Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): GABAY: ALLA KA CODSI
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bannaan

Monday, March 19, 2001 - 01:56 pm
Waxaan jeclaystay in aan halkan isku yar waydaarsanno gabayada gaar ahaan kuwa khuseeya SOMALI GALBEED amaba OGADENIA.
Waxaan jeclaystay inaan ku furo gabaygii ALLA KA CODSI ee DHOODAAN.


Ilaahii carshiga nuuriyow waanu kuu cabane
Ilaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye

Adigaan cirriyo geeri iyo cudur ka yaabayne
Adigaan cadrada guursanayn oon carruur dhaline
Adigaan waxaad camal qabtaa kula cuslaanayne
Ilaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye

Adaan ciidan loo qayshadiyo caawimaad rabine
Col waxyeelo gaystiyo adigaan cadaw ka yaabayne
Adaan cudud laguu sheeganayn amaan cabsoonayne
Illahayow casiis baad tihiyo cadilkii jiraye

Cunto kaa dhammaatiyo adigaan caydh ka baqanayne
Calal xidhasho uma baahnid iyo cuud la foofsado e
Ku cayiliyo adigaan ahayn shay mar caato ahe
Ilaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye

Ilaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye
Adigaan cunug la soo diray ahayn ama ciyaal reere
Adigaan berina meel kula cawayn cuur filkaaga ahe
Ilaahayow casiis baad tihiyo cadilkii jiraye

Caddaan fiila cawl iyo guduud ama cillaan miida
Casaan boosa maarriin cambara ama cawiif booda
Madaw culaya sugul caynaboo ciira iyo bayle
Xareed calasha ciid iyo ashaal ama cagaar doog leh

Caarcaar shabeel ama sidii calawyo giirgiiran
Cir guduud qaboonoo kaliyo cawo iyo maalin
cagaal ama cadceed ama sidii roobab curanaaya
caadka iyo daruuraha dhulkiyo ciirigii badaha
codcod subaga caaniyo baruur cooddi iyo jiidhba
Laan caaradeed shay ka baxa ama curdaan yeesha
Wax la cuno amaan calashaniyo waxaan cabbaynoo dhan
Wax codkiisu yeedhiyo waxaan ciyi aqoonaynin
Calaamiyo wixii midab jiree caalamka u muuqda
Cabbirkaaga shay lihi ma jiro ood la cayn tahaye
Ilaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye

Adigaa candhuuf naga unkiyo ciidda dhoobada e
Cabdigaagi adigaa ka dhigay nabi carfoonaaye
Caddaddii quraankiyo adigaa curiyay li'ilaafe
ILaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye

Adigaa cilmiba soo dajiyo diin ciraab badane
Adaa siiya laydh caafimaad gaal ku caasiyaye
Caascaasna adigaa ku rida sheekh ku caabuda e
Ilaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye

Janno ceelalaad suubisoo laga cabbaayaaye
Cadaabkiina adigaa dhisiyo naar ciqaab kulule
Ciyoon baad dhammaysaa waxaad cidhib tiraysaaye
Waxaad caawimaysana dhakhsaad u cammiraysaaye
Casaawa jalla waad ogtahay caynka aan rabo e.

Ilaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye
Cimrigayga intaan noolehee aan carrada joogo
Ceebtiyo kollay waan necbahay ciil i daashada e
Mana qabo awood celin kartiyo xoog cadaadshaba e
Inaad adigu iga caawisaan kaa codsanayaaye

Carradiyo dhulkuba waa waxaan cidi ka maarmayne
Cadawgaad horay u keentayee ciiddayada boobay
Guushiyo cadkii aan lahayn waa kuwii cunaye
Calankiyo xornimadaan rabnay cidhib tirayaane
Colaad naga dhaxaysaad ogtahay ciriqna waa muushe
Marbaanse caarad dhuub ula tagnooy carari waayeene
iIlaahayow casiis baad tihiyo caadilkii jiraye
Rabigii carshiga nuuriyow waanu kuu cabane
INAAD ADIGU NAGA CAAWISAAN KAA CODSANAYNAAYE.

