Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): TACSI:GEERIDA KUTIMID MARXUUMADII AHYD{SOOMAALIGALBEED}
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S/G.BEEDMAN

Saturday, March 24, 2001 - 12:16 am
"24"ka bisha maaris ayaa waxayku beegantahay xiligii uu ISTICMAARKA "INGIRIISKU"kuwareejiyay sisharci daro ah oo ayna habayaraatee waxba kala soconin dadka reer soomaaligalbeed, uguwareejiyay
isticmaarka labaad ee"XABASHIDA".
taasina waxaay kadanbaysay,kadib markii;boqr MILILIKH loogu carablaalaadiyay shirkii "BAALIN"kadhacay 1884 ay reer YURUB kuqaybsanayay QAARADA AFRIKA in loodaynayo soomaaligalbeed[taasoo uu isagu ku doodayay in uulahaanjiray,wwan mid an saliyo raad midlahayn].
magaalada HARARna uuxoogku qabsaday kagana qabsaday dawladii soomaaligalbeed[imaaratu harar looyaqaanay]iyaga oo hub iyo khubaro dagaalba aykusaacideen FARANSIISKA IYO TALYAANIGU, waliba markuu kuguuldaraystay wasiirkiisii gaashaandhigu in uujabiyo dawladii harar ayaa waxaa soo hogaamiyay duulaankandanbe"BOQOR MILILIKH"laftiisa soona dagaalgaliyay dhamaan ciidamadii boqortooyadiisa,markii uu qabatay hararna gumaad iyo in uu biliqaysto xataa albaabada guryaha bilaabay iyo in uu uyeedho isagoo kaniisada kaashanaya dhamaan masiixiyiintii reerbaadiyaha ahaa si ay soomaalida duulaano kalagadisan uguqaadaan ugana soobiliqaystaan waxay kuarkaan ee xoolo iyodadba ah.
waxaase kufikirayay dhulkaa inay xaq uleedahay dawlad ingiriiska taasookeentay in ay ku eryan labadaa ictimaar eekalana ooy xabashi u fududeeyaan siday uqabsan lahayd.
guushii "ADHWA" ayxabashidu kaga guulaysatay talyaaniga ayaa fikrad kale ku abuuratay ingiriiska,taas ooah in ay xabashi u aqoonsato dhulkaas daneheedana sidaa kaga fushato,sidaa awgeed ayay uaqoonsatay,markii u horaysay dhulkaas xabashi 14/5/1897dii.
tajyaaniga oo hunguriga ugubadani kagajiray dhulkeena sababta kaliftay dagaalka cadhwana uu ahaa qabsashada gobolkeena ayaa isna heshiis aan dhamaystirayn alasa xeexday isla sanadkaa,
markii uhoraysayn ee TALYAANI u aqoonsado xabshi dhulka S/G.BEEDna waxay ahayd16/5/1908 dii
waxaana laga ogyahay in uuna taas kuraalinoqon oo hadana sooweeraray xabashi qabsadayna dhaman dulkeeda kuna soodaray SOOMAALIGALBEED maamulka banaadir.
ingiriisu kadib markuu kuguulystay inuu dhulkii xabashida iyo dhamaan geeska AFRIKAba kasaaro ITALY 1941 dii ayuu isna sidookale dhulka soomaali galbeed wuxuu hooskeenay HOGAAMINTA CIIDAMADA INGIRIISKA xabashina heshiis kulagalay arintaas 31/1/1942dii taas oo saas ahayd ilaa 24/3/1948,oo uukuwareejiyay DHULKA LOOYAQAANO "RESEAVED AREA"oo badanaa dhulka soomaali galbeed,taas oo ahayd khayaamo ad uliidata oo isticmaarka ingiriisku ugaystay umada soomaali galbeed inla ilaawana aan ahayn.
sida aan ognahay tani waxay kadanbaysay geedi dheer ooisla sanadkan dhacay oo kusaabsan ARINTA soomaalida waanansiiwadi doonaa...
ugudanbaystiina wuxuu xabashi kuwarejiyay dholka looyaqaano"HAWD' 29/11/1954tii.
waxan marka dhamaan ugubaaqayaa walaalaha SOOMAALIGALBEED in aymaanta kuxusaan mug intacsi ay ujeedinayaan dhulkoodii, sidookalena maalmaha lamidka ahwaa 26/1...ookubeegan markii harar laqbsaday iyo 29/11.. ookubeegan ugudan baystii markii hawd ladhiibay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S/GBEEDMAN

