u diiday siday dadka taariikhda akhristay noo sheegeen. Cabsi wuxuu geliyay baa la yiri ay dab la shidan waayaan markaas bay hilib cayriin cunistii bartaan!

Axmad Guray tag, Xabashigiise waa kan hadda soo labo kacleeyay!

Waxay yiraahdeen Sayidii Ina Cabdille Xasan ahaa oo daraawiish wataa gaal dab geliyoo gurigoodii gubay isna war darahuu dhigay baa yiraahdeen kuwa wax akhriyaa weli buugaagtaa laga bartaa.

Hadana Sayidkii tag, Tigree baase dhulkii dab gelin bay ogaden.com soo tabisay!

Waxaa la yiri rag rag ahaa ayaa isu tagoo yiri war sidan dhaqaale iyo xoolo aan tabcaniyo carruur wax noo barataan uga bixi karnaa ee hantida aan isu gayno oo SHIRKAD aan la arag oo la maqal aan samayn. Xaji Cabdiraxman Sheekh Qaasim, Duulane Rafle iyo rag la mid ahaayeen intoodii badnayd xaggaa iyo aakhirayna nooga ambabaxeen!

Welise Sanaawi oo sita IMF iyo World Bank lacagtay ugu yabooheen oo Eritariya laga soo eryay oo Galayr ku cabaaday baa soo socdaa la yiri ee sidii heestaa:

Abkay baahile saciidow
Waa bahal san dheer
Ninkii Cagalahoow ka carar
Ninkii Faras lahoow ka fuul

Tigreeyiin baa macawis garabka ku soo sitaa cagtaydaay i bixi.

Bal Xujadan Juxaa iyo Cigaal Shiidaadba ka yaabisay adiguna wax ka dheh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Friday, February 23, 2001 - 11:52 am
Hadday heestu ahayd nin xil qaaday eed qaad waxaan afka u furtay Admiraalka oo gole shireed aan ku kulanay.

Wuxuu yiri inan yahay yari cago dhigoo si quman ii dhagayso. Darajo Ilaahay baa leh intase aadami ku filan baan qaaday oo ilaa iyo Admiraal baan noqday, hogaan xisbi iyo darajo saro oo dawladeed, dhul beeraad balaaran iyo daaro qurxoon iyo hanti ma guurtaan ahna waan yeeshay hadana waxaan diyaar u ahay in aan nafta u huro dalkii oo hooyo.

Waxaan iri fulay baan ahay oo diyaar uma ihi in aan hadda dhintee suurto gal ma tahay in aan NABAD wax ku doono oo sidii ninkii odaygaa ahaa sidiisii COLKA WARAF MA LAGU DAYAY.

Wuxuu yiri nabad ugu baaqnay Tigreeyiinta waxayse noogu abaal gudeen gawrac iyo gardaro dhiig qubta mooyee aan daawo kale lahayn.

Waxaan iri kuwa buka, kuwa gaajaysan, agoonta, umulaha, ciroolaha iyo carruurta maxaa u dan ah?

Tii Allay tagi buu yiri Admiraalku waxaadse noo raadisaa wiilasha mujaahidiinta ah iyo qodaxda iyo qaxan dhido cagaha googooysay kabo iyo buraashad ay baraxa ku qaataan.

Anna waxaan iri Admiraalow ma sidaas baa inoo dambaysay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Saturday, February 24, 2001 - 08:36 pm
War bal geeska qabo tani cay cay dhaaftaye ma aniga iyo ugaaskay u socotaa? tegraygii waxuu soo wadaa ciidan xoog badan oo ku hubaysan Alreliri,Tangiyo,Baasuukayaal,tan alle ayay tegi waa maalintii fulay carari jiray geesina dhuman jiray war dirira dagaal wax aan ahayn daawo lagu waaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Monday, February 26, 2001 - 06:56 am
Isagoo si kale ah oo aad moodo in xumad hayso ayuu yiri markuu carabka bishimaha ku qooyay "wagar!"

Toban sano in ka yar baa toban dawladood is bedeshay ee xagee dadkani geediga u yahay?