Cabdullaahi m DHOODAAN

NABAADIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m/x

Tuesday, March 20, 2001 - 09:42 am
To: Banaan
salaan bro.
aad iyo aad ayaad oogu mahadsantahay gabaygan aad soo gudbisay.
sxb anigu waxa aan ubaahanay in aan idin waydiiyo su'aashan.
gabay jacaysl iyo amaan iskugu dhex jira oo aan ku amaano gabadh walaashay ah "saaxiibtey" or should i say my future wife ma iisheegi kartaan meel aan kahelo???
thanks bro.
late

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caado

Tuesday, March 20, 2001 - 12:04 pm
to banaan
sxb waad salaamantahay waadna kumahadsantahay gabaygan xigmada badan ee aad noo soo gudbisay
dhab ahaantii waa xigmad iyo burcad murti kabuuxdo
oo kusaabsan aale amaan iyo ducaysi iyo udansheegad eebaha wayn.
sxb anigu waan jeclahay gabayga iyo xigmada inkastoona xifdiga ku fiicnayn marka waxaad hayso ee kale hanaga iloobin sida gabayada wiil waal raage qamaan iyo m cali beenaley < gaar ahaan gabaygiisa baqalyo>e.t.
marlabaad mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bannaan

Tuesday, March 20, 2001 - 01:23 pm
M/X iyo CAADO waad mahadsantihiin. M/Xow bal aynu codsigaaga u dayno CAADO iyo akhyaarta kale ani wuu igu adagyahaye. CAADO bal waxaan hayo waan soo gudbine idina baashiina ka wada.

Eegga waxaan jeclaystay inaan soo gudbiyo gabaygii
XULKA GABAYGA ee ROODA "AF-JANNO"

Xulka gabayga waanigii baryahan xidhay afkiisiiye
Kolkaan xasiliyee murtidu wada xareedawdo
Xaq bay iigu yeesheen bulshadu inaan xidhiidhshaaye
Bal maantaan xafiiskiisi furi oon ka xaadirine

Xordi maayo oo hadalku waa xuub ku wada gaare
Xag qudhaa irmaanatayoo waan xoxobin qaare
Inkastoo xilligu fiican yahay waan xadidayaaye
Xog-ogaalka iyo kii fahmow raaca xididkiisa

Xubintiisu waxay daarantahay meel xanuun badane
Xaadxaadin mooyee ma rabo inaan xambaartaaye
Xigmaduna ninkii garanayay xiisa galisaaye
Xog-ogaalka iyo kii fahmow raaca xididkiisa

Xaasidnimo darteed iyo labadii xin u walaalowday
Ee xoolo rag kale tabacaday xero madoobeeyay
Waxay xooxsadeen booliyoo la'isu xaydaaba
Mar uunbay xadhkuhu kala furtaan xaajo dhabaqdaaye
Kolka ay xilqariskii lumay talo xumaataaye
Xalaal iyo ninkii lihi illeen waa xirrimahaase
Xaq lihii waxa badan goomanaa ee xilligu ciilay
Xoolihiisi waa inuu markaa wada xaraystaaye

Ninkii dhiilka xoorka leh bartiyo gorof xayaabaysan
Xanuunkeeda waa inuu arkay gaajo xayataaye
Xilkas qoladii naga dhammaysee xaabo nagu reebtay
Ee dumarkay xabaal nololiyeen xoorku fadhataystay
Xigaalkii kuwii kala diliyo xidid walaalooba
Xamaamadii kuwii naga rartiyo xoolo iyo moodba
Ee xuubka caarada guryihii nagaga xayndaabay
Ee qaarna xaabada ka dhigay shidantay xaalkeedu
Xaggoodii nabsigu eegga sow uma xawaaraynin

