Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): AABOW SIYAAD, MAWAX ABSAME KA MUSJILICSAN OON DHUL KA QAADANO AYAAN HELAYNAAA.....?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TOLKAY YAA WAX ARKAY?

Tuesday, April 03, 2001 - 04:56 am
MAJEERTEN: War SIYAADBARRE tagye SOOMAALI aan udhisno dawlad cadaalad ah oo dhamaan wixii hore ka wada fiican.
MAREEXAAN:Walee anigaadan ixukumin oonad iigalin sidii aan kuugali jiray.
ISAAQ; Walee daarood danbe ayaan ixukumin:S/LAND HANOOLAATO.
HAWIYE: Waain aan soomaali xukuna intuu daarood xukumay in le'eg.
TIGRAY: waa in aan dhisnaa DAWLADII ABYSSINIA ee katalin jirtay dhamaan bariga AFRICA.
JEES: war majeerteen waa kha imiin oo soomali ninkamid ah oy waxu ogolyihiin majiro e waa inlafahmo oon iskadhicinaa ABSAMOOW, soomaalina kadhicinaa.
GABYOW: war wiilkaaganyar umada kafadhiiso daarood ha iskudirine.
ABSAMEQAARKIIS; gabyaw ayaa quman.
QAARKALE: walaahi waxaa kaquman JEES.
O.N.L.F:waryaa GABYOW IYO JEES;labadiinu waaqaldantihiine arinta soomaliya faraha kaqaada oo kaalaya soodhiciya dhulka OGADEENIYA.
ABSAMEQAAR: warmarka hore magac qabil ayaad wadataane dhiga kadib ayaan kawada hadlaynaa aayatiinka umada iyoi danta ABSAME labadabae.
o.n.l.f;walaahi hadaan magaacaas katagno waylumi qadiyadu.
ABSAME QAYBKAMID; warwaad waalantihiine dhigka magacan aad lawareegaysaan.
o.n.l.f; illaahow tolkay xaqa fahansii.
ABSAME QAARKIIS;walee intaadsaas leedihiin ayaan waxba hagaagin.
SU'AAL CAAQIL:hadaba umadaydan yaasax ah yaase qaldan?
MAREEXAAN:warkaa ABSAME iswada hayste dhulkoodan balaaran wa in aan qayb ka qaadanaa.
MAREEXAAN: GUUL KISMAAYO IYO...
ma dhulka fiicanbaad helaysaan inta aduunku dhisan yahay,hadaba kufaro adgada.
SIYAAD BARRE: warya MAREEXAAN, waamaxay waxad keentay, ABSAMAAN dhulka qaatay a?waalayaab,ma in aduunka lagaa wayo ayaad rabtaa'''
MAREEXAAN; aabo SIYAAD yaa ABSAME kamus jilicsan?
oon dhulkaqaadan lahay.
SIYAAD;oo.miyuu jilicsanaday ABSAME?sawkii wax cardaduqa kasamaynjiray.
MAREEXAAN: aabo waa inmarkay israacijireen. lakiin hada iyagii ayaa kala dhamaan lah.
SIYAAD: hada iska haysta waa labadii meelood ee dhul ugu qaalisanaaye,LAAKIIN KA ILAALIYA INAY WADA TASHADAAN,HESHIIYAANiyo IN AY WAX ISKA MAQLAAN.
CIDI KAMA XOOGBADNA HADAY ISRAACAAN,CIDI KAMA CAQLI BADNA HADAY WADA TASHADAAN,CIDINA KAMA MUTACALIMIIN BADNA HADAY QADARINAYAAN OY WAX KAMAQLAYAAN.
MAREEXAAN:AABO labadii dibusocod ee dawlada riday in ay iyagii ishaystan miyaanaankuusheegin[JEES& GABYOW]?
SIYAAD;lol lol lol lol, madhaba?
MAREXAAN: WAADHAB AABO>
SIYAAD; HADAA KUDHUFLEEYA, LAAKIN MIYAYNA DADKALE LAHAYN, AARMAY DHALINYARADU IDIINTASHA TAA.
calaa ayatixaal halkaa kaga haya dardaarankii aan idiinsheegayna hailaawina.
MAREEXAAN: aabo taas nagu ogow, janadaadiina iska doono.

waysotaye hamoogan .............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ina Ugaas

Tuesday, April 03, 2001 - 06:56 am
Anoo ina Ugaas ah oo awawgay la gubay

Anoo laan dheere ah oo Gerigaba ka sii luqun dheer

Anaa talin jiray

Anaa la iga soo gaaray

Anaa fidin jiray

Anoo ina Ugaas ah oo awoowgay la gubay

O ooho eegadan la joogo

O ooho weligeedba

Anoo ina Ugaas ah oo awoowgay la gubay

carigan aad arkaysaan anaa gaalo madaw ka kiciyay

anay wiil waal iyo nuur cubiriye boqoro ii ahaayeen

anuu ahaa sayidkii gaalo diloo soomaali dareershay

Anoo ina Ugaas ah oo awoowgay la gubay

cayr weeye tolkay aan caalim lahayn
cayr weeye tolkay aan caaqil lahayn
cayr weeye tolkay aan caado lahayn
cayr weeye tolkay aan abdo lahayn

Anoo ina Ugaas ah oo awoowgay la gubay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina Absame

Tuesday, April 03, 2001 - 07:31 am
Kii: Ammaan reer u dhaaminaa
Kan: War ma oon baa wax na yeeli
Kaas: wax aydaan ogayn baa jira
Kuwaas: waa la qarin
Kuwii: horta sirta maxaa nalooga qariyaa

tan: Hubka qaata
tii: naa dabka naga dhig
tu: shimbiri mar bay dab qaaday...

Halyay: wax xoolaha bixiyo xoolo waaya
Halgan: kutubta guba, guriga dumay geelana dhaca
Halaq: mijin jaad nimaan ii qaadin
Huleeye: anigaaba tigreega soo hor kici
Haqab: war amaan gaajoonaa oo gurigeen ba'aa

cunaaye: haddii aan la calaymo saarin
ciidiiye: awoowgaa la gub anaa ab iyo isir u leh
cataw: qaxaan soo galnay miyaan nagala abaal marin

daawo: dal iyo dad toona ma hayno
diidnay: O ooho
duwan: horta O iska dhega
dalmar: iyada mooyoo ma mid kalaan haynaa
duq: war hala tashado
doob: haraagan baa halkan na dhigay

tolkay: diidnay dhanna dooni mayno dhinacna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TOLKAY YAA WAX ARKAY

Wednesday, April 04, 2001 - 06:03 am
TO: ina UGAAS iyo ina ABSAME, sxb sheekada dhexda ayad kasoo kasheene waxa idiin ekayd in aad sugtaan madaama oon cadeeyay in ay socoto.
tankale waxaa idinka muuqata in an aad meel gaar ah atagsan tihiin anigana ujeedadaydu ma'hayn sidaas, waalayarehe reermagaaleya waxa idinkuse waad buqtaate marka hore soobogsada, kadibna tolka wanaagisa aan raadino.

iyadoo sii socota matalaadii yarayd;
CIGAAL: war anugu waxan kudhaartay in aan AWDHEERAYAASHAN dhaqalohooda tuubo kaga dhuuqo, ooaan kadhigo sabool cayr ladhimanaya,XABASHINA an udhexgalo dibeed aan kudhameeyo,kii udhaq dhaqaaqina cadaw aan udhiibo,dadka ay dhulka wada dagaana aan kudhohodhulkiinay rabaane iska dhiciya.
C/YUUSUF: ah, ah . ah waar yeedhe ni nyahaw nin oday ah ayaad tahay fikradii aan raadinayay ayaad heshaye saaxiib ninman ku waa KABLALAX oo ana ka aqaanee kawaankaan keeni oo waan kalasiri, markaan kawan ka kuusaaro kurka kajar,sir.....
SH.SHAL;lol lol,war ninkasta oo waxyeelikara sirtoodaan siin,iyo dul duleelkooda ducana waan ugudari.
GEEDIABSAME:tolkay waa iqiimay waayay waan kadheeraan.
C/LAAHI AMSAME:war ani halaygu soodaba faylo.
GEEDI ABSAME: qaarbaa raba in ay kaligood noolaadaan.
JAGAF ABSAME:war tolkay aaway.. war tolkay aaway..
CAMANJE ABSAME:war aniga iyo ninkaasi meel isagu imanmayno.. walee in aanaan isugu imanaynin meel wixii kulumi hakulumo.
DHALIN YARADII ABSAME:lacag.. lacag..lacag.lacag..lacag...


CALI YARE ABSAME:warheedhe "waayeeljiraaba waa inagee leebka iyo qaansada inaga dhiga"intuu soo uru riyay dhamaan dhalainti ABSAME ee joogtay QURBA ayuu sidaasi kuyiri kadibna way ka aqbaleen. in intooda QURBAHA kunooli umadii badbaadiyaan,dhaman waxay hanti,caqli iyo awood hayaana isgu geeyaan,badbaadinta dadkooda ayay isku dhaarsadeen.
CALIYARE oonin aad uda'yar ahi wuxuu usheegay dhalinta ABSAME,haday umadu ismaqlayso, xataa kooda ugu da'da yara hogaan hakadhigteene in ay meelgaarayso,tankale waxba in ayna qabanaynin in aad kuraaxaysato NOURTH AMERIKA AMA YURUB dad kaagiina uu silicsanyahay ayna waxba kuuqabanaynin umaduna takaliya eeloobaahanyahay aytahay in ay kunoolaato sharaf ama aduunka ay iskagatagto, sidookale wuxuu in taas kudaray;waain laysqadariyo oon kuwada noolaano mabda;a layidhaahdo"INAGA'lakiin an meel iska dhigno erayga macnaha yar ee"ANIGA".
CALIYARE; wuxuu kacodsaday in dhmaan dhalinta ABSAME, aygacan kusiiyaan badbaadinta tolka,taas oy kuwaafaqeen,waxaalakiin ubaahan in uukadhashay CALIYARE reeraha absame ugutiroda yar,laakin arintasi iyo anaa kaa reerbadan absame manta meel ayuu iska dhigay,wuxuuna go'aansaday inuu wax wada qabsado.
sidookale odayaashi beeshu, markii uu caliyare wadankii tagay ee lakulmay ODAYAASHA sidii dhalinyartu wax ula fahantay ookale ayay waxula fahmeen,sidaas ayuu CALIYARE TOLKIIS KUBADBAADIYAY,GUUL ABSAME GUUL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

oday absame

Wednesday, April 04, 2001 - 08:52 am
war hee dheh Caliyare waa kaan raadinayay ee xagee buu joogaa? Ilaahayow reerka Caliyare oo miiran kawada dhig!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nur

Wednesday, April 04, 2001 - 07:15 pm
sxb, dhulbahante banaankuu kajoogaa miyaa dhibaatada absame haysata. mise wali qaybaa kuu hadhay. ilaahay dhibta haydin kasaaro. intaadse gobyow iyo jees aad kaladooranaysaan dhib baa idin haysata. taladaad ubaahantihiin waantan.
1)fahantaan absame sadex wadan kaledega iney iskudan noqon karin, laakiin iscaawin karaan
2) maadaama aad ubaahantihiin soomaalida kale dhamaanteed ineydaan cid gaara colaad san
3) Individuality rather collectivity.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Wednesday, April 04, 2001 - 09:16 pm
TO: All

Tolkay intuu batay buu is baylihiyay.
Edoor: waa in aan qabsanaa JigJigga kana takhalusnaa Jidwaaqan xunxun ee beeraleyda ah,waa in aan qabsanaa caro ogaadeen sida Faafan iyo Qabridahare,dee ileen nama celin karaana,oo waad garanaysaan waxaan ku dhignay Xodayo,waxaana hadda ka haysanaa 700 oo tuulo,dee waa in aan sii soconaa,Ethiopiana waa in aan xiriir fiican la yeelanaa gabdhana siinaa.

Majeerteen: gabadh iyo wiilba waa in aan ku beernaa colaada Ogaadeen meeshaan ku aragna waa in aan dilnaa,Axmaaradana waa in looga hoos maro oo aan hub uga soo dejino Boosaaso,nin iyaga ka mid ahna waa in uusan xil ka qaban Ethiopia,dadkaasi waa cadawgeen Majeerteenow!

Hawiye: arhooy doofarka daarood aniga waa isu kay mid,waa in aan somalia madaxweyne ka noqdaa,daaroodna kuma soo noqan karo,kismaayo waa in aan qabsano waa dhul hawiye.


Mareexaan: si aan u noolaano waa in aan Hawiye kismaanyo la qabsanaa,waana in aan Abbsame ku dhahnaa Majeerteenka Ilkar nagu yiri ayaan magaalada ka saaraynaa,ka dibna adinka ayaa haysan ileen toos uma waarari karnee,markii aan qabsano waxaan dilaynaa Odayga Qoraxey ee xoogaaga dhaqaalaha haysta,ka dibna waan kala gadaynaa ileen way baahan yihiine kismaanyana noo gacan gashay anaga iyo hawiye.