- Cabdullahi Maxamed Sacad
- Xasan Jire Qalinle
- Ina Ugaas Qani
-
-
-
-
- Khadar
- Ina Suldan Duulane

Jabhado badanaa oo xisbi miiranaa. Nabad iyo colaad toona diide inay isku raacaan.

"Wadeeco Alla" intuu yiri buu iska dhaqaaqay.

Maxaa talo ah xaajo waan taal e?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Monday, February 26, 2001 - 07:25 am
nin baa la yiri hal geel ah oo uu aad u jeclaa baa ka dhimatay markaas buu ku xilo furay in uu toloobi haddii aan hasha la aasin.

Raggii la joogay baa iyana ku xila furay baa la yiri in ayna hasha aasayn haddii uusan u loogin dhawr halaad.

Neefkii geela ahaa ee dhintay baa dhawr kale loo qalay.

Tolid geel ah luntay baad
toban toban u laysaane
ma dalkiinii oo maqan baa
ninna dhagax u tuurayn?

Anaa reer hebel ah iyo aan laan dheera ah kolay haboow iyo lugooye mooyee walee meel laguma gaaro.

Sidii ninkii yiri toobiyahan toosan Allow yaa ku dhacoon ka soo noqon maxaa looga waayay Soomaali nin isna neef u looga Soomaalinimo iyo mid intuu toobiyaha toosan ku dhaco guul soo hoyiyaya?

Waa xaajo furan bal xalkeeda keena!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Monday, February 26, 2001 - 10:23 am
Nin wax akhristay baan ku mooday ee ileen waxaad tahay damiin gaboobay.

Aan ku waramee ninkan Sanawi la dhaho ee Tigreega ah soo ma ogid in awoowgii la cadaabku uu ka soo jeedo Abrahii isku dayay in uu Kacbada Ilaahay dumiyo oo Maroodiyo intuu rartay weerarka ku qaaday.

Haddii sida aan kuu haystay aad xaafid ahaan lahayd Alam Tara ayaad dusha ka qur qurin lahayd oo halkaas ayaa aayadaha kariimka ah ka ogaan lahayd meeshii Abraha ku dambeeyay.

Sanaawina sidaas baa u dambayn Haddii Ilaahay Idmo.

Waxaanse u baahan nahay in aan helno nin geesi ah oo sidii Cabdimutalib reerka bari ammaan u rara.

Adiguse sida kaa muuqata xitaa alaf kaagama bilawna taariikhda.

Sanaawi silac baa u dambayn
Sidii Xayle oo kale ah
Siraad iyo waxaa noo ifi
Sareeyo weligiise
Samirka iyo Salaadda ku dhagoo
Subxaanow Ilaahay Saligaa kor u qaad
Allahu Akbar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Monday, February 26, 2001 - 01:19 pm
Mingeste iyo Males sanaawi keebaa hub badnaa? keebaa askar badnaa? xagee Mingiste ku danbeeyay awa ciidankii lagu magacaabi jiray Libaaxa Africa? Meles sanaawi waxuu shir kula qaatay wasiiradiisa tegrayga ah in uu tirtiri doono dadka Ogaden,cagtana uu marin doono Jabhada ONLF,waa gaal iska hadlay balse waxay tegi tan alle,insha Allaahu ciidankiisu way ku danbayn meeshii ciidankii Mingiste ku danbeeyeen,waxuu kaloo ku daray in uu xoolaha ka layn doono furina doono kaaman dadka lagu ciqaabo aduunka waan ka qarin doonaa,waxaana aduunka u sheegaynaa in ay yihiin muslin asal raac ah,tegraygu maskax xumaa intuu yiri ayuu qarigiisii cabystay dagaalna u diyaar garoobay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Tuesday, February 27, 2001 - 04:44 am
Sheekaba sheekay keentaaye wuxuu yiri mala rag ka roon waad ilawday. Markii hooyadii baadiye ku dhimatay ee la yiri war orad oo tuulada kafan ka soo gad si hooyadaa loo aaso.

