Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): Absame iyo Adeerkiis?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Absame iyo Adeerkood

Friday, March 16, 2001 - 11:00 am
Mar haddii marada laga qaaday oo duhur cad isagoo qaawan fagaaraha la soo istaajiyay maxaa ku jaban haddaan tolkay talo hor dhigo?

Soomaalidu waxay carabka kaga baqato qalibiguna kala qooqdo maanta waxay si cad wax ugu qaybsatay qabiil iyo qolo qolo abtirsiinayada aan loo qarin.

Waxaa yeertay Harti iyo Hiraab, Mudulood iyo Gar Xajis, Sheekhaal iyo Banaadiri, Sade iyo Samaale iyo Xawaadle iyo Reer Agoon welise ma maqal AFARTA ABSAME IYO ADEERKOOD.

Duriyaddii Absame ee Jidwaaq, Ogaadeen, Weetayn iyo Baalcad ahaa iyo Adeerkood Galimaysay weli afka cadhaa uga taal baa la yiri mase tolow waa BIIJO mise anaa mooday waa ninkii yiri haddaan aamusaano reerka sida loo dhaami maayo haddaan haddlana waa afku salax dheg.

Labada reerka ugu madax fiiqan waa Ogaadeen iyo Jidwaaq waxay iska arkaan biyo hoostood oo waxay isu yihiin qoday ciddi hoosteed gashay oo aad bay isugu daran yihiin. Mase tolow waxaan dhahaa waa min yaro iyo bah weyn oo gogol iyo gole toona ku heshiin mayaan!

War Absame dhashiisiiyow maxaa sidan idiin galay?
Wuxuu dhihi taariikh eeg Wiil Waal iyo miyaadan aqoon Nuur Cuburiye, miyaadan maqal wuxuu dhigay Sayid Maxamed miyaadase ogayn halyay aakhiro waa hore u kacay wac daruhuu dhigay?

Waxaan oran Allah u naxariisto oo albaabada janadiisa ha u furee kuwaas wanaag iyo xumaan waxay laahayeen la xijaabte ee adigu ina Absamow maxaad haysaa?

Wuxuu oran anagaa caro waaq furanay oo gaalo madow erinay. Geesi iyo halyeey gaala qaada iyo markuu fariisto wan afar jir aan loogu tagin oo dheer oo lixaad loo dhameeyay ayay awoowayaasheen ahaayeen!

Waxaan oran ina Absamow ceel adaa huwada oo calaacal magansaday oo ciidda jiifee kuwii hore iska daaye maxaa maanta kuu dan ah?

Wuxuu oran diiday Somali Galbeed, dooni mayo ONLF, nacay WSLF, ma rabo SPM, dhulkoo dhan anaa leh dad anaa u aqli badan tuuray Gabyow iyo ina Jees ma rabo Khadar iyo ina Duulane dab baan galay aqalkayga oo Gaarise waan gubi haddana Galayr in Booy baan barako bidi ama Shaatiguduud iyo ina Masalaan cagaha u dhaqi haddii aad hadashan wellee Dhoodaan baan kugu diri!

Waxaan oran kumaad ahayd?

Wuxuu oran Ogaadeen xageen ka galnaa gurigoo ha ba'ee. Reer Cabdilaa meel walba koomba la mari. Kuwii Makaahiil ahaa kadabkood ha go. Anagoo Amaadin ah soo Afgaab kama badnin. Bartire mooyee reerku wiil kale ma leh!

Waxaan oran Awlaadii uu dhalayna inkaar soo uma harin?

Alla tolkayow wiil iyo gabaray, curad iyo carruuray. Alla tolkayow geesi iyo gaashaanow, jabhad iyo jaaliyadeey. Alla tolkayow garaad iyo ugaasow, siyaasi iyo salaadiinow, caamo iyo culumay.