Cigaal shiidaad : Markii uu maqlay rasaaatii Qoraxay lagu dilaayay iyo tii madaafiicda lagu burburinaayay Olombig ayuu yiri Abkay Baahale Siciidoow cagtaydaay ibixi intuu orad isku taabtay ayuu Kenya ka soo jeestay.

Jeesna: waxuu yiri waan seexan ee yaan la itoosin intuu Qaad iyo khamro ka dhargay waxayna niyadiisu istustay in uu Magaalada isagu haysto.

Dhoohane: waxuu yiri aggaa war xabada dhacaysa dhawaaq dheeraa ayuu, dhankaa iyo Afmadoow u jahaystay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIILBAARREY

Wednesday, April 04, 2001 - 09:17 pm
Salaan dhamaantiin
To: TOLKAY-YAA ARKAY AND OTHERS
Br waad ku mahadsantahay majaajiladaadan micnaha wayn xambaarsan, inkastoo aad moodo inaad laftaadu wax is yara dhexgalinayso(waxbaa kaaga iska qasan br sidaan u arko, absamanida iyo deegaanada, wayna kala yihiin) waayo Absame waa isku dad wuuna isku baahanyahay lakin mar walba hala xasuusnaado Absame wuu kala duruufoo duwan yahay
Tusaale ahaan qofka absame ee u ku nool Garrisa la duruuf ma ah kan ku noo Kismaayo ama Godeey, sidoo kale Kan ku nool Ceel-Barde La duruuf ma aha kan ku nool Baareey oo u jirta in kayar 200KM. marka anoon ku niyad jabinayn habayaraatee walaiba loo baahanyahay mowduucyada noocaan ah oo kale ay tahayna waxyaabaha umad lagu jiheeyo hadana
********Dadka Absamaha ah dhowr xaalo marwalba ha xasuusnaado da'yartooda iyo duqaydoodaba
1- Absame waa qabiil'e qabiilnimodiisa wax haku wada qabsado, kaas oo waliba haysta fursado aysan haysanin umado badan oo kula dhaqan Geeska Afrika

2 "OGAADEEN iyo OGAADEENYA ama Ogaden and Ogadenia" hakala saaraan bahwaynta absame waliba ogaadenoow kala saara labada O (2O) waa ogadeen iyo ogaeeniya, Hadaad absame tihiin isfaham dhexdiina ka abuura iyo kalsooni dhab ah, lakin sidaad hada tihiin waxaa weeye "Dhurwaa madaixiisana uma roona laf guri taalana uma roona" sidaa darteed absame wax wada qabsan kara hala abuuro, isla markaasna dadka somaliyeed ee idinla dega meelaha aad kala dagantihiin Somaliya, Kenya iyo Ogadenoa/ ama S/Gabeed walaal ka dhigta soona dhawasta kalgacayl walaaltinimana u muujiya oo dhab ah, gaar ahaan dadka somaliyeed ee idinla dega dhulka ogadenia siwanaagsan haloola macaamilo, si ay taaba gal u noqoto Xoriyad doonka shacabka somaliyeed ee reer ogadeenya
3 Absamahu waa inuu si wanaagsan oo siyaasadi kujirto ula dhaqmaa somalida kale iyo dhamaan umadaha geeska afrika iyo waliba gaalada loo adeegsanayey qarnigii tagayba oo dhan, mid cad iyo mid madow kuu doonaba ha ahaadee.

Way socotaa shekadu ee nextime ha inoo ahaato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CigaalShidaad

Wednesday, April 04, 2001 - 09:22 pm
Dhamaan somaliyeey salaan wacan iga gudoon oo hala daayo si xun u hadalka hana la badiyo si wanaagsan u hadalka waadna fiican tihiin qarkiine halkaa kasii wada waanadana iga qaata
waad mahasan tihiin

Cigaal Shiadaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saxardiid

Wednesday, April 04, 2001 - 09:23 pm
waa sheekooyin nooc cusub ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIILBAARREY

Wednesday, April 04, 2001 - 09:25 pm
QAYBTII 2aad
*#*@Taas waxaan ka wadaa shaqsi waad dhaleecayn kartaa laakiin qabiil dhan wax ka sheeguusa colaad unbay siyaadisaa."Horaa loo yidhi cay nabadna way kaa fogaysaa colaadna wax kaagama tarto" ****** tusaale ahaan Cigaal waa nin xun waad dhihi kartaa laakiin Isaaq oo dhan wax kama sheegi kartid, Cabdullaahi yuusuf sidoo kale isagu wuu xumaan karaa wuuna fiicnaankaraa lakiin tolkii ixtiraam ayey idinka mudan yihii xataa hadaad xabad iskaga soo horjeedaan waa habka maanta aduunku u socdo, xataa kan aadan aadka u rabin inaad u dhoola cadaysao ayaa larabaa iskaba daa walaalkaa somali ah oo wax wayn idinka dhaxayne, kaliya xoogay xafiiltan walaaltinimo ah ma'hee, waayo somalida colaad ma aha waxa ka dhexeeya ee xafiiltan(xiniinya dirir) walaaltinimo """"""inaad i fahanteen ayaan filayaa"""""

****Absame hogaan la'aan ayaa haysa iyo kanaan ahan jiray, faan aan meelna jirin iyo wax nin rag ah looga roonyahay maanta, hadii absame hogaan fiican yeesho iyaguna ay ixtiraamaan hogaan koodaas wax bay noqon karaan, naftooda ayeyna wax u noqone cidna xumaan u gaysan mahayaan, laakiin inta ay ku hayaan INA LIBAAX SANKA TAABE AYAAN AHAAN HIRAY AMA WAANBA AHAY HADABA laf cidla ah ayey toobin ku hayaan, waxayna lamid yihiin ninkii indhahala'aa ee intuu dagaalka meesha ka riday waxbaan carari oon dhuuman yidhi kadibna fadhiistay meesha cidla ah isagoo waliba gabanaya sidii nin ged hoosta kaga jira kadibna isagoo gabanaya lagu yidhi "waleee Ow-hebeloow meel cidla ah ayaad fadhidaa" Absamoow i dhagsta kanaan ahaan jiray ka baxa oo isku yax yaxa markaad dhahaysaan kanaan ahaan jiray hada maad ahaatid yaa kuu didan!!!!!! sidaa iyo ismaql xiisaleh iyo is jacayl dhaba iyo magaca somali oo is jecel Aaaaamiiin Aaaamiin Aaamiiin
WALI WAY SOCOTAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamal

Wednesday, April 04, 2001 - 10:38 pm
Jamal

Wayaara Nimankan majaajilada sameeyey hadey Absame yihiin waxa qaaden Koobka majaajilada!!!! ee Riwaayado noo Allifa dee.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Thursday, April 05, 2001 - 08:10 am
To: All.

Waa Oday ka sheekee waa arinu kugu dhalatee yaa afgaranaaya.
Qaybtii 2aad

Gabyow: waxuu amar ku bixiyay in Margan oo ay arintu ka ciirsan tahay oo Kismaanyo laga qabsaday in loogu keeno Bu,aale,si uu u badbaadiyo,waa in la soo mariyaa Afmadoow,waxaa ku dhimatay nafo Absame galbintii Morgan waxaana dhanacyada ka kaga jiray Mooge iyo Dhoohane oo xabada isaga shigaayay.

Morgan: markii uu gaaray Bu,aale waxuu galay abaabul waxuuna soo diray ciidan Absame ah oo uu madax u yahay hungiri dheere oo canada ka orday si uu wax u soo laqo,waxuuna weerar ku qaaday beelo Absame oo degan Afmadoow,waxaana halkaa ku dhintay dad Absame ah oo gaaraaya ilaa 45 ah,beeshaas waxaa madax u ahaa Dhoohane.

Ethiopia: waa in aan hub iyo ciidanba siinaa Morgan gacmo furanna aan ku soo dhaweynaa si aan u qabsano Kismaanyo,waxaana loo xareeyay ciidan Buraashad leey ah oo loogu tababaraayo Baarey si loogu waxyeeyo Absame.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caliyare abtigii

Thursday, April 05, 2001 - 08:20 am
Caliyo ciil ha u dhiman e
Ciiddan ninkii lahaa calaf siistay
Cunigan aabahii canaaha u diiday
Caamadan culumada alifka u marin
Ciso nin nacoo cawaan caado qaato
Waxba yuu Caliyow ku ciilin
Caalamka maanta ah.

Dadkeen diid dawlad iyo dan guud
Dambi wuxuu galayba dooni loogu buuxi
Dan yar iyo dameeraleey dibadda meera
Doqon dheer oo dadnimo isbiday
Dal iyo duunyo lumiye diin hadalkeed e
Adna Caliyow Duumo kuma dishoo ciil ha dhiman.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIILBAARREY

Thursday, April 05, 2001 - 09:12 am
To: Tigarciil

Tan waa laguu yaqaanaa;

gudban baa ladhahaa
garashayna rabtaa,
gar allayna taqaan,
gobanimaan ka maqnayn
oo geesinamaan ka madhnayn
iyo geed sal adayga
oo gunnimaa ka fogaatay
waana hadal geedada wayn
oo gob ilaahay ka keenay
oo googaabaa ka danbeyne
ragna wuu ka garayne(garqaadid)
ee gowliiloow geed quwaax mataqaan!!!!

ama garo ama hagarinin
gudban baa ladhahaa ee geeskaa uga wareeg
hana gowdh gowdhin gartaas
adigoon ka garaabin
ama aan ka gar qaadan
ama aan gob u dhiibin oo markaa ay gartaan
Gaabis(koobid) weeye warkaygiyo soo gudoon hadalkaa oo ka keen gar ilaahay

BAARREEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIILBAARREY

Thursday, April 05, 2001 - 09:17 am
To all brs and siss remember we are in 2001 sidaa darteed hadaad fahmi weydo luqada lagu wada hadlo daadkaa ku qaadi

Wiil Baarreey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

looma ooyaan

Thursday, April 05, 2001 - 09:34 am
anna waa ikan talo hore diiday ee bal dib ha laagu laabto wixii iga horeeyay waa waxba kama jiraan!

xukunka anagaa lahayn haddaan sideedaba nahayn oo rag naga horeeyay ma jiraan kuwa kale eegadan!

sagaalkii awawgay dhalay aabahay baa laayay anna isagaan iinkay dhigay ee car waa ninkii hadla!

waa macaan jecel gaalka hoosta uga jira ee qawrac baa u sugnaaday!

haddaan cimaamad guduudan iyo cambuur xiran oo aadan akhii dhihin oo shan guursan oo weliba aadan bisinka ka tagin oo saliga diidin gaalnimaan kuu gartay ee goob kafantaada!

waxba ma diidani dalna waan rabaa naftii horaan ahay safka hore taagan waxaase i dhibay oo jiif iyo fadhi ii diiday waa oodan (O) xiran bal dhinac nooga fur!

war hadduu Allahaa Alla yahay oo aad Ilaahay taqaan wax aan isqaadan karin ha isku khasbin markaad kismaayo ka hadlayso ha la imaan goobaha danta guud iyo wadanka looga hadlayo!

labo dagaalantay oo soddon baa dhimatay aqalkii ugu dambeeyay meeshii maxastu tiilna dab baa la geliyay cidna uma maqna ceelna uma qodna!

dhulka waa dal la helay ee ciddii taabsataa iska leh kuwii deganaan jiray soohdin baa ku jiraan iyo goobo loo yaqaan O.

caliyarow goorma ayay gadoodi tolkaa oo sidii aar libaax intay gilgishaan cidiyaha galka kala soo bixi?

siduu ku yirina Ilaahay baan baryaye ee ciil ha u dhiman!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Midnimo Absame

Thursday, April 05, 2001 - 12:01 pm
Riwaayaddan isku duba dhacday ee jacburkii Dhoodaan suuqa ku eryatay waxay i xusuusisay sheekadii afartii doqon (ma hubo waxaadse moodaa afartii absame) iyo hooyadood.

Waxaa la yiri afar doqon baa aabahood xoolo badan uga dhintay markaas bay adeeradood (ma aha Galimays) iska cuneen xoolihii. Afarta doqon hooyadood baa u adkaysan weyday xoolahan la iska cunayo oo aan looba aabo yeelayn.

Maalintii dambe ayay wiilasheedii doqomada ahaa ku tiri waagu markuu baryo geedka weyn ee shirarka taga oo madax is gashada anaa guraac idiin keeni doonee.

Waagu markuu baryay oo xoolihii oodda laga rogay ayaa la arkay doqomadii oo geedka fadhiyoo madaxa iskula jira.

Barqadii markii xoolihii laga soo noqday baa la arkay iyagoo weli geedkii fadhiya oo mid ul dhulka ku xariiqayo mid kalana sidii qof caraysan ul dhulka ku mud mudayo.

Casarkii ayaa odayaashii reerku isu yimaadeen oo la yiri waryaaya doqomadii waa tashadeen maanta wixii ka dambeeya ciddii xoolahooda taabada wixii soo gaara isagaa isu keenay.