Monday, March 26, 2001 - 06:30 am
Waxaan halkan kasii wadaynaa waxyaabo yaryar ookusaabsayn soomaaligalbeed;waxaa jiratay sida ninkasta ootaariirda geeska afrika waxkala socdaayi uu og yahay in dhulka soomaaligalbeed uu udhiibay cadawga INGIRIISKU ka'aargoosi kadibmarkii ay ahaayeen dadkaasi kuwii hogaaminayay halgankii qabsaday ingiriis 21tan sano nahaystay, kadib markii uukuguuldaraystay in aykasootanaasulaan mucaaradnimadooda iyo ku adkaanta diinta islaamka, kadib markii aydiideen dalalka reergalbeedku inlaysku sooceliyo.5tii soomaliyeed eelaqaybiyay[maraykanka,ruushka faransiiska] hadaba waxaajirtay in ayisku raaceen dalalkaas aan sooshegnay iyo ingiriisku in ayafartoodu utaliyaan dhulalkii uugumaysan jiray dalka talyaanigu, kadibna ayisku diideen inlaysku sooceliyo soomaalida lana hooskeeno maamulka INGIRIIS fikradaa oo uu watay ingiriisku, waxaakale fikradaas kasoohorjeedsaday dhamaan dalalka aduunyada oo dhan.
waxaajirtay inay soomaaligalbeed udirtay wafti 1948dii wadamadaas afarta ah wasiiro dibadeedkooda oo ka'fadhiya arintaas, kadibna loosoodiray liloosoohubiyo in shacabku ay rabaan ingiriis iyo inkale gudi layidhaahdo"GUDIGA XAQIIQO RAADINTA" kaas oomuqdisho yimid marlabaadna ay reer soomaligalbeed wafti direen lagulma gudigaas ka'socday UNka isla sanadkaas.
hase yeeshee soomalidu waxay ufahantay in ingiriis raadinayo isticmaar cusub inuu ubilaabo soomaali guud ahaan fakradii ingiriiska waxaa kasoohorjeedsaday dhamaan ururadii iyo waxgaradkii soomaaliyeed.
kadib marii gudigaasi ay kuwarbixiyeen inayna soomalidu rabin ingiriiska ee ayraban xornimo iyo mudada talada loohaynayo oo UNku ay maamulaan ayaa loogudbiyay arintii UNka oofaraha looga bixiyay 4tiidaltaariikhdumarkay ahyd 15/3/1948dii hadaba markay xaqiiqsatay in ayna marnaba kuguulaysanaynin rabitaankeedii ayaa 9maalmood kadib xiligaas loogudbbiyay arinta soomaalida UNka ayay gobolka soomaligalbeed kuwareejisay XABASHI iyada oo kaqarinaysa dhamaan caalamka iyo soomaalidaba arintaas oo ay iskudayday in ay si aan shacabka oo xabashi colaad xun oo taarikhi ahi dhextaalay aanu uga horimanin dagaalona uguqaadin axmaarada ay odayaashii ururiyeen 1949kii kadibna ayku yidhaahden {ciidamo xabashi ah ayaa idiin imanyee yaanlaga hortagin lalana dagaalamin oda yaashuna arin taas aad ayay uga hotageen unadiiden, kuwii sida adag uhadlayna halkii ayaalagu laayay].
hadaba siday uqarsonayd arintaasi eeqaabkii loogusheegay odayaashana uu ahaa ciidamo xabshi ah ayaa imanaya e aanay ahyn sheekadu xabashi baadulkina laguwareejin ayaaooda lga qaaday sirtii laqarinayay 1954tii kadib markay kadayn waayeen soomaaligalbeedu su'aalo kusaabsay maxay yihiin ciidamadan xabashida eedholkii jooga mudo6sano ah? waxaana la'ogyahay ciidan XABASHIDU dhulka inuu meelo kooban uun kafadhiyay iyada oodadka xabad uuni kadhaxayso markay is arkaan.
aritu markaysidaas udhacday ayaa loodiray wafi uu hogaaminayo "SULDAAN BIIXI FOOLAY" dunida iyoUNka si ay usoo ogaysiiyaan sida uu ingiriis ukhayaamay. dagaalo ayaana bilawday isla sanadkaa waana xiligii lasameeyay ururkii "NASRULAAHI" isla marka waxay bilawday dawlada ingiriisku bara bagaando ay u adeegsatay dadsoomaali ah oo lashaqaynayay in odayaashii lala shiray 1949kii aydoorteen XABASHIDA''''''''''
waxaana kubaxday inla'fidiyo borobagaandadaaas lacag gaadhaysa 91000ukpound.
ilaahaw naga fur-fur cadawbaa cadaw kalenoomijin qabtay eh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S/G.BEEDMAN