Ilaahay baan idinku dhaariyay mar quri, habayn keliya, galabta aynu joogno inaad walaalo tihiin oo nasab idin dhalay muujiyoo ugu yeer kan kale WALAALE iyo WALAALEY oo cuqdada qalbi madoobaysay hal saac oo keli ah iska saar.

Gacalkeeyow gumaysiga idinku habsaday sida aad uga bixi kartaan waa idinkoo garab isu noqdee ha is dhibsanina oo galabtaa oo keliya waxaad tiraahdaa

ANOO INA ABSAME OO AH OO AFAR AWOOW LEH IYO ADEERKOOD AB IYO ISIR WANAAG MOOYEE AWOOWGAA LA GUB KII LEEXDOOW.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR ABSAME

Friday, March 16, 2001 - 04:17 pm
ASALAAMUCALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU.
ALLA ADEERKAY ABSAME IYO ADEERKOODOOW
ILLAAHAY CADAWGA HAKAAQABTO,OO ADUUN IYO AAKHIRABA NAXARIISTA ILLAAHAY KORKAAGA HA AHAATO
AAMIIN ALLA WALAAL MAXAAD RUNTA KAHADASHAY.
ALLA MAXAA ISTUSAY LAFDHABARTA ABSAME OO
CADAWGA ISKAGA DHIGAY, ILLAAHAY WAXAAN KABARYAYAA IN WAANADAADAA WAX KUQAATAAN OO AY CADAWGOODA MEEL UGA SOO WADA JEESTAAN ILLAAHAYNA WAAFAJIYO
WAYNA KUWAANO QAADAN MAXAA YEELAY WAA ADEERKOOD
OO WAA LOO AQBALI WANAAGA UU LARABO TOLKII AAAMMIIN,INSHA ALLAAH CUDURKA IYO CUQDADA WAYKABIXI AY IYAGA DHEXDOODU ISKU HAYAAN
CADAW DANBANA KA FAA,IIDAYSANMAAYO.TOWFIIQDANA
ILLAAHAY BAA WAAFAJIN AAMMMIIN.MASLAXAAN ILLAAHAY IDIINKA BARYAYAA ILLMA ABSAMOOW IN ILLAAHAY
ISKIIN JECLAYSIIYO AAMMIIN,ABSAME KALANA MAAHEE DHIBKU WUXUU KATAAGANYAHAY WAA LABADII GACAMOOD EE ABSAME KATALAABSANAYEY,WAA OGAADEEN IYO JIDWAAQ,ALLAYOOW WALAALTINIMADIINA ISTUS AAMMIIN,WAXA KALE OO AAN IDIINKA DARDAARMAYAA
HADII UU SOO DHEXGALO QOFRABA INUU SHEEKADA INAGA KHALDO OO ISKADHIGAYA INUU ABSAME UDHASHAY AMA ADEERKOOD,OO WARXUMO TASHIIL LASOOGALA MEESHA,PLEASE DONT LISING TO HIM,FADLAN HADHAGAYSANINA DANIHIINA HALKAA KASIIWATA
WASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI,
TOOFIIQDANA ILLAAHAY HAYNA WAAFAJIYO AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

brother

Friday, March 16, 2001 - 07:57 pm
absame iyo adeerkood, lol!!bro-

i really love this idea
when we go together, we always win!

Absame iyo adeerkiis GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUL!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAAN

Monday, March 19, 2001 - 06:30 am
SHIB DHEH SHARAD HA GELIN
HA SHEEGIN SHEEKO AAN BANAANAYN
SHIDO IYO SHUBAN SHAADALI KHARAAR
SHAN WEEYE SHAAHID ISU AH
SHAR IYO KHAYRBA

ABSAMOW HA ORAN AWOOWGII LA GUB
AB IYO ISIR LA CADAABKU
IIN BAY QABAAN AMAR AAN LA OGAYNE
AMAR ILAAH MOOYEE WAA UUN LUMAYE
ANNA AAMIIN TAAN GURI
ILAAH AQBALKIISE

