Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): Hay'adda HIIL yaa wax ka garanaya?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhuubow

Monday, March 12, 2001 - 11:50 am
Habayn dhawayd dhalin yaro faro badan oo qayilaysa ayaa waxay ka sheekeeyeen hay'ad aanan horay u maqal oo la yiraahdo HIIL markii dambana la baxday SCS oo ka shaqaysay gobalka Waamo ama Jubaland.

Saddex nin oo si kulul uga dooday ayaa marna isku raaci wayday wax qabadka Hay'adda.

Midkood wuxuu ku tilmaamay dhiigyo cab xaaraan quudato ah oo aad dadka u lugaysay.

Mid kale wuxuu ku sheegay in ay hay'addo faro gashatay arrimaha siyaasadda weliba ay aad uga soo horjeeday diinta oo uu ku tilmaamay in ay hay'addu sabab u ahayd isku dhicii wadaada uu hogaamiyo Sheekh Xasan Turki iyo beesha Maqaabul iyo dhibaatadii dhex martay Maqaabul iyo Cabdalle.

Mid kale wuxuu ku tilmaamay in ay hay'addu wax badan oo aan la soo koobin karin u qabatay dadka ku nool Jubaland. Wuxuu tusaale u soo qaatay dejintii hay'addu dejisay dad faro badan degmada Badhaadhe, dooxada Juba iyo agagaarka Mareerey iyo weli Bu'aale. Wuxuu kaloo sheegay in Hay'addu gacan weyn ka gaysatay nabadayn iyo isu soo dhawaynta beesha Absame. Iyo in hay'addu isku hawshay sidii beelaha Majeerteen iyo Mareexaanka loo heshiisiin lahaa.

Wuxuu yiri hay'addu waxay gacan siisay salaadiinta iyo ugaasyada iyo hoggaan dhaqameedku sidii ay u dhisi lahaayeen maamul gobaleed Jubaland.

Nin isagu dhawr jeer hadlay ayaa sheegay in hay'addu isku dayday in ay isu keento beesha Absame ee ku nool waqooyi maraykanka. Wuxuu yiri hay'addu waxay shirar ku qabatay Toronto, Minneapolis, Atlanta iyo Washington DC.

Hadaba waxaan jeclaan lahaa in haddii aad wax ka og tahay hay'adan aad rayigaaga ii soo gudbiso sababtoo ah aad baan ula yaabay sida kulul ee ragga dooday isu maan dhaafeen markii magaca hay'adda iyo weliba ninka madaxda u ahaa oo la dhaho Foosi ay ka hadlayeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiil absame

Tuesday, March 13, 2001 - 06:50 am
saaxiib
hay adaasi waa hayad dadaal aan lainkiri karin kaqabatay
deegaanka absame ee jubada hoose iyo ta dhexaba.
foowsi waa nin soomaaliyeed oo damcay in uu beesha ukasoojoodo wax uqabto in kastoo ay yihiin dadkiisu kuwa
khilaaf googooyay.
kuwa kumurmayana waxaan dhihi lahaa ama inkirsan wuxuu qabtay foowsi nin waliba haqabto.

hayadaasna waxaan waayahan ku dhaliilayaa in sidii looga baratay aan maalmahan laga hayn.
foowsi iyo gudiga wax lawada waxaan ugu baaqaynaa in ay wax qabadkii halkii laga sii wado oo aan lacajisin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RealJubbalander

Tuesday, March 13, 2001 - 07:14 am
sxb Wiil Absame
Waxaan kugu raac sanahay in hay adaani (SCS-HIIL)
ay wax badan qabatey ayna gashey dadaal iyo baraarujin ay wax ugu qabaneyso dadka reer dooxada
jubba laakiin waxaa layaab ah in dadka u dhashey reer jubada qaarkood ay iminka ku soo baraarugaan
hay'ad madaxa banaan oo kamida hay adahooda ka howl gala Gobolkooda
si kastaba waxaa loo baahen yahay in la abuuro
ururo wax soo kor dhiya waxna ka qabta daryeelka bulshada ku dhaqan gobolkaas sida daawada,biyaha iwm
wa bilaahi towfiiq
by Realjubbalander

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bulshaawi

Tuesday, March 13, 2001 - 08:23 am
Shir labo sano ka hor lagu qabtay magaalada Atlanta oo aan ka qayb galay ayaan ku arkay ninka Fowsi la dhaho. Runtii aad baan ula yaabay mar uu ka hadlayay Jubaland oo uu ku sheegay in ay qarka u saaran tahay in loo aqoonsado dawlad gobalaad la mid ah Puntiland iyo Somaliland haddii beesha Absame isku raacdo in dawladdaa laga dhiso magaalada Bu'aale. Wuxuu markaa lahaa xoogaa aan dib u dhigano ka hadalka iyo wax ka qabadka Kismaayo oo uu ku tilmaayo in ay tahay bukaan aan daawo loo hayn. Maalintaa aad baan uga carooday hadalkii uu ninkaasi ku hadlayay. Rag aan anigu ku jirona aad bay ugu buuqaan.

