Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): Degmada Kismayo ee gobolka Jubbaland
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil Waamo

Tuesday, February 27, 2001 - 01:10 am
Ogaden ama Absamaba inta uu isku mashquulinayo amxaaro maanta , miyaynan haboonayan in gobaladii xorta ahaa ee aan somaliya ku lahayn oo hadda sii dhaxal guuraya, sida Kismayo iyo Bardheere in wax laga qabto. Xaaladdu hadda waxay u egtahay in aan farda badan hal mar fuulnay oo aan meel walba seegi doono. The priority must be Jubba land first
and then Ogaden. Illeen guamaysi amxaaro iyo mid somaliyeed isma dhaamaan( daroodna alaa ha ka dhigee). Waxaa tala iga ah Ogaden Somalinimada uu raadinayo in uu ka waynaado, waayo somalinimo way dhimatay, waxaana dilay iidoor, majeerteen iyo habargidir. Hadda waxaad mooda in reer tolkay ay casri laga tagay ku noolyihiin.

Doodu ha noqoto sideen Kismayo iyo Bardheere u soo dhicinaa.

Wiil Waamo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Tuesday, February 27, 2001 - 06:08 am
maxaad uleedahay Ogaden ama Absame mid dooro
oo waxaan ku dhihi lahaa dooro Ogadeen
bye bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Afbsame

Tuesday, February 27, 2001 - 07:59 am
Wiil Waamo xagee bay ku dambaysay dawladdii Jubaland? Absame waa tuu doortay saddex General in ay hoggaamiyaane xagay ku dambeeyeen Gen. Gabyow, Gen. Abdirahman Khalif iyo Gen. Bille Rafle?

Kismayo waa horay gacanta Absame ka baxday oo Morgan baa dhaafiyay waxaase ka dambeeyay in uu Ina Masale isku darsaday Baardheere iyo Kismaayo.

Intii soo hartay Bu'aale ilaa iyo Ceel Bardana waxaa xalaalaysatay RRA iyo Shaatiguduud iyo Mudane Sheekh Madoobe.

Halkaas waxaa kuugu soo haray Afmadow, Bilis Qooqaani iyo caasimadda weyn ee Dhoobley!

Markii iigu war dambaysay Badhaadhe diin baa lagu akhrinayay oo naf ka dhawr bay ahayd ee maxaad ka haysaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 27, 2001 - 12:41 pm
Hadal nlooma baahna ee rag wax iska celiya baa loo baahanyahay!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sidee

Wednesday, February 28, 2001 - 07:01 am
looma ooyaan reer guri maxay ka damacsan yihiin Wiil Waamow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABSAME

Thursday, March 01, 2001 - 02:30 am
Waad salaamantihiin walaaladay absamoow,waxaad moodaa hadaanahay absame in waa hore ficilki naga dhamaaday,halki loo baahnaana inaan dhulkeena difaacano waataan dhooblay isku dagaalnay,marka aan hurdada nala seexiyey aan isaga jirno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sideedaba

Thursday, March 01, 2001 - 04:21 am
afkaaga caano lagu qabay Absamo mase waxaan ku dhahaa caanuhu kaa qubte. Absame haddii uu ul iyo diirkeed ahaan lahaa rag iska eegaya mase waxaan dhahaa waa ilko iyo carab af ku wada yaal oo qaniinyo iskala daalay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sidaas

Thursday, March 01, 2001 - 08:48 am
Dadaal xoog leh oo lagu qabtay Dhoobley sanadkii 1994 ayaa beesha Absame ku gaartay go'aan ah in ay qaataan nabad. Wakhtigaas beesha Absame waxay ka soo kala jeeday dhawr meelood oo is huruufaya.

Dhoobley waxaa lagu qaatay in la midooya beesha Absame oo loo yeelo hoggaan siyaasadeed. Waxaa la isku raacay in qabqablayaasha laga tago oo hoggaan dhaqameedka iyo wax garadka beesha amarka loo dhiibo.

Sayid Xuseen ayaa loo magacaaabay in uu beesha hogaamiyo waxaana la dhisay golo 114 qof ka kooban.

Shirar taxane ah ayaa lagu qabtay Badhaadhe, Afmadow, Bu'aale, Kismayo, Mareeray, Minneapolis iyo Atlanta.

Sanadkii 1998 dhamaadkiisii ayaa beesha Absame haddana mar kale dooratay guddi dhawr iyo konton qof ah oo loo xilsaaray in ay u hawl galaan sidii loo dhisi lahaa dawlad goboleed Jubaland.

Waxaa la caleemo saaray in Gen. Aden Gabyow reerka u hogaamiyo midnimo lagu gaaro dawladnimo. Waxaa kaloo labadiisa garab laga dhigay labo General oo kala ah Bille Rafle iyo Cabdiraxman Khalif.

In kasta oo shirkii Guduuday aad loo kale carooday oo Jidwaaq aad uga cabatay hadana wuxuu ahaa xil saaran in Generaladu xoog iyo xeelad isugu geeyaan sidii lagu gaari lahaa himilada beesha Absame wixii khaldamayna turxaan bixiyaan.

Ragga aad ugu hawlaan sidii beesha Absame wax u qabsan lahayd ayaa dhinaca Rabigood aaday sida Marxuum Xaji Qaraxay, Marxuum Ina Aw Cali iyo Marxuum Cali Base. Allaha u naxariisto dhammaantood, intay naga xijaabteense rag kale oo wax isku tol tola haba xumaadeene reerkii laga waayo.

Toban sano oo la soo dhaafay hawshii iyo dadaalkii beesha Absame ee gobalka Jubaland waxay ku dambaysay meel aad looga xumaado oo raggu ciil isla gawracaan.

Hadda oo Xujaal iyo Maxamed Amiin dawladda ku meel gaarka ah ee Xamar ku jiraan, Gabyowna RRA iyo Cabdullahi Yusuf magan iyo marti u yahay. Wiilkii fiicnaa ee Jees ahaa iyo gacan yarihiis ina Xashina iyo Cabdi Mahdina ciirta dhamayaan soo arrinka Jubaland ma aha BEEN HA SHEEGIN, RUN HA SHEEGIN WAXAAD SHEEGTANA ALLA KUUMA WAAYO.

Soo reebo roonaa reerka u hariye!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

absame

Thursday, March 01, 2001 - 09:16 am
waxaan arkay gole absame ee soo booqda

http://network54.com/Hide/Forum/41294

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiil daaaaarood

Sunday, March 11, 2001 - 04:06 am
hadaasay SIDA DUMARKII calaacal iskula wareegaysataa war aaway udaageenimidii aad meel kasta lasoo istaagi jirteen xoolo xoolo wataad awalba ahaydeen waxaydaan ahayna waa is moodeen waryaa waa inoo barito iyo bogcadaha idinku iyo dumarka iyo caruurta oon idanka soo wadano ileeeeeeeeeeeeeeeeeeeen