Sidaas ayay xoolihii doqomadu ugu nabad galeen ee amaa ninka riwaayadda furayow waa TOLKAY YAA WAX
ARKAY? ama tolkeen intay madaxa is gashadaan dad la moodaa!

midnimo_absame@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Thursday, April 05, 2001 - 05:08 pm
TO: All

Biograhpy

Magacaygu waa Tigar Ciil ROoble,awowgay Rooble waxaa lagu naanaysi jiray rooble cadde,waxuuna ahaa geesi looga danbeeyo dagaalka,wuxuuna markasta ahaan jiray abaalduulaha dagaalka,waxuu ahaa nin dadkoo dhan ay yaqaanan meesha lagu sheeganna laga leexdo,weligiisna warankiisu kama fogaan. dhulkana waxaa gumaysan jiray Ingriiskii oo ay dadku yaqaaneen Saancadaale,maalin maalmaha ka mid ah ayaa qayb lagu taagay Africa oo waxaa qayb saday Shan dal oo reer yurub ah iyo Ethiopia. waxuu Ingriisku rabay in uu muddo sii haysto dhulkaa mar lagu magacaabo Ogaadeenya,dadna ay diidan yihiin ee loo yaqaan Somali Galbeed. waxaa dhulkaas isku qabsaday qaybtii Ingriiska iyo Ethiopia,waxayna dhaheen dadka leh ayaa ina kala bixin. Ingriisku waxuu u bandhigay Odayaashii Beelaha xukumay arintii. Awowgay Rooble waxuu ka mid ahaa duqaydii ka qayb gashay shirkaa waxaa kale oo ka mid ahaa odayadan:
1 Dhoohane Ugaas Dhuun
2 Mooge Maqane
3 Macaanjecel Magaag
4 Maqane Ma Jooge
5 Waxa jooga Ma garte iyo kuwo kale oo aanan hadda meeshaan ka sheegi karin waxaana loo soo bandhigay arintii.
Aloow yaa yac dhaha markii halkaas ay maraysay!!!!!!!!
Waxaa odayadii la waydiiyay kii ay dooranayaan Ingriiska iyo Ethiopia, Awowgay rooble intuu istaagay ayuu yiri labadiinaba idinma rabno ee xoriyad baan rabnaa,waxaa istaagay Dhoohane Ugaas Dhuun waxuuna yiri war saancadaalaha ma rabno Geela ayuu naga laynayaa ee waxaan rabnaa Ethiopia ayada ayaa African ah maritana aan ka qaadan karnaa dhammaan odayadii kalena way ku raaceen sacabna waa loogu daray.

Awowgay Rooble oo aad madluun u ah ayaa ka daalusaday meeshii waxuuna u diyaargaroobay dagaal,waxuu abaabulay Halgankii Sayid Mohamed oo uu ku biiray Daraawiishtii,waxuuna ka qaatay qayb libaax,waxaa waqtigaa u dhashay Aabahay oo uu ula baxay Moxamed,waxuuna ku barbaariyay xeelada dagaalka,waxuuna aabahay ka soo qayb qaatay Ururkii Nasrullaahi,waxuuna ka muujiyay wacdaro,waxaa dadkii dagaalkaa ku shahiiday ka mid ahaa Xirsi Mahad,Aadan Handal oo diiday in ay qabaan u noqdaan Axmaarada. Sidii aabihiis aabay waxuu ahaa nin aad dadku u qadariyaan geesinamadiisa awgeed. Somalia way isbedashay waxaa xukunkii qabsaday Military,muddo ka dib waxaa la abaabulay Jamhado,aabahay waxuu ka mid ahaa dadkii aadka ugu hanweynaa welina dadku aad bay isha igu hayaan una xumeeyaan. waxaa dhacay dagaalkii 77,dhulkii waa la qabtay,Aabahay iyo odayaal uu ku jiray waxay rajeynayeen in xunka dadkooda iyagu xaq u leeyihiin,mase dhicin waxay dawladii Militariga ahayd soo magacaabatay gudoomiyaal ay wadato oo aan dalka u dhalan!!!!!!!

Aabahay wuu laqi waayay waxa dhacaaya waxuuna u bandhigay in ayna munaasib ku ahayn arintaas odayaashii. waxaa soo booday Macaanjecl Magaag oo yiri Tuug baad tahay waxaan taageersan nahay dawlada,dhammaan odayaashii oo dhanna way ku raaceen oo kid ahaa Dhoohane Ugaas Dhuun,aabahay waxuu ga,aan ku gaaray in uu iska bedelo Magac Mohamed lana Baxo Ciil. aniga oo Tigar ahna waxaan dhashay waqtigaa waxuuna iigu magac bixiyay TIgar.Talo allaa ku fillanee war maxaa inugu dhacay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Saturday, April 07, 2001 - 11:20 am
TO: All

Biography
Qaybtii 2aad

Dhulkii waxaa yimid dad aan la aqoonin aa askar ah oo la yiraado Taangista<Altalerista,Afantarist,Kaare Dile,Saad haye,Gabdhihii waa la fara xumeeyay oo waxaay keeneen wax aan laga aqoon dhulka Ogadebia/Somaligalbeed. Gabdhihii waxay qaadeen uur markii la weydiiyo yaa ku uureeyay waxay ku jawaabayeen Taangiete,Alteriste,Arintariste,Gaare dile,saad Haye.arinu dhabaqday dadkiina waxay ku beertay yaab iyo fajac, meel wax laga qabtana lama garanaynin qofkii isku daya in uu ka hadlana figg ayaa lala dhigaayay,war kuwani xagee bay ka yimaadeen Axmaaradii la dilaysay baa noo dhaantay ayaa hal mar yeedhay? waxay biliqaysteen hantidii dadka,waxay wadanka soo gasheen fusuq macsi iyo waxyaabo kale oo aan hore loo aqoon. Waxay dhalinyaradii bareen Sigaar, qaad,geerashayn,tuugo aan hore laa arag.

Aabahay Ciil waxuu marqaati u ahaa waxa dhacaaya waxaana u sii kordhaayay Ciilkii.

Axmaaro oo wadata Kuuba Naasdheer,Ruush,Liibiya,Yaman Iyo weliba reer galbeed oo gadaal ka soo riixaayay ayaa soo rogaal celisay,waxaana loo soo diray Siyaad Barre Qadaafi waxaana dhegta loogu sheegay,haduusan kala bixin ciidamadiisa 24 hours,waa la burburin,hal mar ayaa ciidankiisi loo sheegay in ay dhigaan waxaa ay hayaan soona cararaan,xitaa qaar baa la haleeli waayay in loo sheego in ay soo cararraan. Axmaaro waxay cagta soo marisay dadkii oo aan cidina dhihin carara,waxayna laysay dad iyo duunyo waxay aragtay. waxaa kamid ahaa dadka halkaa lagu laayay Ayayday Mayran,Eedaday Saharla,walaalkay Mahdi,Gabadh ay eedaday Saharla dhashay oo la oran jiray Fadumo,gabadhad Adeerkay dhalay oo la oran jiray Ruqiyo. Qof walba meeshii hortiisa ayuu u cararay,naftiisa ayuu la baxsaday kii ay xabadi haleeshayna wuu dhintay,kii dhaawacmayna dhaawicii buu u dhintay ama gacantaa lugu dhigay oo waa la dhaawactiray.

Dadkii waxay u qaxeen xagaa iyo Somalia,intaan oon iyo Gaajo u dhiman waxay ka cid galeen Somalia,aabahay Ciil iyo dhammaan reerkayagii intii dhimatay mooyee intii kale waxaan ka mid ahayn dadkaas Somalia ka cid galay.

To be continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Saturday, April 07, 2001 - 05:38 pm
TO: All

Biography

Qaybtii 3aad

Alloow Firxad Ma nagu dhacay!

Dadkii qaarba meel ayay ka cid galeen,qaar waxuu ka cidgalay Waqooyigabeed,Somalia,qaar waxuu ka cid galay Gedo,Somalia,qaar waxuu ka cid galay Hiiraan. anagu waxaan ka mid ahayn intii tagtay Hiiraan,anaga oo boodhka nagu yaala aad yaabto oo Oon iyo haraad la liidanna ayaan nimid gobalka hiiraan magaalo madaxdiisa Baledwayne,halkaas oo ay nagu qaabileen saraakiil dowlada ka socday,waxaa la bilaabay in nala diiwaangeliyo,iyadoo ay isdhexjiifto maxastii,magaaladuna waxaa ka jiray kulayl aad u ba,an,waxaa na loo sheegay in nala dejin doono.
erayga Qaxooti waxaa uu ahaa mid ku cusub dhagahayaga oo aanan hore u maqlin,waxaa yeertay Qaxooti,Qaxooti,Qaxooti oo ay la haayeen dadkii wadanka deganaa,waxaa kaloo nagu Cusbaa erayga Cagdheer,Cagdheer,Cagdheer,dhagaha ayaan taagnay waxa ay ka wadaanna ma aanan garanaynin. Waxaa naloo qaybiyay meelahan soo socda:
Luuqjeelow,Jiiqlay,Camaloow iyo Jalalaqsi. reerkanagu waxaa naloo soo qaaday buulo barde,markii aan nimid Jalalaqsi waxaa nala keenay meel banaan oo boodh fara badan ka dhacaayo oo aad u kulul,waxaana naloo sheegay in aan meeshan degayno. Waxaa dhacday qoraxdii waxaana soo galay habeenkii,waxaa na cunay wax aan garanweynay oo aad kaneeco qaniiyadeed leh balse aan shanqaraynin,Alla Aaboy gubtay ayaa afarta ganjaho ka yeertay,Hurdo ma jirto habeenkii oo dhan ayay dadkii soo jeedeen,waagu markuu baryay oo ay yimaadeen saraakiishi dowladu ayaan u sheegnay dhibkii na qabsaday,waxayna dhaheen micno ma leh wax yar oo boodo ah iyo kutaan ayay leedahay,war in awowgay la qubo Boodo iyo kutaan waa maxay ayay dadkii isweydiiyeen?

Waxaa naloo sheegay in aan guryo dhisano,oo maxaan ka dhisanaa ayay dadkii isweydiiyeen? Cawska No,ayay ku jawaabeen saraakiishii dowladu.
dhulku waa dhul banaan ah oo caro madoow ah wax Caws ah oo ku yaalana ma jiro,war nimanku ma nagu ciyaarayaan ayaa laysweydiiyay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HARGEELLE

Saturday, April 07, 2001 - 08:02 pm
salaan khyaarta

walaalayaal hadaad rabtaan inaan akhrino qoraaladiina xiisana yeeshaan WANAAGIINEE(fadlan) yareeya qoraalkiina oo soo kooba

waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TIGAR CIIL

Saturday, April 07, 2001 - 09:18 pm
TO: HARGEELE

WALAAL WAY FIICAN TAHAY IN AAN QORAALADA SOO GAABINO,BALSE ANIGU QORAALKAYGA UGU DANBEEYAY WAXAY AHAYD BIOGRAPHY,WAXAANA ISKU DAYAAYAY IN AAN QAYB QAYB U SOO QORO SI AKHRISTUHU WAQTI UGU HELO WENINA FARI KAMA QODNA,WAXAA LAYDINKA CODSANAYAA IN AAD AKHRISAAN HADDII AAD FAHMI WEYDAAN AF SOMALIGA AAN ISTICMAALAAYO OO AAD U WAAWAYN,IGA RAALI AHAADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TIGAR CIIL

Saturday, April 07, 2001 - 09:37 pm
TO: ALL

BIOGRAPHY
QABTII 4AAD

WAXAAN QORI IYO QAJAF SOO U ARUURINABA,WAXAAN DHISANAY BUULAL QAWS AY DHAXANTU DHANACYADA KA SOO GELAYSO,QANIINKIINA WAA KA SII DARAY BOODADII IYO KUTAANKII WAXAA NOOGU DARMADAY KANEECO,WAA XERO QAXOOTIYE MAXAA QAARADA I KEENAY AYAY NAGA GAADHAY,DALTABYO AAD U BA,AN AYAA NAGU HESHAY.
SOMALIA WAXAY KU DHAWAAQDAY IN AY KU SOO JABEEN QAXOOTI DHAN 2000000,WAXAYNA ADUUNKA UGU BAAQDAY IN LALA SOO GAARO MACAAWINO DEGDEG AH.

MUDDO KA DIB WAXAA SOO BILAWDAY RAASHINKII U.N OO AY WADAAN BAABUUR AAN KU NAQAANAY ETHIOPIA LANA ORAN JIRAY TARAASHIB,WAXAANA NA LOO QAYBIYAY KAARARKA U.N SI AAN RAASHINKA UGU QAADAO.
MAGACYADII QOXOOTI,CAGDHEER WAXAA NALOOGU DARAY MAGAC KALE OO NUGU CUSBAA CAANO BOORE,CAANO BOORE,CAANO BOORE AYAA GEES KASTA KA YEERAY.