Maantasa waxaan ogaaday in uu isagu iga qumanaa. Kismaayo gacan kuma hayo bu'aalana RRA bay sheegatay HTTP://www.arlaadi.com/10thmarch.htm in ay la wareegtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhuubow

Tuesday, March 13, 2001 - 10:51 am
wiil absame, RealJubbalander iyo Bulshaawi runtii aad baad ugu mahadsan tihiin jawaabtiina welise waxaan u baahnahay cid ii sheegta waxa ay qabatay hay'addaas haddii ay jiraan iyo waxa ay bi'isay.

Dhammaan ciddii soo booqata halkan oo akhrisa qoraalkan waxna ka og hay'addaa iyo dadka maamuliyay gaar ahaan ninka Foosi la dhaho aad baan ugu mahad celinayaa haddii jawaabtaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ina absame

Wednesday, March 14, 2001 - 04:25 am
lafahaantaydu wax baan ka maqlay hayadda aqoonse uma lihi dadka maamule waxaanse maqlay in ay isugu yeereen shir odayaal faro badan oo absame ah oo markii la isu yimid ay ku yiraahdeen waxaad la mid tihiin basal mar kalana waxay odayaal ku yiraahdeen musqulo qoda haddaad raashin rabtaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raskamboni

Wednesday, March 14, 2001 - 10:02 am
hey'ada aad sheegeysaan sideey uga nabad gashay
qoladii hunguriga weyneyd ee meelaha wareegeysay
allaw kuwaas hatusin
hadii ay miqul halaqodo dhahaan waa wax dadka
uroon xag caafimaad iyo xag deegaanba
waana shaqo lacag lagusiinayo marka wax dhibah ha'u'arkin
ogaadeen intuu wax kasta bud lahor'istaago
ayaan waxba looqaban karin
marka xataa hadii dantooda lawado waa in
lasasabaa laakiin waxaan uga digayaa
hay'adaas inaysan isku tagin bu'aale iyo agagaarkiisa toona hadii ay tagaana ay bariis aad
ubadan horay usii qaadaan .sababtoo'ah
waxaa kahoreeyo sayid bariis hadii kale wallahi
gaw iyo gash maleh ayay noqoneysaa sheekada.
nabadeey....jubba-land/.,/.,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAGAC DHEER

Wednesday, March 14, 2001 - 12:23 pm
WAX QABADKA HAY ADDA WAXAA NOOGA FILAN TUULADA HARGAYSO YAREY EE KU TAAL DOOXADA JUBA. RAGGII GACANTA WEYN KA GAYSTAY AMA BOQOLAAL QOYS OO SOOMAALI AH OO U BADAN ABSAME TUULADA IYO TUULOOYINKA AGAGAARKEEDA AH SIDA MAGAC DHEER, MAREEREY, GUDUUDEY IYO JILIB DADKA TAAKULADA U FIDAY WAXAA KA MID CABDIRASHIID XIDIG OO HADDA MINISOOTA JOOGA EE CIDDII WAR DOONAYSAA ISAGA HA LA XIRIIRTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RealJubbalander

Thursday, March 15, 2001 - 01:16 am
Dhamaan waad salaaman tihiin
bacda salaan walaalayaal
wixii cay iyo caadifad ah waa wax reeban oo aan loo baah neyn
hala kala faa iideysto
caadifad aan wax tareynin waa ta halkaa ina dhigtay
waxaana loo baahen yahay in aanu ka doodno ama wax iska weydiino waxa dhana inoo diidey iwm

alana halaga baqo
waad mahad santihiin

wabilaabi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marag ma doone

Friday, March 16, 2001 - 05:02 am
Haddii aan wax yar ka iraahdo Hayaddan waxaan oran lahaa wax ku ool bay ahayd intii ay shaqada haysay oo dad iyo dalba wax bay u qabatay.

Arrinta BASASHA oo aan meelo badan ka maqlayna goob joog baan u ahaa markii Foosi hadalkaa yiri.

Wuxuu ahaa shir ay ilaa iyo konton nin oo Absame ah oo cuqaal iyo culumo isagu jiraa ka qayb galeen.

Wuxuu yiri Foosi qabiilku waa sida basasha oo kale. Haddii lagu keeno beer basal lagu shiil waa wax aad u macaan intase aadan shiilin basashu waa wax qurmuun oo kaa ilmay siisa. Sidoo kale haddii aad basasha xuub xuub u qaado ma laha sida canbaha oo kale laf adag ee sidaad xuubba mar u qaadayso ayay dhamaanaysaa.

Absame haddii uu rabo midnimo oo in uu sida canbaha noqdo oo laf adag yeesho. Haddii kale sida basasha ayaa marba xuub ka hari.

Xaaladda maanta beesha Absame ku sugan tahay ayaa qiraysa in ay noqdeen basal oo kale oo hadba xuub baa meel ku haraya.

Haddii afarta Absame iyo adeerkood yeeli lahayeen talada Foosi wax badan baa u qabsoomi lahaa.