Friday, March 30, 2001 - 08:30 am
Waxaan horay usoosheegnay in uuna isticmaarka INGIRIISKU haba yaraatee kalatashanin soomaalida markii uu XABASHI kuwareejinayay.
waxaase iswaydiin leh madaama ay soomaalida iyo xabashidu si taariikhi ah colaadi uga dhaxaysay sidee ay ugu suurto gashay in si dhibyar dhulka gacanta ugu dhigto?
waxay udhacday aritaaaaasi sidan;
B-Kdib markii boqor XAYLE SALAASE lagu sooceliyay ADIS ABABA iyo boqor tooyadiisii ayaa wuxuu baroor dhabarka saaray inaydalalka masiixiyadu udhisto dawlada iyo cidan aad uxoogbadan, isaga oo ku habarwacanaya waxaan ahay jasiirad kudhextaala badwayn muslim ah,
taas waalaga yeelay oo waxaa loo dhisay ciidankiila odhanjiray LIBAAXII AFRIKA.
sidookale waxay kugaleen heshiis isticmaarkii REER YURUB inloo ilaaliyo dhulkii uu kuqaatan BOQOR MILILIKH dulmiga iyo dhulbalaadhsiga [ilaa iyo hadana sidaa unbay aaminsanyihiin gaaladu].
T- waxay kudadaaleen ciidamada INGIRIISKA eejoogay dhul s/maaligalbeed in haba yaraatee an lagu arag dhulkaas wax hub sheegta , iga oo raacaya qaabkan;
1-qori meelkasta oo lagu arko waalaqabanayay,cidii hadal ka keentana waa latooganayaa isaga oo halkiisaas taagan,
2-xoolaha ayaa laoodayaa iyada oo dhamaa ceelasha kuyaala hal maalin ah lawada qabanayo, xoolahaasna waxaa ninkiilahaa lagarabaa in uukeeno qoryo iyo rasaas [20kiineef ee geel ah hal qori].
3-Biyaha amase ceelasha ayaa laqabanayaa [odayaa]iyagana sidookalae,xooluhu markaa waxay kucabikaraan inqoryo lagu garab wado taasoo waliba latirinayo.
4-maadama oy jireen ciidamo udhashay soomali oo kamid ahaa ciidanka ingirisiiska [oolaga keenay woqooyiga &koofurta soomaaya] waxaa lag samaynjiray dadka baaritaan jogoto ah iyo xansi[jaajuusid] si loohelo cidkasta ooqori qarsanaysa loona toogto hadii uu isku dayo inuu hadal kakeeno, kadibna eheliyadiisa loogaga dabagalo ilaa ay keenayso qorigii.