TO BE CONTINUE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Sunday, April 08, 2001 - 05:57 pm
TO: All

Biography
Qaybtii 5aad
Waxaa nagu habsaday cudur wata shiban,Mantag iyo qandho aad u kulul,caruurtii iyo intii jilicsanayd ayaa koox loo aasay meel u dhaw meesha aan buul cawsyada ka dhisanay ayay Qabuuru bateen oo dabada isu jeediyeen.
Aabahay Ciil oo aad uga xun jabka qabsaday dadkiisii ayaa ii sheegay in aan aadi doono meel la yiraahdo Xamar,Aabo Xamar waa xaggee ayaan waydiiyay?,waxuuna iigu jawaabay waa magaalo madaxda Somalia.

Subax aroornimo ah ayaan ka soo baxnay Jalalaqsi,goor hadsimo ah ayaan Xamar nimid,waxaana baabuur Ruushku sameeyay oo la yiri waxaa la dhahaa Daf iyo Miriq aan kaga degnay meel ay degan yihiin Jabhada Somaligalbeed oo ku tiilay Wardhiigley,waxaan halkaas aan isku salaanay niman aad u fara badan oo aan ku naqaanay dhulkii oo geedo hoos fadhiya,Tolkay Jab ayuu yiri Aabahay Ciil! waxaa baabuur nagu sii qaaday nin aanan garaynin,waxuuna na sii dhexmariyay magaaladii,waxuuna naga dejiyay Daar aad u dheer oo Muraayado ka samaysan,waa Hotel Jubba ayuu Aabahay ii sheegay.


To be continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HARGEELLE

Sunday, April 08, 2001 - 08:17 pm
sxb si fiican ayaan ula socdaa sheekadaada wayna i xiisa galisay, taariikhduna waa maguuraan halkaa kasii wad sxb
Waadna ku mahadsantahay sidan aaad noogu yar yaraynayso
^^^^^lakiin Boga cinwaankiisa iyo ismalaha mowduucyadasiia sidaa darteed br bog cusub noo fur cinwaankana cinwaan dadka soo jiidan kara oo macno wayn samaynaya ka dhig lana saan qaadi kara dulucda sheekadaada sxb kaliya waa iga tala bixin

Thanks
sxbkaa
Hargelle

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HARGEELLE

Sunday, April 08, 2001 - 09:15 pm
To: dhamaan walaalaha reer ogadenia S/Galbeed

2daan magac yaanay cidna qoonsanin 2daba dadkeena ayaa kala aaminsan qof walba in xuquuqdiisa la ilaaliyana meesha ayey kujirtaa ama aaminsanoow ogadeniia ama S/Galbeed danbaa na iskeen badaye aan sidaa raali ku noqono, iskuna jeclaano, waxna kuwada qabsano, Rabbina ugu mahadnaqno

Sida aad la wada socotaan waxaa jirta in dhib badan umadeena soo gaadhay gaar ahaan marka laga soo bilaabo dagaalkii 1977 (Ogaden War) marka ceeb ma aha ee waa sharaf in laga hadlo sidii wax u dhaceen, meeshii wax ka khaldameen, cidii khaladay, (xataa haduu ehelkaa ahaa kii wax khalday) iyo sidii loo sixi lahaa tan mustaqbalka
Waliba buugaag laga qoro aan caruurteenan barno iyo cidii kaloo dhibkaanagu dhibayo ama farax galinayo
Isla markaana aan ogaysiino inaanan moogayn wixii naloo gaystay wanaag iyo xumaan dadka ay taas khusayso
Haday ahaan lahayd habkii loo maamulay dagaalkii 1977, oo gabigiisaba la majara habaabiyey, oo laga shaqeeyey jabii umada wadanksaas ku dhaqan, habkii dadkaanaga inay qaxaan looga shaqeeyey, habkii loola dhaqmay markay soomaliya imaaden, (waa jireen waxyaabo badan oo wanaag ahaa iyo kuwo badan oo hagardaamo(xumaan) ahaa labadaba)

Sidaas iyo isfahan wacan oo walaaltimo iyo is qadirini ku jirto. F.G. Walaalayaal soo kooba qpraaladiina si akhristayaashu u xiiseeyaan qoraalka dheer waa laga cajisaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HARGEELLE

Sunday, April 08, 2001 - 09:17 pm
QAYBTII 2AAD
Sidoo kale in aan dareensiino walaalahaeena somaliyeed inaan aad ugu jabnay dagaalkaas khasaare maaahee wax faa'iida ahna noo keenin iyo waliba siduu noogu noqday "Ayax tag eelna reeb" waxa kaloo u baahan in banaanka lasoo dhigo lana oagaysiiyo bulsha waynata somaliyeed guud ahaantiis "sidii loo maamulay dagaalkii 1977 ee Ogaden War" ^^^^^ xasuusnaada somalida inyar oo khaa'imiin ah maahee inteeda badan ma ay ogo sidii uu wax u dhacay. Waa inaan tusnana in dowladhihii somaliya soo maray intooda badan aysan daacad ka ahayn xoraynta dhulka xabashidu haysato ee somaliyeed siiba tii Ina Siyaad Barre si kuwa danbe aysan dadka iyo dalka somaliyeed ee xabashidu gumaysato aysan godob dambe uga galin "waxaad qarsataaba wuu ku qarsadaa' waa maah maah somaliyeed

Dhamaan wax yaabahaan iyo kuwo lamida ah ayaa maanta u baahan in aan miiska soo saaro ugana hadalo si daacadnimo ay kujirto oo aanan cidnana gooni ugu duraynin cidnana aana uga hibaysanin ka hadalka wixii dhacay iyo siduu u dhacay "Taariikdhu waa maguuraan" isa saraarsii hadaad rabee
Tusaale yar hadaan idin siiyo Tiger Ciil waxan uu ka hadli waa xaqiiqo jirta. Marka aan indhah kala furno kuna qanacsanaano waxa aan nahay Waad mahadsantihiin dhamaantiin. Ilaahayoow dadkayga xaqa fahansii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Monday, April 09, 2001 - 07:31 am
TO: Hargeele

waad ku hadsan tahay la socodka sheekadaan oo xanbaarsan taariikh wayn oo u baahan in ay fahmaan intii markaa joogtay oo aan dareemay dhibkii ku dhacay ummadooda iyo kuwii dhashay waqtigaa ka dib.
waxaana isku deyi doonaa in aan soo koobo,waxaan kale oo aan isku deyi doonaa in aanan cidna wax ugu dhimin marka laga reebo magacyada aan isticmaalaayo oo u ah sheekadan lagama maarmaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Monday, April 09, 2001 - 07:59 am
TO: All

Biography
Qaybtii 6aad

Waxaan galnay hotel Jubba,waa meel hadh qaboow oo geeduhu fooda isgashadeen,waa meel laga buuxo oo dadku fooda qaar iskula jiro qaar taagtaagan yahay,waa meel bulaanka ka baxaaya aad yaabto,aabow Ciil maxaa meesha lagu hayaa,ma garbaa lagu qaadayaa ayaan hoos u iri,Aabhay Ciil gacanta ayaa daashay sidii uu wax u salaamaayay.

Waxaa meesha buuxa odaydii oo aan ku aqaanay dhulkii,waxaana ka mid ahaa:

1 Macaanjecel Magaag
2 Mooge Maqane
3 Dhoohane Ugaas Dhuuni
4 Warmaag Ma maqle
5 Tuugdheere
6 Xaabsade shaxaat
7 Laqe Dhuunje
8 HunguriDheere Dhurwaa
9 Mooge Dhacane oo ka mid ahaa dhalinyarada
10 Bidhaandowrte Boobe
11 Jaale oo dhalinyarada ka mid ahaa
12 Ma Arke Ugaas Mooye
13 Dhuundheere Ugaas Hunguri
iyo kuwo kale oo aanan meeshaan ka sheegi karin.

To Be Continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darajadoon Dhuuni Imaanlaawe

Monday, April 09, 2001 - 08:46 am
Oh yeah waa loo baahan yahay br halkaa kasii wad anna waan la socdaaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mujaahid ciil tire

Monday, April 09, 2001 - 09:19 am
gobanimo
xoriyo
ayay ahaayeen labadii erey ee ugu horeeyay wax uu ku hadaaqo meesha ay dhallaanka isaga la mid ihi dadadad iyo wax aan la garan karin ku hadaaqaan.

jabhad iyo halgan guul iyo gaar mid uun lagu gaaro ayuu ku ilko dilaacsaday. dagaal iyo xeeladdiisna kumaandoos kasta kuma gaaraan. gaal nacayb baa intaa u dheer. xoriyo.

gees ba'an oo geeri ka gilgilan bay hooyadii ku dhashay wuxuuna balan qaaday in uu guul gaari doono markii Ilaahay idmo.

hase yeeshee dhoohane, mooge iyo hungiri ayaa hadba meeshuu gaaro dab gelin. huluuliye iyo hagarna cadawgay u soo hor kici. macaan jecelna juuq u dhihi mayo.

ismooge london iyo dubay jooga iyo isla weyne london, toronto iyo baarliin jooga ayaa hadba been ugu yeeri. subax walba isaga waa u geeri joog iyagana waa u qayilaad.

labo kala dhexday kala war la'aa. markuu dhinto agoonta dan lagama leh. markuu bukoodana barax loo keeni mayo. markuu gaajoodana geel looma qalo. hooyadiina markay gablanto garab looma noqdo.

Allow Boqorkii Weynaayow tolkay ha iiga tegin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Monday, April 09, 2001 - 10:42 am
TO: TIGARCIIL.saaxiib aad ayaad udadaashay,waanan lasoconaa sheekadaada waamid xiisoleh, hase yeeshee waxaa fariin yar iigusoo dhiiban aabahaa MAXAMED[ CIIL]ROOBLE AWGAY oo ay halgaobadan soowada galeen wuxuunayiri sidan: shakikama taagna in aad adeer CIIL ahayd halgamaa geesi ah hase yeeshee waxaaad ilawday taariikhdii halganka ee aad ujoogtay iyo kuwii aabahaa ROOBLE geesigii waynaa kaaga sheekeeyay:taasoo ah,ma'jirto adeer in ay dad reer SOOMAALI GALBEED IHI DOORTEEN XABASHI.
sida aad aduguba odhanjirtay ogaydna kahor markayna xabadu kaagaga dhicin madaxa dagaalkii SASABANE ee waynaa eed sida geesinimada leh u gasjhay oo kadib xasuustii kaaluntay, hadaba ilaahay adeer ha'kucaafiyee aniga ayaa kaawayne.
aabahaana halganka waan wadagalay, sidaa awgeed ha ugu sheekaynin dhalinyarada aan xaalkaaga lasoconin wararkaas uu fidiyay gumaysigii dhiibay dalkeena.
FADLAN HADAAD UBAAHATO TAARIIKHDAASI GAL PAGE ka AH{tacsi; geerida ku timid marxuumadii ahayd soomaaligalbeed}
fadlan caadifada ha'layska daayo taariikhdana yaan lagu xadgudbin, sheekooyin waxaajira kudhexfaafay dadka aan waxbana kajirin aduunyaduna maanta kuma wadahadasho wax aad lahubin ninka raba wanaag ee hadana taariikhdiisa meel ugadhacaya hakafiirsado walaalayaal.
raalina iga ahaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Monday, April 09, 2001 - 03:48 pm
TO: Duq Absame

Adeer waan ku salaamayaa welcome aboard
Taariikhdu waa mid la qoro oo qoraal loo raaco iyo mid afka laga sheego oo odayaal ka sheekeeyaan,ama mid aad joogtay markii ay dhacday. sida badan taariikhda somalida waa mid nagu soo gaartay sheeko aan ka dhaxalnay odayaashii naga horeeyay,sida awawgay Rooble iyo odayaal badan oo goob joog ahaa noo sheegeen waxay u shacday sida aan ku sheegay biography,haddii aad hayso wax ka duwan sidii ay axmaaro ku timid somaligalbeed fadlan u soo qor sida biography oo kale aan ka faa iidaysanee anaga iyo caruurta soo kareysa iyo kuwa dhalan doono. haddii aad tahay Duq Absamane maanta aad baa laguugu baahan yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Monday, April 09, 2001 - 04:07 pm
TO: All

Biography
qaybtii 7aad

Mooge Dhacane iyo Jaalle ayaa aabahay gacanta qabtay oo yiri adeer Ciil xagga u soo istaag waxay uga warameen guud ahaan xamar gaar ahaa Jabhada Somaligalbeed,waxay u sheegeen in dadkii laysku diray oo la dhexgalay Jabhaddii loona kala bixiyay magacyo sida Somaligalbeed,ka sii galbeed,ka sii galbeed,ka sii galbeed,ka sii galbeed iyo ka sii galbeed iyo ka sii galbeed,waxay muujiyeen in rajadu xun tahay xaalkuna meel xun maraayo,haddaan dhalinyaradii nahayna uma dulqaadan karno arintaas odayaashii dhulkaasna dhulkii way gadeen oo waxay dhaafsadeen hunguri.