Rag ka roon markuu tuuladii goor barqo kulul ah yimid ayuu arkay raggii oo sidii riyi barqanaya har barqaad harsanaya markaasuu waa ileen rag ka roon yiri:

Alloow yaa wax u sheega!

Wuxuu la yaabay ragga si ka fadh fadhiya oo aan ka war hayn in Rag ka roon hooyadii geeriyootay.

Maalintii oo dhan buu rag ka roon tuulada hadba dhinaca ka istaagaa isagoo leh:

Alloow yaa wax u sheega!

Rag ka roon kafanna ma gadan dadkiina uma waramin ee maalintii oo dhan yaab iyo amankaaga waxaa ku hayay sida ay isaga fadhiyaan dadkani oo ayna uga war hayn in Rag ka roon hooyadii dhimatay.

Hadaba waa xaajo furan haddii Rag ka roon sidaa yeelay inaguna soo ma aha in la yaabna sida ayna IMF iyo World Bank uga war hayn mu'aamaradda Sanawi iyo Tegreeyintu?

Mise is weydiinaa waxa ay carab dhag cas iyo caalamku Muslimiintu waxay ay u arki la yihiin in Rag ka roon hooyadii dhimatay ubadkeediina in seeryo lagu cadaabo loo diyaarinayo?

Inaguse waa Xaajo furan ma og nahay danse ma ka leenahay Sanaawi iyo Tegreeyintu falka ay soo wadaan?

Waxaa Xaajo furan ee bal adna wax ka dheh!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Wednesday, February 28, 2001 - 06:59 am
Aga awoowgaa la gub buu yiri inta kor u kacay waryaa ileen nin siloon baad tahay maxaa kugu kalifay in aad sidaas oo kale u hadasho?

Miyaadse maqal sheekadii odaygii la dardaarmay wiilashiisii?

Xoogaa markuu aamusnaa bu yirii tolow ma sagaal wiil bay ahaayeen mise kow iyo toban? Mise labo darsin bay kor u dhaafeen?

Tiradoodii hadda ma hayee oday baa sakaraaday oo naf ka dhawr noqday markaas bay wiilashii uu dhalay oo dhan dhinacyada ka fariisteen.

Wuxuu yiri war kaca oo midba ulo is le'eg soo goosta. Mid walba ul tan kale le'eg buu odaygii u keenay.

Wuxuu yiri nin walba ushiisa dhexda ha ka jebiyo!

Bash!

Yaaba u biyo cabay si fudud bay bash uga siiyeen.

Wuxuu yiri bal kiina idiin ku yar u wada dhiiba ulaha.

Waryaa isku qabo ulaha oo dhexda ka jebi buu ku yiri.

Bayuur!

Wuxuu is caburiyo oo neefta isku celiyaba wuu ku guul daraystay in uu jebiyo.

Bal kan kaa weyn u dhiib oo adna bal jabi!

Kuligood midba markiisay bayuur qabsatay!

Ogaada ayuu ku yiri odaygii isagoo xiiqda ku hayo oo cunaha naftu taagan tahay haddii mid kiinba dhinac u dhaqaaqo si fudud baa la idiinka adkaan haddiise aad wada jirtaan wax idin jabin karaa ma jiro!

Muxuu sheegi oday dhimanayaa miyuusan ogayn in aan baho iyo beelo u kala baxnoo reer hebel iyo habar baas aan u kala degnay?

Muxuuse sheegi oday dhimanayaa miyuusan ogayn in Sanaawi iyo wiil gaagaaban oo macawis garwaaxsan in ay sidii dameero na rartaan?

Muxuuse sheegi oday dhimanayaa miyuusan ogayn in talo gacan ka baxday oo xitaa aan isku diidnay in aan magac wadaagnoo galbeed, ka sii galbeed, ogadeen, geri koombiyo, kablalax, karinle hawiye iyo ciido gale iyo reer xasan iyo jidwaaq iyo galimays iyo waxaan caano laga dhamin ciilna kugu dilay aan u kala fadhino?