ALLA AMAY MIDOOBAAN
ALLA AMAY LAABTU U XAARAN
ALLA AMAY UL IYO DIIRKEED NOQDAAN
ALLA AMAY ILAAHOOD GARTAAN
AAKHIRO SABAANKAN

AAMIIN ALAHA AQBALO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ciid

Monday, March 19, 2001 - 07:50 pm
ninkan pagekan bilaabay baan iskurayi nahay ee Absame iyo adeerkiis meesha ka kaca oo sidaan aan isudhaano!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Absame iyo Adeerkii

Tuesday, March 20, 2001 - 05:55 am
Anoo u ooman in aan helo shanta Soomaaliyeed oo midowda oo qaran iyo dawlad leh ayaan hadana baahi u qabaa midnimada iyo walaaltinimada absame iyo adeerkii.

Hadday ul iyo diirkeed yihiin cadaw iska eegaaye!

Dhul baaxad weyn oo khayraad badan oo Ilaahay barakeeyay. Dad tiro iyo tayo badan oo Ilaahay yaqaan iyo ummad hayin ah oo aad u hogaansami ayuu Ilaahay ku manaystay tolkay iyaguna weli ma garan.

Xeebta Goobweyn iyo u dhaxaysa Ras Kambooni, Webiyada Shabeele iyo Juba iyo dooxooyinka iyo togaga ka farcama, geel, lo iyo gaabanow ari, beer iyo kaluun, malab iyo caano. Maroodi, Geenyo, Geriga qoorta dhaar iyo habar dugaag boqorkooda Libaax iyo waraabahii foosha xumaa Nimco Ilaahay weeye tolkayow maad garataan!

Haddiise Bartire xintimo, Amaadin dudo, Cawlyahan caasha taago oo gabi reer Cabdille labo labo isu qabsado marin habow iyo soo tolkayow ku jiri maysaan adduun iyo aakhiro seeg!

Anaa hubee wanaagu waa midnimo iyo walaaltinimo Alla ka cabsi leh oo garab la isu noqdee tolkayow caawo Ilaahay baan idinku dhaarshay CAAWO oo keli ah niyadda isu xaaro WALAALOW iyo WALAALEY is dhaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAJI MAKAAHIIL

Tuesday, March 20, 2001 - 12:43 pm
waa hadal wayn mudan in biyo dahab ah lagu qoro
adeerkay iyo ilmaadeeraday ilaahbaa istusay oo cadawgooda kaqariyay
eebe wayne waxaan kabaryi inuu sixirka inaga saaro oon halkeeni kalisno.
absame waa kii dhulwaynaha soomaaliyeed gaaalada <oromada>kafurtay oo siduu udaba socday ay gaalo kale ula galeen xagay kayimaadeena gaal cad kayimi oo soomaalidii kale ay ubabacdhigi wayday
waxay ahaayeen cududa ugu wayn ee geeska africa kajirtay hadaan laisinkirayn markuu ninka cadi yimi
dhulkan wayn ee absame iyo adeerkii daganyahay nalooma hibayn hanti aan gadanayna ma aha ee waan tooxsanay oo ablikaynu kuhelay ee taa hala ogaado
nin inaadeerkii tuuray ama utabarsheegtayn halkuu dhigaa ladhigiye taana hala ogaado.
tiro badan oon talo lagu darani waa taanee taa halaogaado.
UGU DANBAYN WAXAAN KUTALIN LAHAA IN AAN SOOCELINO
GARAADKII ABSAME OO OGAADEEN IYO BARTIRE AMA <JIDWAAQ> EEGA AY DAAYAAN AANAN DOORANO ADEERKEEN GALIMAYS AMA WAYTEEN AMASE BAALCAD ABSAME.
EEBOOW TOLKAY TUS TABARTOODA OO TURXAANYADA DHEXDOODA AH BIXI AAAAAAAAMIIIIIN