Xeryahoodii sow daad ma galin oo ma wada xaaqin
Sow bahal xanaaqsani kol qudha xeebta kama boodin
Xidhkii lagu kawaanlayn jiriyo xaruntii dhiigmiirka
Xudduntiyo kobtii gobo'da sow xaaluf lama yeelin

War sow xoog na siiyaay durbaba ma laha xaaraantu
Sow xoolo kama doonayaan shacabkii loo xiiray
Xiddiggoodi baa foorarsaday oo xiniin saran leh
Deedna eegga xaalkoodu waa ha is xabaaleene

Xawlalabigii aan wiifinnee yara xabeebaystay
Xalkiisii waxaa maanta helay niman ku xeel dheere
Iniin xaaratay baa laga baxshee bal aan ka xiinsiinoo

Xisbigii iblayskee ku jiray xerada doofaarka
Kuwii xumaysta loo tuuri jiray ee ku daba xiiqay
Xorfad aan biyo lahayn kuwii ceelal xidhan mooday
Ee xagaayo roob looga dhigay kuna xambaarooday
Xamdi Eebe weeyee haddii nalaga xuub siibay
Giraantii xarrago waa inaan xawli socodsiinno

Xilka qolada uu saaran yahay waliba xooggiisu
Xajisaannu leenahay mar kale yaanu xadin tuuge
Xaq u dirirka iyo geesigow lagu xannaaneeye
Ku xisaabtan waayaha dhabta ah ee xilliga jooga
Xaq dhawr kaama mudan gaalku iyo inaad xurmaysaaye
Xamxam baa ka soo yeedhaysee xaalku waa laba dheh
Xornimada inaan qaadannoo tago xuduuddiisa
Iyo inaan xarbiga sii wadnoo waliba xoogayno

Hadduu xoon dhankaa kaga kacoo lagu xanuunteeyo
Adiguna xaglaha goo illeen kuuma dhigan xeere
Kolkuu xiiqo cadawgaagu waa laga xantaystaaye
Xilligii cidhiidhiya ha barin inuu xidaaraysto
Xushmaddiyo wanaagaba ka qari xaalad ku abuura
XURBIYOO WALIBA TIIRA GALI HAYSKU XAAREENE

Bal xagga shacabka aan dhawro waa qayb xusuus mudane
Shacabyahow xornima raadinee loo xidhxidhay geeddi
Xumaatada gumaystaha hadday xoorto dhaqankeena
Xiniin dirir haddan dhaxallo iyo xaalad nagu oogan
Xurguf baa abuurane intay xaajo tahay wayda
Xornimada maxaa laguba fali yays xukumi doona

Xididnimo hadday dhimatayoo la'is xushmaynaynin
Xigtinimo haddaan jirin tolnimo la'isku xaalaayi
Xintan iyo hadduu dhaqanku yahay xakaw inaad goyso
Xornimada maxaa laguba fali yaa is xukumi doona

Xigmaddii Qamaan laga dhaxliyo xaalmasaa lumaye
Xukun iyo ismaqal baan lahayn oo xad baa jiraye
Xadhig lama tallaabaana iyo xeersan baa maqane
Kol haddaan xilkaas jirin waxgarad wada xambaaraaya
Kol haddaan duqay loo xulayn xoogga wada saarta
Kol haddaan qabiil waa xunyee la'iska xooraynin
XORNIMADA MAXAA LAGUBA FALI YAYS XUKUMI DOONA.