Waxaa hadalkii qabsaday Jaalle oo yiri waxaan leenahay xafiis waxuuna ku yaalaa wadada dhankeeda kale,waxaana ka soo horjeeda xafiiskii weynaa ee Jabhada inna keena aan idin soo tusnee,waxaana u dhaqaaqnay dhanka qorax ka soo baxa oo aan wada u waynay.

TO BE Continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAARREEYWIIL

Tuesday, April 10, 2001 - 12:00 am
Tigar Ciil waa hubaa inuu aabahaa akhyaar ahaa maxaa yeelayo aday kaa muuqataa Tiger
sxb waxaan u bogay oon u riyaaqay sida dagan eed ugu jawaabtay DUQABSAME mahadsanid walaakiis
Anna waxaan Duqabsame intaa ugu darilahaa. Adaa duqabsame sheegtaye da'yarta iyo guud ahaan umadoo OGADENIA/SOMALI GALBEED. .... DAL ....... IYO ..... DADBA. ..... maxaa qorshe ah ood u haysaan wakhtigan xaadirka ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQABSAME

Tuesday, April 10, 2001 - 05:59 am
TO: TIGARCIIL&BAARREYWIIL;
Marka hore TIGAR;horta ADEER wiil aad uwanaagsan in aad tahay waxshaki'ihi kamataagna, awowgaa oo aan kamid ahaanjiray kooxdiisii uu hogaaminjiray ee DARAAWIISH 5sano ee udanbaysay[oo intii hore anugu waanyaraa] ayaad kadhaxayshay raganimada,sidookale aabahaa maxed[ciil].
TEGAR,taariikhda uu waayay cadawga XABASHIDU adugu ma'helaysid,sababtoo ah waadawlad gumaysi ah iyada ayayna udantahay taariikhda noocanookale ahi,sidookale AWAW ma'wuxuu caqligu kusiinayaa DAWLADII INGIRIISKU inay qorin taariikh sidaa muhiim u ah oo kusaabsan umad dooratay DAL[qadiyad shacabdhan ku saabsan oo ah waxa looyaqaano"aayo katashi" ama rabitaan shacab].
waxay xaqiijiyeen dhamaan dadka siyaasiyiinta,taariikhyahamiinta,iyo halgamayaasha soomaaligalbeed in ayna jirin sal iyo raad midnana la'hayn arintaasi.

anigan laftaydu waxaan lakulmay goobjoog xaadir ku ahaa SHIRKAAAS LASHEEGO,haba yaraatee ma'ayna jirin inlayswaydiiyay maxaad rabtaane waxaa layswaydiiyay XABASHIDA CIIDAYKEEDU IMANAYO GOBOLKA IN AAN DHALINYARTU KAHOR IMANIN[waasida ay cadynayaa goobjoogayaashu].

waxaakale oo daliil kuugufilan SHIRXUMA KALI wuxuu dhacay 1949kii,dhulkana waxaa XABASHI qalinka loogu duugay;xiliyo kaladaneeyay ookala ah
1897kii,1908kii,1948kii iyo ugu danbays HAWD oo ayad igagadar oo loosaxeexay 1954kii.

ilaahay ayaan kugu dhaaryay'e sidee ayay arintaasi kuugu muuqataa?
waxaadse faah-faahin balaaran kahelaysaa PAGEka ah"TACSI;JEERIDA KUTIMID MARXUUMADII AHYD{somaaligalbeed}"
fadlan PAGE kas gal baaritaanna kusamee BUUGAAGTA uu qoray taariikhyahan hankaaas cilmi baarista kusameeyay taariikhdaan,hadana buga kaqoraya.
tankale,qolduleelooyinka noocan ookale ah incase hadayjiraan umadaha waxfa'hansani way inkiraan xataa hadayqoran tahay iska dhaaf in ay iyada oon qoray iyagu qortaanne/aysameeyaan iyada oon jirinne.
midakale waad lasocotaa in kaliya wuxuu halgankeenu LOGIC kunoqonkaraa LAWga aduunka marka loo eego afduub ayaa XABASHI naloo gudhiibay oo GUMAYSI AYAA GUMAYSI noodhiibaye hada hanala waydiiyo waxaan rabno.

balse hadaad adugu qirato in aad dooratay XABASHI maxaad kuuyaalla meesha?''''''''
waxay lamidtahay taasi arinta SOOMAALILAND iyo YAMANTA cadaneed.
xasuusnaw arimahaas oo tiigaraw yayna kulatagin xamaasada, qalbi xaadhnida,wanaagjacaylka iyo daacadnimadu[wadmahadsantahay].


NINKA LAYIDHAAH BAARREYWIIL; ADEER xasuusnaw
eray murtiyeedkii ahaa"WAAYEELJIRAABA WAA INAGEE LEEBKA IYO QAANSADABA DHIGA".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

talo ku madi

Tuesday, April 10, 2001 - 06:38 am
Wuxuu yiri war toddobo gudaheed bay talo ku dhalataaye aynu dhismo iyo dhaqasho u jeedsano oo xabadda iyo qori iska dhigno.

Aynu dhaqano oo dhulka beerano oo xoolaha dhaqano oo ganacsiga badino oo hanti sidaa ku tabcano.

Aynu ubadka barbaarino oo wax barano oo dugsiyo iyo jaamacado dhisano oo mutacalimiin laga dambeeyo yeelano oo Kitaabka Ilaahay kor u qaada.

War aynu cudurada dabiib oo daawo u raadino oo bukaan socod iyo isbitaalo waaweyn dhisno.

Wadooyin xiriiriya magaalooyinka iyo tuulooyinka aynu falno oo ceelal duunyadu ka cabto aynu qodno oo aan xiriirino dadkeena.

Gaajo waa cadaw e aynu iyada iyo cudur la dagaalanno oo cilmi badsano oo dadkeen wacyi gelino.

Durba dabkii baa baxay oo kaahiisa dhul fog laga arko oo dadoo dhan kulaalay. Qalaafo, Mustaxiil iyo Goday baa gawaarida gurada loo soo buuxshaa markaas bay Qabri Dahar, Dhagax Buur iyo bankii Jigjigaad isaga gooshaan. Warka Wardheer iyo Shilaabo ayaa Awaare iyo Qabri Bayax looga sheekaystaa.

Shib dheh warbaa meel fog gaaree Xamar baa laga maqlay. Wiilal curdin ah oo hadda Qaahira ka soo noqday iyo kuwo qaxwaha shaneemo Hodan ka caba ayaa labo qori loo soo dhiibay.

DAM.

Adba waad og tahay meesha ay ku dambaysay!

Tigar Ciilow ma laga yaabaa in aynu qaadano ama haba yaraatee tixgelino talidii waagaa oo ahayd war amaynu wax tabacnaa oo tacliin kororsanaa toban, labaatan iyo sanooyin intay doonto ha qaadataa?

Tigar Ciilow ma kula tahay in halgankeenu noqon karo mid cadawga lagu ciil cudud iyo ciidan dagaalama isla markaasna dhisa dal iyo dadba?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Tuesday, April 10, 2001 - 07:37 am
TO: Duq Absame

Adeer waad salaaman tahay,welcome back.

Sida taatiikhdu sheegayso in Umada Somaliyeed shan meelood loo qaybiyo waxaa laabi u galay oo danbeeyay Ingriiska,sababtuna waxay ahayd Ingriiska oo doonaayay in uu isagu gaarsiiyo simalida gabanimo,markii ay khasab ku noqotay in ay somalia gobanimo gaarto,waxaana halkaas ka dhacay loolan ay ku looltamayeen Tanyaaniga,Ingriiska iyo Ethiopia,waxaa aqbashay in uu ingiriisku gaarsiiyo xornimo Waqooyi galbeed oo keliya intii kalena waydiideen,sida Koonfur oo dooratay Talyaaniga iyo somaaligalbeed oo dooratay Axmaaro ama ha u doorteen african jacayl ama ha u doorteen madoownimo,way dhacday arintaasi sida aan hayno.

waxaan isku deyi doonaa in aan galo pageka aad sheegayso,balse waxaan ku xusuusinayaa markii xadiis la wariyayo la qiimaynaayo waxaa layswaydiiyaa in uu saxiix yahay iyo in uu xassn yahay,waana fiirin doonaa.

Waxaa aad muhiim u ah in aad taqaanid dhankaaga jilicsan (your weaks) waana in aad kudadaashaa in aad saxdo taariikhda waxaa loo bartaa in lagu saxo khaladaadkii hore u dhacay, anaga iyo Tigrey baxad baa inaga dhaxaysa hadda kuma murmayno anga ayaad hore noo doorateen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OOMAAR

Tuesday, April 10, 2001 - 09:23 am
TIGERCIIL.

HADII AADAN SOOMAALIYA IMAN OODAN GALIN XERO QAXOOTI MAALINTII AAD TIMID BALADWEYN MAANTA MAADAN INTERNETKA WAX KU QORTEEN.GEELIINII AYAAD RAACI LAHEYD.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Tuesday, April 10, 2001 - 10:14 am
TO: OOmar

Waxaad ku hashay hadal gaf ah,markaan ku ogaado meesha aad tahay ayaan kuu jawaabi doonaa. waqti badan hadda kuumayo saaxib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Tuesday, April 10, 2001 - 10:31 am
TO: All

Biography
qaybtii 8aad

Markii aan wada gaynay ayaa waxaa hadalkiisi sii watay Jaalle waxuuna yiri waxani waa hay,ad dawlada Siyaad Barre ka tirsan ma aha jabhad namateli karta. Waxaan gaarnay xifiiskii waynaa ee jabhada waxaana halkaas aan kula kulanay maaulkii jabhada oo ay ka mid ahaayeen:

Sheekh Halaq
Koofiyad Xaaran
Balo Laqe
Qadiya Iibshe iyo kuwo kale oo aanan garaynin magacyadoo iyo dumar fara badan oo ay qaylo ka dhextaan tahay,markiiba waxaa bilowday dagaal waxaana u gudubnay Xafiiskii dhalinyarada oo aad noogu dhawaa. Muddo yar ka dib waxaa darbiyada xafiiska ka soo daatay koofiyad cas,waxaana halkaas ka biloowday qub iyo qac iyo caydhsi,waxaa gacanta lagu dhigay Jaalle,Dhacane Mooge,Shariif iyo aabahay Ciil xabsigana loo taxaabay.

To Be Continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Tuesday, April 10, 2001 - 11:23 am
there could be something handled improperly, something was wrong in the system used in that war, I know, we suffered severely, I was just 4 years old at that time of the war, but I still remember leaving out of our village which was by the side of shabeele river into the forest at the daytime just to hide ourselves from the Ethiopian MIK-21 fighters (villegers called it Caasho waal) and coming back to the village at the night time, I strongly believe that some personal interests were involved in 1977 war and we know that the war could be managed in different and effective way.
I think, we should not let any somalian goverment ever again interfer Ethiopian Ogaden issue what so ever.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Tuesday, April 10, 2001 - 11:32 am
I'm sorry I posted in wrong page. I was trying to put my message in 1977 page.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Tuesday, April 10, 2001 - 02:10 pm
TO: OOMAR

Haddaan ku jawaabayaa Mr. OOOOOOOOOOMAAAAAR

Internet wax lagu qaray aniga wax weyn ilama ah,hadduuse adiga ku la yahay,waa in qofka wax ku qoraayo Internetka wuu garaaci karo keyboardka ama ku garaaco far keliya,labo,saddex,afar,shan ama tobankaba,waana in uu yaqaanaa xarfaha afka uu wax ku qoraayo. hadday taasi wax wayn kula noqotay wax badan baa kuu dhiman saaxiib ee schoolada aad baan kula talinayaa!

Anagu Geela waan ku faanaa It is our symbol,adigu ma demeero ayaad la haan jirteen,ileen somali way istaqaanaaye.