Hadaba hdul aan Qori iyo Rasaas midna kuyeedhin ayay aa XABASHI laguwareejiyay.
J-Magaalo kasta oo ciidanka INGIRIISKU rabo inuukabaxo kama ayna baxaynin ilaauu kala wareego xilka ciidanka XABASHIDU,kaasoo badanaa habeen soogalaya ama qarsoodi kusoogalaya,kadibna dagaya meelkabaxsan magaalada.
sidookale waxaa looreebayaa ciidan soomaali ah oo kamid ah ingiriiska ciidamadiisa siloomaleeyo in INGIRIIS jogo.
sidaa ayay kuqabsadeen magalooyinka waawayn ee gobolka,laakiinnma'ayna tagi karaynin tuulooyinka iyo baadiyaha,
yaase ladagaalami dadku dhamaan wuufaromadhanyahay islamana hayo wax hub ah ama rasaas.
X- Dadaal dheeraad ah ayay kubixisay MAXMIYADII INGIRIISKU mudodii labada sano ahayd ee 1948,1949kii in ay hesho dad reer soomaaligalbeed ah oosoo dhaweeya XABASHIDA aydhulka kuwareejisay
hase yeeshee aritaas way kuguuldaraysatay.

KH-Hase yeeshee fikrad kale ayay keetan[waa ingiriiskii]taasoo ahayd mid aad ulidata ahna midakaliya ee soomaalida lagaga guulaysto;in ayisku diraan soomaalida iyaga oo qabaa ilka reer somaali galbeed kudiray kuwa reer soomaaliya dhamaan qabaailka waawayn[intoodabadan]taasoo keentan in aykamashquulaan dadkii xabashi una jeedsadaan iska celinta soomaalidahubaysan iyo iyaga oon hubaysnayn,ingiriiskuna wuxuu siinayaa qabaa ilka uu xukumo taageero toos ah oo umuuqata shacabka.
taasoo kaliftay in ay iyagana taageero wadiistaan XABASHIDA sidaas ayaana markii ugu horaysay taariikhda ay xabashi wada hadleen una arkeen in ay yihiin banii aadame lala hadlikaro.
dagaal qabiileed kaasina wuxuu soconjiray 1949-1954tii markii uu dagaalkii joogsaday oo ingiriiskii hubsaday in ay XABASHI dhulkii hanatayna waxay ujeedsadeen dadku xabashidii markaas oy arkeen BOHOSHA aykudheceen,dagaal ayna kubilaabeen XABASHI1954tii,
kadibmarkay su aalobadan INGIRIISKII waydiiyeen oo dhulka kusaabsanna waxaaloosheegay in dhulkoda laguwareejiyay xabashi markay taariikhdu ahayd1955tii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

s/galbeedman

Saturday, March 31, 2001 - 12:24 am
Inagoo sii wadna taariikhdii soomaalig.beed ayaa waxaajirta, waxyaabo yar-yar oon ubaahanahay in aan raacino intii hore oo ahkuwan;
Waxaa aad layaab uleh in ISTICMAARKII INGIRIISku
ay taageeraan markii hore HALGAMAYAASHII REER S?GBEED ee bilaabay halganka 1954tii kadibna markii uu sifiican isagu duba dhacay ee dadku ay udiyaargaroobeen dagaal aad udheer oy lagalaan ISTICMAARKA XABASHIDA hadana marlabaad ayiyagu ladagaalamaan[waaingiriiskii]oy waliba maadama ay sirka hayeen ay sifiican ufashiliyaan kadibna ayraacdeen hogaamiyayaashii markay baabi'iyeen JABHADII,oo lawada ogyahay in ay iyagu sooqabteen ugu danbaystii hugaamiyihii xiligaas,halgamaaga wayn ee lawadanaqaano{MAKHTAL DAAHIR GARAAD}xamarna aykasoo qabteen AXMAARANA aygacanta kagaliyeen,
waxay aritaasi cadaynaysaa ingiriis colaada uu inooqabay oouuku talogaly in aynaan waligeen kahoosbixin halka uu inagaliyay,hadana isaga uunbaa inadaba taagan oon inaga hadhin.