Rooda Cabdi "AF-JANNO"

NABAADIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 21, 2001 - 04:10 am
bannaan waxaad fadhidaa meel cidla ah ama xaashi indhoole meel cidla ah ayaad fadhidaa ku niri!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m/x

Wednesday, March 21, 2001 - 11:51 am
banaan ina adeer runtii aad iyo aad ayaad u mahad santahay. runtii waan ku farxay gabayada aad soo gudbiso.
kii kagubtaw isaga ayeey jirtaa waligiina hakagubto. waxa aan ku iri meeshaas kaga wad. indhoole iyo waxba magaradba isaga ayaa ah kii gubtee.
anonymous sxb maxigmada gabadha ayaad kagubatay. waad bugtaa ee allah haku bogsiiyo.
again i would like to thank my deerly bro. banaan.
luv u yaw.
keep it up yaw.
ignore this loser, he is nothing but a piece of trush.
yaw anonymous get a life u ---
luv my og pple.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bannaan

Thursday, March 22, 2001 - 10:21 am
Salaan dhamaan

Waa gabaygii TACAJAB ee uu mariyay Dhoodaan.
Gabaygani waa mid aad u xigmo badane ha u daymo la'aanina


Caqli gacalkii toosaa fakara nolosha toolmoone
Maskax tacajabkeedii batayoo tamanni ooyaysa
Oo cadho la tiicdaaba waa taydan oo kale e

Tafantoof dadkeenuba sidii loo tafaafulayay
Tahantooga oo waa tabtay ita waligeene
Rag bay wali tabaysaa hadday soo tircinayaane

Talalkiyo catawgiyo ilmadan iga tiflaynaysa
Sidii tiixa roobka waxay iiga tibiqlayso
Awr tabadiyoo daaqi jiray tooma doog bixiyay
Jirri inay taftaaftay baan arkaa dhiigga tay ka lehe

Tafta dhuugga miirtiyo huryada garabka tuutaysay
Wali dharabkii kuma teedsanee shaarubtay timide
Afka muu kala taajiyoo timir sideed ruugo
Aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene

Talalkiyo catawgiyo ilmadan iga tiflaynaysa
Balaayadan i taabo leh miyaan toosin kari waayay
Taariikhda Nuur jeer sidii looga soo tabiyay
Maruu taakhirkayga galay buu ciil tawaawacaye
Tanaa taxadka uga sii dhawoo tahan ka sii dheere

Inkastoo tixgalin ay rabtayoo tooxna lagu sheego
Tabar xooggu ma ahe ileen garashadaa taag leh
Tanfaraaruq mooyee hadday dhimato tawfiiqdu
Tashi qayro waydaa ileen taabo gali mayso

Tashi qayro waydaa ileen taabo gali mayso
Rag hal taaya ah toodii ka dhiga ama takooraaya
Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero
Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin u jeeda
Hurduu kugu tallaaliye ileen toos ku odhan maayo

Maska iligta kugu tiifayee kaa turqaday dhiigga
Tashaaq micida kaa tidhi illeen kaaga turi maayo
Nin aan teerigaagiyo jeclayn toorri aad xidhato
Tumbukh iyo illeen kuma yidhaa tobanlayaal iibso

Tukashada iblayska ahduwiyo toobad keennimadu
Ma taqaannid mooyee illeen khayr ma tabantaabsho
Indho lagu turbaayaa illeen tuug iskama dhawrin
Tuuxsadaaga shiishaa illeen toogti lama seegin

Tarraan geel irmaankii carrada ugu tiraabaayay
Tuludda u tarmaysiyo illeen tooyad ma illobin
Dadkii maal turaabta ah leh een taajirba ismoodin
Caydhuu ii tagaabiyi illeen kuma tabinayso

War maansadu tastuur bay heshee kuma taraarsiine
Waxaan toobiyayniyo halkay gacan toglaynayso
Tuduc gabaya uma taawiloo ama tix geeraare
Indhawaydba hadalkaan tidcaa waa tabaantabise

Indhawaydba hadalkaan tidcaa waa tabaantabise
Kanna looma tiixayn saad hortay igu taqaaneene
Tirtirsana tawaan uma hayee waan tarsaasiyaye
siday haatan iga taagan tahay waa tolla'ayeey e

Tirtirsana tawaan uma hayee waan tarsaasiyaye
Siday haatan iga taagan tahay waa tolla'ayeey e
OO takartaa maroodiga liqday baan soo tuf leeyahaye

Anna tiriyay maansee kuwaan ugu tayaagooday
Ogow tuubadii lagu jaqiyo talaxtageer mooge
Tatab iyo laxaadow haddaad ii tukubi wayday
Taageeradaadan Allow tiigsan waligay e
Talaaday Arbaco toomantayoo tar Allaan dirane
Tubta nolosha loo sii mariyo toorahaan damacnay
TUGTUG ROONI MA AHE ALLOW NOOGU TALI GUUSHA.