Dhulka aan ka imid waa dhulka somalidu cilmigu uga imaan jiray hadduu yahay mid diineed iyo hadduu yahay mid maadi ah,adiga ayaana marqaati iga ah hadaadan ahayn jisaar,haddaba in aad aniga itiraahdid haddii aadan qaxooti ku iman somalia Internetka wax kumaadan qorteen! shame on you.
haddaad islahayd somali wax ha ka sheego intaas waan ka sareeyaa saaxiib,gefkana adigaa iska leh oo uu illaahay kaala xisaabtami doonaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED.G

Tuesday, April 10, 2001 - 04:03 pm
WIXIINAAN MESHA KU WADA JIRA NINA MA HAA OGAADEEN AMA ABSAME WAAYO OGAADEEN CEEL CADOW NIMADA AAD KA HADLAYSAAN KUMA JIRO WAXAAD TIHIIN IIDOOR IYO MOORYAAN MIIDHAN WAAYO DAROD CIIL ISU QABO EE CUDUR NAGALA TAG OO DADKA WADADHASHAY EE DAROD ISMAACIIL HA ISKU DIRIN WAXAAN AHAY NIN DHULBAHANTE AH MEEL KASTA OODAROD JOOGANA WAAN TAGI ILAYN RAGWADADHASHAYBAANU NAHAYE .DAROD DEMOCRATIC. REPAPLIC. D.D.R

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Tuesday, April 10, 2001 - 04:22 pm
Ahmed. G.

waxaan nahayba waan nahay,haddana ku dhihimayno waxaas baan nahay welcome aboard,waxaana kaa rajaynaynaa in aad rayigaaga si furan oo miisan leh in aad u dhiibato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Tuesday, April 10, 2001 - 04:37 pm
TO: All

Biography
qaybtii 9aad

Aabahay Ciil iyo dhalinyaradii lala qaybtay waxaa la geeyay isteeshinka afar irdood oo uu madax ka ahaa nin u dhashay Somaligalbeed oo la oran jiray Xiis Alla janadii kawaabiyee waxuu u sheegay in ayna wax dhibaato ayna arkaynin. Xiis waxuu ahaa nin isku kalsoon oo nafta u huri jiray dadka wadankaas u dhashay ee la dhibaateeyo,maadama uu ka kid ahaa boliska isteeshin muhiim ahna uu haystay,waxaana rajeynayaa in ay taariikhdu xusto.

Aabahay Ciil iyo dhalinyaradii la xirnayd waxay xabsi dowlo ahaayeen laba bilood inkasta oo ayna arag wax dhibaato ah oo walaalkood gacanta ku hayay. laba bilood ka dib ayaa la soo daayay Aabahay Ciil iyo dhalinyaradii Maxkamad la,aan.

To Be Continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daljir

Tuesday, April 10, 2001 - 07:57 pm
ahmed.G lol bro,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Tuesday, April 10, 2001 - 10:56 pm
TO: TIGARCIIL.Saxiib tigar, ma'cejli in aan sheekadan kuwareegaysano kaligeed taasina waa mida aan waxlanoqon waynay[waa waytahay &ma'aha..]
SAXIIB,fadlan nin aad isagayeel-yeelaya ayaadtahay'''
SABABTOO AH,majirto INGIRIIS rabay in uu soomaali gaarsiiyo xoriyadooda kadib markay soomali kadiidayda uu 5 ukala qaybiyay, waxaan ognahay in ay ladagaalamayeen HALGANKII XORNIMO iyo DIIN UDAGAALANKA ahaa ee soomaliyeed mudo kabadan
"21sano" hadaba haduu ingisiis soomaali xornimo larabay muxuu ugu dayn waayay iyaga ayaaba isxoraynayaye??????''''''''''''
tankale sxb, xilga laqaybiyay may ahayn 1950kii[soomali]waxay ahayd 1884tii shirkii kadhacay BARLIN, tankale,ma'ayna dooraninKOONFURTA SOMALAI TALYAANI,sababtoo ah wuxuu ahaa dhaq-dhaqaaqa ugu muhiim sanaa ee koonfurtu ay xarunta u ahayd"S.Y.L" so. waxay syl, kudooday in ingiriis,TALYAAYI iyo cidkale midna aan loodhiibin lakiin loodhiibo mudada 10 tobanka sano ah ee kahoraysa xornimoda "U.N"ka waa dhamaan soomaalida oo dhan kadibna lagaar siiyo xoriyadooda.
Runtii wayjireen reer koofureed badan oo udoodayay talyaani,siday ujiren kuwo XABASHI udoodaana[waa Foonfurta somalia oo kaliya ah]
hase yeeshee wax raadleh oo codkooda lamaqlayo mayahayn waxaana ka aqlabiyay iyo siyaasadba badnayd'S.y.L" sidaas ayayna udhacday oo "U.N" ayaa loo dhiibay oo iyaguna mamul ahaan u ogolaaday ITALY iyadoo ay dalal kalena kormeeraynayaan.
wsaqooyiga soomalia ma'aanu dooranin XORNIMO,lagumana arag wax qiimo leh oo dhaq-dhaqaaq xornimo doon ah hase yeeshee ingiiska ayuunbaa sikadis ah oo aad loola yaabay[aduunyadu]ulayaabtay usiiyay XORIYADOODA 1960kii, abaalkaasna iyo xornimo udiyaarintaas wuxuu INGIRIIS ubilaabay REER WOQOOYI sanadkii kan kahoreyay.
waxaakale oo la ogyay in odayaasha REERWOQOOYIGU ayrabeen XABASHIDA,kuwaas oo in tay kacarareen iyagoo kabaqaya INGIRIIS tageen qaarbadani ETHIOPIA. sida lalawada socdo;ODAYAASHAAS KAHORTAGIDOODA AYAA UGU MUHIIMSADYD si ayn shacabka usaamayaynin....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Wednesday, April 11, 2001 - 01:34 am
TO: TIGARCIIL, iyyada oy sii socoto sheekadii

Waxayahayd sababta ugu wayn ee loosameeyay laanta afka soomaaliga ee BBCda si aynan ODAYAASHA rer woqooyiga-soomaaliya ee ugu baaqaya shacabkooda in uu gobolkaasi kubiiro XABASHI,si ayna shacabka wax saamayn ah ugu samayn[taasna waxaa siidaysay BBCda lafteeda 2000 bilihii udanbeeyay'e fadlan karaadso archive kooda].

adeer[iga raali ahow qormadii hore ayaan adeegsaday sxb eh] waxaan kuu cadaynayaa oon kuugu hayaa daliilo cad-cad oo qoraal-taariikhi ah iyo kuwo caqliba isgu jira in aynan dooranin reer soomaaligalbeed XABASHI.

taas waxaan kusoo koobayaa;
1-waxaalagu qaybiyay soomaali shirkii BAARLIIN,1884kii,XABASHI ayaana loo ogolaaday dhulkaas soomaali iyo odayaalna mayjoogin halkaasi.
2-ISTICMAARKA INGIRIISKU WAXAY XABASHI usaxeexeen dhulkeena,14/5/1897kii,mana ayna ogay soomaali galbeed,iska dhaafe taase dagaal goo-goos ah ayaa dhex marijiray xigaa shacabka & XABASHIDA.
3- ITALY sidookale waxay usaxeexday dhika xabashi,16/5/1908kii, waanad ogtahay in xiligaa uujiray halgankii SAYIDKA ee kadhanka ahaa dhamaan isticmaar oodhan.
heshiiskani[ xabashi dhulsiin tani] waa mida la-tixraacay markii danbe ee dhulka xabashi lasiinnayay[iyo dabcan kii horeba], sababtu waa kan ayaa XATAA "XUDUUDA" la isla sheegay oo ahayd 180-mayl in uugudaha ka sooyahay bada.
iyo mida laabaad oo ah madaama loo arkayay in uuyahay gobolku mustacmarad TALYAANI,maadamaa uujiray heshiis horeeyay oo udhexeeyay ingiriiska[taariikhdiisana waan soosheegi..]iyo ITALY in ay soomaligalbeed MUSTAC..ITALY tahay. iyo iayaga oo katalin jiray dhulkaasi mudo-dii udhaxaysay 1935-1941 kii.
4-REER s/galbeed oo laogyahay in aan dhulkooda xabashi iyo isticmaarkale midna xoog waxaan ahayn aanu kusoogalin[marka lagareebo ITALY, oo ay iygu laftoodu kutaageereen ladagaalanki ay XABASHI kulajirtay si ay cadaw gaas xunka ah ee ay aadka unecebyihiin uga takhalusan].

5-Wufuuda ay udireen reer s/g,beed wasiiradii afartatii dal ee waawayna"USA,INGIRIIS.FARANSIIS& RUUSH"markay utashanayeen mustacmaradahaas ay soomalidu kujirto sidii loogu talin lahaa iyo wafdigii kale ay udireen MUQDISHO xiligii waftigii xaqiiqo raadinta ee U.N ku usooduray soomaaliya. labad arimoodba waxay ahaayeen 1948kii[kamana raacin taariikhahan aan sheegayo ninka sooqoray PAGE ka aan kuutilmaamaye waa waxaan soo baaray laftaydu].

6-in uu ahaa xiligii ay doontay dawlada INGIRIISKU in ay soomaali dhamaan hooskeento xukunkeeda kadibna ay xornimadooda gaarsiiso,danaheedana kafushato maadaama uuyahay dhulka soomaalidu dhul istiraatiiji ah 1946kii[ yacni mar kii uhoraysay ee aduunyadu kamaqasho, waa kadib markuu arinttaas kudhawaaqay wasiir dibadeedkoodii"IRNAST BIIFAN".

7- kadib markay dhamaan aduunyadii oo dhani kadiiday artidaasi, ee doodoodii ahayd SHACABKA ayaana rabana ayku baa-ba'day xaqiiqdii uusoogaaray waftigii U.N ka ee xama yimid ee dhamaan ay soomaalidu u aragtay in uu rabo ingiriis isticmarnimo cusub[dabcan reer woqooyi markii laga reebo] ayuu go'aan saday in uu isga oon cidina ogayn[xaga shacabka somaa..] in uu kala tuur-tuuro soomaali.

8-waxay ahayd xiliga ugu danbaystii INGIRIIS XABASHI kuwareejiyay 24/3/1948 kii."9" maalmood kadib markii arinta soomaliyeed laguwareejiyay U.N ka eey xaqiiqsadeen in aanu nayhelaynin siday doonayeen gaalada ingiriisku.

9- in uu ogaaday shacabka ssoomaaligalbeed arintaas 1955 kii. oo inhore laga qarinayay[arintan waxaa siidaysay BBC da bishii janaayo ee 2000.iyadana karaadso].

10-wuxuu ahaa shirkan lasheego ee ODAYAASHU ay xaadireen ee laga wada hadlayay in aan XABASHIDA imanaysa gobolka lala dagaalamin ookaliya, iyada oolaga qainayo in dhulkooda xabashi lasiiyay 1949kii.
hadaba naftaada hagu daalin kutidhi kuteentaasi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Wednesday, April 11, 2001 - 01:34 am
TO: TIGARCIIL, iyyada oy sii socoto sheekadii

Waxayahayd sababta ugu wayn ee loosameeyay laanta afka soomaaliga ee BBCda si aynan ODAYAASHA rer woqooyiga-soomaaliya ee ugu baaqaya shacabkooda in uu gobolkaasi kubiiro XABASHI,si ayna shacabka wax saamayn ah ugu samayn[taasna waxaa siidaysay BBCda lafteeda 2000 bilihii udanbeeyay'e fadlan karaadso archive kooda].

adeer[iga raali ahow qormadii hore ayaan adeegsaday sxb eh] waxaan kuu cadaynayaa oon kuugu hayaa daliilo cad-cad oo qoraal-taariikhi ah iyo kuwo caqliba isgu jira in aynan dooranin reer soomaaligalbeed XABASHI.

taas waxaan kusoo koobayaa;
1-waxaalagu qaybiyay soomaali shirkii BAARLIIN,1884kii,XABASHI ayaana loo ogolaaday dhulkaas soomaali iyo odayaalna mayjoogin halkaasi.
2-ISTICMAARKA INGIRIISKU WAXAY XABASHI usaxeexeen dhulkeena,14/5/1897kii,mana ayna ogay soomaali galbeed,iska dhaafe taase dagaal goo-goos ah ayaa dhex marijiray xigaa shacabka & XABASHIDA.
3- ITALY sidookale waxay usaxeexday dhika xabashi,16/5/1908kii, waanad ogtahay in xiligaa uujiray halgankii SAYIDKA ee kadhanka ahaa dhamaan isticmaar oodhan.
heshiiskani[ xabashi dhulsiin tani] waa mida la-tixraacay markii danbe ee dhulka xabashi lasiinnayay[iyo dabcan kii horeba], sababtu waa kan ayaa XATAA "XUDUUDA" la isla sheegay oo ahayd 180-mayl in uugudaha ka sooyahay bada.
iyo mida laabaad oo ah madaama loo arkayay in uuyahay gobolku mustacmarad TALYAANI,maadamaa uujiray heshiis horeeyay oo udhexeeyay ingiriiska[taariikhdiisana waan soosheegi..]iyo ITALY in ay soomaligalbeed MUSTAC..ITALY tahay. iyo iayaga oo katalin jiray dhulkaasi mudo-dii udhaxaysay 1935-1941 kii.
4-REER s/galbeed oo laogyahay in aan dhulkooda xabashi iyo isticmaarkale midna xoog waxaan ahayn aanu kusoogalin[marka lagareebo ITALY, oo ay iygu laftoodu kutaageereen ladagaalanki ay XABASHI kulajirtay si ay cadaw gaas xunka ah ee ay aadka unecebyihiin uga takhalusan].