Muxuuse sheegi oday dhimanayaa muu Ashahaada ku dhego labaatan Yaasiin la saaro!

Waa xaajo furan bal adiguna si dheh!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaajo

Thursday, March 01, 2001 - 06:00 am
Wuxuu yiri aan idinku gardaroodee iga raali noqda: dad waabad tihiin koleeye yaad ka tihiin?

Furkaa la xooray oo dad wixii golaha fadhiyay af labadii dhawaaqeen. War madaa leedahay baa la yiri?

Wuxuu yiri idinkoo raali ah u dulqaata gardaradayda mar labaad aan ku celiyee dad yaad ka tihiin?

Noo jilci baa la yiri markii in door ah arrinkii laga dooday!

Ma waxaad tihiin Soomaali mise African mise Muslimiin mise reer Kanada?

Dood kalaa furantay iyo or aan damayn. War maxaad leedahay baa lagu soo ceshay?

Wuxuu yiri mar kale gardaradayda u dulqaatoo idinkoo raali ah mid doorta: African, Muslim, Somali ama Canadian!

Hadana rag is ciilay baa furka xooray oo yiri Muslimiin baan nahay!

Idinkoo raali ah oo u dul qaadanaya gardaraday Muslimiin yaad ka tihiin?

Islaax
Itixaad
Ikhwaan
Tadaamun
Qaciida
Jihaad
Xisbullah
Salaf
Suufi
Sunni
Jamaaca
iwm

Waxaa la yiri war maxaad u dan leedahay?

Wuxuu yiri raali ahaadoo u dul qaata gadaraday Muslimiin yaad ka tihiin?

Waxaa la yiri dantaada sheego!

Wuxuu yiri raali ahaadooooo!

Nin baa kacay oo yiri war bal u kaadi waad na wareerisay anaguna ma wareersanin ee adaa wareersan ee dantaad leedahay sheego!

Wuxuu yiri ma isku raaci kartaan in aad tihiin Muslimiin ama Soomaali?

Or iyo qaylo ayaa dhalatay cabaar baa la dooday markaas baa la yiri war ha na daalin ee dantaada sheego!

Wuxuu yiri idinkoo raali ah u dul qaata gardaraday oo ii sheega cidda aad tihiin?

Waxaa la yiri Ogaden....Absame....Ogaden!

Hadaba haddaad Ogaadeen tihiin Ogaadeenkeed tihiin?

Hadal iyo dood dheer baa la galay waxaan la isku aamusay in ay yihiin Ogaadeen meel kasta oo uu joogo!

Idinkoo raali ah buu yiri u dul qaata gardaraday dad fiican baadse tihiin haddii aad isku raacdeen in aad tihiin Ogaadeen dantaan lahaana waa taas ee haadaa wa salaam!

Waxay yiraahdeen war ninkan warkiisa naga daaye ee qaaraanka sideen u qaybsan lix lafood baynu nahay ee reer walba labo nin ha soo doorto oo qoladooda qaaraanka ka soo qaada!

Oo soo taad hadda lahaydeen waxaan nahay Ogaadeen goormaad lix noqoteen oo aad durba kala boodeen?

Nin baa kacay oo yiri Ogaadeenoow ma waxaad rabtaan in aad noqotaan jasiirad cagaaran oo bad weyn saxaro ah ku dhextaal oo aad keligii wax cuntaan?

Waxaa la yiri hadal badan haan buuxin waaye Maxamed Subeer (reer Cabdile iyo reer Isaaq), Maqaabul (reer Sacad iyo Makaahiil), Bah Geri, Tolomoge (Cabdalle iyo Caabudwaaq)iyo Cawlyahan baynu kala nahay e qaaraanka baxshay haddii kale dareerow duco.

Sidii loo kale dareeray baa weli loo kala maqan yahay!

Waa xaajo furan ee adigu hadda adoo raali ah siduu yiri oo u dul qaadanaya gardaradan DAD YAAD KA TAHAY?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

absame

Thursday, March 01, 2001 - 11:47 am
soo booqo golaha absame:

http://network54.com/Hide/Forum/41294