Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): Somali Regional State(SRS) waa waddan keena oo xoroobi doona dhowaan!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SomaliGalbeedi

Tuesday, April 03, 2001 - 06:21 am
Somali Regional State, waa dhulkeenna mar Xayle u bixin jiray OGADEN, marna aynu inagu ula baxnay Somali galbeed.
Qofkastoo galbeed ahoow ogow inaad dal leedahay uuna kaa mudan yahay halgan iyo hammi.
Waa waddan le'eg kan hore loo odhan jiray JDS.
Waxaan ku dhiirri galinayaa dhamaan dhalinta, ardayda iyo indheergaradka Somali Regional State in ay urur utaagan dalkooda iyo dadkooda ooFADLAN QABIILKA NACASKA AH ka xora ay ka sameeyaan magaalo kasta oo qurbaha ku taal oo lagaheli karo dadkaa.
Waxa uu dhowaan kasoo bixi doonaa magaalooyinka waawayn ee Maraykanka qaar kamida iyo Canada, sidoo kalana Yurub.
Maxaa kuu diiday hanka waddani nimo wiil galbeedoow. Maxaad u daawataa Siyaasad qabyaaladeedka xun ee ka socda Somaliya?
Waar waddan baynu leenahay aan fadhiga iyo isdhigashada ka kacno oon isu nimaadno melkasta oon joogno.
Xornimada SRS ha hirgasho.
Somali Regional State! Somali regional State! hala yimaad dastuurkiisa, madaxdiisa hana ka taliyo aayahiisa.
Noolaada dhammaan Somali Galbeed.