5-Wufuuda ay udireen reer s/g,beed wasiiradii afartatii dal ee waawayna"USA,INGIRIIS.FARANSIIS& RUUSH"markay utashanayeen mustacmaradahaas ay soomalidu kujirto sidii loogu talin lahaa iyo wafdigii kale ay udireen MUQDISHO xiligii waftigii xaqiiqo raadinta ee U.N ku usooduray soomaaliya. labad arimoodba waxay ahaayeen 1948kii[kamana raacin taariikhahan aan sheegayo ninka sooqoray PAGE ka aan kuutilmaamaye waa waxaan soo baaray laftaydu].

6-in uu ahaa xiligii ay doontay dawlada INGIRIISKU in ay soomaali dhamaan hooskeento xukunkeeda kadibna ay xornimadooda gaarsiiso,danaheedana kafushato maadaama uuyahay dhulka soomaalidu dhul istiraatiiji ah 1946kii[ yacni mar kii uhoraysay ee aduunyadu kamaqasho, waa kadib markuu arinttaas kudhawaaqay wasiir dibadeedkoodii"IRNAST BIIFAN".

7- kadib markay dhamaan aduunyadii oo dhani kadiiday artidaasi, ee doodoodii ahayd SHACABKA ayaana rabana ayku baa-ba'day xaqiiqdii uusoogaaray waftigii U.N ka ee xama yimid ee dhamaan ay soomaalidu u aragtay in uu rabo ingiriis isticmarnimo cusub[dabcan reer woqooyi markii laga reebo] ayuu go'aan saday in uu isga oon cidina ogayn[xaga shacabka somaa..] in uu kala tuur-tuuro soomaali.

8-waxay ahayd xiliga ugu danbaystii INGIRIIS XABASHI kuwareejiyay 24/3/1948 kii."9" maalmood kadib markii arinta soomaliyeed laguwareejiyay U.N ka eey xaqiiqsadeen in aanu nayhelaynin siday doonayeen gaalada ingiriisku.

9- in uu ogaaday shacabka ssoomaaligalbeed arintaas 1955 kii. oo inhore laga qarinayay[arintan waxaa siidaysay BBC da bishii janaayo ee 2000.iyadana karaadso].

10-wuxuu ahaa shirkan lasheego ee ODAYAASHU ay xaadireen ee laga wada hadlayay in aan XABASHIDA imanaysa gobolka lala dagaalamin ookaliya, iyada oolaga qainayo in dhulkooda xabashi lasiiyay 1949kii.
hadaba naftaada hagu daalin kutidhi kuteentaasi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diida Canaani

Wednesday, April 11, 2001 - 06:13 am
To: Oday-Absame
Br waad ku mahadsantahay taariikhda wanaagsan eed noo soo gudbisay iyo isku taxalujinteediiba waana howshaadi ood gudatay ayaan ku leeyahay
waxaana kaa codsanayaa inaad noo soo gudbiso cinwaanka PAGE ka aad sheegayso ee tacsida marxuumada somali galbeed. Tnx.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Wednesday, April 11, 2001 - 07:50 am
TO: All

Biography
qaybtii 10aad

Markii Aabahay ka soo baxay xabsigii,waxaan kula kulanay Xamar Maqtal Daahir oo diiday in uu baabuur lug saaro inta dadkiisa silicsan yihiin dhulkiisa Axmaaro gumaysato,Maqtal waxuu ka waraystay Aabahy Ciil caafimaadkiisa iyo dhalinyaradii la xirnayd,waxuu dhiliil dusha uga tuuray dowladii Somaliyeed gaar ahaan Madaxweynihii Somalia Maxamed Siyaad Barre,waxuuna ku eedeeyay in uu ka duway halka Somaligalbeed sidii loogu tala galay,taasina ay sababtay in dadkanagii soo qaxaan burbur dhaqaale iyo dadna ay ka liftay,waxuu aabahay kula dardaarmay in aan la niyad jabin hagankuna halkiisi ka sii socdo.

Waxaan ku noqonay Jalalaqsi,aabow Ciil maxaa Buul caws dabada isu jeedinaaya! Qaxootigii waxuu noqday Buubin (Barwaaqo) waxaa Somalia ku soo qulqulay lacag adag (doollar) iyo raashin carada ka badan,waxaa helay shaqo dad aad u badan oo Somali ah,Saraakiishii dawlada ka socday ee maamulaayay Qaxootiga oo markii hore dhuudhuubnaa way ballaadheen oo caloosha iyo dabada ayaa baxday midba goonideeda, Waxaa soo baxay jagooyin sida: field monitor,field manager,manager,kaar-jabiyeiyo damdamleeye.

To Be Continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Wednesday, April 11, 2001 - 08:31 am
TO: Duq Absame

Adeer waad salaaman tahay,waxyaabo badan ayaad xog ogaal u tahay balse waxaad moodaa in aad yare isgiijinayso oo aad difaacayso somaligalbeed,adiga oo ka yaaban in cadawgu na dhaho shalay adinka ayaa na doortay. anigu saas uma arko waxaa lagama maarmaan ah in aan barno dadkeena taariikhda dhulkeena xataa hadday kharaartahay oo dadka qaar ay ka sheexayaan ama ka xishoonayaan in la sheego.

Kuguma khilaafsani in somalia la kala qaybiyay 1884,kugumana khilaafsani taariikha kale aad soo sheegtay,adiga ayaa qiray in loolan ka jiray dalalkii somali gumaysan jiray,waxaan kale oo aan rabaa in aan ku xusiisyo in dagaal dhaxmaray Ingriiska iyo Talyaaniga,Ethiopia iyo Talyaaniga oo oo uu ka dacay dhulka somaligalbeed,why,waxay ahayd loolan loogu loolamaayay in somalia iyo somaligalbeed midba gacanta ku dhigo. Marka aan leeyahay Ingriisku waxuu rabay in uu xornimo gaarsiiyo somalia waxaan ka wadaa markii ay soo ifbaday halgankii gobanimadoonka somaaliyeed murankii ka dhacaayay U.Nka.
waxaan rabaa in aan kuu xaqiiyo bosishankayga xagga Ingriiska. Ingriisku marnaba lama rabin somalia xornimo ee waxaa ku khasbay halgankii gobanidoonka somaaliyeed,Ingriiskuna waxuu ahaa ama hadda yahay wax khayaano badan,marka waxuu islicmaalaayay khayaanooyinkiisa waxuuna rabay in uu daaqada ka tuuro Tanyaaniga iyo Ethiopia.

Ilaa hadda ma hayno wax taageeraaya inayna somaaligalbeed Amxaaro dooranin,Pagekii aad ii sheegtayna waxaa ku hayaa study waxii ka soo baxana waan orki doonaa.waxaan kale oo ugu baaqayaa dadka u dhashay somaligalbeed ee xogta ka haya arintaas in ay ka soo qayb galaan debatena loo furo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JIMCAALE

Thursday, April 12, 2001 - 03:14 am
aslaamu calaykum

Marka hore waa ku mahadsanyahay walaalkeena noo furay mowduucaan qiimaha badan Kadib.

To: KOOSHIN

walaalow waxaan kaa codsanaynaa inaad mawduucaan wixii aqoon iyo xog-ogaal ah oo aad u leedahay inaad ka geysato
waayo intaan arkayney dadka ka dooda arimaha soomali galbeed wax isaga aragti, xog xogaalnimo iyo waliba ixtiraamid dadka ka fikrad duwan ma aanan arag

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Thursday, April 12, 2001 - 07:45 am
TO: All

Biography
Qaybtii 11aad

Waxaa aad u batay ardadii Somaligalbeed ee dhiganaysay Dugsiyada Hoose/Dhexe,ardaygii gaara fasalka 8aad waxaa loo sheegay in uusan dhaafi karin una gudbi karin Dugsiga sare, waxaana wareegto ka soo saaray Shuuke oo ahaa wasiirka waxbarashada Somalia,waxaa soo baxay in qaxootiga loo qaadi doono North America sii United States,dadkii meeshaas loo soo qaaday ma ahayn qaxootigii ka yimid somaligalbeed ee waxay ahaayeen dad somalidii lagu soo qaxay u dhashay.

Wasiir ma leedahay ayaa ka dhacday! Wasiir kastana waxuu rukumudeeshan u galay in dadkiisu ugu baxaan United States Qaxooti,somaaligalbeed wax wasiir ah oo u dhashay waxaa jiray Bile Rafle,haddii aad arimahaas ula tagtana balaayaa kaaraaci oo waxuu kuu dedejin cay uu caayaayo asalkaaga halka aad ka soo jeeday iyo nasbkaaga,waxaa kale oo gudoomiye ka ahaa hay,ada qaxootiga inna Tarax isaguna waxuu ku taajiray muddo dawr bilood ah sidaad ku aragtana way adkayd.

To Be Continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Friday, April 13, 2001 - 09:49 am
TO: All

Biography
Qaybtii 12

Dagaalkii 1977 ee naga soo bara kiciyay guryahanagii iyo dalka nagii waxuu dhalay kooxo macaarad ah oo ka soo harjeeday dowladii Siyaad Barre oo hormuud u ahaa Cabdullaahi Yusuf oo hogaaminaayay Ururkii SSDF,ka dibna waxaa dhashay SNM oo uu hogaaminaayay Cabdiraxman Tuur,ka dibna waxaa dhashay USC oo uu hogaaminaayay General Caydiid waxaana soo abaabulay oo taageeraayay dowlada Ethiopia oo uu ka talinaayay Mingite.

Ethiopa waxay soo dhoobtay ciidamo aad u tira badan Ogadenia/Somaligalbeed,waxaana aloosmay dagaal, ciidamada Ethiopian iyo Mucaarad la socday waxay soo galeen dhulkii Jamuuriya Somalia sida Balanbal,Galdogob,diyaaradahooda dagaalka waxay duqay joogto ah ku hayeen gudaha somalia iyo somaligalbeed dadkii ay ku dishay gudaha somalia waxaa ka mid ahayd walaashay maryama Cindi oo ay wadaha ka haleeshay hubkii ay soo tuuraysay.

Dowladii somaliyeed waxaa ku adkaatay xaalada waxayna bilowday in ay qafaasho ciidan cusub si uu wadanka u daafaco,waxay u yeertay odayaashii somaligalbeed waxaana loo sheegay in ay ciidan ka keenaan qaxootiga,waxaana weliba loo sheegay in la siin doono miisaaniyadii ay ku soo ururin lahaayeen iyo mushqaayadoodii.

To Be Continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAARREEYWIIL

Friday, April 13, 2001 - 10:14 pm
Tiger Ciil sxb waan ku salamay. waxaana ku xasuusin lahaa in aad sheekadaada gadaal ka halyn rabto. waayo somalidu waxay ku maah maahda KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO. waxaana ku xusuusin lahaa hadal qaali ahaa oo xikmad badnaa oo hooyo soomaliyeed wiilkeed ah kula dar daarmaysay mar uu dad safar ah meel u raacayey, waxayna ku tiri wiilkeedii. HOOYOOY QOF ISAGUBA DAALAN YAAANU ADI KUGU NASAN. Oo macnaheedu yahay hadii socod dheer lawada galo waa lawada daali marka adigu ha uga horaynin dadka hadalka ah inna nasiya waan daalee waayo kolayba safarkaaba meel dagi oo nasane. Waxaan ka wadaa sxb somali maryooleey oo dhan ayaa SIYAAD BARRE intuu mushqaayad siiyo wuxuu rabo u samayn jirtay. ma ahayn kaliya shacabka somali galbeed, taas waan kaa diiday raali ahoow.