AritLABAADI WAXAYTAHAY;MAXAADALIIL UAH OO UUKUGARAN KARAA NIN AAN TAARIIKHDA WAXBADAN KA'HAYNIN IN AYBEENTAHAY WAXA DHAMAN DADKA KUFAAFAY EE AH UDAYAAL AYAA WAX DOORTAY;
ANIGA OO SOO GABINAYA, WAXAA KUGUFILAN OOKALIYA;
1- INAYNA TAARIIKHYAHAMIINTA ADUUNKU DHAMAAN WAXBA KAQORIN.OO AYNA SHEEGIN WAXSIDAAS AH. IN AAN ISTICMAARKII REER YURUB IYO GAAR AHAAN ingiriisKU SHEEGIN/QORIN.
IN AAN AQOON YAHAMIINTA, TAARIIKHYAHAMIINTA,SIYAASIYIINTAIYO INDHEERGARADKU SHEEGIN.TAAISKA DHAFE AYCADAYNAYAAN IN AYNA JIRIN[MID DHUUNI QAATE AH MOOYEE].
IN AYNA xabashi OO IYADA AYDAN UTAHAY AYNA WAXBA KAQORIN,MARKALIYANA KAGA DOODIN GOOBAHA AY DOODUHU KUDHEXMARIJIREEN IYAGA IYO SOOMAALIDA[WAANA DALIIL AAN DALIILKADAN BAYNIN].
UGU DANBAYSTII WAXAA CADAYNAYA, INAY BEEN ABUURTAHAY TARIIKHDA UU DHACAY SHIRKA ODAYAASHA LALAYEESHAY OO DHACAY 1949KII IYO WAREEJIN DILKA SOOMAALIGALBEED OO AHA1948 BISHII 3AD.


tAARIIKHDAN WAXAAN KUSOO DIYAARIYAY AMA AAN BAARITAAN KUSAMAYNAYAY MUDO KABADAN 10 TOBAN SANO AAN BAARAYAY WAXA AY QOREEN DHAMAAN QORAYAASHA ADUUNYADU,GAAR AHAAN KUWA ISTICMAARKII INGIRIISKA,REER YURUBKA KALE,CARABTA,SOOMALIDA IYO XABASHIDABA,SIDOOKALE WAXAAN AAD WARAYSI ULA SAMEEYAY MUTACALIMIINTA SOOMAALIYEED,ODAYAASHA INDHEERGARADKAIYO SIYASIYIINTA.
SIDAA AWGEED WAXAAN ISLEEYAHAY WAXAN AAN SHEEGAYAA WAAA WIXII DHABTA AHAA,INKASTA OOBANII ADAMKU NAAQIS KASAMAYSANYAHAY,BUUG AYAANAN DIYAARINAYAA ARINTAN AAN KAQORI DOONO HADII ALLAH YIRAAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S/G.BEEDMAN

Saturday, March 31, 2001 - 06:07 am
Waxay danbasocotaa qaybtii hore hadaba waxaad akhriyikartaan BUUGAAG TAARIIKHEEDAN:
1-The Evaded duty /Fitzgibbon louis.
2-The Modern history of Somaliland from nation to tate /lewis i.m.

iyo kuwan afcarabiga ah;
3-MUshkilat al-qarnul ifriiqii wa qadiyatushcab al-soomaal/Jalaal yaxyaa&Muxamed Nasir.
4-Mushkilat al-Ogade bayna al-ixtilaal al-xabashii wal intimaa al-carabi al-islaami/Sayid falifal.
5-Alhaziimat al-thaalithah.../Ibrahim[maah].
6-ALsomaal al-Qarbii[taariikhuhu al-nidaalii wal siyaasii]/ WSLF.

Sidaa aan horanba usoosheegay waxaa kujira taariikhdan qaar aan kasoo diyaariyay dad aan waraysi layeeshay oo xulka soomaaliyeed ah.

Waxaan uga cudur daaranyaa akhiyaha in aana diyaarinin, una qorin qaab waafaqsan qoraalka sharciga ah taasna waxaa kalifayay wakhtiyaraan ihaysay oo xiliwalba daqiiqado ayaan waxyar kucayrinayay[kuda dajinayay].