DHOODAAN.

NABADIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 23, 2001 - 03:52 am
TO:BANAAN
CALAACALKA DHOODAAN LA DHAAF MAHAN WAAYO? MA NAHIN CIDUU RAADINE
CATOWGIISA WAA TAY BAHDAA ISLA RAACI LA,DAHAY MARKAA LA DHAAF SALALKA MAR LABAAD MEEL CIDLA AH AYAAD XAASHI FADHIDAAYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDI ONLF

Thursday, March 29, 2001 - 02:29 am
TO Bnaan walaal waad salaaman tahay wax aan ahay wiil dhalin yaro ah oo ku nool wadanka norway wax aan aad u jeclahay dhabadha aad soo gudubisay gabaygeeda ee layidhaah ROODA AF JANO WAX AAN KU WAYDIINAYAA XAGEE AY KU NOOSHAHAY HADA WAX IIGU DANBAY SAAY IYADA OO KABAXASATAY ADDIS ABABA MARKAA WALAAL ANIGA OO KUU MAHAD CELINAYA SIDA AAD U SOO GUDBISAY GABAYADA WAX AAN KAA COSANAYAA INAAD BUUG KA QORTO LABADA QOF EE KALA AH ROODO AF,JANO IYO DHOODAAN WAAYO WAA LABA QOF OO TAARIIKHDA KAGA JIRA ANIGA XAGAYGA MEEL AAD U DHEER WAX AAN AAD U JECLAA INAAN KULA SOO XIDHIIDHO E XAGEED KU NOOSHAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bannaan

Thursday, March 29, 2001 - 09:09 am
CABDI ONLF

SXB WAAD SALAAMAN TAHAY. SAAD SHEGTAY LABADA ABWAAN TAARIIKHDA QADDIYADDA OGADENIA BAAL AAD U FIICAN AYAY KAGA JIRAAN. LABADA ABWAAN WAXAY KU SIFOOBEEN BARAARUJINTA SHACABKA DULMAN IYAGOO KU ADKAYNAYA INAY XAQOODII AY MAXAYSATADA AXMAARADU DUUDSIDAY SOO RITAAN, ISKANA ILAALIYAAN SAKALLADA AMABA DABINADA UU U MALEEGAYO GUMAYSTUHU.

SXB ROODA HALGANKA BARTEEDII AYAY KA MIISAYSAA
MEEL WADDANKII AAD UGU DHAWNA WAA JOOGTAA. QAAR KALE OO GABAYADEEDA KA MIDANA WAAN SOO GUDBIN DOONAA HADDII ALLA IDMO.

DEGAANKAYGU WAA CARRIGA INGIRIISKA.

THANKS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi onlf

Monday, April 02, 2001 - 03:53 am
TO Bannan sxb waad salaaman tahay wax aad sheegatay waa runtaa laakiin wax aad ubadan dadka aan fahansanay ee u dhashay ogaadeeniya markaa waa inaynu inagu baraarujinaa dadkaas sxb halganka waan rabaa inuu socodo ilaa,iyo inta lagagaadhyo najiijo markaa wax aan kaa cosanayaa maadaama ood sidaa uhayso taariikhda labada qof maad walaal ka qortid buug inoo gala taariikhda adna magac kuu noqoda anagana na anfaca intaa ayaan sxb kaabaryayaa wax aana kaa sugayaa jawaab ku sahabsan buugaa iyo wax aad ka qaban karto

waad salaam tahay sxb