Mida kale ninyohow Aaway SPM maxaad uga tagtay illeen inataanu reer galbeedku kala tuurin SPM waxay ahayd mid kamida 3da Urur ee ugu xooga badan mucaaradka somaliya, USC. SPM. SNM. waxaan kale oo maanta faraha badan wax ka jiray oo lataaban karo ma majirin. Br xaqiiqada haka tagin. laakiin maadama dadka ay matalaysay ay ahaayeen absamaha, absamuhuna marwalba Ethiopia khatar ku hayo ka khatarsan tan guud ee somalida ayaa Reer galbeedka oo Police ka caalamka wadanka sheegta hor kacayo ka shaqeeyeen inaysan sii jirin. dad yar ayaana fahansan arintaan

Xasuusnowna markuu siyaad Barre la dagaalamayey SSFD ta oo majeerteen matalaysay qaar kamid ah majeerteenka Siyaad Barrey saraakiil u ahaayeen lacagna ka qaadan jiray, dadkoodana wax ka laynayeen. waadna wada taqanaa kuwaas magacyadooda ama somali oo dhanna way wada taqaana Sidoo kale SNM ta oo Isaaq matalaysay markay siyaad Barre la dagaalamyeen Wasiiro iyo saraakiil sarsare oo Isaaq ah ayaa Siyaad Barre u adeegayey oo shacabkooda wax ka laynayey Marka hadalkaagan dambe DALAB yuu leeyahy, umana bogin sxb, waxaana hadalkaas hooyada somaliyeed wiilkeeda kula dardaarantay aan ka lahaa in somali oo dhan oo wada sidaa ahayd aadan hadalka kusoo godin shacabka somali galbeed. marka sxb hanoqon dhurwaa dharaar ciyey is dabaqabo. wixii aan ku khaldayna ka raali ahoow sxb.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Saturday, April 14, 2001 - 05:53 am
TO: TIGARCIIL. Adeer aad ayaan uga xumahay in aad kudhaganaato sheekada kutidhi-kuteenta ah
ee aan sal iyo raad midna lahayn ee CADAWGII INGIRIIS kufaafiyay mujtamaca SOOMAAYEED dhexdiisa waa la ogyahay sifiican ayaana ay ula socdaan soomaalida udhuun duleesha taariikhda geeska afrifa in ayna habayaraatee waxba kajirin arintaas.

waxaakale oo xataa og oon maqalba tan odhanaysa XABASHI ayaa ladoortay,xabashida lafteeda,hada hadaad waydiiso nin xabashi ah oo mutacalim ah arintaas, ma-maqal ayuu kuleeyahay,mana ayna waxba kaqorin iyaga ayayna dan utahay.
waxaan waxba kaqorin INGIRIISKII,balse waxaa la ogyahay cidkasta oo taariikhda waxkala socotaana ay kabaxantahay in sheekadan odhanaysa xabashi ayaaladoortay in uu ingiriisku fidiyay dadloo tabobaray oo lagusoo tababaray "SHEEKH"oo gaadhaya 70 ruux rag iyo dumarna isgujira ayay ahaayeen, iyaga ayaana waramay, waxayna bilaabeen hawlgalkooda xiligii ay soomaalidu ogaatay arinta.

hase yeeshee dawladii kaligii taliskii ayaa qarisay oo uga danlahayd in ay isku dirto dadka iyo odayaashooda.

marka aad leedahay is adkayn aya kugujirtana,aniga oo xaqiiqhaya hadaan is adkeeyo,mujtamaca s/galbeed oo soo halgamayay in kabadan boqol iyo toban sano, maceeb ayaan falay oon waliba xaqiiqjirta sheegayo.
aduguse adeer,marka aad kudhagantahay sheeko aad waa kamaqashay dad reer miyi ah[soomalidii hore een waxbana akhriyi jirin waxbana qori..] maxaad iigu diidantahay in aan kudhaganaado xaqiiqda aan hayo.
waxaan kaacodsanayaa in aad cilmi baaris arintaan kusamayso wax loojig ah markaad soohesho dabeed aad lasoo istaagto.
raali ahaada adiga iyo asxaabta kalaba,dee waan idinyar canaananayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Saturday, April 14, 2001 - 06:04 am
TO: TIGARCIIL, hadaan adeerow sida dhabta ah eegayno ingiriis soomaalidu way kashakiyeen waxayna u arkeen in uurabo in isticmaarsi cusub uurabo.
markaa cidkasta oo diiday ingiriis dadaal uunbaykagalaysay iyo isticmaar kacaraar, mana aha waxaan anugu kuleehaye waa sida ay taariikhdu kuleedahay, waanad lasocotaa hadii aad kamidtahay dadka history ga hiwaayada uleh.
SOOMAALI GALBEEDNA WAYDIIDAY INGIRIIS,HABASHI,TALYAANI IYO FARANSIISBA iyaga oorabay[sida ay soomaalida badankeeduba ahayd] in U.N ku ay mudada kusimida layidhaahdo ay gacanta kuhayaan, kadibna ayxoroyadooda helaan.
waxaana cadayna arintan;labadii wafti ee soosheegay,baaqii ay soo saareen madaxdii matalaysay shanta soomaaliyeed iyagoo muqdisho jooga oy udireen XOGHAYAHA JAMCIDA Q.KA DHAXAYSA, bishii april ee sanadkaas,uugudigu yimid[gudiga kadib] iyo waxyaabo badan oon soosheegi doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Saturday, April 14, 2001 - 07:46 am
TO:TIGARCIIL RAALI AHOW ADEER.DEE WAAN KUYARE CANAANANAYAA ADEER.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Saturday, April 14, 2001 - 10:36 am
TO: Baarreeywiil

Saaxiib waad salaaman tahay, waan kugu raacsahanay in Siyaad Barre Somali maryooley oo kala qaybiyay,mid kasta goonidiisa uu u siiyay Mushqaaayad,anigu ma oran Somaligalbeed kaliya buu siiyay,kama hadleyn somalida kale,mawduucaygu waxuu ku socdaa Somaligalbeed ee sidaa u garo.

SMP kama tegin mana aha wax taariikhdu ka tegi karto,waxaan u kala qoraayay dhacdooyinka sida ay u kala horeeyeen,waxaan filayaa in ay ku jirto qaybta soo socota

TO: Duq Absame

Adeer waxba kama qabo in aan iscanaanano oo aan isweydaarso Cilmiga iyo wixii dan inoo ah,haddana xaqiiqada in aan katagno ma aha,waa in aan markasta xaqiiqada wax ku qabsanaa. waqtigii ay dhacday qaybtii Africa waxaa wax ka qoray kuwii qayb saday oo kaliya ama reer Yurubba,ma jirin qoraa Somaaliyeed oo waqtigaa wax qori jiray,hadduu jiray ii sheeg.

Qoraalada hadda aad adigu tixraacayso waxaa la qoray markii Axmaaradu timid Somaligalbeed ka dib waxayna ku dhisnaayeen sheekooyinkii laga helay dadka aad ku sheegtay reer miyi iyo qaar laga soo qaatay kuwii qaybsaday Africa ee ay Ethiopia ka mid ahayd. Yes waa laga yaabaa taariikhda aan haysto in ay ka timid dadkii waqtigaa joogay oo reer miyi ahaa,balse waa tan dhabta ah ayaan leeyahay,waxaana qabaa marka aan ka hadlaayo taariikhdayda ama taatiikhda dadkayga in aan kalsooni qabo oo aanan islahayn dad kale ayaa ku dhihi anaga ayaad shalay na doorateen tani qaris uma baahna DUq Absame.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tigar Ciil

Saturday, April 14, 2001 - 12:19 pm
TO: All

Biography
Qaybtii 13

Goor subax ah ayaa waxaa nagu waabariistay ciidan Tuuteysan oo uu horboodaayo Macaanjecel Magaag,waxaa ciidama madax ka ahaa laba nin oo u dhashay somaligalbeed oo la kala oran jiray Shucaac iyo Ganey,waxayna bilaabeen in ay soo uruuriyaan dhalinyaradii loo diiday in ay u gudbaan dugsiyada sare iyo waxay ku dari kareen,waxaana laga buuxshay gawaari u diyaar ahaa waxaana loola kacay xagaa iyo Xamar qaarna waxaa loola kacay xagaa iyo Dhuusamareeb.

Waxaa sii batay Mucaaradkii dowladii Somalia oo ay ka mid ahaayeen SSD oo uu hogaamye u ahaa Abu Jahal (Cabdullaahi Yusuf) SNM oo uu tuur u ahaa hogaamiye,USC oo Caydiid hogaaminaayay,waxaa dhalatay SPM oo uu hogaamiye ka ahaa Biliiliqo oo jaahwareer ku riday dowladii somaaliyeed,waxayna ka hawlgaleen Jubbaland,maadaama ay ahaaayeen mucaarad gudaha ka dhashay,dowladu waxay xoogsaartay in ay ku duushu,waxaana ciidamada dowladu dhib wayn u geysteen dadkii Absame ee halkaas deganaa iyda oo u adeegsanaysa qabiilka Mareexaan oo si fiican loo hubeeyay iyo ciidankeedii,waxaana loogu geystay dadkaas dil,dhac,iyo kufsasho. Kooxihii kale ee Mucaaradku waxay fadhiisimo ka samaysteen dhulkanagii,sida Qabridahare,Shilaabo,Jigjigga iyo meelo kale.

TO Be Continue

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Sunday, April 15, 2001 - 12:58 am
TO:TIARCIIL,Adeer waad kumahadsantahay hadii aad ogoshahay isku yare leex-leexadka ood kadulqaadanayso, waaguul midaasi.
tankale TIGAR waxaan aan kaakari la'ahay ma war aanjirin ha'inasaarin cadawgeena ha'inoojabinbaa? waa arin layaableh'''
tankale adeer, waarun in aynajirin/ aad uyaraayeen qoraayada soomaaliyeed xiligii isticmaarka.tankale waarun waxa aan kudoodayo, in uuqoran isticmaar,aduunyadakale,axmaaro iyo soomaali igaas kasooxigatay/soo ururisay dhacdooyinkii loojoogay.
hadaba sheekadan aynu isku hayno waa sheeko gumaysi abuuray si uu dhalinyarta fikiraysa ee adiga ookale ah moraalka ugadilo, hadii ayhelayso XABASHI ayay daliil unoqon lahayd oo ORYATEESHINADA" aduunka ee soomaali ay kuwada doodijireen kasheegilahayd, mana aynadhicin waana mid iyaga dan u ah, marnaba mayna ka'habsaameen,
mise iyagana waxaad leedahay mayna wax qorijirin.

Kalsoonidduse adeer ma'in aad iskuceebayso ceeb aadan lahaybaa?
waamid aanay laba mutacalim kawada doodaynin arintani, TIGAR CIIL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hmj

Monday, April 16, 2001 - 05:20 am
tiger ciil:
walaal waxaad mooddaa in facts and fiction aad isku dhex waddo, siday doontaba ujeeddaadu ha ahaatee, waxaan rabaa inaan wax yar kaaga sheego absamaa amxaaro inay gumaysato dooratay.
waxaad tiri dhacdada la hayaa waxaa qoray nimankii wax qaybsaday. anaguna waxaan argnay raggii fore frontiga waqtigaas ahaa.waxay yiraahdeen sidan:
ingiriis waxuu go'aansaday inuu amxaaro dhulka siiyo waxaana arrintaa taageersanaa ruushka iyo maraykanka, waxaa diidanaa talyaaniga oo qura.
waxaa la qaban -qaabiyay shir wayn oo laisgu yeeray rag badan, waxaase si ulakac ah looga tagay
raggii siyaasiinta dhabta ahaa ee ingiriis ku diidana arrintaa waxaa ka mid ahaa xuseen xayle oo fatuuraddiisii lagu banjariyay banka qorraxay. xuseen aabi oo lagu xiray wardheer iyo xuseen nuur oo loo sooqaaday xamar kuna geeriyooday jeelka intuba waxay diidanaayeen in xabashi dhulka lasiiyo. waxaa shirka joogay odayaal in lagumaysto aanba ka warhayn . waxaad ogaataa in amxaaro la abaal mariyay sababtoo ah waxay ingriis gacan ku siisay inuu talyaaniga kaga adkaado north africa and norht east africa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUQ ABSAME

Monday, April 16, 2001 - 07:35 am
TO:HMJ, adeer intuba waaruntaa waxaa kale oon kuugudaray,SULDAAN OLOL DIINI oo lagudilay isla goobtii shirka kadib markuu sikukul uhadlay una sheegay,dadkii meesha laysagukeenay xaaladu sidaytahay,
waxaakale oo dirqi kubaxsaday, SULDAAN BIIXI FOOLAY oo kadibna tagay xarunta JAMCIYAD QUR.KADHAXAYSA isaga iyo wafti uuhogaaminayo 1955kii.
wafatgaasi oon waxba laga dhagaysanin, sidoo kale waxay qoraalada badhkood cadaynayaan in isla sanadkaasi lagasoo afduubay HALGAMAAGII WAYNAA EE "MAKHTAL DAAHIR"magaala muqdisho XABASHINA gacanta loosoogaliyay,arintaas waxaakadanbeeyay ingiriis.
tankasii daran sanadkii 1948 ki oo kahoreeyay sanad kuu shirka khayaamo dhacay ayaa waxay dawlada ingiriisku amar kubixisay in dhamaanba laxidho xafiisyada ay gobolka kuleedahay "S.Y.L" waxaana la ogyahay in dhamaan dadka reer s/galbeed aytaageerijireen ururkaas oyna lahay siyaasad kalaqaybsan[sida kajirtay dhamaan dholka kale ee soomaalida].

waxaa kudhintay markii lagadajinayay calanka S.Y.L magaalada JIGJIGA lana xidhayay xafiiskka ururka dad tiro badan oo lawada ogyahay.
sidookale waxaa kadhacay magaalada QABRIDAHARE kacdoon SHACBI ah oo mudo socday, meelobadan ookalena sidaas ayay kacdoomo ugadheceen.

su'aalo;
1-muxuu waftigii U.N ka ee xaqiiqa raadintu u iman waayay gobolka hadii s/galbeed lala rabay in ay walaalahooda kale raacaan?
2-maxaa aduunyadu uaga hadli wayday kadib iyada oon arinta guud ahaanba soomaalida go'aan laga gaadhin markii uu ingiriis XABASHI dhulka kuwareejinayay, waliba iyada oo ay arintu hortaalo J.QUR.KADHAXAYSA?
3-maxaase kadib markii ay arinta ragii lahaa udhaq-dhaqaaqeen sida eratariya loo ixtiraami waayay?